Home Blog Page 960

Dowladda Soomaaliya oo guryo ku wareejisay qaar ka mid ah shacabka deegaanka Sabiib

0

Wafdi  isugu jiray wasiirro iyo xildhbaano oo uu hoghaaamineyy guddoomiyaha gobalka Shabeelaha hoose ibraahin aadan Cali Najax ayaa gaarey  deegaanka Sabiid Caanoole ee gobolkaasi,iyagoo u kuurgalayay xaaladaha bulshada deegaankaasi.

Ibraahim Aadan  Najax guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Radio-muqdisho u sheegey in safarkiisa ay qeyb ka ahaayeen wasiir ku xigeenka arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Isaq Abow, wasiirka Amniga gudaha KGS Mudane Isaq Ali Subug iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

“Waxaan gaarnay deegaanka Sabiid iyo Caanoole si aan xariga ugu jarno mashaariic la soo gaba gabeeyay kuwaas oo ay ka mid yihiin dib u dhis lagu sameeyay 70 guri oo shacab danyar ah ay leeyihiin iyo masaajid kaas oo ay bur buriyeen Malleeshiyada arggixisada Ee Alshabaaab”. Ayuu yiri Gudoomiye najax.

Guddoomiye Ibraahim Aadan Cali najax ayaa  Sidoo kale waxaa u Sheegey in deegaanka sabiid ay ka hergeliyeeen nalalka cadceeda ku shaqeeya taas oo wax badan kusoo siyaadisay ganacsiga, bilicda, Amniga magaalada gaar ahaan xiliyada habeenkii.

Maamulka gobalka Shabeelaha Hoose ayaa wada dadaaalo ku aadan sidii dhamaan goobihii laga xoreeyay maleeshiyad Al-Shabaab  loogu soo celin lahaa dhamaan adeegyadii aas-aasiga ahaa ee Maleeshiyada Shabaab ay ka go”doomiyeen Shacabka isagooo shacabkana u sheegey dhawan guud ahaan gobalka la xureyn doono argagixisAda.

 

Dekadda oo ku guuleysatay Horyaalka Soomaaliya Markii 3-aad oo is xiga

0

Kooxda Kubada cagta Dekadda ayaa ku guuleysatay Horyaalka Premier league Soomaaliya 2019.

Kulanka galabta dekadda ay ciyaartay ayaa ahaa kii ugu danbeyay waxaana ay ku hogaamineysay Horyaalka Soomaaliya 2 dhibcood oo quraa hadii barbaro ay geli lahayd oo ay soo badin lahayd Horseed waxaa uu noqon lahaa mid kulan kala bax ah loo qabto kooxaha dekadda iyo Horseed balse dekadda ayaa iska hor leexisay kooxda Dowlada hoose oo dhowaan ereyday macalinkii reer Uganda Hussien Mbalangu waxaana looga adkaaday 3-2

Sadexda gool  Dekadda waxaa u saxiixay Caadil catoosh iyo idiris aamin oo  dhaliyay goolkii sadexaad ciyaarta oo ahayd markaas 2-2

Macalinka kooxda kubada cagta dekadda Yuusuf cali nuur yuu cali oo markii sadexaad kula guuleystay kooxda dekadda Horyaalka Soomaaliya una suurta geliyay kii ugu horeyay 20 sano kadib   sadex sano ka hor ayaa ugu mahad celiyay kooxaha ka dhisan gudaha dalka in xiisaha iyo xamaasada hoyaalka ay sare u qaaden.

Dekadda waa markii sadexaad oo ay ku guuleysato Horyaalka Soomaaliya 2017 2018 2019 rikoor nuucas ah oo kale waxaa horey u dhigay Macalinka Dekadda yuu cali ayadoo uu yahay Ciyaryahan.

16 sano hor ayeey ahayd markii ugu danbeysay ooh al koox ay ku guuleysato horyaalka soomaaliya sadex jeer oo is xigta waxaana ay ahayd kooxda elman hada waxaa rikoor oo kale mar kale dhigtay kooxda Dekadda oo sidoo kale ku guuleysatay sadex jeer oo is xigta

 

W/D Axmed Salaad Shiikhow

Wasaaradda Cadaaladda KGS oo soo xirtay tababar cadaaladda lagu hadlayay abo

0

Baydhabo (SNTV) -Tababarkaan maanta lagu soo gebe-gebeeyey magaalada baydhabo ee xarunta Gobolka bay ayaa waxaa lagu baranayay sida loo keydiyo Galalka Feelasha ee Dacwadaha ee kiisaska ay qaadaan Maxkamadaha sharciga iyo Saldhigyada ciidamada Booliiska ee kuyaala magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamul Gobolleedka Koonfur Galbeed.

Tababarkani oo ay taabagelisay Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda KGS iyo Hay’adda QM ugu qaabilsan horumarinta barnaamijyada ee UNDP, iyadoo ay faa’iideeysteen dhammaan dadkii ka qayb galay oo ka kala socdey qeybaha kala duwan Maxkamadaha, Booliska, iyo Ciidamada Asluubta ee Koonfur Galbeed.

Agaasimaha Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka KGS  Max’ed Deeq Cali Max’ed ayaa ugu horeyn sharaxaad ka bixiyay ujeedada tababarka iyo waxyaabaha uu ku saabsan yahay. Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Garsoorka iyo Cadaalada KGS mudane C/wahaab Max’ed Max’uud ayaa isagu soo xirey tababarka maanta.

wuxuuna uu ku booriyey dhamaan xubnihii ka qeyb galay in ay ku dhaqmaan wax yaabihii la barey ee uu ku saabsanaa tababarka.

Tababarka aqoon isweydaarsiga oo socday muddo 6 maalmood ah ayaa la soo gebogabeeyay magaalada Baydhabo.

Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaaladda ayaa horey u bixisay tababaro noocaan oo kor loogu qaadayo howl-wadeennada kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha xagga Cadaaladda.

Mareykanka oo dib u bilaabaya taageeradii uu siin jiray qeyb kamid ah Ciidanka Xoogga Dalka.

0

Muqdisho (SNTV)-War ka soo baxay Dowladda Mareykanka ayaa looga hadlay taageeradii ay siin jirtay qeyb kamid ah ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,taasi oo la hakiyay bishii December 2017.

Dib u bilaabidda taageeradii Dowladda Mareykanku ay siin jirtay qeybo kamid ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay muujinaysaa sida ay mira dhal u noqotay dib u habeyntii ciidamada lagu sameeyay iyo diiwaan gelintii lagu xaqiijiyay tirada iyo tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Washington ayaa ku ammaantay dowladda Soomaaliya dadaalkii ay ku bixisay dib u habeyntii ay ku sameysay ciidamada,kadib markii dowladda Soomaaliya ay sameysay diwaangelin ku aadn xaqiijinta ciidankaasi tirakoobkooda.

Sidoo kale Mareykanbka ayaa muujiyay sida loogu guuleystay Isla xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka maaliyadda ee dalka,taasi oo abuurtay in lagu kalsoonaan karo nidaamka ay dowladda Soomaaliya u dejisay sida loo maamulo dhaqaalaha ciidamada.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,waxaana kaalintan Mareykanku uu qaadanayo ay dhiirogelinaysaa xoojinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo dib u dhiska ciidanka.

Hadaljeedinta Madaxweyne Farmaajo ee casho sharafta diblomaasiyiinta ka hawlgala Muqdisho

0

Hadaljeedinta Madaxweyne Farmaajo ee casho sharafta diblomaasiyiinta ka hawlgala Muqdisho mudanayaal iyo Marwooyin

Aan fursaddan uga faa’idaysto inaan idinku soo dhaweeyo Villa Soomaaliya. Run ahaantii waan ku faraxsanahay inaan idinku martigeliyo halkan si aad noogala qayb qaadataan dabbaaldegga sannad-guurada 59-aad ee soo wareegtay madaxbannaanideenna. Soomaalida ku dhaqan daafaha caalamku waxay munaasabaddan qiimaha leh u dabbaaldagayeen toddobaadkii la soo dhaafay oo dhan. Waa damaashaad Soomaalida ugu suntan rajo iyo farxad.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida aad ka warqabtaan, Soomaaliya waxay sannadihii la soo dhaafay samaysay horumar xawli ah, waxaana ku faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladdaydu ay gaartay guulo waaweyn intii aan talada hayay, walow ay caqabado jiraan.

Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay la dagaallanka musuqmaasuqa, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo buuxinta shuruudaha dayn cafinta ee Hay’adda Lacagaha Adduunka (IMF) oo meel fiican maraya.

La dagaallanka musuqmaasuqa iyo dib u habaynta hannaanka dowladnimada ayaa dowladdeenu suurtageliyay inay si joogto ah u bixiso musharaadka shaqaalaha dowladda iyo in meesha laga saaro dhaqaalihii yaraa ee aan haysannay ee la lunsan jiray. Waxa intaasi dheer, dowladdaydu waxay ku guulaysatey inay xalliso god-daloolooyinka hannaanka maaliyadda. Waxaa naga go’an inaan Beesha Caalamka kala shaqaynno dib u habaynta hannaanka dowladnimada ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Marka laga yimaaddo caqabadaha dhanka amniga, waxaan aaminsanahay in Soomaaliya ay leedahay mustaqbal ifaya. Tan waxa caddayn u ah doonista xooggan iyo adkaysiga shacabkeenna oo si adag uga hor yimi argagaxisada. Mar labaad ayaan doonayaa inaan hoosta ka xarriiqo in Dowladda Soomaaliya ay ka guulaysanayso cadawgeeda, ayna ka go’an tahay inay horumar ka gaarto dhan walba.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan jeclaan lahaa inaan Beesha Caalamka uga mahadceliyo taageerada hagar la’aanta ah ee ay ku kaalmaynayso shacabkeenna. Waxaan idiin sheegayaa inaan dadaalkiinnu noqon doonin hal bacaad lagu lisay. Taageeridiinnu waxay qayb libaax ah ka qaadatay horumarka aan gaarnay sannadihii la soo dhaafay. Halkan waxaan u joognaa inaan saaxiibadeenna caalamka kala shaqaynno sidii mustaqbal fiican loogu abuuri lahaa dadkeenna.

Ugu dambayntii, dowlad iyo shacabba waxa naga go’an inaan dalkeenna hore u dhaqaajinno, isla markaasna aan dhisno dal dhexdiisa nabad ah, dalalka deriskana nabad kula nool.

Taliyaasha Ciidammada Xoogga, Booliiska Iyo Asluubta oo gaaray Dhuusamareeb

0

Taliyaasha ciidanka xoogga dalka, Booliiska iyo Asluubta ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug.

Taliyaasha oo ay la socdaan guddiga isku dhafka ciidanka qalabka sida oo hormuud uu u yahay wasiiru dowlalaha difaaca ayaa socdaalkoodu salka ku hayaa fulinta amarkii Ra’iisul wasaaraha dalka oo ahaa in la qarameeyo ciidamada Ahlusunna iyo in laamaha amniga heer federaal laga howl geliyo Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhawaan faray laamaha amniga dalka in sida ugu dhaqsaha badan ay uga howl galaan caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug si loo dhamaystiro qorshaha qarameynta ciidanka Ahlusunna looguna diyaar garoobo xoreynta deegaannada Galmudug ay Shabaabku uga suganyihiin.

 

 

Guddiyadii xaqiiqa raadinta dadkii lagu dilay Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb oo War-saxaafadeed soo saaray

0

Guddiyadii ka kala Socday Golaha Shacabka BJFS iyo Dowlad goboleedka Koofur-galbeed ee Maalmahaan ku Sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa Caawa Soo Saaray War-saxaafadeed

Carruur ay Maleeshiyada Alshabaab ka afduubteen Sh/Dhexe oo la soo bad baadiyay

0

Kooxda la magac baxday macawiisleyda ee ka howl gasha deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegtay in howlgal ay ka sameeyeen deegaan hoos yimaada tuulada Xaaji Cali ee degmada Cadalle ay argagixisada Al-Shabaab uga soo furteen 11 caruur ah oo silsilado iskula xiran kuwaasoo ay si qasab ah uga soo kaxeysteen waalidiintood.

Maxamuud Cali Afrax oo ka mid ah mas’uuliyiinta kooxda Macawisleey ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkan ay fuliyeen kaddib markii ay ka warheleen xaaladda caruurtaasi.

“Waxaan kawar helnay inay jiraan caruur Maleeshiyaadka Al Shabaab afduubteen, carruurtaas waxaa ay isku dayeen inay ka soo baxsadaan Al Shabaab balse markii ay kawar heleen baxsashada carruurta lugaha ayey silsilado uga xireen si-yasan u baxsan, dhankeena waan kawar helnay arrinkaas waana u gurmay waana soo furanay carruurtii balse hadda waxaan latacaaleynaa sidii silsilada carruurta looga furi lahaa labo labo ayey isugu xireen” sidaas waxaa sheegay Maxamuud Cali Afrax oo kamid ah Macawiisleyda dagaalka kula jira Al Shabaab.

Arintan ayaa qeyb ka ah tacaddiyada iyo gaboodfallada ka dhanka ah bani’aaddanimada oo maleeshiyaadka Al Shabaab looga bartay in ay kula dhaqmaan Shacabka Somaaliyeed

Wasiirka Dastuurka Oo Kulan La Yeeshay Wakiilka QM Ee Soomaaliya James Swan

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka XFS mudane Saalax Ahmed Jaamac ayaa maanta xafiiskisa ku qaabilay Wakiilka qaramada Midoobay ee Soomaaliya mudane James Swan oo uu dhowaan soo magacaabay Xoghayaha guud ee qaramada Midoobay António Guterres.

Wasiir saalax ayaa ugau horrayn uga war bixiyay guulaha laga gaaray howlaha dib-u-eegista dastuurka iyo sida ay dowladda uga go’anahay in ay dhamaystirto dib-u-eegista dastuurka dhammaadka sanadkan.

Wasiirka ayaa sheegay in la dhihi karo dastuurka waa uu dhamaaday balse waxa dhiman ay tahay in madaxda dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ka heshiiyaan arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed.

Sidoo kale, wasiir saalax axmed Jaamac ayaa sheegay in u jeedada ugu wayn ay tahay in Somaaliya noqoto dowlad hannaanka federalka iyo demoqraadiyaddu si sax ah uga dhaqan gasho taasna ay ku xirantahay Dastuurka oo la dhamaystiro.

“Si Soomaaliya u noqoto dowlad federal ah oo demoqraadiyaddu si fcn uga dhaqan gasho, waxaa lagamamaarmaan ah in la dhamaytiro dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax axmed Jaamac.

Dhanka kale, Wakiilka xogyaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mr. James Swan ayaa ka mahadceliyay soo dhowaynta waxa uuna boqgaadiyay guulaha laga gaaray dib-u-eegista dastuurka, sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in qaramada midoobay ay sii wadayso taageeradeeda Somalia gaar ahaan dib-u-eegista dastuurka oo uu shegay in ay muhiim tahay in la helo dastuur lagu heshiiyay.

Sidoo kale, wasiir Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay agaasimaha UNDP- Somalia Mr. Jocelyn Mason ee dhowaan la soo magacaabay, iyagoo kawada hadlay sida loo sii wadi lahaa wada shaqaynta UNDP iyo Wasaaradda Dastuurka. UNDP ayaa ka teegeerta Somaaliya arrimo badan oo ay ka mid tahay dib-u-eegista Dastuurka.

Madaxweyne Farmaajo oo casho lagu maamusayo 1-da Luulyo u sameeyay diblomaasiyiinta shisheeye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada casho sharaf lagu maamusayo toddobaadka xorriyadda ugu sameeyay diblomaasiyiinta iyo danjirayaasha dalalka aan saaxiibbada nahay ee ka hawlgala Muqdidsho.

Madaxweynaha oo hadal kooban munaasabadda ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay sooyaalka Soomaaliya iyo marxaladdii adkayd ee dalku soo maray isaga oo hoosta ka xarriiqay in waddanku uu hadda cagta saaray dhabbada xasilloonida iyo horumarka.
Madaxweynaha ayaa xusay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tixgeliso saaxiibtinnimada ay dalalka caalamka la leedahay isaga oo sheegay inuu ku kalsoon yahay horumarka iyo dib u soo kabashada Soomaaliya inta ay dowladdu garab ka helayso shacabka Soomaaliyeed ee adkaygsiga badan iyo saaxiibbada caalamka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa marti sharafta uga warbixiyay dadaallada ay dowladdu ugu jirto sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa horumar waara isaga oo la wadaagay siyaasadaha hor-tabinta u leh dowladda ee dhinacyada amniga, hannaanka maaliyadda iyo siyaasadda loo dhan yahay.

“Sida aad ka warqabtaan, Soomaaliya waxay sannadihii la soo dhaafay samaysay horumar xawli ah, waxaana ku faraxsanahay inaan idin la wadaago in dowladdaydu ay gaartay guullo waaweyn intii aan talada hayay. Dhanka dhaqaalaha, Soomaaliya waxay horumar la taaban karo ka samaysay la dagaallanka musuqmaasuqa, sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo buuxinta shuruudaha dayn cafinta ee Hay’adda Lacagaha Adduunka oo meel fiican maraya.”

Madaxweynaha ayaa dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya uga mahadceliyay sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin ummadda Soomaaliyeed isaga oo sheegay in dowladda ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ay la leedahay guud ahaan Beesha Caalamka.

Munaasabadda casho sharafta waxa sidoo kale ka qaybgalay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Murshal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow), Wasiirka Warfaafinta ahna Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Baarlamaanka, Taliyeyaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.