Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Oo Xalisay Caqabado Soo Food-saaray Jaaliyadda Soomaaliyeed

Date:

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa cabasho ka muujisay isbedello lagu sameeyay khidmadda lacagaha adeegga Ciqaamada dal ku joogga ee dalka Suudaan oo lacago lagu kordhiyay taasi oo ay saameyn xooggan ku yeelatay guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed.

Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xalinta cabashooyinka ay soo jeedisay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Suudaan kadib markii ay arrintaasi Safaaraddu kala hadashay mas”uuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda Suudaan.

”Dhamaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Suudaan waxaan ugu bishaareyneeynaa in Safaaraddu ay ku guuleysatey in ay xal KMG u heshay Arrimihii beriyahaan taagnaa ee laxariirey lacagaha lagu kordhiyay iqaamada dadka haysta Baasaboorka Soomaaliga,”. ayuu yiri Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq.

Dhanka kale Danjiraha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed Sheekh Isxaaq oo uu ku wehliyo u qeybsanaha arrimaha Ganacsiga Yuusuf Axmed Jeego ayaa dhowaan la kulmay maareeyaha guud ee hay’adda duulista hawada ee Suudaan mudane Ibraahim Adalaan Ibraahim ayaa ka wadahadlay adkeynta iskaashiga, is dhaafsiga khibrad iyo booqashada labada dal ee Soomaaliya iyo Suudan.

Ugu dambeyntii Danjiraha ayaa ka codsaday in ay tababaro siiyaan saraakiil ka socota hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Turkiye

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh...

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo Turkiga kaga qayb galaya shir muhiim ah

Guddoomiyeyaasha labada aqal ee BFS oo marti qaad rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo soo dhowaysay tiradii ugu badnad ee Khawaarijta iska soo dhiibta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweyneysaa maleeshiyaadka iyo...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo maanta ku kulmaya Daarusalaam

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tansaaniya oo ku kulmaya Daarusalaam iyadoo...