Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Gaalkacyo uga qayb galay munaasabad soo dhawayn ah oo maamullada gobalka gobalka Mudug iyo degmada Gaalkacyo ay u sameeyeen.
Duga magaalada Gaalkacyo iyo guddoomiyaha gobalka Mudug oo munaasabadda soo dhawaynta ah ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin booqashada uu Ra’iisul Wasaaruhu ku yimid magaalada Gaalkacyo iyo dadaalladiisa dhismaha Galmudug dhamaystiran, waxa ayna codsadeen in dowladdu wax ka qabto baahiyaha bulsho ee ka jira degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobalka Mudug.
Waxgarad, Haween iyo dhallinyaro ka hadlay munaasabadda ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa deegaanka, waxa ayna u rajeeyeen in uu guul ka gaaro socdaalkiisa dhidibba u taagidda Galmudug loo dhanyahay.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka mahadceliyay soo dhawaynta loo sameeyay ayaa ballan qaaday in baahiyaha bulsho ee ka jira gobalka ay dowladdu ay ka jawaabeyso oo ay wax uga qabaneyso sida ay u kala daranyihiin.
Ra’iisul Wasaaraha oo dhexda uga jira socdaalka lagu baadi goobayo dhamaystiraka dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug ayaa bulshada deegaannada uu tegay waxa uu la qaatay kulamo wadatashi ah, si loo helo Galmudug lagu wada qanacsanyahay oo qayb waliba oo bulshada kamid ah ay talo ku leedahay.
Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa xukun dil ah ku fulisay 3 dhagarqabayaal ah,kuwaasi oo ka dambeeyey weerarkii ka dhacay Naasa-Hablood2 ee magaalada Muqdisho,28,Oct sanadkii 2017,kaasi oo khasaare dhaliyay.
Hadaba halkan ka akhriso: Habka uu u dhacay dilkaasi toogashada ah iyo go’aanka maxakamadda.
Taariikhdu Markay ahayd 22/05/2018, waxay Maxkamada Da’1aad Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:-
1- Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud.
2-C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo
3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow, kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sida kusoo eedeeyay Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in Ay ka mid ahaayeen koox weerar argagaxiso ku qaaday hotel naasa hablood labo taariikhdu markay ahayd 28/10/2017 weerarkaas oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale.
Taariikhdu ahayd 30/05/2018 waxey maxkamada ciidamada qalabka sida ku Xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood labo Taariikhdu markay ahayd 28/10/2017.
Maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.
Kulanka ayaa looga hadlay doorka dhalliyaradu ay ku leeyihiin dib-u-heshiisiinta, dib-u-dhiska Galmudug iyo guud ahaan dalka, mideynta awoodda dhallinyarada iyo u diyaarinta dhallinyarada hoggaaminta dalka.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa u sheegay dhallinyarada in magaalo iyo deegaan kasta oo uu tago uu kulanka ugu horreeya la yeelanayay dhallinyada oo muhiimad gaar ah uu siinanayay isaga oo sababtu ku sheegay in dhallinyaradu yihiin hoggaanka mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, lagama maarmaanna ay tahay in ay sii ogaadaan fursadaha iyo caqabadaha, fikirkoodana ay ku biiriyaan hannaanka horumarinta qaranka.
Dhalinyarada uu Gaalkacyo kula kulmay ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku boorriyay in ay is abaabulaan, muujiyaan cududdooda si ay iyagu u doortaan hoggaankooda mustaqbalka, waxa uuna kula dardaarmay in is abaabulka ka billaabaan Gaalkacyo kadibna ay ku xirmaan dhalliyarada deegaannada ku xeeran si ugu dambeyn loo helo cod dhallinyaro Soomaaliyeed oo mideysan, kana madax bannaan kooxeysi iyo qabiileysi, looguna wada istaago danta guud.
Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo dhallinyarada Gaalkacyo ayaa qayb ka ahaa kulamo xiriir ah oo uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre deegaannada Galmudug uu kula yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada si ay taladooda ugu daraan qorshaha dhismaha Galmudug dhammeystiran, loo dhanyahay, kana shaqeysa danaha reer.
SNTV: – Booqashadani oo ahayd safarkii ugu horreeyay oo uu ku tago mid ka mid ah xarunta maamul gobolleed taniyo markii la magacaabay oo uu dhowaan Muqdisho yimid, Ergayga cusub ee QM ee Soomaaliya ayaa ku nuux-nuuxsaday taageerada ay dunida u hayso horumarinta barnaamijyada iyo wadahadallada dhex maraya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul gobolleedyada xubnaha ka ah.
Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha QM ee Soomaaliya, James Swan oo shalay gaaray magaalada Garowe, xarunta Puntland, oo xubin ka ah maamulada Federaalka ee dhinaca waqooyi bari, si uu halkaasi ugula kulmo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed Deni islamarkaana ay uga wadahadlaan arrimo muhiim u ah howlaha iyo barnaamijyada Qaramada Midoobay ay ka fullinayso Soomaaliya.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan booqdo Puntland lana qaato kulan waxtar leh madaxweyne Saciid Cabdullaahi Maxamed iyadoo ay wehliyaan xubnaha golihiisa wasiirada,” ayuu yiri Mr. Swan, oo ah madaxa Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeysa ugu qaabilsan Howlgalka Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOM.
“Qaramada Midoobay waa sida hal qoys oo si weyn ugu howlan in ay ka qabtaan shaqooyin kala gedisan gudaha Puntland kuwaasi oo ku bilowday xafiisyo ka shaqeeya kaalmada beni’aadannimada ee gaaray meel dhexaad iyo in ay isu rogaan mashaariicyo gaarsiisan waqtiga dheer.
“Waxaan rajaynayaa inaan wadashaqeeyn doono dadka Puntland iyo Maamulada Xubnaha ka ah Federaalka si ay howlaha xafiiska UNSOM iyo barnaamijyada hay’adaha Qaramada Midoobay u noqdaan kuwa si guul leh loo hirgeliyo. Taasi oo ay kamid tahay dadaalada lagu taageerayo wadahadallo dhammeystiran oo ay yeeshaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul gobolleedyada xubnaha ka ah Federaalka,” ayuu yiri Swan.
Wakiilka Gaarka ah ee QM Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in xal nabadeed loo helo muranka u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland, ee gudaha gobollada Sool iyo Sanaag, kaasi oo bilihii dhowaa sababay dagaal kadhacay deegaanka Tukaraq.
Madaxweyne Deni oo xilliga shirka jiraa’id hadal jeediyay ayaa dhinaciisa daaha ka qaaday in wadahadalladii dhexmaray isaga iyo ergayga QM ay diiradda ku saareen Horumarinta Kaalmada Beni’aadannimada, Ammaanka iyo Siyaasadda.
“Waxaan si taxadar leh uga hadalnay xaaladaha muhiimadda gaarka ah ee horumarka nabadda iyo dadaalka dib u dhiska maamul wanaagga gudaha Soomaaliya, iyo sidii xagga hore loogu ambaqaadi lahaa Federaaliisam-ka,” sidaasi waxaa sheegay madaxweyne Saciid Deni oo intaasi ku daray in Puntland ay door xasaasi ah ka cayaarayso nabad raadinta Soomaaliya.
“Waxaan u cadeeynay inaan diyaar u nahay inaan doorkeena ka qaadanno dadaalada horey loogu sii wadayo Soomaaliya,” sidaasi waxaa ku nuux-nuuxsaday Deni.
Wakiil gaarka ah ee QM ayaa sidoo kale la kulmay shaqaalaha QM ee ku sugan Garowe waxaana uu aad ugu ammaanay sida ay uga go’an tahay taageerada ay siinayaan Soomaaliya si ay u soo hagaagto nolosha dadka Soomaaliyeed.
James Swan, ayaa waxaa safarka ku wehlinayay Agaasimaha Barnaamijka Cunnada QM ee loo soo gaabiyo WFP Laurent Bukera iyo madaxa xafiiska QM ee Isku dubaridka Arimaha Beni’aadantinimada ee Justin Brady.
Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku ammaanay ergayga cusub ee QM ee Soomaaliya sida uu go’aankiisa ugu xushay in Puntland ay noqoto goobtii koowaad ee uu magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya uu booqasho ku tago.
Mudadii uu joogay Puntland, waxa uu booqday mashruuca ay taageerto hay’adda WPF ee ka socda deegaanka Laac-dheere, kaasi oo loogu talo galay in kor loogu qaado Horumarinta Noloshada iyo Adkeysiga Bulshada Deegaanka, Ergayga ayaa booqasho ku bixiyay dhul beereed weyn oo wax soosaarkiisa looga faa’iideeystay habka Waraabka biyaha ee loo isticmaalayo waxa loo yaqaano Awoodda aaladda cad-ceedda ee solar-ka taasi oo si wanaagsan gacan uga geysatay horumarinta wax soosaarka miro kala duwan oo ay khudaarta ka mid tahay ee tabcashada beeraha.
The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia, James Swan meets with the President of Puntland Said Abdullahi Deni in Garowe during a working visit to the state on 08 July 2019. UN Photo.
SNTV:- Ciidanka Qaranka oo howlgal qorshaysan ka sameeyay Gudaha magaalada Marka ee xarunta Gobalka ShabeeLlaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta kus soo dhigeen Afar dhagarqabe oo ka tirsan mintidiinta argagixisada xiriirka la leh ee Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa sheegay in dhagabar qabayaasha la soo qabqabtay xilli ay gacanta kula jireen Walxaha qarxa iyagoona gacanta kula jiray fal dembiyeedka iyagoo ku soo dhex qariyay jawaan ay ku jirtay Ganlay.
Labo dumar ah ayaa ku jira Dhagar qabayaasha ay ciidamadu gacanta ku dhigeen, oo midkood ay tahay hooyo xaamilo ah (uur leh, pregnant).
Arrintan ayaa muujinaysa sida awoodda kooxda Nabad diidka ee argagixisada xiriirka la leh ay haatan ay u tahay mid aad uwiiqantay kadib markii ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya shacab weynaha Soomaaliyeed ay billaabeen howlgalo lagula dagaalamayo kooxaha argagaxida si loo xasiliyo dalka, sidoo kale waxa taasi ay cadeyn u tahay in kooxda arxanka daran ee aragagaxisadu ay haatan u adeegsanayaan haweenka iyo caruurta.
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa xoojiyay howlgallada iyo la dagaalanka kooxda arxanka daran ee argagaxisada Al-Shabaab.
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ay la wareegaan deegaanno badan oo ka tirsan gobalka Shabaallaha Hoose halkaaoo ay ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku dhibaateeyn jireen muwaadiniinta Soomaaliyeed.
SNTV:- Duqa Magaalada Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Injireer; C/raxmaan Cumar (Yariisoow), oo Xalay guddoomiyay Shirka amniga Caasimadda ayaa daboolka ka qaaday in is beddel weyn lagu sameeyay sugidda nabadgelyada saddex Bil iyo 10 Cisho ka hor, aadna looga dareemay ammaanka Gobalka Banaadir inta uu qorshahaasi shaqeynayay.
Isagoo sheegay in ay laamaha ammaanku fashiliyeen qarax iyo isku day weerar, taasina ay marqaati ka tahay in Ciidamada geesiyaasha ay u heellan yihiin difaaca Dalkooda, isagoo sidoo kale ku ammaanay Shacabka Soomaaliyeed feejignaanta weyn ee ay muujiyeen.
Duqa magaalada ahna Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa tibaaxay in ay maamulka Gobolka, degmooyinka, hay’adaha ammaanka iyo shacabka intaba isku xireen, taas oo sababtay in ay habeen kasta qabtaan kulan looga hadlo halka uu marayo ammaanka magaalo madaxda Muqdisho.
C/raxmaan Cumar Cismaan oo la hadlayay mas’uuliyiinta ayaa faray in ilaaladooda ay qaataan lebiska lagu yaqaan, wuxuuna sidoo kale digniin u diray askarta Millitariga ah ee tuutaha ku mara dariiqyada , isagoo u soo jeediyay in ay isu sheegaan ciidanka ammaanka ee kahawlgalaWaddooyinka, si aysan ugu soo dhex dhuuman argagixisada Al-Shabaab.
Mar uu la hadlayay guddoomiyaha dadka leh milkiyadda noocyada kala gedisan ee gaadiidka Ayaa ugu baaqay in ay samaystaan aqoonsiyo, is diiwaan geliyaan, bixiyaan canshuuraha ku waajibay, noqdaan muwaadiniin dhab ah oo Soomaaliyeed, haddii ay iska iibinayaanna ay ka beddelaan Magacooda, haddii kale ay ciqaabteeda dusha u ridan doonaan.
Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa ugu dambeeyntii usheegay in cadowga ummadda Soomaaliyeed uu yahay hal taasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, waxaana uu ku bogaadiyay in ay lagama maarmaan tahay in halo o keliya looga soo wadajeesto, isagoo ku ammaanay Dad weynaha Muqdisho sida ay har iyo habeen u garab taagan yihiin Ciidanka amniga.
Muqdisho (SNTV) Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa Isniinta maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay safiirka dowladda Turkiga u fadhiga Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz.
Wasiir Sadiiq Warfaa oo uu waheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda iyo xubno kale oo wasaaradda ka tirsan ayaa wada-hadal la yeeshay safiirka dowladda Turkiga,ayada oo wada-hadallada diiradda lagu saaray heshiiskii is afgaradka ahaa ee u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Turkiga.
Is-afgaradka ayaa dhigayay in labada dal ay iska kaashadaan horumarinta shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada dhallinyarada.”Aad ayaan ugu faraxsanahay safiirka inuu halkan wasaaradda nagu soo booqdo oo uu arko shaqada ka socota wasaaradda oo muhiimad weyn u leh dalka.” ayuu yiri wasiir Sadiiq.Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka siiyay safiirka dowladda Turkiga dedaalada socda ee la xiriira harumarinta shaqaalaha ,taaso uu sheegay in lagu gaarayo helista shaqaalo xirfad wanagsan u leh howl fulinta qaranka,waxaana uu boggaadiyay garab istaaga dowladda iyo bulshada Turkiga ee Soomaaliya, isagoo marka sheegay inay dowladda Soomaaliya ka go’antahay xiriirka wanagsan ee labada dal in ay uga faa’iideysato sidii dalka uu mar kale usoo kaban lahaa.
“Farriinta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee an ku howlgalno ayaa ah in qarankan loogu shaqeeyo sidii uu mar kale cagihiisa ugu istaagi lahaa, Turkigana wuxuu ka mid yahay walaalaha garab istaaga muuqda siiyay Soomaaliya xilliga ay u baahneyd.” ayuu ku daray wasiir Sadiiq.
Safiirka dowladda Turkiga u fadhiga Soomaaliya, mudane Mehmet Yılmaz ayaa dhankiisa caddeeyay dowladda Turkiga inay saxiixday heshiiska is afgaradka oo marka uu ka soo dhammaado dhinaca dowladda Soomaaliya la guda-gali doono fulintiisa, waxa uu inta ku daray dowladda Turkiga inay dedaal badan galinayso sidii loo horumarin lahaa shaqaalaha iyo kor u qaadista shaqada, arrimahaa oo uu sheegay inay xoojinayaan dedaalada dib u soo kabashada ee Soomaaliya.
Ambassador,Mehmet Yılmaz ayaa sidoo kale ku dhiirrigaliyay wasiirka iyo howl-wadeennada kale ee wasaaradda howlaha ay u hayaan dalka, wuxuuna marka u xaqiijiyay Turkiga inuu garab taaganyahay bulshada iyo dowladda Soomaaliyeed.
Wada-hadallada ayaa marka ay soo dhammaadeen , waxaa wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo safiirka dowladda Turkiga ay si wadajir ah u kormeereen qeybaha ay ka koobantahay wasaaradda,waxaana dhismayaasha qaar laga arkayay raadadkii ay ku reebeen weerar argagixiso oo wasaaradda ka dhacay dabayaaqadii bishii Maarso,waxaana wasiirka uu u caddeeyay safiirka inaysan ku niyad-jabin oo si isxilqaan ah ku dhiseen qeybo muhiim ah u ah wasaaradda,howlaheedinna ay si joogta ah u socdaan.
Muqdisho (SNTV) Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi Fuursade ayaa kulammo gaar gaar ah la yeeshay hawlwadeennada Barnaamijka Aqoonsiga Qaran ee Muwaadiniinta (National ID) iyo Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda.
Kooxda Barnaamijka Kaararka Aqoonsiga Qaran ayaa uga warbixiyey Agaasimaha wixii uga qabsoomay barnaamijkan muddadii la soo dhaafay iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha dowladda ee qaybta ka ah qorshaha sameynta Kaararka Aqoonsiga Qaran.
Dr. Nuur Diiriye Xirsi oo tilmaamay muhiimadda uu barnamijkani u leeyahay ganacsiga, amniga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa ku adkeeyey khabiirradan Soomaaliyeed ee ka shaqeynaya barnaamijka in ay si dhaw ugala shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalka ee Xukuumadda.
Dhanka kale, khubarada Xarunta Korjoogteynta Maaliyadda ayaa la wadaagay Agaasimaha muhiimadda Barnaamijka Aqoonsiga Qaran uu u leeyahay dagaalka maaliyadeed ee ka dhanka ah argagixisada iyo in laga dabargooyo ilaha dhaqaale ee maalgaliya falalka arxan darrada ah ee ay ku beegsadaan shacabka Soomaaliyeed.
Agaasimaha Madaxtooyada ayaa kula dardaarmay hawlwadeennada xaruntan in ay darargeliyaan shaqadooda, maadaama ay kaalin ka qaadan karaan qorshaha Dowladda ee la dagaalanka musuqmaasuqa iyo sumcad soo celinta dhaqaalaha dalka.
Galmudug (SNTV)–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo dhawaanahaan uu ku sugnaa ayaa galabta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay safarkiisa ku wehliyaan wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ciidan, mas’uuliyiin kale iyo howl-wadeenno badan ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada.
Dadwayne si aad ugu diyaar garoobay soo dhaweynta wafdiga uu Ra’iisul Wasaaruhu hoggaaminayo, xildhibaanno, wasiirro, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale ayaa isugu yimid garoonka garoonka kubadda Cagta Cabdullaahi Ciise halkaas oo Ra’iisul Wasaaruhu uu ka jeediyay khudbad uu uga hadlay socdaakiisa Galmudug ee loogu gogol xaarayo dhismaha Galmudug loo dhanyahay, nabad ah, kana shaqeysa danaha reer Galmudug.
Ra’iisul Wasaaraha oo ka mahad celiyay soo dhawaynta ballaaran ayaa ammaan u jeediyay dhammaan mas’uuliyiintii waqtiga badan geliyay jiritaanka Galmudug, waxa uuna ka dalbaday bulshada Gaalkacyo in si wadajir ah ay dowrkooda uga qaataan adkeynta iyo dhismaha hay’adaha dowladeed ee Galmudug.
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale sheegay in socdaalkiisa Gaalkacyo ay qayb ka tahay horumarinta iyo u dhammaystiro agabka ka dhiman ciidanka ku sugan magaalada ee ka shaqeeya nabadeynta iyo amniga.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo Galmudug ku sugnaa 15 maalin oo xariir ah ayaa intii uu ku jiray socdaalka lagu baadi goobayo dhismaha Galmudug dhinac kasta ka dhamaystiran, waxa uu kulamo wadatashi ah la yeeshay dhammaan qaybaha bulshada ku sugan deegaannadii uu soo maray, waxaana la gaaray guulo waawayn oo qayb ka qaadayana xaqiijinta himilooyinka reer Galmudug.
adkeynta taariikhda dowlad gobaleedka Galmudug waxa uu mahad celiyay mas’uuliyiintii Galmusug oo uu sheegay in wax badan ay qabteen hase yeeshee wali loo baahanyahay in la dhammaystiro.
Marka (SNTV):– Ciidanka Qaranka ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka sameeyeen magaalada Marka ku soo qabtay Afar dhagarqabe oo ka tirsan Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab.
Dhagabar qabayaasha ayaa xilliga la qabtay waday Qarax ay ku soo dhex qariyeen Jawaan ay ku jirtay Ganlay, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka.
Labo dumar ah ayaa ku jira Dhagar qabayaasha ay ciidamadu gacanta ku dhigeen, oo waliba mid ka mid ah ay Uur leedahay.
Tan ayaa cadayn u ah in Awooda argagixisadu haatan ay aad u liidato oo ay wiiqeen ciidanka dowladda, haatana ay isku dayaan inay adeegsadaan Haweynka iyo Caruurta.
Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Shabeellaha Hoose ayaa mudooyinkaanba aad u sii xoojiyay dagaalada ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo ciidamadu ay deegaano badan kala wareegeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.