Abiy Axmed Oo Ka Jawaabay Hadalkii Trump Ee Abaalmarinta

Date:

R/Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in haddii Madaxweynaha Maraykanka Donal Tramp uu u arko in isagu u qalmo billadda nabadda adduunka ay la gudboon tahay inuu dacwad u gudbisto guddiga caalamiga ah ee abaalmarinta billadda nabadda adduunka ee Nopel Peace.

Arrintan ayaa jawaab u ah hadalkii Donald Trump ee ahaa in isagu u xaq lahaa abaalmarintii nabadda laakiin la hareer mariyey, inkastoo Trump uusan xusin magaca qofka la siiyay balse hadalkaas ayaa u muuqday mid hoos u dhigayey in R/Wasaaraha Ethiopia uu u qalmo iyo in kale Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ee 2019.

R/Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed wuxuu sidoo kale sheegay inuu san waxba ka ogayn heerarka ay soo martay iyo sababaha ay guddigu ugu doorteen in isaga la siiyo billadda nabadda adduunka, balse uu ogyahay oo kaliya in bulshada caalamku ay ku amaaneen qaabkii uu waddankiisa Ethiopia u hirgeliyay heshiiskii nabadeed ee ay Ethiopia la gashay dalka deriska la ah ee Ereteriya oo ay mudo dheer ka dhex aloosnayd colaad raagtay oo galaafatay nolosha kumanaan qof oo u kala dhashay Ethiopia iyo Ereteriya, taasoo god dheer ku riday xiriirkii labada shacab.

”Waxaan ahay mas’uul u shaqeeya in la adkeeyo nabadda iyo xasiloonida deriska iyo caalamka laakiin uma shaqeeyo inaan helo abaal marin” mar uu ka hadlayay isagoo jooga caasimadda Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddiga Qabanqaabada Caleema-saarka

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Madaxweynaha JFS: “DFS waxay qaadi doontaa guluf dagaal oo kama dambeys ah oo dalka looga saarayo Khawaarijta.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Hambalyo Maalinta Xorriyadda Dowladda Mareykanka

Munaasabadda sanad-guurada 250-aad ee Xorriyadda Mareykanka awgeed, Wasaaradda Arrimaha...

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo...