Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeybgalay Salaadda Janaazada Meydka, Aun Xasan Abshir Faarax +Sawirro

Date:

Allah u naxariistee, meydka Xasan Abshir Faarax, ayaa hadda laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, ee magaalada Muqdisho, waxaana salaadda janaazada ka qeybgalay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Sidoo kale, waxaa ka qeybgalay salaadda janaazada, mas’uuliyiin kala duwan oo goliyaasha dowladda ka tirsan, kuwaas oo si weyn u maamusay meydka allaha u naxariistee, Xasan Abshir Faarax oo dhowaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Xasan Abshir Faarax, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii hore sida, ra’iisul wasaare, duqa caasimadda Muqdisho, xildhibaan qaranka iyo xilal kale.

Allah u naxariistee, Xasan Abshir Faarax, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa meydkiisa loo sii qaadi doonaa magaalada Garoowe ee Puntland halkaas oo lagu aasi doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...