Home Blog Page 951

Madasha Shaqo Abuurka Qaran ee dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada oo Garoowe lagu soo gabagabeeyay

Muqdisho (SNTV)-Kullankii 1aad ee madasha Shaqo Abuurka Soomaaliyeed oo ay ka soo qayb-galeen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, Wasaaraddaha Shaqada ee Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Dowlad-gobolleedka Puntland, intii u dhaxeysay 14ka illaa 17ka Luulyo 2019 ka.

Madasha waxaa ka soo qaybgalay Wasiirrada,Agaasimeyaasha Guud, Agaasime Waaxeedyadda,Khuburada Wasaaraddaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirku intuu socday waxaa lagu fallanqeeyay Arrimaha badan oo muhiim ah, oo la xiriira xoojinta dadaallada, Jiheynta Dhallinyarada iyo Shaqo Abuurka.

Shirka waxaa ka soo baxay Go’aamadda hoos ku xusan;

1- In Shaqo Abuurka yahay muhiimada koowaad ee Qaranka.

2- Waxaa qiimeyn dhab ah lagu sameeyay mashruuca shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed oo gabo gabo maraya, waxaana la isla gartay in caqabadihii jiray si wada jir ah loo xalliyo, guulihii mashruucana la boggaadiyo.

3. In la ballaariyo mashaariicda Shaqo Abuurka, lana gaarsiiyo dhammaan qaybaha kala duwan ee Dalka.

4- Si looga jawaabo baahiyaha ka jira xirfadaha in la soo nooleeyo dugsiyadii farsamada Gacanta ee Dowladda Gacanta ku haysay, lana hirgaliyo kuwa cusub.

5. In la xoojiyo hab-maamulka Shaqo Abuurka Dalka, Lana mideeyo dadaallada kala duwan ee Shaqo Abuur.

6. In la dhiirrigaliyo Ganacsiyada Waawayn, Yar yar iyo hal-abuurka Dhallinyarada.

7. In Maalgashi dhab ah lagu Sameeyo,fursado shaqana laga abuuro qaybaha kala duwan ee wax soo saarka Dalka.

8. In Dowladda Federaalka iyo Dowladda Xubanaha ka ah iyo Maamul Gobolka Banaadir si joogto ah uga wada-shaqeeyaan, Mashaariicda Shaqo Abuurka.

9. Madashu waxay uga Mahadcelineysaa Dowlad-gobolleedka Puntland, gaar ahaan Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha soo Dhaweynta,Marti-gelinta iyo Dadaallada ay Galisay Guusha Shirka.

10. Madashu waxay sidoo kale u Mahad-naqaysaa, Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Qaybta ka ah Mashruuca Shaqo Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed.

11. Gabagabadii, Madasha waxay ay uga danbayn u Mahadcelineysaa Deeq-bixiyayaasha,kaalintuu mugga lahayd ee ay ka qaateen Hirgalinta Mashruuca Shaqo Abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, Waxayna Madashu ka Codsatay inay sii wadaan taageeradaas.

Guddiga Qorsheynta iyo Maaliyadda Golaha Shacabka oo maalintii 3-aad kulan Howleed shaqo ku leh Kigali

Kigali (SNTV):- Guddiga Qorsheynta, Maaliyadda iyo Miisaaniyadda ee Golaha Shacabka oo maalintii saddexaad kulan howleed baaxad leh uga socdaa shaqo jooga magaalada Kigali ee dalka Rwanda, waxa ayna si qoto dheer u turxaan-bixinayaan xeerka Istaatistikada Soomaaliya ee hor yaal Golasha Shacabka, kaas oo muhiim u ah aruurinta, kaydinta iyo shaacinta xogta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xeerka Istaatistikada Soomaaliya waxaa ku dul xusan, sida Dhismaha Hay’adda, xubnaha Golaha hay’adda qaabka loo soo xulayo, hanaanka loo aruuriyo Xogta dalka, iyo talaabooyin kale oo horutabin u leh dalkeena.

Kulan howleedkan waxaa ku sugnaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Fahma Axmed Nur,Xoghyaha joogta iyo Agaasimaha Guud ee Istaatstikada.

Agaasimaha guud Istaatiskada Mudane Cabdulraxmaan Daahir Cumar  iyo  Xoghayaha Joogta ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan ayaa Guddiga u sharaxay Ahmiyaddaha xeerkan muhiimada siinayo, waxa uu inoo sahli doonaa  helid xog sugan oo dalka dhinaca walbo  laga eegay, tusaale ahaan Kobacaha Dhaqaalaha, xoggaha Arrimaha bulshada iyo heerka shaqa la,aanta iyo qodobo kale oo muhiim.

Guddiga Qorsheynta iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS oo shaqo wanaagsan ka wado hanaanka sharcigan loo dhameystiri lahaa kaas oo  horyaalo Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyada-oo ay  xildhibaanada ay dul istaagayaan  qodobada sharciga  ku jira, kaas oo Soomaaliya u horseedi doona hanaanka aruurinta, kaydinta iyo shaacinta xogta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo Furay Shirka Dardar-gelinta Iyo Fulinta Qorshaha Dib-u-soo kabashada Iyo u Adkaysiga Aafooyinka

0

Muqdisho (SNTV)—Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta Muqdisho ka furay shirka Dardar-gelinta iyo fulinta qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga Aafooyinka.

Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa k qayb galay beesha caalamka iyo mas’uuliyiin ka socday wadamada saaxiibada la ah dowladda ee ka taageera mashaariicda horumarineed iyo bini’aadninimo.

mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in abaaaraha soo noq noqday iyo fatahaadaha ka dhasha roobabku ay dhibaata badan ku hayaan dhaqaalaha bulshada ayna abuuraan barakayaal cusub, sidaa darteed loo baahanyahay in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo qorshahaan maanta la daah rogay.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka waxa uu intaa ku daray in muhiim ay tahay in si wadajir ah looga gaashaanto dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha iyo fatahaadaha si wanaagsanna loo maamulo biyaha roobabka si ay uga wada faa’iidaan Xoola dhaqatada iyo bulshooyinka ku nool miyiga iyo magaalooyinka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qayb galayaasha shirka ku dhiirri geliyay in ay fikradahooda isku biiriyaan oo ay soo saaraan xal mira dhal u noqon kara maareynta dhibaatooyinka laga dhaxlo abaaraha iyo fatahaadaha.

Qorshaha dib-u-soo kabashada iyo u adkaysiga aafooyinka dalka oo ay diyaarisay wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, ayaa saldhig u noqnaya hanaanka lagu maareynayo dhibaatoooyinka.

Md. Dhuuboow ” Xujayda & Shirkadaha diyaaradaha waxay sanadkaan lacagahooda marsiin doonaan nidaamka Bangiyada”

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiir ku xigeenka WasaaraddaAwqaafta iyo arimaha diinta Soomaaliya Md. Cusmaan Aadan Dhuuboow  ayaa sheegay in Qorshaha Xajka ee sanadkaan uu  ka badalnaan doono kii sanadkii aan soo dhaafnay, iyadoo aan ka faa’idaysanayno wax badan oo horay u dhacay,waxaana sanadkii la soo dhaafay, wasaaradda Awqaafta iyo guddiga qabanqaabada Xajka ay dhaqangaliyeen        isbadadallo muuqda oo lataaban karo.

Mudane Dhuuboow oo  faahfaahinayay isbadallada  dhinaca Xajka ee sanadkaan la gaaray ayaa yiri, “Horumarada Sanadkaan aan taabba galinay waxaa ka midah xujayda safaradooda, deegaanada ay degi doonaan xujayda oo ahayd meelo masaaafo ahaan ka fog xaramka waxaan hadda fududaynay inaan u  diyaarinay deegaanno Xaramka u dhow”

Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo arimaha diinta wuxuu tilmaamay in habraaca dhinaca Socdaalka xujayda uu soo maray  heerar kala duwan,xilliggii hore waxay ku koobnayd labada shirkadood ee Daalo iyo Jubba, sanadkii dhawaa waxaa ku soo biiray 3da shirkadood ee Ocean, Afrika iyo Freedom, sanadkaana waxaa xujayda u adeegi doona 11 shirkado diyaaradeed.

Wasiir kuxigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in shirkadaha bixiya adeegyada xajka sanadkan si siman ay u tartameen, islamarkaana tayadooda lagu soo kala xushay. waxaana kor loo qaaday lana fuudeeyay Socdaalka martida Alle  ugu baqoolayaan Goobaha barakaysan

Md.Dhuuboow mar uu ka hadlay adeegyada muhiimka ee wasaaradda  Awqaafta iyo arimaha diinta u qabatay xujayda wuxuu tilmaamay in xafiiska wasaarada lagu daabici doono viisaha taasi oo uu sheegay inay dabooli doonto in dalka dibadiisa loo qaado baasabroorada xujeyda soomaaliyeed.

Sidoo kale mudane Dhuuboow wuxuu sheegay intirada xujayda Soomaaliyeed ka xajinaya gudaha dalka in ay sanadkaan gaarayaan Kow iyo toban kun iyo shan boqol oo xaaji,(11500) kuwaasi oo dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda diinta iyo Awqaafta u diyaarisay adeegyada muhiimka ah ay u baahan yihiin

Wasiirku xigeenka Awqaafta iyo arimaha diinta wuxuu hoosta ka xariiqay in sanadkan shirkadaha diyaaradaha iyo xujaydaba ay lacagahooda marsiin doonaan nidaamka Bangiyada,arintaasi wax wayn ka badali doona dhibaatooyinkii jiray, islamarkaana lacagihii gacanta lagu qaadi jiray ay mari doonaan nidaam Bangi

Wakiilka QM ee Soomaaliya oo gaaray magaalada Jowhar

0

Jowhar (SNTV):- Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr. James swan iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Dowladd Goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle ,madaxweyne ku-xigeenka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar si weyn ugu soo dhoweeyay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaalia oo booqasho ku tagay caasimadda Hirshabeelle.

Wakiilka ayaa kulan kula qaatay magaalada Jowhar Madaxda Hirshabelle iyada oo laga wada hadlay Xoojinta iyo wada shaqeynta Howlgalka Qaramada Midoobay iyo Maamulka Hirshabelle, waxaana sido kale kulanka goob joog ka ahaa Wakiilka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Hirshabelle Mr. Benjiamin.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dalacsiiyey Saraakiil ka tirsan Booliska

Muqdisho (SNTV):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kadib soo jeedin ka timid Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Ameeriko.

Munaasabad xalay ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa waxaa lagu dalacsiiyay Saraakishanl ka tirsan Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, kuwaasoo isugu jira qaar ka mid ah Taliyeyaasha Booliska degmooyinka,Taliye qeybeedyo iyo Taliyaha qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir.

Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed  Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mudan Mahdi Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqisho Eng. C/raxamaan Cumar Cismaan Yariisoow, Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Mudane Cabdi Cashuur Xasan, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C.laahi Xaamud,Taliyaasha Ciidamada iyo Marti sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameerika) ayaa sheegay in sidoo kale sanadkaan gudihiisa ay dalacsiin doonaan in ka badan 500 oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khdar) oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga Magalada Muqdisho.

“Ciidanka Booliska waa kuwa aan ku hurudno oo har iyo habeenba u taagan badbaadinta nafta iyo hantida shacabka, In la abaal mariyo oo la dalacsiiyo waxa ay tilmaam u tahay shaqada adag ee ay ka qabteen Amniga Caasimadda”. Sidaasna waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ing Yariisow oo ka qeyb galay Munaasabada lagu dalacsiinayey Saraakiisha Ciidanka Booliska dalka.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Saraakiisha la dalacsiiyay.

Mahad Cabdi Cumar Korow (Gaashaanle)

Axmed Qadar Maxamed Xasan (Gaashaanle)

Taliye Mooshin (Gaashaanle)

Yuusuf Maxmed Cali Xundubey(Gaashaanle Dhexe)

Bashiir Durqun (Gaashaanle)

Farxaan Maxamuud Aadan (Gaashaanle)

Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle)

Maxamed cabdiqaadir Xaaji Jeego (Gaashaanle Sare)

Jeneraal Saadaq. (Sareeye Guuto).

Maamulka Gobolka Banaadir oo Dib-u-dhis Xooggan ka wada waddooyinka Caasimadda

0

Muqdisho (SNTV)- Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ku boggaadiyey shaqada adag howlwadeennada Dawladda Hoose ee gacanta ku haya dhismaha iyo dayactirka waddooyinka Caasimadda, kuwaas oo isugu jira jidad Laami cusub la saarayo iyo jid-caddeyaal muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saaray dhismaha iyo horumarinta kaabayaasha muhiimka u ah Caasimadda, gaar ahaan jidadka iyo xarumaha Maamulka, si loogu dhaweeyo shacabka adeegyada ay bixiso Dawladda Hoose.

Waddooyinka laamiga ah ee dhismahooda lagu guuleystay muddo sanad iyo bar ah ayaa gaaraya sagaal, kuwaas oo kala ah: Dabka ilaa Bakaaraha, dhameystirka waddada 30-ka, waddada Hotel SYL ilaa isgoyska Xamar-Jajab, waddada Dekedda ilaa Via Roma, waddooyinka Jazeera, Liido, Shingaani iyo Gen. Daud.

Sidoo kale Duqa Muqdisho ayaa sheegay in hadda ay socdaan dhismaha jid caddeyaal dhowr ah, kuwaas oo laga hirgelinayo degmooyinka, Kaxda, Waaberi, Heliwaa, Dayniile, Wadajir, Dharkinleey, Yaaqshiid iyo degmooyin kale.

Eng. Yarisow ayaa xusay in qorshaha sanadkan ugu jirto fulinta mashaariic kala duwan, si shacabka loogu dhaweeyo adeegga, una dareemaan in maamulka ay iyagu leeyihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumarka socda, ayna ula shaqeeyaan qeybaha kala duwan ee Maamulka.

Duqa Muqdisho oo bogaadiyey olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan

0

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo guddoomiyey shirka Amniga Caasimadda ayaa bogaadiyey olalaha la dagaalannka burcadda hubaysan ee dhibaataynaya amniga Caasimadda.

Taliyeyaasha Amniga Gobolka ayaa la wadaagay Guddoomiyaha warbixin ku saabsan hawlgallo ka dhan ah burcadda hubaysan oo dhibaatooyin ka geystay degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis, Yaaqshiid iyo Deynile.

Taliska ayaa sheegay in Isbitaalka Madiina uu ku dhintay mid ka mid ah  raggii hubaysnaa ee shacabka ku dhibaateyn jiray degmadooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis kaas oo waaran Maxkamadeed horey loogu soo jaray, kadib dhaawaca ka soo gaaray  hawlgal ay ka sameyeen ciidamadda  Amniga ee dagmooyinka gobolka Banaadir.

Eng.Yarisow ayaa faray Maamulka Degmooyinka iyo Taliyeyaasha Ciidanka in ay si adag uga hortagaan qof kasta oo dhibaato ku haya shacabka, waxyeellana u gaysanaya amniga Caasimadda.

“Waan wadeynaa ololahan, waxaanna si adag uga digeynaa kuwa caadeystay in ay iska indho tiraan nidaamka iyo awaamiirta lagu sugayo amniga. Nidaam iyo dowladnimo ayaa na wada deeqa.”

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa uga mahad celiyey bulshada Gobolka sida ay ugu mideysan yihiin horumar iyo amniga, ayna ula wadaagayaan Laamaha Amaaka xogta burcadda caadeystay dhibaataynta iyo baadda shacabka.

Diyaargaroowga Wafdiga Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Ka socda Degmada Ceel-barde “Sawirro”

0

Ceel-berde (SNTV)-Qaban-qabada diyaargaroowga imaatinka Wafdiga uu horkacayo Madaxweynaha Maamul Goballeedka Koonfur Galbeed ayaa si habsami leh uga socota magaalada Ceel-berde ee Gobalka Bakool xilli halkan lagu wado in ay ka dhacdo doorashada Golaha Deegaanka ee maamul daadejinta awoodaha dowladaha Hoose ee Qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Kulankani oo ay ka qeyb galeen  Maamulka Dhallinyarada Degmada Ceel-berde ee gobalka Bakool islamarkaana ay ka qayb galeen afhayeenka Ururka Dhallinyarada Ceel-barde Siiye Mahdi Salaad, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Mustaf Sh. Cabdullaahi ‘Adaf’ iyo Ururka Haweenka Degmada Ceel-berde.

Afhayeenka Ururka Dhallinyarada Ceel-barde Siiye Mahdi Salaad oo ka hadlay howsha diyaargaroowga imaatinka wafdiga Madaxweynaha Maamul goballeedka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed uu soo booqdo degmada Ceel-berde waxaana uu sheegay in tahay fursad weyn ee muujinaysa sida ay uga go’antahay maamulka inuu waxqabad muuqda iyo horumar gaarsiinayo deegaannada degmooyinka gobolka Bakool.

Afhayeenka oo ka hadlayay kulanka ayaa rajo iyo mustaqbal wanaagsan ka muuqatay Imaatinka wafdiga Madaxweynaha oo lagu wado in berito isniinta uu soo gaaro Ceel-berde.

Side Mahdi ayaa yiri “Dadka Ceel-berde waxay u tahay sanadguurro waa xilligii u nasoo boqday madaxweyne Maxamed Siyaad Barre isaga kadibna maanan arag madaxweyne Ceel-Barde Yimaada, sanadguur ayay noo tahay imaatinkiisa” Sidoo kale, waxaa gebogebo maraya howlaha dhismaha hoolka shirarka lagu wado in lagu qabto maalmaha nasoo aadan halkaasi oo ay dadka deegaanka kaga qayb gali doonaan doorashada gole maamul degmo o markii ugu horreeysay ka dhacdo Ceel-berde ayaa ah degmadii labaad ee Gobalka Bakool oo loo diyaariyo doorasho gole deegaan iyadoo horey looga sameeyay degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool iyadoo ay degmada Berdaale oo ka tirsan Gobalka Bay ay ka dhigeyso degmadi saddexaad ee uu haatan ka taliyo maamul u dadku soo doortay.

Sidoo kale degmada waxaa gelinkii dambe ee maanta soo gaarey wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha gobolka Bokool Maxamed Cabdi Tool kuwaasi oo qeyb ka ah wafdiga soo dhaweynayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaa shanaysa maamul goballeedka iyo beesha caalamka ayaa ku howlan wejiga koowaad ee sameynta 26-degmo oo ay ka dhacdo doorasho ay dadku deegaanka ku lug leeyihiin ee dhismaha maamul u sameeynta Maamul gobolleedyada Waxaana horey loogu guulleystay dhismaha gole deegaan iyo maamulada degmooyinka qaar oo ku yimid doorashada dadweynaha kuwaasi oo ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka maamul Goballeedyadagaar ahaan degmooyinka Koonfurta Soomaaliya si loo dhammeystiro Hanaanka Qaran ee Wadajir.

 

Argagixisada Al-shabaab oo laga saaray Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Howlgalkaan ay Ciidamadu ku qaadeen deegaanno iyo Tuulooyin u dhaxeeya degmada Walaweyn iyo deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa  maleeshiyada argagixisada Alshabaab looga saaray deegaanno badan oo ay ku dhibaateyn jireen dadka rayidka ah.

Taliyaha Ururka 35aad Guutada 7aad qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka kornayl Maxamed Cabdullaahi Caraalle oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay la wareegeen deegaanada Leego, Yaqbirweyne, Madax maroodi iyo deegaano kale.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan ay ku dileen ku dhawaad 15 maleeshiyo oo ka tirsan Al-shabaab ayna ka gubeen gaadiid ay wateen argagixisada, isagoo sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada cadowga looga saarayo guud ahaan dalka.

Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa si dardar ah kuwado howlgallo argagixisada looga sifeynaayo deegaanada ay kaga dhuumaaleysanayaan Gobolada dalka,iyagoo dilay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsanaa Argagixisada.