Home Blog Page 897

Madaweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay Geerida Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe)

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.”

“Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa samatalis Soomaaliyeed oo nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo”

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo ka tacsiyeeysay geeridii ku timid Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf

0

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa tacsi leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey Hargeysa.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa marxuum Cabdi Waraabe Allah uga baryay naxariistii janno, dhammaan ehelka uu ka baxay iyo umadda Soomaaliyeedna uu Samar iyo Iimaan Ka siiyo.

Allaaha u naxariistii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo salaadii Jimcaha kadib ku geeriyooday Hargeysa ayaa waxa uu dhashay dhammaadkii qarnigii 19aad waxa uuna kamid ahaa sama-taliska Soomaaliyeed iyo mawaadiniintii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay halgankii xoriyadda dalka.

13 argagixiso oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Puntland

Muqdisho (SNTV)- Taliska Ciidamada Mareykanka ,gaar ahaan qeybra Africom ayaa dilay 13-argagixiso oo ka  tirsanaa  kooxda daacishta Soomaaliya,ka dib kolkii duqeyn xagga cirka ah ay ka fuliyeen Buuraha Golis  ee deegaanada maamulka Pubti land.

Saraakiisha taliska Africo ayaa goor dambe oo Khamiis ah sheegay in duqeyn ay ciidamadaasi sameeyeen maalinimadii  Arbacadii lagu bartilmaameedsaday xero ku tiillay Buuraha Golis,halkasi  oo ay ku sugnaayeen argagixisada kooxda Daacish.

Duqeyntan lala beegsaday argagixisada Daacish ,ayaa daba joogta weerar ka dhacay gobolka Sh/Hoose  oo lagu dilay 3-maleeshiyo oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Taliska Africom ayaa sheegay in Qiimeyn lagu sameeyay weeraradaasi xagga cirka ah ay muujinaayaan  in la dilay 13,argagixiso,isla markaana aysan jirin waxyeello kale oo looga baqaayo in ay ku timid dadweynaha.

Ciidamada Mareykanka ee  Africom ayaa xoojiyay weerarada dhinaca cirka ah ee lala beegsabaayo kooxaha argagixisada,waxaana tan iyo markii uu talada dalka Mareykanka uu qabtay Donald Trump la sheegay in duqeyn lagu dilay 8-boqol oo maleeshiyo ah.

Guddoomiyaha Marka oo sheegay in ay Argagixisadu naf bax yihiin oo aysan mudnayn in la buunbuuniyo warkooda

Marka-(SNTV)-Guddoomiyaha Degmada Marka ee Caasimadda Gobolka Shabeellada hoose, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sheegay intii uu Xafiiska joogay in uu ku guuleystay heshiisiinta qaar ka mid ah Beelaha halkaasi wada dega.

Wuxuu intaa raaciyay Guddoomiyuhu, in ay qabteen Siminaarro ku aaddan is-dhexgalka Bulshada, is cafinta iyo in ay Shacabku ka shaqeeyaan sidii ay horay ugu socon lahaayeen una Garab istaagi lahaayeen maamulkooda.

Guddoomiyaha Sh/ hoose, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa sidoo kale sheegay in ay xagga horumarka iyo bilicda degaanka wax badan ka qabteen, iyagoo ku shaqaynaya Ololaha Is-xilqaan ee Dowladda dhexe hormuudka ka tahay.

Wuxuu sheegay in ay qaadeen Bacaad fara badan oo xiray Waddooyinka Magaalada, in ay jareen Dhirta Garanwaaga loo yaqaan, kana shaqeeyeen nadaafadda guud ee Degmada Marka, iyagoo kaashana Bulshada halkaasi ku dhaqan kuna baraarujinaya in ay iskaa wax u qabso ah ugu qeyb qaataan howlaha socda.

Layrarka ku shaqeeya Cadceedda ayuu sheegay in laga hir-geliyay qaar ka mid ah Tuulooyinka hoos taga Marka sida Shalaanbood iyo Ceel Jaalle, magaalada dhawaan laga billaabi doono.

Hay’adaha Samafalka ayuu ka codsaday in ay ka qeyb qaataan mashaariicda horumarineed ee ka socda Magaalada Marka iyo Gobolka intiisa kale iyagoo kaashana maamul Goboleedka Koofur Galbeed.

Dhinaca kale Guddoomiye Waafoow, ayaa faray Shacabka Soomaaliyeed in Dhegaha laga fureysta dacaayadaha ay Gobolka ka fidineyso Kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Wuxuuna sheegay in Argagixisada ay Naf bax taagan tahay oo aysan mudnayn in warkooda la buun-buuniyo, isagoo intaa ku daray in ay haatan socoto dabar goynta nabad-diidka, wuxuuna Dadka ka codsaday in ku Garab siiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddoomiyaha Degmada Marka, C/llaahi Cali Axmed (Waafoow), ayaa been abuur ku tilmaamay in aysan jirin Beel Soomaaliyeed oo heshiis la gashay Al-Shabaab, warkaas oo ay dhowaan shaacisay Argagixisada.

Wuxuu xusay in uusan abaal ka dhaxayn iyaga iyo Al-Shabaab , dagaalna ay la galeen, iyagoo dhac bood iyo dil fara badan u geystay Beeshiisa, taasina ay tahay dacaayadaha ay adeegsadaan nabad-diidka.

Dharkeenley oo isgeeysay wareegga 2-aad ee Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan (Daawo)

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa afaraad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Dharkeynleey iyo Kaaraan oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Dharkeynleey iyo Kaaraan ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Dharkeynleey

Tartameyaasha Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banadir ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen lix su’aal, iyagoo iska qalday hal su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’al oo soo hareermartay tartamayaasha Kaaraan, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dharkeynleey ay heleen waxay noqotay afar iyo toban (14) dhibcood.

Kaaraan

Tartamayaasha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen shan  su’aal, iyagoo iska qalday labo su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha Kaaraan, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaaraan waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 4aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 5aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Garbahaareey iyo Wadajir oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Banaadir.

 

Wasiir Saadiq Warfaa iyo safiirka Talyaaniga oo Muqdisho ku kala saxiixday labo heshiis oo ah horumarinta shaqaalaha iyo shaqo abuurka.

0

Muqdisho (SNTV)- Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Saadiq Warfaa   iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya u fadhiya ,Carlo Campanille ayaa magaalada Muqdisho ku saxiixay labo heshiis oo waa weyn.

Heshiisyada ayaa diirrada saaraya qorshaha ku aaddan horumarinta shaqaalaha rayidka dowladda Soomaaliya iyo shaqo abuurka 1,000 qoys ,iyadoo sidoo kale uu labada heshiis wax ka saxiixay madaxa horumarinta iyo iskaashiga ee dowladda Talyaaniga,Guglielmo Giordano.

“Maanta waxaan saxiixnay oo dowladda Talyaaniga naga caawisay 2 milyan oo  euro oo ay dowladda Soomaaliya hirgalinayso in 1,000 qoys aanu meeleyn doono oo dadka liita ah.. 1,000 -ka qoys waxaan ku billaabi doonaa magaalada Muqdisho, kaddibna dalka oo dhan ayaan gaarsiin doonaa, waana qeybtii labaad ee hirgalinta ah”. ayuu yiri wasiir Saadiq Warfaa.

Wasiir Warfaa, oo u mahadceliyo dowladda Talyaaniga ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska labaad  ay ku baxayso 750,000 euro oo loogu talagalay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadda dadka matala shaqaalaha.

“Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada waxaa ka go’an inay la shaqeyso dhammaan ugana mahadceliso dowladaha deeqaha bixiya sida ay noo garab-taaganyihiin ,waxaana ku dadaalli doonaa dadka nugul sidii loo caawin lahaa si ay fursado u helaan dabaqadda faqrigana kor uga kacaan – arrintaa oo annaga aad muhiim inoogu ah”. ayuu raaciyay wasiir Saadiq Warfaa.

Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ,Carlo Campanille  ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’antahay sidii ay ula shaqeyn lahaayeen dowladda Soomaaliya, doorna ugu yeelan lahaayeen horumarinta bulshada.

Heshiisyadan ayaa ku soo aadday xilli wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, Saadiq Warfaa  uu dadaal ku bixinayo horumarinta bulshada iyo in loo helo bulshada Soomaaliyeed shaqo abuur dalka ka suuragalin kara isbeddel bulsho.

Eng. Yarisow oo sheegay Mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul in qeyb weyn ay ka qaadan doonto horumarka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda

0

Muqdisho 09 May 2019— Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ku dhawaaqay Mataaneynta magaalooyinka Muqdisho iyo Saint Paul, isagoo sheegay in tallaabadani ay qeyb weyn ka qaadan doonto horumarka iyo dib-u-soo kabasha Caasimadda Muqdisho oo xiligan ku socota dhabaha horumarka iyo wax-wada qabsiga Caalamka.

Duqa Muqdisho ayaa ku boggaadiyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka kaalinta wax ku oolka ah ee ay ka qaateen dhaqan gelinta mataaneynta Muqdisho iyo Saint Paul oo guul ku soo dhammaatay

Qorsheyaasha ku jira heshiiska Mataaneynta labada Magaalo ayaa horseedaya wax-wada qabsi iyo is-dhaafsiga khibradaha la is dheer yahay, tayeynta shaqaalaha, qorsheynta iyo fulinta mashaariicda horumarineed, ilaalinta bilicda iyo deegaanka.

“Waxaan ku faraxsanahay oo sharaf weyn u ah dhammaan shacabka Soomaaliyeed in codsigii aan u gudbiyey Mayor-ka magaalada Saint Paul ee dalka Mareykanka la soo aqbalay in Muqdisho iyo Saint Paul la mataaneeyo. Waxaan u mahadcelinayaa Golaha deegaanka oo uu xubin ka yahay Kasim Busuri, Soomalida Minnesota iyo shaqsi walba oo kaalin ka geystay”

Duqa Saint Paul Melvin Carter ayaa sheegay in Mataaneynta labada magaalo ay tahay mid ku timid saaxiibtinimada labada bulsho, isagoo ku casuumay Duqa Muqdisho inuu yimaado Saint Paul si loo dar-dargeliyo mataaneynta .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Caalamka ay sanadihii dhowaa kaalin wanaagsan ka qaadanayeen siyaasadaha dalalka ay ku nool yihiin, tanoo kor u qaaday sumcadda ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS oo maalintii 5aad Guddoominaya Shirka Wadatashiga DFS, Dowlad Goboleedyada iyo G/Banaadir

Garoowe (SNTV)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa maalintii shanaad guddoomiyey shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta u dhexaysa Dowladda Fedaraalka iyo Dowlad Goboleedyada si guullo wax ku ool ah looga gaaro dadaallada dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah iyo guud ahaan xasilinta dalka.

Shirkan ayaa la filayaa inay ka soo baxaan natiijooyin miradhal ah oo xal waara u noqda caqabadaha siyaasadeed ee Soomaaliya si loo dardargeliyo horumarinta dalka.

Agaasimaha Waaxda Asia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha

0

Mogadisho (SNTV):- Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim, ayaa shalay oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Soomaaliya, Mudane Qin Jian.

Bilowgii kulankaba, Agaasime Shirwac waxa uu guddoomay casuumaad rasmi ah oo ku socotay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ka timid dhiggiisa China si uu uga qeybgalo kulanka wadatashiga heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo lagu qaban doono bisha June dalka China.

Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si gaar ah dhinacyada iskaashiga iyo wax wadaagga istiraatiijiyadeed.

R/Wasaare Ku-xigeenka XFS: Shika Garowe waa Shir Guuleed Waxa uuna U Socdaa Si Wanaagsan

Muqdisho (SNTV):–Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa ka hadlay shirka ay magaalada Garowe ku leeyihiin madaxwaynahya dalka, Ra’iiusl Wasaaraha iyo madaxda dawlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa madaxda ugu hambalyeeyay shirka oo ay uga tashanayaan aayaha dalka, waxa uuna rajeeyay in shirka ay kasoo baxo natiijo wanaagan oo wax ka tarta mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku tilmaamay shir guuleed oo ku socda si habsami leh, waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ka dalbayday is garab istaagaan madaxda dalka una duceeyaan.