Home Blog Page 876

Wararkii u dambeeyay bariga dhexe ka dib dilkii Soleimani

0

Baroor-diiqayaash ayaa buux dhaafiyay waddooyinka iyadoo Khamenei hormuud ka yahay
Boqolaal kun oo reer Iran ah ayaa caasimadda isugu soo baxay kuwaas oo ka baroor-diiqaya dhimashada Soleimani, sidoo kale guud ahaan magaalooyinak kale ee dalka waxa ka socon doona isku soo baxyadaas oo kale.
Hogaamiyaha sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa horkacaya salaada jazaanada iyo ducada loo sameynayo Jananka.
Jarmalka: Cunaqabateynta Ciraaq loogu goodiyay ma ahan mid xal ah
Wasiirka arrimaha dibada Jarmalka Heiko Maas ayaa sheegay in cunaqabateynta la saarayo Ciraaq aysan aheyd mid hal ah ka dib hadalkiika soo baxay madaxweyne Donald Trump oo ahaa in cunaqabateyn adag saari doono Ciraaq haddii ciidankiisa laga soo saaro dalkaas.
“Ma u malaynayo in tani ay ka shaqeyn karto Ciraaq laakiin waa aragti,” ayuu u sheegay Radiyaha dowladda ee Deutschlandfunk.
Waxaa uu intaas ku daray in Jarmalka Britain iyo France ay ka wadahadleen arrinta nuclearka Iran iyo tallaabada Tehran dhowaan shaacisay ay waxyeeleyn karaan heshiiskii muhiimka ahaa ee 2015 laga galay barnaamijka Nuclearka.
Sadexda dal waxaa ay muujiyeen ahmiyadda ay leedahay in la dejiyo xiisadaha ka taagan dalalka Iran iyo Ciraaq la qaboojiyo isla markaana juhdiga la isugu geeyo la dagaalanka Daacish.
“Waxaan diyaar u nahay in aan sii wadno wadahadalka aan la yeelanayo dhamaan dhinacyada si dadaalada lagu dejinayo xiisadda loo mideeyo laguna dadaalo xasiloonida gobolka.” ayaa lagu xusay bayaan ka soo baxay sadexda wadan.
Sidoo kale, war laga heley xafiiska madaxweynaha dalka France Emmanuel Macron ayaa lagu sheegay in maalmaha soo socda kulan uu dhex mari doona madaxweynaha France iyo dhigiisa Iiran Hassan Ruuxaani.
Dilka Soleimani waxaa uu keeni karaa xasilooni daro gobolka ah: Turkey
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu (Mowluud Jaawish Oglu ) ayaa sheegay in dilka Janaraal Soleimani uu khatar amni ku yahay nabadda gobolka.
“Waxaan dalalka kale kala shaqeyn doonaa sidii loo dejin lahaa xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran,” ayuu Cavusoglu u sheegay warfidiyeenka.
Mareykanka iyo Israel waxay wajahayaan maalin madow: Gabadha Soleimani
Zeinab Soleimani, oo ah gabadha uu dhalay Soleimani waxaa dadki isugu yimid tacsida aabaheed oo lagu qabtay caasimadda Tehran u sheegtay in Mareykanka iyo Isreal ay wajahayaan maalin madow dhimashada aabaheed awgeed.
“Trump wareersanow, ha u malaynin wax walba ay dhamaadeen ka dib shahaadada aabahey, ” ayay ka tiri isku soo baxaas xilli si toos ah looga baahinayay telefishinka.
Taliyaha guutada Qudus waxaa uu doonayaa in Mareykanka uu ka saaro gobolka
Brigadier General Esmail Qaani, oo ah taliyaha cusub ee guutada Qudus waxaa uu doonayaa in ciidanka Mareykanka laga saaro guud ahaan bariga dhexe ka dib dilka taliyihii guutadaas Soleimani.
“”Waxaa balan qaadayaa in aan raaci doono waddadii shahiidka Soleimani… waxa keliya oo aan ugu magi doono waan in aan Amerika ka saarnaa gobolka,” ayuu u sheegay Radiyaha qaranka Janaraal Ismaaciil.
Congres waxaa uu u codeyn doonaa qaraar lagu xadidayo awooda Trump ee go’aaminta dagaal: Pelosi
Afhayeenka Aqalka Congress Nancy Pelosi ayaa sheegtay in golaha todobaadkan ka doodi doonaan isla markaana u codeyn doonaa qaar lagu koobayo awooda arrimaha dagaalka ee madaxweyne Trump gaar ahaan arrinta hadda taagan ee Iran.
“Qaraar kan lamid ah waxaa soo aqalka senatka u gudbiyay Senator Tim Kaine,” ayay Pelosi ku sheegtay bayaan ka soo baxay xafiiskeeda.

Trump oo Ciraaq ugu hanjabay cunaqabateyn ka dib go’aankii baarlamaanka
MadaxweyneTrump ayaa Ciraaq ugu goodiyay cunaqabateyn adag ka dib markii baarlamaanka dalkaas uu ansixiyay qaar lagu dalbanayo in ciidanka ajnabiga ah ay ka baxaan Ciraaq.
“Waxaa halkaas ku leenahay saldhig ciidan oo aan ku bixinay kharash aan caadi aheyn. Waxaa ku baxday dhismahiisa balaayiin doollar. Kama baxayno ilaa aad lacagteeni dib noo siisaan,” ayuu wariyeyaasha u sheegay Trump.
Trump ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka soo degay diyaaradda madaxtooyada, isagoo intaas ku daray haddii Ciraaq dalbadeen in ciidanka Mareykanka la baxaan dalka ay ku soo rogi doonaan cunaqabateyn lamid ah tan saaran Iran.

Shaqaalle loo tababaray la dagaalanka Ayaxa oo ka hawlgalayaa deegaanada Galmudug

0

Wasaaradda Beeraha Dowlad goboleedka Galmudug oo kaashaneysa Wasaaradda Beeraha xukuumadda Soomaaliya ayaa deegaanno hoostaga Magaalada dhuusamareeb ka bilaabeen qorsho lagula dagaalamayo Ayaxa.
Ayaxa ayaa Dhibaata Xoggan ku hayo beero badan oo ku yaalla Gobolka Galgaduud,isaga oo xaalufiyey dalagyo kala duwan oo lagu beeray,sida an ka soo xiganay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug.
Waxa sido kale Qorshahan lagula dagalaamyo Ayaxa Qeeb ka Qaadanayo Duqa dagmada Dhuusamareeb Macalin nuur cilmi waxana fulinayo Howshaasi Shaqaale sigaar ah loo Tabababary.
Ayaxa waxa uu sameyn xooggan ku yeshay Beeraleyda ku nool deegaano katirsan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya

Maareeyaha cusub ee golaha Murtida oo maanta xilka la wareegay.

0

Munaasabadda uu xilka kula wareegay maareeyaha cusub ee golaha Murtida iyo Madadaalada C/qaadir Cabdi “Shube” oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaaradda Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” agaasimaha guudC/raxmaan Yuusuf Sh. “Al cadaala” iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda.
Maareeyihii hore Maxamed Abuukar Axmed “Ma’da” oo goobtaasi ka hadlay kaddib markii uu xilka ku wareejiyay maareeyaha cusub ayaa sheegay in shaqada golaha laga soo bilaabay meel hoose haddana ay mareeyso meel gabagabo ah, isagoo ku dhiirrigeliyay maareeye Shube in uu howsha halkeeda ka sii wado.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa Maareeyaha cusub u rajeeyay in uu ku guuleysto xilka loo magacaabay, isagoo intaasi ku daray in wasaaraddu ay gacan ku siindoonto gudashada waajibaadkiisa.
“”Maareeyihii hore wax wanaagsan ayuu soo qabtay , maareeyaha cusub ee xilka la wareegayna waxaan u rajeeynayaa shaqo wacan maaddaama uu yahay qof waayo arag ah oo muddo badan soo shaqeeynayay” Sidaasi waxaa yiri wasiir Maareeye oo ka hadlay goobtii xilwareejinta.
Maareeyhaha cusub ayaa kadib markii uu xilka wareegay waxa uu booqday golaha Murtida iyo Madadaalada oo dhismihiisu haatan meel gabo gabo ah marayo, wuxuuna warbixin ka dhageeystay Injineerrada iyo howlwadeennada ka shaqeeynaya dhismaha golahaasi.
Golaha Murtida iyo Madadaalada, Maktabada Qaranka, Matxafka Qaranka iyo dhammaan goobihii taallooyinka taariikhiga ah ayaa lagu dhisay ololaha loogu magacdaray Isxilqaan oo ay garwadeen ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Puntland oo Dhaqaatiir u dirtey deegaanno ay ka dillaaceen Cudurro an la aqoonsan

0

Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dhaqaatiir kala duwan waxaa ay u dirtey , deegaanka saaxdheer ee Koonfurta gobolka Sool, oo ay maalma ka hor uu ka dilaacey cudur aan weli la aqoonsan,kaas oo ay u dhinteen Saddex ruux.

Cudurka ayaa soo ritey dad badan,waxaana Wasaaradu sheegtay in Kooxo dhaqaatiir ah loo direy deegaankaas,kadib markii baaqyo kala duwan ay kasoo baxeen Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka saaxdheer

Dhaqaatiirtas  ayaa waxaa ay qiimeyn ku sameyn doonaan dadka bukaanada ah ee isbitaalka Saaxdheer jiifa si loogu qabto baahiyaha Caafimaad oo ay qabaan.

Dowladda Puntland aya Horay u shegtay in ay Dhaqatiir ay diri donaan deganadasi si loga jawabo Cabashada ka soyertay Daka Deganka.

Dowladda Soomaaliya oo Cambaaraysay weerarkii argagixiso ee Manda Bay

0

War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa canbaarayn dusha looga tuuray weerarkii kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada Mareykanka ee Manda Bay ee gobolka Lamu ee dalka Kenya.

“Weerarka fashilmay ee ururka argagixiso ee sii burburaya ee Al-Shabaab, kaasi oo lala maaganaa shaqaalaha iyo hantida difaaca, marna dib uma dhigi doonto dadaallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo kuwa diidan nabadda iyo xasiloonida gobolka” Ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ciidamada Kenya iyo taliska AFRICOM ee Mareykanka ku amaanayso sida fudud ee ay isaga caabiyeen weerarkaas, khasaaraha xooganna u gaarsiiyeen argagixisada Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya waxaay taageero buuxda u xaqiijinaysaa dadaallada socoda ee gobolka looga ciribtirayo argagixisada, waxayna sii wadi doontaa inay saaxiibada gobolka iyo caalamka kala shaqayso in nabad iyo baraare laga helo gobolka iyo dunidaba.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Taliska ciidamada Mareykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in war-saxaafadeedyo dhowr ah oo Al-Shabaab ay kasoo saartay dhacdadan ay yihiin kuwa lagu buun-buuninayo xaaladda amniga ee saldhigga. “Dhaqankan waa mid caadi u ah ururkaan argagixiso.” Sidaas waxaa yiri agaasimaha howl-gallada AFRICOM Major General William Gayler.

Ciidamada XDS oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka fuliyey Sh/hoose

0

Cutubyo ka tirsan ciidamada XDS oo ku hubeeysan gawaarida Gaashaaman ee dagaalka  ayaa howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al shabaab  ka sameeyay tuulooyin hoostaga degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgalka oo lagu xaqiijinayay ammaanka deegaanka Ceel-saliini iyo degaanno kale oo hoosyimaada degmada Marka ayaa sidoo kale deegaanno horleh looga saarayay maleeshiyaadka Shabaab.

Col-Xassan Maxamed Abuukar ahna taliyaha guutada 1-aad ee Ciidanka XDS oo  hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in qorshhu uu yahay sidii maleeshiyaadka Shabaab looga saarilahaa deegaannada dalka islamarkaan loo xaqiijinlahaa ammaanka deegaannada kooxda laga saaray.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha istiraatiijiyadeysan ee ciidamada XDS dalka uga xoreynayaan maleeshiyaadka Shabaab ee dhabaatada xad dhaafka ah ku haya bulshada Soomaaliyeed ee abriyada ah.

Aargada Kilomitre Zero Oo Dayactir Lagu Sameeyay Xariggana Laga Jaray.

0

Dhismaha aargada KM-0 oo ay si casri ah u dhistay wakaalada horumarinta dhismaha Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa xariga kajaray guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Goobtan ay bilicda ka muuqato waa KM-0 waana halka ay ka bilaabato tirada cabirka laga qaado guud ahaan gobolada dalka iyo degmooyinkiisa iyadoo darbiga ama gidaarka dhismaha lagu qoray qaar kamid ah degmooyinka dalka iyo inta ay isku jiraan.

Degmooyinka Cabdicasiis, Shibis iyo Shangaani ayey sidoo kale kulmisaa aargadaan KM-0  waxaana guddoomiyaha Degmada Shibis Cabdiraxmaan Sayid Cali ayaa ka mahadceliyay.

Maareeyaha Wakaalada Dhismaha Qaranka Soomaaliyeed Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa sheegay in dhismaha aargada KM-0 ay ku wareejin doonan dowlada hoose Xamar.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed (Hijaar) wax uu ka hadlay ahmiyada ay goobtan lee dahay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in Maamulka gobolka oo kaashanaayo DFS ay xoojin doonaan hirgalinta mashaariic waxtar uleh Bulshada iyo Qaranka.

Maamulka Buurdhuubo Oo Dadaal Ugu Jira Dib U Dhiska Cisbitaalka Magaalada

0

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo  Xasan Muxumed Cali iyo masuuliyiin uu hogaaminayay Ayaa kormeer ku tagay isbitaalka guud ee degmada Buurdhuubo  oo uu Ka muuqdo burbur baahsan.

Guddoomiyaha Degmada Buurdhuubo ayaa hoosta ka xariiqay in ay socdaan dadaallo ay wadaanbulshada oo la doonayo in lagu uruuriyo taageero dhaqaale oo dib loogu dhiso cisbitaalkaasi.

Guddoomiyaha ayaa Hay’adaha Gar gaarka , Dowlada Federalka iyo ganacsatada ka dalbaday in ay gacan ka gaystaan dhismaha Ispitaalka guud ee magaalada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo

Wakaaladda Wararka Sonna Oo U Dabbaaldageysa Xuska 46-Aad (Warbixin)

0

Aasaaska Wakaaladda Wararka SONNA,ka hor waxaa dalka soo maray 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-kii, xilligii Gumeysiga Ingiriiska iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-kii xilligii,daakhiliyadda maamulka Talyaaniga ee Gobolada Koofureed, kadiba waxaa ku soo biiray oo la unkay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.

Wakaaladda Wararka Qaranka Somaaliyeed ee SONNA waxaa la aasaasay sanadkii 1964-tii waana mid ka mid ah Tiirararka ugu weyn ee wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya .

Xarunta ugu weyn ee SONNA waa magaalada Muqdisho, waxayna laaamo ama xafiisyo ku laheyd dalka gudihiisa iyo dibadiisaba  sida hay’adaha Midowga Carabta, Afrika iyo kuwa caalamiga ah.

Waa Wakaaladda Wararka rasmiga ah waxay bixisaa adeeg news ah taas oo macnaheedu yahay ururinta wararka gudaha iyo dibadda iyo caymiska dhacdooyinka iyo xaqiiqooyinka iyo hadal  iyo dhawaaqa iyo bixinta adeegyada news ay siiso  warbaahinta kala duwan sida raadiyaha, telefishanka, wargeyska iyo Web ah.

Marka la eego saacadaha shaqada iyo content sida ay u shaqayso SONNA  warbaahinta 24-ka saac ah oo xiriir ah.

Message: ama Fariin

SONNA ayaa ah  isha wararka  waxeyna ku shaqeysaaa daacadnimo, dhex-dhexaadnimada iyo daba-tag oo dhan dhacdooyinka xiisaha u leh ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee heerarka kala duwan gudaha iyo dibadda.

Aragti

Wasaaradda Warfafinta waxay wadaa qorshe ama Promotion ah hay’adda shaqada warbaahinta si ay u noqdaan awood dheeraad ah oo casri ah iyada oo loo marayo farsamooyinka iyo technology isticmaalaa.

Ujeedooyinka shaqada Hay’adda ee  SONNA

in la gaarsiyo hawsha SONNA Gobol ksta iyo dibadda intaba iyadoo la abuurayo kaaadiriin hore iyo kuwa cusub ee loo abuurayo baahinta wrarka SONNA.

2 – Raadraac iyo la socodka wararka ay daabaceen wakaaladaha wararka iyo warbaahinta caalamiga ah Carabta iyo kuwa kale si ay u gaaraan hababka ansaxnimada iyo jawaabta ay qanci karo.

3 – shirarka iyo qaybinta news gudaha iyo dibadda ah, xaqiiqooyin, turjumo oo naadiya xilligan ay si toos ah u dhacaan.

4 – soosaarka qalabka saxaafadda iyo macluumaadka in la kordhiyo warbaahinta dawladda sida radio iyo wargeyska iyo telefishanka.

5 – diyaarintas news maxalliga ah iyo xaqiiqooyinka in hay’adaha news Carabi iyo Ingiriisi in ay iskaashi la xiriir hay’adda kale.

6 – In la siiyo qoraallo maalin ee Carabi iyo Ingiriisi in ergooyinka diblomaasiyadeed iyo danjirayaasha eek u sugan  Jamhuuriyadda Somlia gudaheeda, iyo gaarsiinta Pulettin Carabi iyo idaacadaha Ingiriisi bulshooyinka carabta ah iyo kuwa shisheeye ee dalka.

7 –inay  diiwaangeliso dhacdooyinka sida dhinacyada kala duwan ee la kaashanaya hay’adaha of news gobolka iyo caalamka iyo xoojinta xiriirka kale ee caalamka.

8 –  tixgelinta qiyamka iyo dhaqanka oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee dhinacyada news iyo faafinta.

9 – Workshop  si ay u abuuraan kaadiriin ah u tababaran oo aqoon iyada news shakhsiyeed.

1o.waxay Wakaaladda SONNA qabtaa hawsha diyaarinta iyo soo gudbinta warsidaha maalinle ah ah Carabi kaas oo laga sii daayey iyo baahiyey Radio Muqdisho iyo TV-ga qaranka.

Haddaba Wasirka Warfaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Agaasimaha Wakaaladda Wararka SONNA Cali C/qaadir Cali ayaa hambalyo ku aadan xuska 46-aad ee aasaaska wakaaladda aawadeed u diray maamulka iyo shaqaalaha SONNA,wxayna u rajeeyeen in sanadkaan kisa kaler ay ku gaarfaan horumar iyo barwaaqo.

Wakaaladda Wararka SONNA

Bandhigga Safarka & Dalxiiska Oo Muqdisho Ka Furmay.

0

Shirka Bandhigga safarka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho isagoo noqonaya kii ugu horeeyay oo dalka ka qabsoomay.

Madax kala duwan ayaa ka qeyb galay furitaanka bandhigga, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Md.Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), Wasiirka warfaafinta Md.Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),  Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} iyo xubno kale ayaa ku sugan furitaanka Bandhigga.

Wasiirka Warfaafinta XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir oo ka hadlay ayaa sheegay in bandhiggaan muhiimka ah uu tusaale u yahay in Soomaaliya ay ku soo laabaneyso fagaarayaasha caalamka ee tan iyo burburkii ay ka maqneed.