Home Blog Page 875

Ciidanka Xoogga dalka oo kordhiyey Howlgalada ka dhan ah Argagaxisada

0

Ciidanka Xoogga dalka ayaa sanadkii aan soo dhaafnay ee 2019 kordhiyey howgalada lagu beegsanayo Maleeshiyaadka Al Shabaab ee goobaha ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.

Howgalo isbajoog ah ayaa todobaadkan gudahiisa ka dhacay qeybo kamid ah gobolada Jubooyinka, Shabeellaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Tiro badan Argagaxisada ah ayaa ladilay sidoo kale waxaa laburburiyey xarumo ay ku gaban jireen.

Guulaha  ciidanka xoogga ay ka gareen ayaa ah si daynta dad maxabiis ah oo gacanta ugu jiray  Al-shabaab,  intii ay ku guda jireen howlgalka ka dhanka argagaxisada.

Al-shabaab ayaa wax ay wajahayaan weerarro kaga imaanaya ciidanka xoogga dalka iyo kuwa tageerada caalamka ee  Africom.

Midowga Afrika & QM Oo Tababar Ufidinaya 300 Oo Askari Oo Kamid Noqonaya Ciidamada Daraawiishta Heer Federaal.

0

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AMISOM, Midowga Yurub iyo QM ayaa sheegay in ay billaabeen tababar gaar ah oo la siinayo 300 askari oo Booliis ah kuwaasi oo kamid noqonaya kuwa booliiska Daraawiishta ee dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ah cutub loo tababaray xirfado gaar ah oo ku aadan suggidda amniga dalka.

Augustine Magnus Kailie, Oo ah Taliyaha Booliiska Amisom ayaa sheegay in tababarkan uu yahay mid muhiim u ah wax ka bedelka muuqaalka Xoogaga Ciidamada Booliiska ee Soomaaliya (SPF) in ay yeeshaan awood ay ku illaalin karaan amniga dadka Soomaaliyeed.

Bayaan ayaa ku sheegay bayaan ay soo saartay Amisom lagu sheegay “Marka aan caawinayno, inaan dhigno awoodda waa inaad u istaagtaa diyaarna u noqotaa si aad u aragto sida wanaagsan oo wax looga bedeli karo waayo aragnimadii hore lana taageero waxaad kuusoo baxaya oo aad helaysaa sida kuwa Daraawiishta gaarka ah oo kale, si aad u difaacdo dadka Soomaaliyeed,”

Tababarka ayaa waxaa fulinaya barnaamijka wadajirka booliiska ee Amisom, Midowga Yurub iyo QM.

Barnaamijka wadajirka ah ee ciidamada booliiska oo ah mid soo socday muddo shan sano ah ayaa lagu taageerayay si loo sii kordhiyo awoodda muuqaal ee joogista iyo tan la xisaabtanka hirgelinta habka cusub ee boliiseeynta ee Ciidamada booliiska ee Soomaaliya ee dowladda Federaalka iyo gobollada xubnaha ka ah ee maamul gobolleedyada.

Cabdi Xassan Maxamed, oo ah taliye ka tirsan saraakiisha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay dowladda ku dhaqaaqday sidii ay kusoo nooleyn lahayd Qeybta Gaarka ah ee Ciidamada Booliiska Daraawiishta iyadoo loo qorayo askar baaxad leh lana siinayo tababar cusub inta lagu gudo jiro sanadkan 2020.

“Dhammaadka tababarkan, ciidamada gaarka ah ee booliiska waxaa kamid ah kuwa Haramcadka, Daraawiishta iyo kuwa Birmad-ka ayaa waxa ay noqon doonaan kuwa si buuxda loo qalabeeyo iyadoo awoodoodana laysu geyn doono  waxaana ay matali doonaan xoogga ugu muhiimsan oo illaalin kara xarumaha dadweynaha”, sidaasi waxaa sheegay Cabdi Xasan Maxamed oo hadalkan jeediyay xilligii furitaanka xafladdan oo ka dhacday magaalada Muqdisho.

Dhammaadka tababarka, Qeybta Ciidamada booliiska ayaa lagu biirin doonaa xoogga ciidamada booliiska waxaana loo daadgureyn doonaa dhammaan maamul gobolleedyada xubinta ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka Golaha Shacabka oo looga hadlayo Hindise Sharciyeedka Jaangooynta iyo Tayo dhawrka

0

kulan ay yeelayaan golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa Ajandahisu yahay akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Jaangooynta iyo Tayo Dhawrka.

Hindise sharciyeedkan ayaa waxaa soo diyaariyey wasaaradda ganacsiga  ee xukuumadda Soomaaliya,Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ayaana sheegay in sharcigan muhiimad gaar ah u leeyahay Soomaaliya.

Ayadoo u maantay marii doonno akhrinta labad ee golaha shacabka hindisa sharciyeedka  wasaaradda gacansiga  soomaaliya.

Diyaarada laga leyahay dalka Ukrain oo ku burburtay  meel ku dhaw  garoonka diyaaradaha Tehran

0

Diyaarada ay saaraanayeen ku dhawaad 180 ruux  ayaa saakay ku burburtay meel ku dhaw gagida diyaaradaha Tehran ee Imam Khomeini  dalka  Iran

Telefishanka dawladda Iiraan ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarnaa diyaaradda ay ku dhinteen shilka diyaarada.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Iraan diyaarada tirsigeedu yahay Boeing 737-800 in ay ku burburtay waxayar ka hor parand oo ah meel koonfurta galbeed kaga beegan magaalada Tehraan.

Hay’adda bisha Cas ee Iiraan ayaa sheegtay inaysanv helaan dad ka  badbaaday. Sawiro lagu barahiyay baraah  bulshada ayaa sidoo kale lagu muujiyay  inaysan jirin cid  ka badbaaday shilkaas diyaarda.

Sida laga soo xigtay Duulimaadka Diyaaradda Flighradar24, Diyaaradda Caalamiga ah ee Duulimaadka Diyaaradda ee Ukraine 752 ayaa loo qorsheeyay inay ka dagto 5:15 subaxnimo xilliga Tehran iyadoo ku sii jeedda Garoonka Caalamiga ah ee Boryspil ee caasimadda Kyv ee Yukreen.

Bulshada Magaalada Dhuusamareeb Oo Soo Dhoweyn Ufidiyay Ciidamada XDS

0

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar islow Ducaale ayaa maanta Bulshada Dhuusamareeb ee uu Barlamaanka ku matalo Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed Ka guddoomay 5 Geel ah oo ay ugu tala Galeen Dhiiri galinta Ciidanka qalabka sida ee ka howl Gala Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Wasiirka Max’ed Abuukar Islow Ducaale ayaa uga mahadceliyay dadka deegaanka Dhuusomareeb sida ay markasta ugarab taagan yihiin soo dhoweeynta iyo dhiiregelinta ciidamada iyo dowladda intaba.

Kudhufo link-gan:- https://www.youtube.com/watch?v=DEQgFu93b70

Guddiga Qaban-qaabada maalmaha Xorriyadda oo Maanta Yeeshay Kulankoodii ugu Horeeyay.

0

Waxaa maanta magaalada magaalada Muqdisho kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Guddiga qaban-qaabada xuska 60 guurada xorriyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa gudoominayay Guddoomiyaha guddiga ahna Wasiirka Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),isagoo ka warbixiyay, asagoona sheegay in sannadkan xuska uu ka duwanaan doono xusaskii hore u dhacay sannadihii hore. Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay sababta guddiga uu kulankoodii ugu horreeyay maanta u yeeshay, ayadoo oo ay lix bilood ku dhawaad ay ka harsantahay xuska todobaadka xoriyadda, waxa uu sheegay marka hore in ay tahay aragtida madaxda qaranka, gaar ahaan madaxwaynaha jamhuuriyadda mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Sidoo kale waxa uu sheegay in xuskan uu ku buuxsan yahay 60 sano oo ay xor tahay jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya, waxa uuna yiri, “Calaamadaha uu leeyahay 60 guuradan waxaa ka mid ah marka ugu horreysa waa 60 guuro. lixdan waa sannad ama waa xilli taariikheed u calaamadsan bulshooyinka caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed. Waa xilli qofka qaargaar wayn noqdo, khibrad dhammaysto, karti dhammaysto, oo waayeelnimo dhammaysto, sidaas darteed qaranka ayaa lixdan sano jirsaday”.

Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa sheegay in xuskan uu ku aaddan yahay, ayadoo 20 sano ay ku buuxsantay dib u dhisidda dawladnimada aan maanta haysano;

“Marka labaad muhiimadda ay leedahay maalinkan waa labaatan guuradii markii dawladdan hadda jirta dib loogu soo yagleelay dawladnimada Soomaaliya magaalada Carta ee dalka jabuuti oo runtii nidaamkan hadda jira uu ka yimi 2000, maalinba meeshii uu soo taagnaaba, maanta uu halkan joogo”.

Wasiir Maareeye, guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ayaa ugu dambayn sheegay in xuska sannadkan uu ka dhici doono dhammaan degmooyinka dalka, ayadoo ay xildhibaanada, wasiirada iyo madaxda dalka ay tagi doonaan dagmo walba, sidaasna uga qayb qaadaan doonaan farxadda wayn ee lixdan guurada maalmaha xoriyadda iyo xuska labaatan guurada dib u dhisidda dawladnimada maanta jirta

Waa Maxay Sababta Ay Soomaaliya U Lumineyso Maamulka Hawadeeda!! (Qormo Kooban)

0

Hey’adda duulista rayidka qaramada midoobay ee ICOA maamulidda hawada Soomaaliya ayaa gacanta u gelisay hey’adda duulista rayidka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dhammeystiran bartimihii sannadkii 2018-kii.

Ku dhowaad soddon sanno oo ay gacanta Soomaaliya ka maqneyd maamulka hawada waxa lala soo maray marxalado adag, juhdi aan kala go’ lahayn cilmi-baaris shaqo iyo diyaarinta shuruuc kala duwan, wadahadallo sannado qaatay iyo dadaalka hey’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya sameysay, taas oo lagu gaaray natiijada ay dowladda Soomaaliya ka gaartay maamulka hawada.

Maamulidda hawada waxaa lagama maarmaan u ah sharciyo gaar ahaaneed sida sharciga hey’adda duulista rayidka oo ka gudbay Golaha shacabka ee Baarlamanka Federalka Soomaaliya balse  horyaalla Golaha Aqalka sare Baarlamanka Federal Soomaaliya.

Sharciga hey’adda duulista ayaa wakhti kooban u heysta baarlamanka in uu dhaqangeliyo dhammaadka bishaan Jannaayo ee 2020-ka sida ku cad heshiisyadii lala galay hey’adaha ICOA iyo ITA.

Walaaca maamulka Hawada

Hey’adda ICOA  waxa ay bilowday in ay bixiso digniino (Signal) muujinaya khatarta ka imaan karta haddii aan bishan la helin sharci dhammeystiran oo awood u siinaya hey’adda duulista rayidka Soomaaliya in ay heysato maamulka hawada iyo in ay fuliso dhammaan 12,000 (Laba iyo Toban Kun oo qodob) kuwaas oo u deggan hey’adda Qaramada Midoobay  u qaabilsan duulista rayidka ah ee IOCA, taasi waxaa ku jirta danta dalkaan iyo dadkiisaba si caalamka intiisa kale ay kala qeyb-galaan tartanka horumarka dhaqaale.

Sharciga nuxurkiisa marka aad akhriso waa mid ku habboon xaaladda iyo nidaamka dowladdeed ee dalkan uu leeyahay ee ku saleysan Federaal wadaagga Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xogo laga helay khubarro ku xeel dheer sharciga arrimaha duulista rayidka waxa ay bixinayaan digniino adag oo ku aadan in aan dib loo lumin maamulka hawada ee geeddiga dheer ka soo hoyday.

Barlamaanka Soomaaliya-(Aqalka sare)

Golaha Aqalka sare waxaa horyaalla masiir ka mid ah tiirarka astaanta u ah madax bannaanida dalkan, waa in dalku uu maamushaa hawadiisa, xuduudahiisa, dhulkiisa iyo meel walba oo carrada Jamhuuriyadda ka mid ah.

Aqalka sare waxaa la gudboon in toddobaadyada hore ee bishan ay ansixiyaan sharciga hey’adda Duulista rayidka ah si dalka uu uga badbaado qal-qal hor leh oo keena in dib looga ceshto Soomaaliya maamulka Hawada.

Talo waddniyadeed.

Kala horreysiinta Sharciyada iyo sida ay u kala leeyihiin mudnaanta si dalkan uu uga soo kabto burburkii kasoo gaaray sharciga, amniga, dhaqaalaha iyo la macaamilka dunida heysata sharciyadda sahli kara fududeynta ka qeybgalka tartanada ayaa waxa loo baahan yahay shaqo gudasho waddaniyad leh si ay dalka ugu badbaado fursadaha lacagaha Balaayiinta ah eek u soo xaroon lahaa dhakhli ahaan, iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida dhanka hawada.

Sidaa darteed Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxaan dhihi lahaa ka faa’ideysta fursadda gacantiina ku jirta oo badbaadiya dalkiina dadkiisu ay ku dulman yihiin dunida badankeed oo ansixiya sharciga hey’adda duulista rayidka ah ee Soomaaliya.

W/D Feysal Muuse

 

Xubno Ka Tirsan Al-shabaab Oo Lagu Qabtay Duqeymo Ka Dhacay Gobolladda Jubooyinka

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Africom ayaa fuliyay Duqeymo Dhanka Cirka ah Saqdii Dhexe Ee Xalay kaasi oo lagu beegsaday horjooogayaal ka tirsan kooxda Al-shaabab  kuwaas oo ku sugnaa deegaannada jubboyinka

Duqeymaha ayaa la sheegayaa in si gaara looga fuliyay deegaannada kala ah Jilib, Jammaame  iyo caga-libaax  islamarkaana khasaaro lixaad leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta qaranka  ayaa sheegay in lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan kooxda nabad diidka ah, inkastoo aysan shaacin tirada saxda ah ee lagu dilay, sidookale saraakiisha ayaa sheegay in afar xubnood nolosha lagu qabtay sida ay hadalka u dhigeen.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dadaal ugu jiro sida ay uga sifeen lahaayeen kooxda Al-shabaab guud ahaan dalka Soomaaliyeed

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran  ee kumaandooska soomaaliya qeybta ka howlgasha gobolladda jubboyinka ee howlgalka Africom ayaa weeray fariisimo ay ku lahaayen kooxda A-shabaab  deegaanka Caanoole oo hoostagaBadhaadhe ee gobollka Jubbadda Hoose,halkaas oo ey ku shirayeen horjoogayaalka ka tirsan maleeshiyadka Al-shabaab  islamarkaana ay xoolo ay ka dheceen shacabka Soomaaliyeed sida ay inoo xaqiijiyeen saraakisha ciidan xoogga dalka.

Sidoo kale ciidanka xoogga dalka ayaa duqeyn ka fulliyaya Deeganka jammame ee gobolka jubbada hoose ,halkaasi ay ku tabo baranayeen  dhallinyaro ey soo qaldeen  una tabo barayeen sidii ey u dhibaateen lahaayeen shacabka Soomaaliyeed halkaasi ay khasaaro xooggan ku gaarsiiyeen

Ciidamada ayaa sidoo kale duqeeyay saldhig ay nabad diidka ku lahaayeen degmadda Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaas ay ku sugnaayeen horjoogayaal sar sare oo ka tirsan Al-shabaab waxaana la burburiyay saldhigii ay Kooxda halkaasi ku lahayd.

Gaashanle dhexe Xasan Maxamed Ciraaqi ayaa u xaqiijiyay warbaahinta qaran in khasaaro xoogg leh soo gaaray maleeshiyaadka argagixisadda Al-shabaab goobaha ay duqeenta ka dhacday .

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa habeen iyo dharaar heegan ugu jiro ciribtir AL-shabaab si ay uga dulqaadan dhibka iyo dhagarta ay ku haayan shacab Soomaaliyeed

Wasaaradda Haweenka Galmudug & Haweenka Deegaannada Oo Kulmay

0

Haweenka doonaya ka mid noqoshada Baarlamaanka Galmudug ayaa Bilihii la soo dhaafay ayaa ka doodayay si ay uga mid noqon daan Baarlamaanka cusub ee Galmudug oo meel gabo-gabo ah maaya.

Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha Galmudug oo xalay kulan wadatashi ah la qaadatay haweenka uu hamigoodu yahay in ay lagu daro Baarlamaanka cusub ee Maamulkaasi kuwaasi oo ka soo kala jeeda deegaannada maamul gobolleedka, ayaa diiradda lagu  saaray Arrimaha Siyaasadda iyo kamid noqoshada Golaha Wakiilada Galmudug.Naciimo Maxamed Catoosh oo sii haye ka ah Wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Galmudug oo kulan labo maalmood ah furtay ayaa faah-faahin ka bixisay waxyaabihii looga hadlay oo ay kamid yihiin doorka haweenku ee arrimaha siyaasadda iyadoo lala kaashanayo qeybaha bulshada.

Doodaha haweenka ee kamid noqoshada Baarlamaanka cusub ee Galmudug ayaa ah mid si saa’id loo hadal hayo haseyeeshee haweenka ayaa dadaal ugu jira in ay helaan matalaadda xagga maamulka dowlad Goballeedka Galmudug xilli haatan ay socoto soo xulista xubnaha baarlamaanka cusub si loo doorto dowlad goballeed loo dhanyahay.

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Oo La Kulmay Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman Ben Cabdel Casiis

0

Wasiirka Arrimaha Dibada JFS ayaa Magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga kula kulmay Boqorka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan.

Wasiir Cawad ayaa Salaan uu ka siday Madaxweyne Farmaajo isagoo gaarsiiyay Boqorka Dalka Sacuudiga, waxaana uu sheegay in sacuudiga uu yahay saaxiib dhow oo xulufo la ah Soomaaliya.

Wasiir Cawad iyo boqorka dalka Sacuudiga ayaa kawada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah waxaana ay labada dhinac isla garteen in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeyo labada dowlad.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa dalka Sacuudiga kaga qeyb galaya Shir u dhaxeeya Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalka kulaala Gacanka Cadan iyo Badda Cas.