Home Blog Page 952

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

0

Muqdisho (SNTV) – Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa la kulmay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Danjire Donald Y. Yamamoto oo ay ka wada hadleen arrimo badan.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Danjire Yamamoto ay ka wada hadleen arrimaha dib u habeynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya, iyadoo la tix raacayo heshiisyadii hay’adda lacagta adduunlka IMF iyo hagaajinta dhaqaalaha.

“Waxaan ku faraxsanahay taageerada uu nasiiyo Mareykanka ee ku aadan dib-u-hagaajinta dhaqaaleheena, xasiloonida Maaliyadeed iyo rajada miro dhalka ah ee deyn cafinta Soomaaliya.”ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiir Beyle ayaa hoosta ka xariiqay in kulanka uu ahaa mid wax ku ool ah, isla markaana ku soo idlaaday jawi guul ah.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waa mid guul leh

Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan qoro erayadan kooban oo aan ku cabbirayo dareenkayga farxadda leh. Rai`isul Wasaare Khayre socdaalkiisa Galmudug wuxuu iftiimiyay sida geesinnimada leh, daacadnimada leh ee uu horeseedka uga yahay iney Soomaaliya xor noqoto, dadkeeduna wada Walaaloobaan.

Wuxuu ku soo celceliyaa DAWLADNIMADA AAN DOONEYNO WAA TEE? Taasoo uu jawaabo sax ah ka bixiyo, waxaana kuu muuqanaya markii aad raacraacdid erayadiisa iney macno weyn bixinayaan, macnahaasoo sida aan ka arkay ay aad iyo aad u fahmayaan dhallinyarada.

Si fiican u dhegeyso khudbadihii uu dhowaan ka jeediyay goobihii uu tagay, wuxuu ku dareensiinayay dadka oo dhan gaar ahaanna dhallinyarada khayraadka Ilaah siiyay dalkeenna iyo sida aan uga gaajesyannahay, taasoo keentay nabad la`aanta, qabyaaladda, musuqmaasuqa, kala qoqobka iyo xudduudaha luggooyada ah ee gobollada. Wuxuu markaas u iftiimiyaa sida looga bixi karo dhibaatooyinkaas oo ah iney dhallinyaradu u midoobaan horumarka dadka iyo dalkooda.

Waxaa tusaale qiimo leh ahaa markii uu RW Khayre u soo qaatay tusaale labadii dhallinayrao ee kala ahaa AUN Cabdullaahi Ciise iyo AUN Maxamed Yuusuf Aadan (Muuro), kuwaasoo ka soo kala jeeday laba daan ee Gaalkacyo, macnaha ma kala lahayn qaybta Puntland iyo qaybta Galmudug, ma kala lahayn laba qabiil ee waxay ahaayeen Soomaali, waxayna wada doonayayeen iney gaaraan xornimo.

Wuxuu tusaalahaas u soo qaatay In labadaas Dhallinyarada ahi uu midkood midka kale u hibeeyay inuu naftiisa u huro, taasoo ku timid markii uu Cabdullaahi Ciise aadayay Qaramada Midoobay si uu khudbaddiisii taariikhiga ahayd uga jeediyay oo lagu codsanaayay in Soomaaliya xornimo la siiyo. Sida badan waxay ahayd in qof kastoo safraya la tallaalo oo irbad lagu mudo. Dadkii daacaadda ahaa ee Soomaaliyeed waxay ka shakiyeen oo tuhmeen in irbadda lagu mudi rabo Cabdullaahi Ciise ay noqon karto mid sun ah, dabadeed waxaa soo baxay AUN Muuro oo sida la sheego aad ugu ekaa Cabdullaahi Ciise, wuxuuna yiri anigaa isaga isku beddalaya in la I tallaalo oo irbadda laygu mudo si uu Cabdullaahi u badbaado, haddii ruux dhimanayana aan angia dhinto intuu dhiman lahaa Cabdullaahi Ciise, sidaas ayaana la yeelay.

Tusaalahaas Khayre wuxuu noqday mid Dhallinyaradii Gaalkacyo qiiro wayn geliyay oo sacabka kala goyn waayay. RW Khayre wuxuu khudbadahaas jeedinayay isagoo ay indhihiisu illintu caseysay.

Socdaalkan RW Khayre ee Galmudud wuxuu siiyay fursad wayn oo qaali ah oo soo bandhigtay awoodda uu Ra’iisul wasaaraheenna maanta u leeyahay inuu dadka Soomaaliyeed kula hadli karo af iyo feker ay fahmi karaan iyo qofka hortaagan waxa dhabta ah ee uu kala hadlayo.

Waxaa ii muuqda iney dhallinyarada Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan ay aad u fahmeen dawladda hadda jirtaa ee Soomaaliyeed, sidaas si la mid ah waxaa qof kasta la gudboon in dawladdan lagu taageero waxqabadkeeda, haddii ay jiraan khaladaad iyo daldalooyinna si daacadnimo leh wax loogu sheego oo la wada toosiyo. U maleynmaayo inuu jiro qof diidaya in la siiyo talo habboon oo wax ka tareysa shaqadiisa, waase haddii wax loogu sheego si aan cadawtinnimo ahayn iyo meesha ha laga kiciyo.

W/Q:-Abdulkadir Mursal

Ciidamada ammaanka oo gacanta kusoo dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho-(SNTV)-Ciidamada ammaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa gacanka kusoo dhigay Laba xubnood oo ka ka tirsan Al-Shabaab, markii ay howl-gallo qorsheysan ay ka fuliyeen duleedka Muqdisho.

Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed NISA, ayaa boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in ay soo qabteen Laba dhagar qabe iyo Hubkooda, xilli ay maleegayeen dilal lagu beegsanayo Shacabka.

Qoraal kooban oo ay hay’adda NISA soo saartay ayay ku tiri, “Howgal ay Hay’adaha Amnigu kafuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta kusoo soo dhigeen laba dhagarqabe oo katirsan AS iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale, oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi” ayaa lagu yiri War kasoo baxay NISA.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Guddoomiyay Shirka Toddobaalaha Ah Ee Golaha Wasiirrada

0

Khamiis, July 11, 2019—Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay shirka golaha wasiirrada oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka ay golohu yeesheen ayaa looga hadlay sharciga difaaca qaranka iyo siyaasadda daryeelka bulshada oo ay soo gudbiyeen wasaaradaha difaaca iyo shaqada.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amniga guud ee dalka, howl-gallada laamaha amnigu ay ku baacsanayaan kooxaha nabad diidka ah iyo qorshaha dardar gelinta sugidda amniga.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu socday shirku waxa uu golaha warbixin ka siiyay socdaal ay magaalada Xudur ee gobalka Bakool ku tageen wafdi uu hoggaaminayay guddoomiyaha baarlamaanka oo isugu jiray xubna ka tirsan xukuumadda iyo xildhibaanno ka socda labada gole.

 

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Bulshada Gaalkacyo iyo golaha deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo

Muqdisho (SNTV)- Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulamo la qaatay qaybo kamid ah dhallinyarada iyo odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ee Gaalkacyo iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka Waqooyiga Gaalkacyo.

Kulamada uu Ra’iisul Wasaaruhu la qaatay bulshada ayaa looga hadlay xoojinta nabad gelydada iyo isdhex galka Bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug iyo ka shaqeynta guud ahaan horumarka deegaanka.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhammaan dhinacyada uu maanta kulanka kula qaatay Gaalkacyo ku bogaadiyay hannaanka wanaagsan ee xasilinta magaalada ayaa kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada sare u qaadidda Midnimada, wadajirka iyo adkeynta amaanka.

Shalay ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Gaalkacyo ka dhagax dhigay Hoyga Nabadda oo qayb ka ah mashuurca nabadaynta magaalada Gaalkacyo si loo horumariyo nabadda iyo xasiloonida deegaan, looguna gogol xaaro horumar ballaan oo ay ku tillaabsadaan bulshada deegaanka ku nool.

Madaxweyne Farmaajo “Waa in degdeg loo joojiyaa dirirta sokeeye ee ka socota Ceel-Afwen”

0

Muqdisho (SNTV)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka tiiraanyeysan yahay shaqaaqada iyo colaadda dadka walaalaha ah ee ka socota deegaanka Ceel-Afwen ee Gobolka Sanaag, taas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Madaxweynuhu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii walaalaha ahaa ee ku geeriyooday dirirtan macno darrada ah, waxa uuna dadka ku dhaawacmay Alle uga beryey in uu degdeg ugu boogo-dhayo.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ugu baaqayaa Madaxda Maamulka Soomaaliland, Odayaasha Dhaqanka, Culimaa’u diinka, Ururrada bulshada rayidka ah, haweenka iyo dhallinyarada in ay u istaagaan joojinta dirirtan soo laalaabatay ee dhaawacday aayaha dhallinyarada deegaanka.

“Dirirtan aan ku saleysanayn qiimaha ee dhexmaraysa dadka walaalaha ah waa in si degdeg ah loo joojiyaa. Qarnigan in uu u daato dadkeenna dhiiggoodu daaqsin iyo waraab dartood, iyadoo dhulkeennu uu intaas baaxad la egyahay, waa arrin aanu qaadan karin damiirka fayow”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu xasuusinayaa dadka deegaanka Ceel-Afweyn xigtanimada, xiriirka iyo xididda qotada dheer ee ka dhaxeeya, sidoo kalena in lagu jiro bilihii barkaysnaa ee diinta Islaamku ay siisay xurmada gaarka ah.

Wasiir Goodax oo daah-furay mashruuca horumarinta waxbarashada

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait), oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay’adda ADRA iyo Wasaaradda Waxbarashada, hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ka hadlay mashruucan ahmiyadda uu u leeyahay horumarinta waxbarashada Carruurta Soomaaliyeed, waxaana mashruucan laga fulin doonaa dhammaan Gobolada Dalka oo idil, si looga wada faa’iideysto.

“Waxaan Maanta daah-furay isla markaana saxiixay mashruuca horumarinta waxbarashada ee (Education Cannot Wait) oo ay si wadajir ah u fulinayaan hay’adda ADRA iyo Wasaaradda Waxbarashada,hiddaha iyo tacliinta sare”ayuu yiri mudane; Goodax.

Waxaa daah-furka mashruucan goobjoog ka ahaa xubno ka socda hay’adaha USAID, EU, ECW secretarial, UNICEF iyo ADRA, iyagoo si wada jir ah u soo dhoweeyay yididiila wanaagsanna ka muujiyay.

Ciidanka ammaanka oo Degmada Dharkeynleey kusoo bandhigay Burcad Shacabka dhac u geysan jirtay iyo Hubkii ay wateen

0

Muqdisho-(SNTV)-Ciidanka ammaanka ayaa Maanta Saldhigga Degmada Dhankeynleey kusoo bandhigay Lix Nin oo Burcad ah, kuwaas oo Dadka Rayidka ah dhac iyo handedaad u geysan jiray.

Raggan oo markii lasoo qabanayay ku Hubeysnaa Qoryaha AK-47, ayaa Bulshada ku hayay dhib fara badan, kuwaas oo loo gudbiyay Maxkamadda Ciidanka, si loogu qaado dembiyada loo haysto.

Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, C/raxmaan Cumar Cusmaan, oo goobta lagu soo bandhigayay Burcadda ku sugnaa ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan wadaan olole ballaaran oo lagu cirib tirayo qowleysatada dhaca u geysta Shacabka ku dhaqan Xaafadaha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

“Olole xoogan baan wadnaa oo cid kasta oo Hub u adeegsata Shacabka loo gudbinayo Maxkamada Ciidanka si aan Shacabka u badbaadsanno” ayuu yiri Guddoomiye  Yariisoow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Qofkii ka daba yimaadda Burcadda loo aqoonsanayo Burcad-kalkaal, isla markaana laga qaadi doono tallaabada ku habboon.

Wasiir Goodax oo kormeeray halka ay ka socoto diyaarinta natiijada Imtixaanaadka

Muqdisho-(SNTV)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane, Cabdullaahi Goodax Barre ,ayaa Maanta kormeer ku tagay  xarunta ay ka socoto shaqada imtixaankii Wasaaradda waxbarashada ay qaadday Sannad Dugsiyeedka 2018/2019 oo shaqaalaha wasaaraddu ay ku howlanyihiin dardargelinta dhameystirka xareynta xogta imtixaanka la saxay.

Wasiirka Waxbarashada , Cabdullaahi Goodax Barre ayaa Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee wasaaradda ka dhageystay warbixin ku aadan  halka uu marayo dhameystirka howlaha imtixaanka.

Sidoo kale Wasiirka Waxbarashada ayaa mid mid u dul istaagay shaqaalaha qaabilsan dhameystirka Imtixaanka waxa uuna ka wareystay habka uu u socdo howlaha imtixaanka.

“Waxaan maanta kormeeray xarunta ay ka socoto shaqada imtixaankii la qaaday ee sannad dugsiyeedka 2018/2019 oo ay shaqaalaha wasaaraddu si habsami leh u wadaan dardargelinta shaqadii loo idmaday.

Sixidda Imtixaanka ayuu sheegay in uu soo maray wajiyo badan, isla markaana hadda uu taagan yahay heerkiisa gaba-gabada oo ah xareynta Imtixaanka la saxay, isagoo intaa raaciyay in dhowaan la shaacin doono natiijada.

FAALLO: Gaalkacyo Mideysan waa Soomaali Mideysan

0

Beryahaan waxaa socdaal shaqo ku kala bixinayay Deegaanno ka tirsan Gobollada Galguduud iyo Mudug Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuuna safar lugta ah ku oo kala bixiyay Magaalooyinka Dhuusa-mareeb, guri-ceel, Cadaado, Balanballe, Caabud-waaq, Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo la xariira dib u heshiisiinta, nabadeynta Deegaanada iyo Qarameynta Ciidamada.

Kadib Mudane Kheyre waxa uu u gudbnay Magaalada Gaalkacyo qeybta waqooyi ee Maamulka Puntland oo Ra’iisul-wasaaha si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana qeyb libaax ka qaatay Bulshada ku nool dhanka waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo waxayna soo dhaweyntaasi ka dhacday garoonka kubbadda cagta Cawaale markii Ra’iisul-Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) oo socdaal ku soo gaaray dhanka Waqooyi ee Magaaladaasi.

Garoonka Cawaale oo loogu magac daray halgamaa Maxamed Cawaale Liibaan oo ahaa Ninkii Alifay Naqshadda Calanka Soomaaliyeed ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad u badan dhallinyaro xamaasadeysan oo isu abaabulay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, kuna dhawaaqayay erayo ay ku muujinayaan dowlad jaceylka ay qabaan iyo sida ay ugu faraxsan yihiin socdaalka wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo bulshada waqooyiga Gaalkacyo uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen ayaa ku dhiirri geliyay in ay ka shaqeeyaan ilaalinta gobannimada iyo xornimada ay soo hooyeen dhallinyaro badankood ka soo jeeday gobalka Mudug, wuxuuna aad ugu dheeraaday Taariikhda Magaalada Gaalkacyo iyo Halgamayaashii SYL ee ka soo jeeday Magaaladaasi.

“Halyaayadii Soomaaliyeed waxa ay nooga tageen in Quluubta Ummadda Soomaaliyeed marna xuduud kala yeelan Karin, Gaalkacyo waqooyi iyo Koofurba waa Soomaali oo aan la kala qaadi karin”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, wuxuuna halheyskiisu ahaa GAALKACYOOY MA NABAD BAA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa khudbaddiisa ku sheegay in labada maamul ee Gaalkacyo ka jira ay dowladda federaalku kala shaqeyneyso nabadeynta iyo isu soo dhawaanshaha bulshada, wuxuuna intaasi raaciyay ama uu yiri:- “Shacabka iyo dowladda waa wadnaha iyo beerka qofka bini aadamka. Lama kala qaadi karo shacabka iyo dowladda”.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay dhisayso garoonka kubbadda cagta Cawaale ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug loogana dhigaayo sida ay ay rabaan, islamarkaana waxa uu Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre uu Dhagax dhigay Hoyga Nabadda Magaalada Gaalkacyo, iyadoo Munaasabadda Dhagax dhiggaasi ay ka qeyb galeen Guddoomiyayaasha Gobalka Mudug iyo Gudoomiyayaasha Degmada Gaalkacyo ee Puntiland iyo Galmudug iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ka dhacday qeybta Koofureed ee magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha oo dhismaha hoyga nabadda ku tilmaamay sharaf u soo hoyatay Mudug iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa ku ammaanay maamullada Labada dhinac ee Magaalada Gaalkacyo iyo gobalka Mudug dadaalkooda ku aaddan nabadaynta waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan arrintaasi, si Guriga nabadda Gaalkacyo loo gaarsiiyo guriga nabadda Soomaaliya.

Raiisul-wasaaraha Xukuumadda oo aad ugu dheeraaday ammaanta Magaalada Gaalkacyo ayaa yiri:-“Gaalkacyo midaysan waa Soomaaliya mideysan, Gaalkcayo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah”.

Hoyga nabadda Gaalkacyo ayaa saldhig u noqonaya Dadka ka shaqeeya nabadda Gaalkacyo, Odayaasha dhaqanka iyo Dadka sama-doonnada ah ee Bulshada isu soo duma, si sare loogu qaado is-dhex galka Bulshada, dib-u-heshiisiinta, loogana shaqeeyo soo celinta sharafta iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.

Haddaba Shacabka iyo dowladda waxaa lagu micneyn karaa Wadnaha iyo Beerka qofka bini-aadamka, sidaasi awgeed lama kala qaadi karo Shacabka iyo dowladda, sidaasi awgeed waxaa la dhihi karaa:-“ Gaalkacyo Mideysan waa Soomaali Mideysan”.

W.D: C/laahi Ruush