Hirshabeelle Oo Sheegtay In Dhismaha Golaha Deegaanka Ay Meel Wanaagsan Marayaan

Date:

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Axmed Bariise Xeydar ayaa sheegay in lagu guuleystay xal u helidda caqabadihii hortaagnaa dhismaha Golaha deegaanka ee Degmada Buulo-Burde.

Wasiir ku xigeeka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr.Maxamed Cabdi Waare  iyo wafdi uu hogaaminaayey o maalmahaan ku sugnaa Degmada  Buulo Burde,  ay kulammo gaar gaar ah la yeesheen hogaamiyaasha qeybaha bulshada,isla markaana la isku afgartay sidii loo sii ambaqaadi lahaa dhismaha golaha deegaanka ee degmadaasi.

Axmed Bariise Xeydar, Wasiir ku xigeenka waxa uu hoosta ka xariiqay in la xalliyay tabashooyin ku aadaanaa dhismaha golaha deegaanka,isagoo ka codsaday qeybaha bulshada in ay garab ku siiyaan maamul u sameynta degmadaasi si ay helaan adeegyada lagama maarmaanka u ah horumarkoda.

Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Axmed Bariise Xeydar ayaa sheegay in dhismaha degmada Buulo Burde oo maraya meel wanaagsan ka dib loo gudbi doono maamul u sameynta degmooyinka Baladweyne iyo Jowhar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...