Marxuum Xasan Abshir Oo Lagu Aasay Magaalada Garowe, Puntland

Date:

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Xasan Abshir faarax ayaa aas qaran loogu sameeyay maanta magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntlnd.

Aaska Meydka Marxuumka ayaa waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi, Madaxweynayaasha Shanta Maamul goboleed, Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale oo ka raacay Muqdisho.

Madaxdii ka qeyb gashay Aaska Marxuum Xasan Abshir Faarax ayaa waxaa ay sheegeen in uu ahaa halyeey wax badan dalkiisa u soo qabtay,isla markaana kaalin weyn ka soo qaatay midnimada dalka Soomaaliya.

Ka hor inta aan loo duulin Meydka Marxuumka ayaa waxaa Salaadi Janaasada lagula dukaday Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho,waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dib u dayactirka iyo dhismaha 18 xarumo caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Muqdisho oo saaka laga bilaabay qaybinta kaarka codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...