Donald Trump oo ku hanjabay in dowladiisu weerari doonto 52 goobood oo Iiraan leedahay.

Date:

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Iran ugu goodiyay inay weerari doonaan 52 goobood haddii, Iran soo hujoonto Mareykanka ka dib dhimashadii Janaraal Qassem Soleimani oo ah taliyaha guutada Quds iyo hogaamiye Maleeshiye Ciraaqi ah.
Trump oo aysan ka muuqan wax dadaalo ah oo lagu qaboojinayo xiisada gobolka ayaa Twitterka ku soo qorey hadalkan, isagoo digniin adag u direy xukuumadda Tehran. ” Mareykanka ma doonayo in loo hanjabo!” ayuu yiri Trump.
52 weerar ayay noqon doonaan 52 qof ee Amerikanka ahaa ooIran u afduubnaa 444 maalmood, kuwaas oo laga qabsaday safaaradda Mareykanka ee Tehran bishii November sanadkii 1979.
Xiisada u dhexeysa Iran iyo Mareykanka ayaa cirka isku shareertay ka dib dilkii jimcihii Mareykanka u geysteen taliyaha guutada Quds iyo madaxa maleeshiyaadka shiicada ee dalka Ciraaq Abu Mahdi Al muhandis.
Dhowr gentaal ayaa gudaha iyo agagaarka Baghdad ku dhacay oo ay ku jiraan deegaanka si aadka ah loo ilaaliyo ee green Zone iyo saldhiga Balad oo ay joogaan ciidanka Mareykanka.
Lama soo sheegin in khasaare geysteen duqeymahaas, sida uu sheegay afhayeen u mahadlay militiriga Mareykanka, Colonel Myles B Caggins. isagoo intaas ku daray in aysan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray ciidankiisa balse waxaa jira waxyeelo soo gaartay shacabka Ciraaq.
Caaga cagaaran oo sida aadka ah loo ilaaliyo waxaa ku yaalo safaaradaha dalalka caalamka oo tan Mareykanku kamid tahay.
Labo gentaal oo lagu magacaabo Katyusha ayaa lagu dhuftay saldhiga Balad oo ku yaala waqooyiga Baghdad halkaas oo fadhiisan u ah ciidanka Mareykanka, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan militiriga Ciraaq. Ilaa iyo hadda ma jiro cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.
Safaaradda Mareykanka ee Baghdad iyo 5,200 ee askari Mareykanka ka jooga Ciraaq ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ay wajahayeen duqeymo, hase yeeshee Washington waxay ku eedeysay in ay mas’uul ka yihiin dowladda Iran iyo xuladadeeda Ciraaq ku sugan.
Bishii hore, hal weerar oo ka dhacay waqooyi Ciraaq ayaa waxaa lagu dilay qandaraasle Mareykanka ah, taas oo keentay in weerar aar goosi ah oo Mareykanku qaadeen lagu dilo 25 maleeshiyo oo ka tirsan kooxd gacan saar la leh Iran.
Gholamali Abuhamzeh, oo kamid ah saraakiisha sare ee ilaalada kacaanka Iran ayaa sheegay in Tehran ay ciqaabo doonto Mareykanka meel kasta oo ay ku arkaan isagoo muujiyay in ay beegsan karaan maraakiibta gacanka isaga kala goosha.
Maleeshiyaadka Ciraaqiga ah ee Kataib Hezbollah ayaa ciidanka Ciraaq uga digay in aysan u dhowaanin saldhigyada Mareykanka isla markaana u jirsadaan kumanaan mitar, sida uu baahiyay telefishinka Mayadeen oo raacsan kooxda Xisbulah ee Lubnaan.
Jimcihii, hogaamiyaha ruuxiga ah dalka Iran Ali Hosseini Khamenei ayaa sheegay in dhimashada Soleimani ay muujin doonto awooda Iran u leedahay in ay iska caabin karto Mareykanka iyo Israel.
Iyadoo laga duulayo walaac amni ka dib weerarkii Jimcihii Xufalada NATO iyo howlgalkii kale oo Mareykanka hogaaminayay oo lagu tababarayay ciidanka Ciraaq in la joojiyay, sida ay sheegeen saraakiil.
Mareykanka ayaa xulafo dhow la ahaa Ciraaq tan iyo 2003 markii duulaan Mareykanka hogaaminayay xukunka looga tuurey hogaamiyihii dalkaas Saddam Xusen, laakiin sanadihii dambe Ciraaq waxay ku dhowaanaysay siyaasadda Iran.
Ninka bedeli kara al-Muhandis, oo lagu magacaabo Hadi al-Amiri, oo ka hadlayay janaazada taliyaha ayaa sheegay in qiimaha dhiiga kuwa sharafta leh uu keeni doonto in ciidanka Mareykanka ka baxaan Ciraaq isla markaana noqoto dal leh siyaadadiisa dhamaan.
Barlamaanka Ciraaq ayaa maanta leh kulan aan caadi aheyd oo looga hadlayo sidii ciidanka Mareykanka looga saari lahaa dalka, dad badan oo Ciraaqi ah ayaa ka careysan tallaabada Washington ee ku aadan dilka labo hogaamiye ayagoo ka baqaya in dhibaato kale wadanka lugaha la galo.
Janaraal Qassem Soleimani, oo 62 sano jir, ayaa ahaa taliye militiri oo maqaamkiisa aad u sareeyo isagoo madax u ahaa guutada ka tirsan ilaalada kacaanka Iran ee dibada ka howlgasha, isagoo mas’uul ka ahaa in saameynta Iran ku faafto guud ahaan bariga dhexe.
War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Adel Abdul Mahdi ayaa lagu sheegay in khadka telefoonka ku wadahadleen isaga iyo dhaxal sugaha dalka Sacuudiga Mohammed bin Salman waxay ka wada arinsadeen xaaladda adag Ciraaq iyo gobolka uu iminka wajahayo.

W/D/ Cali BK

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...