Cumar Filish “ Kama hari doonno kuwa Ubadkeenna sidaas u galay”

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), ayaa sheegay in uu Bulshada Soomaaliyeed la qeybsanayo xanuunka iyo murugada haysta, wuxuuna intaa ku daray in kuwa sidaa u galay ay yihiin Calooshood u shaqaystayaal u adeega shisheeye.

Cumar Filish, oo ka hadlayay bannaanbax ka dhan ah Argagixisada Al-Shabaab oo ka dhacay Magaalada Muqdisho sheegay ayaa in aysan ka hari doonin kuwa Ciidamada iyo Ubadka Soomaaliyeed sidaa u galay, Maalin walbana aysan ooyi doonin balse taasi dhiggeeda ay ka aarsan doonaan cadowga.

“Kama hari doonno kuwa Ubadkeenna iyo Ciidamadeenna sidaas u galay, waanan ka hadlay arrintaasi oo waxaan iri “ma ooyi doonnee waan aarsanaynaa.

Dadka hantiilayaasha iyo ganacsatada ayuu sheegay in ay ogaadaan Lacaha baadda ah ee laga qaado in lagu baabi’inayo Uabadkooda, wuxuuna ugu baaqay in ay iska diidaan dhaca ay ku hayaan Kooxda Al-Shabaab, isagoo sidoo kale Macallimiinta Dugsiyda ugu usoo jeediyay in ay Ardayda baraan Cadowgooda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in bur-burkii nagu dhacay ay u sahashay cadowga in ay Dalka Soomaaliya soo galaan, iskuna diraan Wiil iyo Waalidkiis, sidaa daraaddeedna loo baahan yahay wacyi gelin dheeraad ah, wuxuuna ballan qaaday in ay Shacabka ku saacidi doonaan ka hortagga Al-Shabaab.

28-kii Desembar 2019 ayay ahayd markii qarax xooggan oo galaaftan nolosha ku dhowaad 80 Qof ay Kooxda Al-Shabaab ka geysatay Ex-Kontarool Afgooye, taas oo gil-gishay Quluubta Bulshada Caalamka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Safiirka Turkiga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga milatari

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Daahfuray Olole Qalliimo Wadnaha Ah Oo Loo Sameynayo 11 Carruur Ah

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray...

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Banaadir oo sameeyay kormeer lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed...