Qasem Soleiman oo lagu dilay Baqdaad

Date:

Wasaaradda Gaashaandhiga Dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay duqeyn xagga Cirka ah ku dileen Madaxii Ciidamada xulka ah ee Quds Force , Qasem Soleiman, xilli uu la socday raxan Gaadiid ah oo marayay meel aan ka fogeyn Garoonka Diyaardaaha ee Magaalada Baqdaad.

Jeneraal; Qasem Soleiman ayaa ahaa madaxa cutub kamid ah Ciidanka ilaalada kacaanka Waddanka Iiran ee lagu Magacaabo Quds, kuwaas oo looga tala galay in ay ka howl-galaan meelo ka baxsan Dalkooda.

Weerarka ayaa sidoo kale lagu dilay Abu Mahdi al-Muhandis, oo ahaa taliye ku-xigeenkii Maleeshiyaadka Ciraaq ee taageerada ka hela Dowladda Iiran iyo xubno kale.

Duqeynta ay Diyaaradaha Maraykanka ka geysteen gudaha Dalka Ciraaq ayaa ahayd mid lagu  bartilmaameedsanayay kooxo taabacsan Dowladda Iiran oo xurguf ay kala dhexeyso xukuumadda Washington DC.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...