Home Blog Page 896

Shibis oo Tartan la’aan ugudubtay wareegga Labaad ee Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan

Muqdisho (SNTV)- Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa lixaad ee wareegga koowaad qorshuhu ahaa inay ku tartamaan Degmooyinka Shibis iyo Garoowe oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Nugaal.

 

Sida uu sharciga tartanka qabo degmo kasta waxaa laga rabaa waqtiga tartanka 30 daqiiqo kahor inay ku diyaar garoobaan goobta ay ku tartamayaan, balse Garoowe ayaan soo xaadirin waqtigii sharciga dhigayay, iyadoo tartamayaasha Degmada Shibis ay waqtiga tartanka xaadir ku ahaayeen goobtooda.

Tartamayaasha Degmada Shibis ayaa wareegga labaad ee tartanka si toos ah ugu soo gudbay caawa, kadib markii ay soo xaadiri weysay Garoowe sida ay ku dhawaaqeen guddiga tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka.

Sanadkii tegay ayay ahayd markii tartamayaasha Shibis ay sidaan oo kale ugu soo gudbeen wareegga labaad ee tartanka kaddib markii ay soo xaadiri waayeen dhigooda Jowhar.

Habeen dambe oo ah habeenka 7aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka C/casiis iyo Shangaani oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Howlgal Miinooyin looga saarayey inta u dhaxeysa Bariire iyo Lambar 50 oo la soo gaba-gabeeyay

Bariire (SNTV):–Ciidammada Xoogga Dalka ayaa soo gebagebeeyey howlgal miinooyin looga saarayey inta u dhaxeysa Bariire iyo Nambar 50 kuwaasi oo ay Al-Shabaab ku aaseen sida uu xaqiijiyey Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odowaa.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyada sida gaarka ah ugu tababaran walxaha qarxa, kuwaaso maanta si nabad gelya ah uga saaray miinooyin ay aaseen iimaan laawayaasha nabad diidka ah, iyagoo maalmihi lasoo dhaafay ku howlanaa dhaca, boobka, iyo daadinta dhiiga shacabka soomaaliyeed”ayuu yiri Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odowaa.

Taliyaha Ciidammada Dhulka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in si aan kala sooc laheyn argagixisada miinooyinka ugu aasayaan wadooyinka ay isticmaalaan bulshada, taaso uu sheegay in ay tahay mid ku tusineysa in aanay jirin baartilmaameed gaar ah ee ay leeyihiin kaliya ay doonayaan daadinta dhiiga shacabka soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab ka sameeyay Gobolka Sh/dhexe

0

Muqdisho (SNTV):– Taliska Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad ayaa faah faahin ka bixiyay howlgal ay Ciidanka Ciidanka Xooga dalka ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe,kuwaas oo lagu baacsaday maleeshiyada Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa xooggiisa ka dhacay wadada xiriirisa  magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar,halkaas oo maleeshiyada Al-Shabaab ay ku dhibaateynayeen dadka ku safraya wadadaas.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka qeybta 27-aad Maxamed Axmed Tareedisho oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga ay fariisin ka sameysteen deegaano ku dhow wadada si ay Shacabka uga difaacaan cadowga halkaas ku dhibaateeya.

Sidoo kale, Taliye Tareedisho ayaa sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay bur buriyeen saldhigyo ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeelaha Dhexe,islamarkaana ay dileen 15-maleeshiyaad iyo horjoogayaal isugu jira.

Darawalada Gaadiidka iyo shacabka qeybahooda kala duwan ayaa soo dhoweeyay howlgalada ay ciidanka Xoogga dalka ay ka sameeyeen wadada xiriirisa Jowhar iyo Muqdisho,halkaas oo ay maleeshiyada Al-Shabaab Shacabka ku dhibaateyn jireen,qaarkoodna inta ay gaariga ka degsadaan kaxeynsan jiray.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan booqday fariisimo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameysteen deegaanada ku teedsan wadada sida Qalimow iyo Haanta dheer oo ka wada tirsan Gobolka Sh/dhexe oo  markii hore shacabka ay qaati kaga taagnaayeen argagixisada Al-Shabaab.

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo maanta akhrinta koowaad marsiiyay sharciga Dakhliga dalka

Muqdisho (SNTV):- Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii 13-aad ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheikh Muudeey wuxuu ka tacsiyadeeyay geeridii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf  ‘’Cabdi Waraabe’’.

Intaasi ka dib waxa ay xildhibaanada  Akhrinta 1-aad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Dakhliga oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Maaliyadda,waxaana golaha u akhriyay Wasiirka Maaliyadda Dalka Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Dhinaca kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka waxa ay Akhrinta seddaxaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha,waxaana xildhibaanadda u faah faahiyay Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene beene oo ah guddoomiyaha guddiga Ganacsiga,Dhaqaalaha,Warshadaha iyo Maalgashiga ee Golaha Shacabka.

Xildhibaanadda ayaa cod geliyay Hindise sharciyeedka Shirkadaha ,waxaana haa ku ogolaatay 142-Xildhibaan oo ahaa tirada guud ee xildhibaanada kulanka joogay sida uu natiijada ku dhawaaqay kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ oo kulanka soo xiray.

Dooni ku degtay Tunisia oo sababtay tiro badan oo dhimasho ah

0

Muqdisho.(SNTV)…Dooni sidday dad fara badan oo isugu jiray Qaxooti iyo kuwo muhaajiriin ah ayaa ku qallibantay biyaha badda Medetereeniyan,gaar ahaan xeebaha kulaala dalka Tunisia,halkaasi oo ay ku dhinteen 65-ruux.

Hadal maalinimadii shalay ay sii daayeen Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee (UNHCR),ayaa lagu sheegay in la soo badbaadiyay 16-qof oo saarnaa doontaasi ,ka dib markii ay gurmad u sameeyeen rag kalluumeysato ah.

Afar ruux oo meyd ah ayaa la helay ,iyadoo ay socdaan howlgallo lagu raadinaayo dadkii wax ku noqday doontaasi qallibantay,sida ay xaqiijiyeen Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta.

Sida laga soo xigtay warbixin ay sii daayeen Wakaaladda Wararka ee dalka Tuisia TAP  ayaa sheegaya in doontaasi ay sidda 70-Qaxooti ah iyo muuhaajiriin aan la shaacin tiradooda ,waxayna doontaasi ay ku qallibantay meel 270km koonfur kaga beegab caasimadda Tunis.

Waa shilkii ugu xumaa ee dhaca bilahaan,waxaana dadka saarnaa doontaasi ka mid ahaa Bangladeshi, Moroccan iyo kuwo kale.

R/Wasaasre ku-xigeenka Dalka oo furay imtixaanka Shahaadiga ah

Muqdisho (SNTV) R/Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa maanta si rasmi ah u Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare, kaasi oo ka bilowday  Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) raiisul wasaare kuxigeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay dahfurka imtixaanka,wuxuuna dhiira-geliyay rdayda u fariisanaysa guud ahaan imtixaanka Shahaadiga ah.

Imtixaanka Shahaadiga ah waxaa u fariistay Arday gaaraysa 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday,sida uu sheegay wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada XUkuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed (Jaabir).

Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi,wuxuuna xusay in aan la ogolaan doonin Arday mobile isticmaalaya,isagoona fariin u diray Ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay maamulka imtixaanka guud ee dalka,muddo ku dhow 30 sano kadib tan iyo burburkii,iyadoona dadaal xoogan ugu jirta horumatrinta adeegyada waxbarasho ee guud ahaan dalka.

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo faahfaahisay imtixaanka maanta loo fariisanayo

Muqdisho (SNTV) Waxaa maanta sirasmi ah u bilaabanaya imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka,kaasi oo ay qaadayso dowladda Soomaaliya, 31,500 Kun iyo shanboqol oo Arday ayaa u fariisinaya Imtixaankaasi,taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Amaanka goobaha imtixaankaasi lagu qabanayo ee magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo loo xirsaaray ciidamo boolis ah,si ay ula socdaan habsami u socodka imtixaankani shahaadiga ah.

Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS Mudane C/raxmaan Maxamuud Maxamed(Jaabir) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu u dhacayo imtixaankaasi,isagoona fariin u diray ardayda,waalidiinta iyo laamaha ammaanka.

“Goobaha lagu qabanayo imtixaankaasi ayaa kala ah 71,goobood magalaada Muqdisho ah iyo 34 goobood oo ah dowlad goboleedyada,waxaa muhiim ah in sanadkan ahmiyad gaar ah inoo lahaa in ardayda baahiyaha gaarka ah qaba ay qeyb ka yihiin imtixaanka oo aan u helnay goobo gaar ah,fariinta ugu horeysa ayaa ah in ardayda aysan la imaanin telfoonada,lana ilaaliyo habraacyada,waalidiintuna ay ka taxdiraan caruurtooda,tan kale ciidamada amniga waxaan ku ammaanayna dadaalkoodi,iyo in ay sii xoojiyaan ardayduna ay u fududeeyaan howshooda”. Ayuu yiri Wasiiru Dowlaha wasaaradda Waxbarashada XFS.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay maamulka imtixaanka guud ee dalka,muddo ku dhow 30 sano kadib tan iyo burburkii,iyadoona dadaal xoogan ugu jirta horumatrinta adeegyada waxbarasho ee guud ahaan dalka.

Wadajir oo wareegga labaad ee tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadan isgeeysay

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 9-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho waxaa caawa kulankiisa shanaad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Garbahaareey iyo Wadajir oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii lixaad oo xiriir ah taabagelineysa Maamulka Gobolka Benaadir.

 

Tartameyaasha labada degmo ee Garbahaareey iyo Wadajir ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.

Markii ay soo idlaatay su’aalihii min afarta ahaa ee la weydiiyay labada tartame, ayaa waxaa lagu nastay su’aal dhextaal ah oo loogu talaglay dadweynaha la soccda tartanka, taasi oo ahayd, Sheeg magaca duqii Muqdisho ee sanadkii 1955-tii?

Su’aasha ma jirin cid si sax ah uga jawaabtay, balse guddiga tartanka ayaa ka jawaabay, taasi oo ahayd Caaqil Axmed Raage waxa uu ahaa duqii Muqdisho ee sanadkii 1955-kii.

Garbahaareey

Tartameyaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen labo su’aal, iyagoo iska qalday shan su’aal, mana jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garbahaareey ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Wadajir

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen saddex  su’aal, iyagoo iska qalday afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen labo su’al oo soo hareermartay tartamayaasha Garbahaareey sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 5aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga labaad u soo gudbay tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe oo ah habeenka 6aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Shibis iyo Garoowe oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Nugaal.

Dowladda Soomaaliya “go’aanka dowladda Kenya ee lagu joojiyey duulimaadyadii tooska ahaa waa mid siyaasadeysan”

0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa war-saxaafaddeed ay soo saartay uga hadashay go’aankii ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, go’aankaas oo lagu tilmaamay in uu yahay mid siyaasadeysan, xiriirna lala sameyn doono hey’adaha ay khuseyso arrintaan.

Halkaan ka Akhrisoo war-saxaafadeedka dowladda Soomaaliya ka soo baxay.

Mog Nairobi Press Release

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Ka Tacsiyeeyay Geeridii Ku Timid Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf

0

Ra’iisul Wasaaraha kuxuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

“Inaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa ummadda Soomaaliyeed Iyo ehelkii uu ka baxay Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ku geeriyooday Hargeysa. Waxa uu astaan u ahaa nabadda & dib-u-heshiisiinta. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxaiistiisa Janno ka waraabiyo”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Allaaha u naxariistii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo dhashay dhammaadkii qarnigii 19aad ayaa kamid ahaa sama-taliska Soomaaliyeed iyo mawaadiniintii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay halgankii xoriyadda dalka.