Home Blog Page 947

AUN Mahad  Cilmi Cali Guddoomiyihii degmada Waabari

0

Waxa uu ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon.  Horay waxa uu u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug.

Waxa uu ka mid ahaa dadkii ka soo shaqeeyay maamulkii Ximan iyo Xeeb oo
bishii July ayaa loo magacaabay guddoomiyaha degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.
Mahad waxa uu ahaa nin dhallinyaro ah oo ahlu diin ah.

Kumuu ahaa Shahiid Cabbdifitaax Cumar Xalane

0

Allaha u naxariistee Cabbdifitaax Cumar Xalane, waxa uu ahaa saxafi waxa uuna agaasime ka soo noqday dhowr idaacadood oo ay ku jiraan Radio GoalFM, Radio Mustaqbal iyo Idaacadda maamulka gobolka Banaadir.

Xalane waxa uu sidoo kale soo noqday agaasimaha warfaafinta gobolka Banaadir iyo  Afhayeenka  maamulka Gobolka, ka hor intii aan loo magacaabin agaasimaha howlaha guud ee gobolka.

bilowgii bishan July ayaa Cabdifitaax Cumar Xalane loo magacaabay agaasimaha waaxda nadaafadda ee gobolka Banaadir.

Xalane oo shahaaddada heerka koowaad  ee maamulka ka haystay jaamacadda SIMAD, ayaa ka mid ahaa dhallinyarada firfircoon ee dalka u shaqeynayay, waxa uuna maalmihii dambe u ku howlanaa dardargelinta howlaha nadaafadda iyo bilicda gobolka Banaadir.

Hirshabelle oo ka tacsiyeysay Qarax ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose

0

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne ku Xigeenka Cali Guudlaawe Xuseen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada masuuliyiintii iyo Dadkii Shacabka ahaa ee lagu gumaaday xarunta maamulka gobolka Benaadir, waxaanay Eebbe uga baryeen in uu Janatul Firdowsa ka waraabiyo, kuwa dhaawaca ahna uu Eebbe siiyo caafimaad taam ah.

“Hirshabelle waxay ka xuntahay oo ay cambaareyneysaa weerarkaasi argagaxiso oo lagu beegsaday Dad wax gal u ah bulshada Soomaaliyeed oo u istaagay in dadka iyo dalka ay u qidmeeyaan, waxaana sidoo kale tiiraanyada la qeybsaneysaa ehellada dadkaasi sida gardarrada ah loo laayay, waxaana kuwa dhaawaca ah uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ay u rajeyneysaa in uu Eebbe caafimaad buuxa siiyo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay madaxtooyada Hirshabeelle.

Weerarkaasi bahalnimada ahaa ayaa waxaa ku geeriyooday dhallinyaro fir-fircoon oo door muhiim ka qaadanayay horumarinta Caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan Dalka.

QM oo cambaareysay Qarax ka dhacay Xarunta Dowladda Hoose

0

Wakiikla gaarka ah ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa u qaabilsan arrimaha Somaaliya Mr. James Swan ayaa si xooggan u cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday Xafiiskii Guddoomiyaha Gobolka Banadir Mr. Cabdiraxman Cumar  Cusman,  Eng Yariisoow  kaas oo la sheegay in uu geeystay Khasaare isugu jira naf iyo agab xafiisba.

Aniga oo ah James Swan waxaa  cambaareeynaya weerarkii baahalnimo ee lagu qaaday hoowlka shirarka   gobolka Banaadir oo markaasi uu ka socday kulan ay ku lahaayeen masuuliyinta gobolka banadir.

Waxaa kale uu James Swan intaa ku daray in uu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda  sida ay uga soo horjeedaan falalka argagixisnimo .

Warar soo baxay oo horudhac ah ayaa sheegaya in ruux isa soo miidaamiyay  ama ruux naftiis halige ah uu isku dhex qarxiyay hoolkii uu ka socday kulankii Todobaadlaha ahaa, waxaana halkaasi ku geeriyooday dhowr qof , sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay tira kale.

James Swan oo ah Wakiiilka Qarmada Midoobay ay u xil saartay arrimaha Soomaaliya ayaa la kulmay goor hore Duqa magaalada Muqdisho inta uusan dhicin Qaraxaasi, wuxuuna ka dhageeystay dhab ahaantii  Horumarka iyo dhibaatooyinka ka jira gobolka guud ahaan.

Mudane Swan oo hoggaaminaya hawlgallada ay ka waddo jamciyadda Quruumaha ka dhaxeeysa goblka  Banaadir  iyo guud ahaan Soomaliya ayaa u diray tacsi Dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, wuxuu sidoo kale u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay weerarkaasi caafimaad iyo inuu ilaahay si fudud u bogsiiyo dhaawacyadooda.

DFS oo guddi u saartay gurmadka dadkii ku waxyeelloobay qaraxa Muqdisho

0

Muqdisho (SNTV):-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa  magacaabay Guddi ka kooban wasiiro Iyo maamulka Gobolka Banaadir, oo ka shaqeyn doona sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Faah-faahin ka bixiyey Qaraxii ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose.

0

Muqdisho (SNTV)- Waxaa hadda Saxaafadda kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay hareer taagan yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maalliyadda ee gobolka Banaadir.

Wasiirku waxa uu sheegay in ay falkii argigixisada galabta ay ku dhinteen lix ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in  ay ku dhaawacmeen Lix ruux oo ay ku jiraan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin, kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaalayaan.

Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falkii argigixisanimo islamarkaana ay faah faahinta dib kasoo sheegi doonaan.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Casho Sharaf sagootin ah loogu sameeyay Baydhabo”Sawirro”

0

NSTV:-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar)  oo xalay ka qayb galay munaasabad sagootin ah oo loogu sameeyay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa jeediyay khudbad dheer oo dhinacya badan taabaneysa.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo madaxweynaha Koonfur Galbeed , guud ahaan maamulka dowlad gobaleedka iyo shacabka Koonfur Galbeed uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaaran, ayaa ka hadlay qiimaha federaalku uu bulshada u leeyahay, midnimada, wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada iyo doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa casho sharaf sagootin ah u sameeyay wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ee shalay ka qayb galay Madasha arrimaha bini’aadninimada dalka oo ay soo agaasintay waraaradda arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka  xukuumadda federaalka Soomaaliya.

 

Dowladda Qatar”xiriirka Soomaaliya&Qatar waa mid ku dhisan xushmad&ilaalinta danaha labada dal

0

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee dowladda Qatar ayaa looga hadlay warbixintii uu daabacay wargeyska the Newyork times,iyadoo dowladda Qatar arrinkaasi ay siweyn uga jawaabtay.

Dowladda Qatar markasta waxaa ay ku dhisantahay siyaasadeeda arrimaha dibadda in la abuuro jawi degnaansho iyo barwaaqo horseedidi,mana faragelino madaxbanaanida iyo arrimaha gudaha ee dal kale,cidkasta oo sidaasi ku fekereysana nagama mid ahan dowlada haan Qatar ayaa lagu yiri qoraalkaasi ka soo baxay dowladda Qatar.

“Khalifa al Muhannadi ma ahan mana noqon doono qof lataliye ah kana tirsan dowladda Qatar,ma matalo dowladda Qatar,xaqna uma lahan in uu ka hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka Qatar,waanu baaridoonaa shaaqsiyada qofkaasi,waxaana uu qaadi doonaa mas’uuliyada hadalkaasi uu yiri,waana ku celinaynaa in uusan marnaba matalin mabaadi,deena”.

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay arrintani wuxuuna sheegay in safiirka Qatar ee Soomaaliya uu la wadaagay Dowladda Soomaaliya warbixinta la xiriirta Newyork Times iyo eedeymahaasi,wuxuuna wasiir cawad uu xusay in warbixintoodi ay ku adkeynayaan Qatar in aanay waxba kajirin warkaasi la baahiyay,sidoo kale Qatar ay u xaqiijisay in arrintaasi baaritaano dhab ah ay ku sameynayaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan,mana faragelino arriamohooda gudaha,xiriirkeeni wuxuu ku dhisan yahay isxushmeynta labada dhinaca iyo ilaalinta danaha labada dal,waxaan u rajeynaynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyed horumar iyo barwaaqo,waaa sii wadi doonaa dadaalka aan ku taageerayno Soomaaliya,ilaa dalka uu gaaro xasilooni waarta.

Waxaa warbixintasi looga codsaday mas’uuliyinta wargeyska newyork times in wareysigaasi ay duubeen baaritaana lagu sameynayo ay kaalin ka qaataan,iyadoo loo marayo shuruucda iyo nidaamka u yaala siyaasadooda xaga tifaftirka.

Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo la kulmy Saraakiisha Ciidammada Dalka Talyaaniga

0

Muqdisho SNTV:-Taliyaha ciidanka xooga Dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa kulamo laqaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa Ciidammada Dalka Talyaaniga.

General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Madaxda Ciidamada Dalka Talyaaniga kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa tabarada ey Talyaaniga siiyaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Tilyaha ciidanka xoogga dalka ayaa wadda dadaalo lagu tayeeynayo ciidanka xoogga dalka, dowladda Talyaaniga ayaa  qayb ka ah dowladdaha ka  tageera Soomaaliya  tabaradda iyo qalbeyntay  ciidanka.

Natiijada imtixaankii mideysnaa ee dowladda oo la shaaciyey

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa caawa shaacisay natiijada imtixaanaadkii mideysnaa ee dowladda.

wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo toos uga hadlayey Telefishinka Qaranka ayaa akhriyey war-saxaafadeed ay ku qoran yihiin tirada gudubtay imtixaanka, tirada dhacday iyo 10-ka qof ee kaalinta koowaad ka gashay sannadkaan.

Cabdullaahi Googax Barre wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee XFS ayaa sheegay in ardayda 10-ka ah ee kaalinta koowaad u gudubtay ay dowladda Soomaaliya siin doonto deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah dalka iyo dibedda meesha ay doonaan.

Sidoo kale wasaaradda Waxbarashada ayaa sameysay Website ay ardaydu si fudu uga heli  karaan imtixaanka gaar ahaan arday walba natiijadiisa, isagoo gelin doona website-ka www.soneb.gov.so.

Website-ka ayaad gelin doontaa RL-ka aad leedahay kaddibna waxa aad heli doontaa natiijadaada oo dhammeystiran.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka wasaaradda.