Marxaladda Kalaguurka Iyo Kaalinta Baarlamaanka Oo Maanta Looga Dooday Barnaamijka Kulanka Todobaadka.

Date:

Xubno ka tirsan 2-da Gole iyo siyaasiyiin kale oo ka qeyb galay barnaamijka kulan Todobaadka Oo uu baahiyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa looga dooday marxalada kalaguurka iyo kaalinta Barlamaanka uu ka qaadan karo qabsoomidda doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan dalka.

Kulankaan ayaa waxaa ka qeyb galay, Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Amiga Senator Maxamed Amiin Sheekh, Xildhibaan Cabdi Cali Xasan iyo Siyaasi C/raxmaan Diinaari oo Xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.

Kulanka doodda oo u  dhacay si saraaxad leh,waxaa Xildhibaannadii iyo siyaasiyiin kale ee ka qeybgalay ay isla qireen in lagu jiro xaaladda adag,sidaa daraadeedna loo baahan yahay In xubnaha 2-dole aysan caqabad ku noqon nidaamka doorashooyinka la filayo.

Xubnahaasi waxa ay intaa ku dareen in ay lagama maarmaan tahay in tixgalin iyo door muhiim ah la siiyo siyaasiyiinta iyo ururada bulshada,si looga miro dhaliyo natiijada laga filan karo doorashooyinka soo socda.

Mas’uuliyiintaan waxa ay soo jeediyeen in Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay la yimaadaan talo wadaag ah,isla markana laga heshiiyo waqtiga suurtagalka ah ee la qabanaayo doorashooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...