War-murtiyeed kasoo baxay shirka madasha aragti wadaagga Soomaalida ee lagu soo gaba-gabeeyay Jabuuti

Date:

-Shirkii Aragti Wadaagga Soomaida ee ka socday Dalka Jabuuti oo Maanta lagu soo gaba-gabeeyay Caasimadda Djibouti ayaa waxaa laga soo saarey war-murtiyeed.

Shirka oo socday Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa diirrada lagu saaray:

1. Doorka Soomaalidu ka qaadan karto Nabadda Geeska Afrika
2. Qadiyadda Somaliland
3. Horumarinta Ganacsiga iyo Waxbarashada
4. Doorashooyinka ka socda Soomaaliya iyo Somaliland.

War-murtiyeedkii oo kooban:

* Madashu waxay dhiirigalinaysaa dardargalinta wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

* Madashu waxay ku baaqday in dib loo soo celiyo wada-hadlaladii Somaliland oo doorkoodu ahaa isqancinta.

* Madashu waxay walaac ka muujisay xiisadaha siyaasaddeed ee sannadkan ka taagan Soomaaliya.

* Madashu waxay ku baaqday in doorashada Soomaaliya wakhtigeeda lagu qabto

* Madashu waxay walaac ka muujisay xiisadaha Siyaasaddeed ee ka taagan Somaliland gaar ahaan arrimaha dooorashooyinka.

* Madashu waxay Somaliland ugu baaqday in ay sii waddo wada-hadalkii kala dhaxeeyay Soomaaliya si xal looga gaadho arrinta Somaliland.

* Madashu waxay soo dhaweysay ballanqaadkii madaxweyne Cagjar ee ahaa in la xoojiyo Soomaalinimada.

* Kenya: Madashu waxay bogaadinaysaa doorka ay siyaasadda iyo ganacsiga ay ku leeyihiin Soomaalida Kenya.

* Madashu waxay ugu baaqeysaa hoggaanka Soomaalida Kenya in ay wax ka qabtaan burburinta hantida Soomaaliyeed gaar ahaan burburinta hantida shirkadaha isgaadhsiinta.

* Madashu waxay saluug ka muujisay tirada kooban ee ardayda soomaaliyeed iyo tayo xumaanta waxbarashada.

* Madashu waxay soo jeedisay in sannadka 2020 loo aqoonsado sannadka waxbarashada Soomaalida. Hal ku dhigna laga dhigto: “Yaan ubadka looga tagin aqoon la’aan”

* Madashu waxay ugu baaqeysaa qof kasta oo soomaali ah in uu kaalin ka qaato horumarinta caafimaadka waxbarashada iyo caafimaadka.

* Madashu waxay madaxweynaha Jabuuti u aqoonsatay xuddunta Soomaalida.

– Shirka waxaa soo xidhay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay in uu aqbalay war-murtiyeedka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...