Home Blog Page 897

Marxaladda Kalaguurka Iyo Kaalinta Baarlamaanka Oo Maanta Looga Dooday Barnaamijka Kulanka Todobaadka.

0

Xubno ka tirsan 2-da Gole iyo siyaasiyiin kale oo ka qeyb galay barnaamijka kulan Todobaadka Oo uu baahiyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa looga dooday marxalada kalaguurka iyo kaalinta Barlamaanka uu ka qaadan karo qabsoomidda doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan dalka.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Amiga Senator Maxamed Amiin Sheekh, Xildhibaan Cabdi Cali Xasan iyo Siyaasi C/raxmaan Diinaari oo Xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Kulanka doodda oo u  dhacay si saraaxad leh,waxaa Xildhibaannadii iyo siyaasiyiin kale ee ka qeybgalay ay isla qireen in lagu jiro xaaladda adag,sidaa daraadeedna loo baahan yahay In xubnaha 2-dole aysan caqabad ku noqon nidaamka doorashooyinka la filayo.

Xubnahaasi waxa ay intaa ku dareen in ay lagama maarmaan tahay in tixgalin iyo door muhiim ah la siiyo siyaasiyiinta iyo ururada bulshada,si looga miro dhaliyo natiijada laga filan karo doorashooyinka soo socda.

Mas’uuliyiintaan waxa ay soo jeediyeen in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay la yimaadaan talo wadaag ah,isla markana laga heshiiyo waqtiga suurtagalka ah ee la qabanaayo doorashooyinka.

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka Oo Booqasho Ku Tagay Xeraale

0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa gaaray magaalada Xeraale ee Gobalka Galgaduud, halkaa oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Guddoomiya ku-xigeenka ayaa markii uu gaaray Xeraale waxa sii diiran ugu soo dhaweeyay qeybaha bulshada, kuwaasi oo sitay boorar ay ku qornaayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayaan socdaalka uu ku tegay Xeraale iyo sawiradiisa.

Mahad Cabdalla Cawad Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Maamulka deegaanka, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada, isagoo warbxino ku saabsan xaaladda amni iyo baahiyaha ay qabaan ka dhageystay, una balan qaaday in wax badan laga qaban doono arrimaha ay soo gudbiyeen.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sh.Ca/raxmaan ayaa hadal uu ka jeediyay kulan ay yeesheen xildhibaannada golaha shacabka waxa uu ka sheegay in aysan ka warqabin booqashada uu Mahad ku tagay magaalada Dhuusamareeb isagoo la socday wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Oo Xalisay Caqabado Soo Food-saaray Jaaliyadda Soomaaliyeed

0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa cabasho ka muujisay isbedello lagu sameeyay khidmadda lacagaha adeegga Ciqaamada dal ku joogga ee dalka Suudaan oo lacago lagu kordhiyay taasi oo ay saameyn xooggan ku yeelatay guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed.

Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xalinta cabashooyinka ay soo jeedisay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudaan kadib markii ay arrintaasi Safaaraddu kala hadashay mas”uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda Suudaan.

”Dhamaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Suudaan waxaan ugu bishaareyneeynaa in Safaaraddu ay ku guuleysatey in ay xal KMG u heshay Arrimihii beriyahaan taagnaa ee laxariirey lacagaha lagu kordhiyay iqaamada dadka haysta Baasaboorka Soomaaliga,”. ayuu yiri Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

Dhanka kale Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq oo uu ku wehliyo u qeybsanaha arrimaha Ganacsiga Yuusuf Axmed Jeego ayaa dhowaan la kulmay maareeyaha guud ee hay’adda duulista hawada ee Suudaan mudane Ibraahim Adalaan Ibraahim ayaa ka wadahadlay adkeynta iskaashiga, is dhaafsiga khibrad iyo booqashada labada dal ee Soomaaliya iyo Suudan.

Ugu dambeyntii Danjiraha ayaa ka codsaday in ay tababaro siiyaan saraakiil ka socota hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.

 

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeybgalay Salaadda Janaazada Meydka, Aun Xasan Abshir Faarax +Sawirro

0

Allah u naxariistee, meydka Xasan Abshir Faarax, ayaa hadda laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, ee magaalada Muqdisho, waxaana salaadda janaazada ka qeybgalay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sidoo kale, waxaa ka qeybgalay salaadda janaazada, mas’uuliyiin kala duwan oo goliyaasha dowladda ka tirsan, kuwaas oo si weyn u maamusay meydka allaha u naxariistee, Xasan Abshir Faarax oo dhowaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Xasan Abshir Faarax, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii hore sida, ra’iisul wasaare, duqa caasimadda Muqdisho, xildhibaan qaranka iyo xilal kale.

Allah u naxariistee, Xasan Abshir Faarax, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa meydkiisa loo sii qaadi doonaa magaalada Garoowe ee Puntland halkaas oo lagu aasi doono.

Marxuum Xasan Abshir Oo Lagu Aasay Magaalada Garowe, Puntland

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Xasan Abshir faarax ayaa aas qaran loogu sameeyay maanta magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntlnd.

Aaska Meydka Marxuumka ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Madaxweynayaasha Shanta Maamul goboleed, Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo ka raacay Muqdisho.

Madaxdii ka qeyb gashay Aaska Marxuum Xasan Abshir Faarax ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa halyeey wax badan dalkiisa u soo qabtay,isla markaana kaalin weyn ka soo qaatay midnimada dalka Soomaaliya.

Ka hor inta aan loo duulin Meydka Marxuumka ayaa waxaa Salaadi Janaasada lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho,waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Booliiska Gaalkacyo Oo Gacanta Ku Dhigay Gaadiid Dhuxul Siday Daawo “Sawirro”

0

Ciidanka booliiska ee gobolka Mudug ayaa maanta qabtay 10 gaari oo siday dhuxul taas oo horey u mamnuuceen mas’uuliyiinta Galmudug, si loo badbaadiyo degaanka, sida ay sheegeen saraakiisha booliiska.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka gaashaanle dhexe, Qaasim Shirdoon Cali, ayaa sheegay in sii wadayaan howlgalka lagu baacsanayo dadka sida sharci darada ah u jara dhirta si looga hor tago xaalufka ku imaan kara degaanka.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Mudug ee Galmudug, C/raxmaan Cali Diiriye, maanta warbaahinta qaranka la hadlay ayaa sheegay in uu bogaadinayo ciidankii ku guuleystay in ay soo qabtaan gaadiidkan siday dhuxusha, isagoo intaas ku daray in jarista dhirka lagu mamnuucey wareegto madaxweyne.

Waxaa uu intaas ku daray in ka maamul ahaan ka go’an tahay fulinta awaamiirtaas ka soo baxday madaxda ugu sareysay maamulka Galmudug.

Ciidanka ayaa gaadiidkan soo qabtay xilli ay isku dayayeen in ay si dhuumaaleysi ah dhuxusha ku geliyaan suuqyada magaalada Gaalkacyo.

Dowladda Hoose Ee Xudur Oo Olole Nadaafadeed Ka Sameysay Gudaha Suuqa Caanaha ‘Sawirro’

Maamulka Dowladda Hoose ee degmada Xuddur, ayaa maanta olole nadaafadeed ka sameeyay suuqa caanaha lagu iibiyo ee magaalada, halkaas oo ay ka jirtay nadaafad xumo aad u daran, sid ay sheegeen saraakiisha degmada.

Xoghayaha Dowladda Hoose, C/fitaax Maxamed Boorow, ayaa sheegay in shaqada suuqa la joojiyay labo maalin taas oo loogu gol leeyahay in nadaafadda suuqa la hagaajiyo, maadaam ganacsatada suuqa ay shaqada u joojiyeen nadaafad darada halkaas ka jirta awgeed.

Ka sokow suuqa caanaha, waxaa kale oo ololaha nadaafadda laga sameyay qeybta dharka lagu tolo kuwaas oo shaqada u joojiyay ololaha halkaas ka socda.
Guddoomiyaha xafiiska Maaliyadda degmada Xuddur Aadan Cabdi Abaarey ayaa ganacsatada ku war geliyay in suuqa labo maalin xirnaan doono inta ololaha nadaafadeed uu ka soo idlaanayo.

Suuqa caanaha ee degmada Xuddur waxaa uu kamid yahay meelaha ugu mashquulka badan maalin kasta waxaa halkaas yimaada boqolaal shacab ah oo isugu jira kuwa caanaha keena iyo dadka iibsada.

R/Wasaare Kheyre Oo Gaaray Garowe Si Uu Uga Qeyb galo aaska R/wasaarihii Hore AU Marxuum Xasan Abshir (Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Gobaleedyada Soomaaliyeed ee Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ayaa gaaray magaalada Garowe ee caasimada maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey Ra’iisul Wasaaraha DFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo madaxda kale ee la socotay.

Wafdiga uu horkacayo Xasan Cali Khayre ayaa waxa ay halkaasi kaga qeyb galayaan aaska Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Xasan Abshir Faarax.

Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa saaka ka kicitamay magaalada Dhuusamareeb oo uu ku sugnaa maalmihii u dambeeyay munaasabadda Aaska oo ka dhacaya Garowe waxaa ka qeyb galaya madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada oo dhan sida Madaxweynaha Jubbaland, Galmudug, Hirshabeele, Koonfur Galbeed.

Imtixaanaadka Fasallada 8-aad Ee Ceel-Berde Oo La Soo Gabogabeeyay “DHAGEYSI, SAWIRRO”

Waxaa Si rasmi ah u soo Gabo gaboobay Imtixaanaadka heerka dugsiyada dhexe ee gaar ahaan ardayda ku dhaqan magaalada Ceel-Berde ee Gobalka Bakool.

Imtixaanka Heerka Dugsiyada Dhexe ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada ee XFS oo kaashaneysa Wasaaradaha Waxbarashada Maamul Goballeedyada xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyadoo uu si isku xilli ah uu imtixaanku uga dhacay gobollada iyo magaalooyinka dalka oo dhan.

magaalada Ceel-Berde ayaa haatan waxa ay rajeynaysaa in ay ardayda u heli doonaan dhsimo dugsi sare oo Xarigga Ka Jartay wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyadoo ay arday haatan dhammeysay Dugsiga Dhexe ay heli doonaan Xarun Dugsi sare ee Ceel-Berde.

Burburkii Soomaaliya 1991-kii wuxuu saameyn xoog leh ku yeeshay xarumihii waxbarashada, balse dowladda Federaalka Soomaaliya oo Kaashaneysa Maamul Goballeedyada dalka ayaa juhdi ku bixisay sidii loo dhisi dugsiga sare ee Ceel-Berde si Ardayda fasalka 8-aad dhammeysatay sanadkan ay waxbarashada dugsiga sare ugu dhammeystaan.

Maxamed Sheekh Xuseen Xaaji Cumar oo ah Guddoomiyaha Waxbarashada Ceel-Berde ayaa khadka Telefoonka nooga waramay isagoo jooga Degmada Ceel-Barde goordhow.

DHAGEYSO WAREYSIGAN:-

 

Carruur Walaalo Yar Oo Ku Geeriyooday Dab Koronto Oo Qabsaday Guri Kuyaala Magaalada Boosaaso”Sawirro”

0

Dabkaan oo ka kacay guri ay deganaayeen qoys danyar ah oo ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari,ayaa waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho ah iyo burbur hantiyadeed.

Wararka aan ka heleyno magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in dabka ay ku geeriyoodeen afar carruur ah oo saddex ka mid ah ay walaalo yihiin, iyo gurigii ay daganaayeen oo gebi ahaanba gubtay.

Gaadiidka dab-damiska oo ay kala leeyihiin dowladda Hoose ee degmada Boosaaso iyo Shirkadaha Isgaarsiinta Deegaannada Puntland ayaa markii dambe ku guulaystay in ay demiyaan dabka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka magaalada Boosaaso oo goobta gaaray ayaa wado dadaallo lagu qiimeynayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay debka.

Ma cadda illaa hadda waxa sababay dabka waxeysa wararka qaar sheegayaan in debku uu ka dhashay koronto.