Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Tacsiyeeyey Suldaan Haytham Oo Dhowaan Loo Doortay Xilka Cumaan ”Sawirro”.

Date:

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo  ku sugan Dalka Cuman ayaa waxaa uu kulan la qaatay Suldaanka Cusub ee dalkaas Suldaan Haitham bin Taymur.

Madaxweyne Farmaajo oo  halkaasi u tegay ka qeyb-galka tacsida Suldaankii dalkaasi xukumayey mudada dheer Suldaan Qaboos bin Saciid  oo ahaa boqorkii dalka Cumaan kuna geeriyooday da’da 79 jir.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan iyo Shacabka dalkaas waxaa uu uga tacsiyadeeyey geerida Suldaan Qaboos bin Saciid isagoo Marxuumkana Alle uga baryey in uu  Naxariista Jano in uu siiyo.

Dalka Cumaan ayaa weli waxaa uu ku jiraa maalmo barooq-diiq ah oo looga dhawaaqay dalkaas kadib geeridii Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...