Home Blog Page 958

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Soomaaliya

0

JOHANNESBURG-(SNTV)-Howl-galka Maraykanka Afrika ee Africom loo yaqaan ayaa sheegay in Diyaaradahooda dagaalku ay Laba weerar ku qaadeen fariisimaha Ururka Al-Shabaab ay ku leeyihiin Soomaaliya.

Af-hayeen u hadlay Africom, ayaa Wakaaladda wararka ee AP u sheegay in wixii xog ah ee ku aaddan Duqeynta iyo weerarrada ka dhanka ah argagixisada ay la wadaagi doonaan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Af-hayeenka ayaa goor-dambe u xaqiijiyay warbaahinta in ay dileen xubin ka mid ahaa Al-Shabaab, duqeyntuna ay ka dhacday agagaarka Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, balse ma bixin wax faah-faahin ah oo intaasi dheer.

Dhowaan ayay ahayd markii ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibbadooda Africom ay weerar ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ku dileen ugu yaraan 50 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo gaaray Garoowe

0

Garoowe-(SNTV)-Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, mudane; Cabdi Xaashi C/llaahi, ayaa Maanta gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamul Goboleedka Puntland.

Mudane; Xaashi iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Goalaha wakiillada ee Dowlad Goboleedka Puntland, C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo daareed) iyo xubno ka tirsan Baarlamanka maamulkaasi.

Shir Jaraa’id oo ay Labada mas’uul ku qabteen qeybta Dadka muhiimka ah ee VIP-da loo yaqaan ayay ku sheegeen in ay wada shaqayn dhow ka dhaxayso Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Shacabka maamulka Puntland.

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/llaahi, iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay Maalinta Sabtida ah kaga qeyb galaan Magaalada Garoowe Caleema-saarka Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/laahi Deni, oo dhowaan la doortay.

Madaxweynaha Puntland oo ka qeyb galay aaska Jeneraal; Carays

0

Garoowe-(SNTV)-Madaxweynaha Puntland ayaa Maanta ka qeyb galay aas loo sameeyay Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays), oo Shalay ku geeriyooday Magaalada garoowe.

Aaska ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay, mas’uuliyiinta maamulka Puntland, Labada gole ee Dowlad Goboleedka, Saraakiil, madaxdii hore ee maamulkaasi, Culimaa’udiin iyo Dadweyne fara badan.

Marxuum Gen. Cabdullaahi Cali Mire (Carays) ayaa waxaa uu kamid ahaa Saraakiishii Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo markii danbe noqdey Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, isaga oo haatanna ahaa lataliyaha Madaxweynaha Puntland arrimaha amniga.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni, oo ka hadlay aaska ayaa mar Labaad uga tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Careys.

Mas’uuliyiinta Soomaalida Kenya oo Gaashaanka u daruurtay in xilligan la celiyo Qaxootiga Dhadhaab

0

Gaarisa-(SNTV)-Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamanka is-maamulka Gaarisa Kenya, Maxamed Cali Sheekh, ayaa Gaashaanka u daruuray in Soomaalida ku nool Xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab ay gabbaad siiyaan Kooxda Al-Shabaab ama laga soo maleego falalka argagixisanimo.

Hadalkan Mudane Maxamed, ayaa jawaab u ahaa codsi uu Gudoomiyaha Gobolka Tana River ee Dalkaasi, Daado Godana, u diray Dowladda dhexe, kaas oo ahaa in Dalkooda Hooyo lagu celiyo Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Xeryaha Dhadhaab, maaddaama halkaasi laga soo abaabulo weerarada ay Kooxda Al-Shabaab ka geysato gudaha Kenya.

Guddoomiye Maxamed Cali, ayaa sheegay in Dadka Qaxootiga ah ay marti gelisay Dowladda is-maamulka Gaarisa, wuxuuna hadalka , Daado Godane ku tilmaamay mid isir nacayb ah, isla markaana uusan ka hadli Karin maadaama aysan Dhadhaab ahayn degaankiisa.

Wuxuu sidoo kale Gudoomiyuhu walaac xooggan ka muujiyay hadalka Daada Godane, isagoo sheegay in ay ujeedadu tahay mid uu ku doonayo in lagu wax yeelaayo dadka Soomaaliyeed ee degan Gobolka Tana River, colaad sokeeyana uu ka abuuro halkaas.

Laamaha ammaanka ee Dalka Kenya ayuu ka codsaday in ay ka feejignaadaan hadalada ka imanaya Daado Godane, wuxuuna codsaday in lala xisaabtamo oo tallaabo sharci ahna laga qaado.

Saraakiisha ammaanka degmada Afgooye oo faah faahin ka bixiyay howlgalo amni sugid ah oo halkaasi ka socda

Afgoye (SNTV) Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose iyo deegaanada hoostaga waxaa ka soconaya howlgalo lagu xaqiijinayo amniga guud ee degmada iyo deegaanada hoostaga,si looga hortaga falalka guracan ee koxda Alshabaab.

Taliyaha Saldhigga Degmada Afgooye C/qaadir Warsame oo lahadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in lagu guuleystay adkeynta amniga iyo ka hortaga dhagaro badan oo alshabaab ay u maleegayaan shacabka,wuxuuna xusay in isbedelo ballaraan oo dhanka amniga ah ay kajiraan degmadaasi.

Wuxuu taliyuhu ku ammaanay shacabka degmadaasi Afgooye sida ay ula shaqeynayaan laamaha ammaanka,taasi oo uu ku tilmaamaya in ay horseedey in sugida nabadgeliyada lagu guuleysto.

C/qaadir Warsame oo ka jawaabay su’aal ahayd weerarada ay geystaan mararka qaar koxda ALshabaab ayuu xusay in ciidanku ay heegan ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen isku day kasta,isagoo xusay in la fashiliyay dhagaro badan oo ay u soo maleegayeen shacabka.

Degmada Afgooye waa goob Istraatiiji ah marka loo fiiriyo isku xirka Muqdisho iyo gobolada kale ee dhaca Koonfurta Soomaaliya,saraakiisha ammaanka ayaa ka codsaday bulshadu in ay xoojiyaan wadashaqeynta laamaha ammaanka,maadaama shacbku ay yihiin lafdhabarta horumarka amni hadii ay muujiyaan dowrkooda.

Safiirka Turkiga oo Casha Sharaf u sameeyey Golaha Aqalka Sare

0

Muqdisho (SNTV) Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo xubna Senatora ah ayaa aqbalay casho sharaf uu u fidiyay Safiirka u fadhiyo Soomaaliya Dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga ambassador Mehmet Yelmaz.

Intii uu socday kulanka casha sharafta Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Dalka iyo shaqooyinka ugu horeeyo ee uu rabo safiir mehmet inuu xoogga saaro.

Gabagadii kulanka Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kaga mahad celiyay safiirka casha sharafta iyo kulanka qiima badan, dhankale safiirka Dowlad Turkiga ayaa Mahad naq ka sakoow sheegay markastana Aqalka Sare uu u leeyahay Mudnaan Gooni ah.

Maleeshiyaad iyo horjoogayaal Shabaab ah oo lagu dilay Jilib

Muqdisho (SNTV)- Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga dalka ayaa lagu xasuuqay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalkan ayaa ka dhacay ilaa iyo shan goob,  oo ay ka mid yihiin xarunta Difaacyada oo ah goob ay ku diyaarinayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, Xarunta Amniyaadka, Xarunta Saadka, goob ay ku diyaariyaan qaraxyada iyo Xarunta maaliyadda oo ah goob ay ku keydsadaan xoolaha iyo lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan shacabka, kuwaasi oo gebi ahaanba la bur buriyay, kaddib markii duqeyn xagga cirka ah lala geystay.

Saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi lagu qaarajiyay dhowr boqol oo ka tirsan argagixisada, maadaama ay goobahaas ku sugnaayeen maleeshiyaad lagu qiyaasay 700, oo isugu jirta horjoogayaal iyo maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana goobta lagu bur buriyay 30 gaadiidka dagaalka ah.

Xarunta Shabaab u ahayd difaaca ayaa lala eegtay saddex gantaal, waxaana goobtaasi ay argagixisadu ku diyaarineysay maleeshiyaad ay ka soo aruuriyeen gobollada dalka, iyadoo inta duqeynta ka badbaaday ay goobta ka firxadeen.

Horjoogayaasha la xaqiijiyay in howlgalka uu dhaawac culus ka soo gaaray waxaa ka mid  ah Cabdi Nuur Abuu Basma, oo u qaabilsanaa degmada Jilib.

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee xoogga dalka ayaa joogteeyay howlgalka lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Askar dhac iyo dil geysatay oo la xukumay.

0

Muqdisho (SNTV)- Eedeysanayaal Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa loo heystaa in ay dileen Marxuumiin Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed  oo si wada jir ah ugu safrayay waddada agfooye taarikhdu  markey aheyd 25-ka bishaii 9-aad  Sanadii 2018.

Eedeysanayaal  Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa dhigtay jid-gooyo ay kaga qaadaan baad shacabka ku safraya wadada dheer ee Afgooye, Marxuumiin Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed ayaa ahaa wadaha gaariga iyo qof dhinac fadhiyay, waxaana  wadaha gaariga lagu amray in uu bixiyo baad oo markii hore ku cusleyd balse  Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale uu amray in uusan dhaqaaqi Karin ilaa uu ka bixiyo lacagta laga rabo, waxa uu go’aansaday wadihii gaariga in uu isfurto laakiin Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle oo ahaa shaqsiga sida gaarka ah gaariga u hortaagnaa ee weydiiyay baadda ayaa  sabab u noqday xabad uu riday in ay isku  marto  labada marxuum taasi oo ay ka dhalatay geeridooda.

Isla xilligaas ayaa laga soo qabtay goobta dilka ka dhacay  kadib markii ay dadka shacabka ee ku dhaqan deeganadaasi ku war-geliyaaan ciidamada amniga in labada eedeysane ee dil geysteen, waxaana laba cisha  kadib  lagu wareejiyay hey’adda dambi baarista Boliiska CID.

Xilligaasi wixii ka dambeeyay ayaa lagu soo wareejiyay kiiska  Xafiiska       Xeer-Ilaalinta, waxaana 1-10-aad 2018  loo gudbiyay xabsia dhexe garsuga ahaan.

Muddo kadib baaristooda ayay xafiiska weydiisteen garsoorka  2-dii bishii 1-aad ee sanadkan  ayaa loo ballamay dhageysia  dacwadda  waxaana maaalin kadib lagu ballamay dhageysiga  dhinacyada Maxkamadda.

Fadhiga hore ayaa  ku filnaan waayay dhageysiga dacwadda, waxaana markale la muddeeyay 8-deedii  bishan  1-aad  iyadoo 2 cisha kadib lagu ballamay fadhi kale.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa soo bandhiga markaatiyaal wax laga weydiiyay  dhibaatadii dhacday, waxa ayna  sheegeen dadkii ka hor hadlay fadhiga maxamadda in laba eedeysane midkood uu amray in uusan dhaqaaqin gaariga inta ay bixinayaan baad ay ka doonayeen, markii arrintaas timid ayaa darawalka gaariga  garowsaday in uu iska bixiyo waxa laga rabo si noloshiisa uu bad-baadiyo.

Nasiib xumo  eedeysane Xasan Maxamed Cabdulle ayaa go’aansaday in uu nolosha u aqoonsado darawalka gaariga iyo qof rakaabka kamid ah oo dhiniciisa fadhiyay.

Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dooday  in aysan qaban qof bixiyay baaddii laga rabay oo dambi kale aheyd in nolosha la dhaafiyo taasi oo  muujineysa  in Xasan Maxamed Cabdulle uu u bareeray daadinta dhiigga labada muwaadin.

Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale ayaa isaga ahaa caawiye,  Sidoo kale lahaa qoriga dhacca lagu geystay, waxaana dadka markaatiyaasha ah sheegeen in uu bixiyay amarka ah in gaariga uusan dhaqaaqi Karin ilaa uu ka bixinayo baadda laga rabay.

Qareenada u dooday laba eedeysane ayaa ku dooday in loo naxariisto loona fududeeyo  ciqaabta labada eedeysane oo ay iska bixiyaan magta marxuumiinta.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ah guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ayaa u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda in  Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay waxa ayna maxkmadda ku xukuntay dil toogasha  ah oo ah qistaasta marxuumiinta  Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed   halka  Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale lagu xukumay sideed sano oo xabsi ciidan ah.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay  ku dalban karaan rafcaan hadii aysan ku qancin xukunka maxkamadda darajada koowaad.

Sawirka Hore Gacan Ku dhiigle :- Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle 

Sawirka Dambe :-  Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigale

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo amartay in Xabsiga dhexe lagu hayo Eedeysane u dhashay UK.

0

Muqdisho (SNTV) Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa amaratay in xabsiga dhexe ee Xamar lagu sii hayo Antony Thomas oo ah 48 sani jir u dhashay Boqortooyada Ingiriiska.

Antony Thomas  ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir sida ay sheegay waxaa loo heystaa isku day Qatar gelinta degenaanta guud iyo ku guul dareysiga sheegitaanka waxyaabaha Qarxa, kuna eedeysan Qodobada 332-531 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed.

Ciidamada Ammaanka ayaa Sabtidii lasoo dhaafay oo Taariikhdu ay aheyd 19-kii Bishaan waxay ay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho  ka qabteen Antony Thomas, islamarkaana loo gudbiyey qeybta Dambi baarista ee C.I.D.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la Kulmay Danjiraha Cusub ee Dowladda Masar

0

Muqdisho (SNTV) Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Cusub ee dalka Masar ay u soo wakiishadeen Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Safiirka horumarka ballaaran ee ka socda Gobolka Banaadir iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hawllan yihiin dib u soo celinta dalkooda, gaar ahaan olalaha isxilqaan ee dib loogu dhisayo goobihii iyo adeegyadii ku burburay dagaalladii sokeeye.

Eng.Yarisow ayaa kala hadlay Danjire Ibraahim qorsheyaashii taariikhiga ah ee Dowladda Masar ay ku gacansiin jirtay Maamulka Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhinaca waxbarashada oo ay kaalin weyn kku leeyihiin.

Sidoo kale, Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay isku xirka dowladaha hoose ee Gobolka Banaadir iyo dalka Masar, gaar ahaan mataaneynta Muqdisho iyo Qaahira.

Safiirka dalka Masar ee Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan iyo sida ay ugu garab taagan yihiin gudashada waajibaadka loo soo igmaday.

Safiirka cusub ee dalka Masar Mudane Mohamed Ibrahim Nasr waxaa booqashadiisa ku wehliyay Qunsulka Masar u fadhiya Soomaaliya Tamer  Safwat. El.mahdy.