Home Blog Page 876

Laamaha ammaanka oo bilaabay baaritaanka qarixii saaka ka dhacay laanta canshuuraha

gaarigan laga soo buuxiyay walxaxa qarxa ayaa saaka ka dhacay  iridka hore ee xarunta laanta canshuuraha oo ku taala degmada Xamar-Jajab gaar agaanka soo horjeedka dekedda Muqdisho.

Weli khasaaraha si rasmi ah laama xaqiijin karo,balse wariyeyaasheena oo goobta tagay ayaa soo sheegaya in khasaare dhaawac ah uu jiro, laamaha ammaankuna aan weli u soo bandhigin warbaahinta.

Hay’adaha ammaanka ayaa ku howlan baaritaanka nuuca uu ahaa gaariga qarxay iyo sida falka uu u dhacay, amaanka ayaa aad loo adkeeyay.

Afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayàa si kooban u sharaxay sida ay wax u dheceen.

“Xarunta Laanta Ilaalada Canshuurta ayuu qaraxa ka dhacay, Koontaroolka Kowaad ayuu dhaafay, midka labaad markii la joojiyay ayuu qarxay, hadda waxaa la dalbay ciidamada baara haraadiga walxaha qarxa dhaawacyo ayaa goobta laga qaaday wixii kale ee macluumaad ah waan sii wadaageynaa”.ayuu yiri (Oranjo).

“Target-ka Gaariga Qarxay wuxuu ahaa Xarunta Ilaalada Canshuuraha, xoog ayuu ku dhaafay Koontaroolka Kowaad, rasaas ayaa lagu furay, wuuna qarxay, dhaawacyo ayaa jira, illaa hadda dhimasho lama soo sheegin”. Ayuu intaasi ku daray Afhayeenka wasaaradda Ismaaciil Oranjo.

Munaasabado Lagu Xusayay 1-Da Luulyo Oo Ka Dhacay Magaalooyinka Gaalkacyo Iyo Goldogob+Sawirro

0

Munaasabadda xuska 60 guuradii kasoo wareegtay markii Goballada Koofureed xuroobeen oo xalay lagu qabtay dagmada Goldogob ee gobalka Mudug ayaa waxaa Ka qeyb galay xildhibaano Ka tirsan labada Gole ee baarlamaanka dalka wasiiro iyo xildhibaano Ka tirsan dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug, waxgarad, siyaasiyiin iyo bulshada qeybahooda kala duwan ee ku nool dagmada Goldogob.

Senatar Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa ka hadlay iyo masuuliyiin ka tirsan kuwa dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug waxayna ka sheekeeyeen halgankii dheeraa ee loo Soo maray xornimada, iyagoona ku booriyay dhallinyarada maanta in ay Hormuud u noqdaan nidaamka dowladnimo ee dalku ku talaabsaday

Dhanka kale Munaasabad lagu maamuusayay xuska 60 guuradii kasoo wareegtay maalintii ay xuroobeen goballada koofureed iyo  midowgii labada gobal ee Waqooyi iyo koofur oo ay soo agaasimeen maamulka dagmada galkacyo ee Galmudug ayaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamed Axmed oo munaasabadda ka hadlay ayaa xusay in maanta ay tahay maalin farxadeed loona baahan yahay in lagu xasuusto halgamayaashii naftooda iyo maalkooda u huray xornimada dalka, isagoona ka dhawaajiyay in ay tilmaam fiican oo ku dayasho mudan ay yihiin jiilka maanta nool.

Munaasabadda oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin iyo qeybaha bulshada ayaa waxaa khudbado ka jeediyay qaar ka kida odayaasha dhaqanka kuwaas oo sharaxaad buuxda ka bixiyay halgankii xornimo doonka iyo guusha la gaaray taas oo ay xuseen in maanta aynu harsaneyno waxaana sidoo kale ay ugu baaqeen dhallinyarada in ay noqdaan kuwa hormuud u ah hannaanka dowladnimo ee dib usoo noolaanayo.

 

Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Oo Diiwaangeliyay Xisbiyo KMG Daawo “Sawirro”

0

Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta shahaadooyinka KMG ah ee diwaangalinta siiyay 8 xisbi oo ku biiriya xisbiyadii GMDQ uu horey u diwaangaliyay,

GMDQ oo raacaya tilmamaha iyo talooyinka Cudurka Safmarka ah ee Covid-19 ayaa munaasabadda xisbiyada lagu sinayay shaadada u qabtay qaab online ah iyadoo uu GMDQ aaladda ZOOM- ka u adeegsiday qabsoomidda Munaasabaddaas.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil iyo Diwaangaliyaha Xisbiyada Guddiga Maxamed Cumar Axmed Xaydara ayaa ka qaybgalay munaasabadda xisbiyada lagu guddoon siinayay shahaadada ku meelgaarka ah.

8 xisbi ee maanta helay shahaadada kumeel gaarka ah ayaa kala ah.

– Xisbiga Bulshada Dimoqaardiga Soomaaliyeed.

– Xisbiga Nolosha iyo Cadaaladda.

– Xisbiga Walaalaha Midoobay.

– Xisbiga Tubta Horumarka iyo Nabadda.

– Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka.

– Xisbiga Soomalinimo.

– Xisbiga Cadaaladda Horumarinta Dimoqraadiyadda iyo Isqadarinta.

– Xisbiga Badbaado Qaran.

Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Xusayay 1-Da Luulyo+Sawirro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu xusayey 60-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobolada Koonfureed iyo Midnimada dalka ee 1-da Luulyo.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka kaddib munaasad Calan-saar ah oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta jeedin doona, khudbadda munaasabadda 1-da Luuliyo haddii Alle idmo.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha golaha Shacabka,Ra,iisul wasaare ku xigeenka dalka,Guddoomiyaha Maxkamadda sare,Guddoomiyaha gobolka Banaadir, qeybaha bulshada iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda.

Madaxweyne Farmaajo Oo Xarigga Ka Jaray Madxafka Qaranka Daawo “Sawirrada”

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Madxafka Qaranka ayaa ku bogaadiyey dhallinyaradii isu xilqaamay dib u dhiska Madxafka, ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in dib loo dhiso xarumaha danta guud, bilicda iyo kaabeyaasha nolasha.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay Dowladda ugu gacan siinayaan horumarinta iyo dib u dhiska dalka, iyaga oo mideysan kana fog qabyaaladda iyo kooxeysiga, taas oo ah jidka kaliya ee ay kula tartami karaan barbaarta caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku adkeeyey Taariikhyahannada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta taariikhdii gobonimo doonka dalkeenna oo ku suntan midnimo, wadajir iyo howlkarnimo, isla markaasna ay uga tagaan shacabkeenna dhaxal Hiddo-raac ah oo u iftiiminaya mustaqbalkooda.

“Dhismaha Madxafka Qaranka waa tallaabadii ugu horreysay ee ku aaddan soo nooleynta taariikhda dadkeenna iyo dalkeenna, waxaa ina hortaalla shaqo baaxad weyn oo ku saabsan sidii aan dib ugu soo celin lahayn aasaartii iyo milgihii keydsanaa ee dalkeenna, waana arrin uu gacan ka geysan karo muwaadin kasta oo qadarinaya sooyaalka iyo mustaqbalka Umadda Soomaaliyeed.”

Munaasabadda Xarig-jarka Madxafka Qaranka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo Ku-xigeennadiisa, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Guddiyada Heer Federaal iyo Heer Gobol ee Xuska 60-guurada Xornimada iyo Midnimada.

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Hambalyo U Diray Shacabka Soomaaliyeed

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 1-da Luulyo.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa ugu hambalyeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 60 sano guuradii ka soo wareegtay xornimada gobollada koofureed ee dalkeenna iyo midnimadii labada Gobol Ee Waqooyi Iyo Koofur.

Wejigii 2-Aad Shirweynaha Dib U Heshiisiinta Beelaha Oo Ka Furmay Galbeedka Gobalka Mudug

0

Wejigii Labaad Shirweynaha Dib u heshiisinta beelaha daga galbeedka Gobalka Mudug Oo Ka furmay dagmada Goldgob ayaa waxaa Ka Qeyb Galay masuuliyiin ka kala socatay dowlada gobaleedyada Galmudug Iyo Puntland xildhibaano ka socotay laba aqal ee Baarlamaanka Fadaraalka Siyaasiiyiin Waxgarad Iyo Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada Beelaha Colaaddu Ka dhexjirtay

Furitaanka Shirweynaha ayaa waxaa ugu horeyn ka Hadlay Gudoomiyayaasha Gobalka Mudug Ee Puntland Iyo Galmudug Cabdi Ladiif Muuse Nuur Iyo Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal Waxaana Ay Bogaadiyeen Dadaalada dib u heshiisiinta ee ka socanaya Gobalka Mudug

Maymuun Cali Nuur oo ku hadleysa magaca Haweenka kulanka Ka Qeyb Galay Ayaa Iyana Ka Hadashay Saameeynta Colaaduhu Ee Ay Ku Yeesheen Hooyooyinka Soomaaliyeed Ee Ku Nool Gobalka Mudug

Ugu Danbeyna Waxaa Furitaanka Shirweynahaan Oo Socoan Doona Muddo Dhowr Maalmood Ah Ka Hadlay Wasiirka Wasaarada Tamarta Iyo Biyaha Galmudug Maxamuud Kaarshe Iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Guddiga Isku Dhafka BF Oo War Ka soo Saaray Wareejinta Kuraasta Ee Deegaan Doorashada.

0

Guddoomiyaha Guddiga Wadajirka ah ee Dhammeystirka Xeerarka Sharciga Doorashooyinka Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow ayaa markii ugu horeysay ka hadlay cabasho ka soo yeertay beelaha qaar, taas oo ah in kuraastoodii golaha shacabka deegaan doorashadooda loo wareejiyey gobol ama degmo aysan degin.

Xildhibaan Ibraahim Isaaq ayaa sheegay in arrintaas aysan ku dhicin ku talo gal, balse ay tahay khalad ka dhacay daabacaadda xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka, haatana ay diyaar u yihiin in ay dib u saxaan.

Sidoo kale waxa uu xusay in sidii loo hagaajin lahaa khaladkaasi jira ay la kaashan doonaan Guddoonka Golaha Shacabka, isla markaana ay qaadan doonaan tallooyinka ay soo jeediyaan Xildhibaanada aragtida ka dhiibanaya xeerka asteynta kuraasta golaha shacabka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo  ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta Golaha Shacabka oo horyaalla Golaha ayaa sheegay in kuraasta loo wareejiyey Goballada aysan deganeyn beeshii laheyd ay khatar ugu jiraan inay lumaan.

Guddoomiyaha Aqalka Hoose Oo Ka Digay U Wareejinta Kuraasta Xildhibaannada Deegaan Aysan Laheyn Beesha

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan oo  ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta,ayaa ka digay in kuraasta loo wareejinayo gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay keeni karto in ay  lumaan kuraastaasi.

“Kuraasta waxaa loogu tala galay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay u tartamaan, adiga waxaa laga yaabaa in kursiga inta aad qaado oo geyso meel aysan deganeyn bulshada iska leh kursigaas, adigana lagaa tira badan yahay,ay suurtogal tahay in lagaaga guuleysto” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa sheegay in ciladdaasi ay ku soo noqon doonto dadkii kursigaas iska lahaa, taasina ay u baahantahay in laga fekero inta aysan dhicin.

Guddoomiyaha oo si gaar ah ula hadlaayey xildhibaanada, ayaa ku baaqay kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada aan loo wareejin gobol aysan degin beeshiishii laheyd kursigaasi , isagoo uga digay in kursigaas uu marka dambe lumi doono.

 

Madaxweyne Farmaajo Oo Shacabka, XFS Ugu Hambalyeeyey Diblumaasiyadda Hoggaaminta QM.

0

Madaxweynaha Jamh.Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo Goleyaasha DFS guusha taariikhiga ah ee dhanka diblumaasiyadda, kaddib markii dalkeenna loo doortay Guddoominta Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha oo uu weheliyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Mareegaha Internetka kula xiriiray Madaxa Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobay Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo doortay Madaxwayne kuxigeenka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ay muujineyso ixtiraam iyo qaddarin caalami ah oo uu kasbaday dalkeennu sanadihii la soo dhaafay, taas oo ku aaddan go’aamadeenna arrimaha dibadda, aragtideenna siyaasadeed iyo in shacabkeenna Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin dowladdooda, ayna ka go’an tahay dib u dhiska dalkooda.

“Soomaaliya waxa ay si buuxda ugu soo laabatay fagaareyaasha caalimiga ah, iyadoo ay inaga muuqato firfircooni, hal abuur hoggaamineed, dhexdhexaadnimo, ilaalinta xasilloonida Gobolka iyo ka shaqeynta danaha wadajirka ah ee dhinacyada horumarinta, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey diblumaasiyiinta Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay soocelinta maqaamkii iyo doorkii hoggaamineed ee dalkeenu uu ku lahaa caalamka, isagoo u rajeeyey Ergeda Soomaaliyeed ee Qaramada Midoobey in ay si mugleh uga soo dhalaalaan masuuliyadda adag ee loo doortay.

Dhankiisa, Danjire Abuukar Daahir Cismaan “Abuukar Baalle” ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka, kaas oo ah in dalkeenu uu ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey.

 

DHAMMAAD