Abaal-marin La Guddoonsiiyay Arday Dhammeysatay Barashada Qur’aanka Ee Dalka Mareykanka “Sawirro” .

Date:

48 Arday oo Soomaali ah ayaa loo qabtay xaflad  qalin-jibin  ah ka dib markii ay soo dhaameysteen barashadda qur’aanka kariimka taasi oo ay soo diyaariyeen  Daladda ohio Dugsi Association daladdaas oo ay ku midoobeen dugsiyada qur’aanka ee ku yaaal dalka mareykanka .

Munaasabadda waxaa ka soo qeyb galay waalidiin, arday iyo martisharaf kala duwan oo lagu casuumay kuwaas oo farxadda la qeybsanayay ardayda dhammeysatay barashada qur’aanka kariimka ah.

Caruurtaan oo ah aad u yar yar kuna dhashay dalka mareynkanka ayaa ka kooban wiilal iyo gabdho intooda badan aad ka dareemaysay inuu ku dhacay is-bedel dhinaca ku hadalka Afka hooyo ee Soomaaliga balse waxaa wejiyadooda laga dheehan karayay farxad dhinaca horumarka ay gaareen.

Qaar kamid ah Waalidiinta oo ka hadlay madasha xafladda ayaa u mahadceliyay macallimiinta  ku soo dadaalay in ay ubadkooda soo gaaraan heerkan oo ay bartaan xifdinta qur’aanka kariimka qowlka eebbe.

Maamulka Daladda Ohio Dugsi Association oo ay ku midoobeen dugsiyada qur’aanka ee dalka Mareykanka ayaa aad u bogaadisay arday kuna dhiirigelisay ine horay usii wadaan  waxbarashadda.

Caruurta ku dhalata wadamadda shisheeye  oo aan ku hadlin Afka Soomaaliga  iyo Carabiga ayaa inta badan macallimiinta kala kulmaan dhib badan oo ah dhanka hingaadda iyo xuruufta labada luuqadood.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...