Dhagarqabihii laayay Muslimiintii New-zealand oo xabsi daa’in lagu xukumay.

Date:

Maxkamadda sare ee dalka dalka New Zealand ayaa saaka xabsi daa’in aan damiin lahayn ku xukuntay Brenton Tarrant, oo sanadkii hore Muslimiin fara-badan ku laayay dalkaasi.

Brenton Tarrant ayaa 51 qof oo Muslimiin ahaa ku dilay laba Masaajid oo ku yaala Magaalada Christchurch ee dalka Newzealand, 15-kii bishii March ee sanadkii 2019. Ka hor inta aan xukunkiisa lagu dhawaaqin ayuu Garsooraha Maxkamadda dhageystay doodihii iyo eedaymihii dacwad-oogaha maxkamadda iyo qareenkii difaacayay.

Mark Zarifeh, Garsooraha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay xukun xabsi daa’in ah oo maxkamaddu ku riday Brenton Tarrant ,oo haysta dhalashada dalka Australia,garsooraha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jiri doonin dammaanad ninkaasi xabsiga looga sii daayo, xitaa haddii ay noqoto waxa uu ugu yeeray sii deyn-sharafeed, noloshiisa inta ka dhimanna xabsiga ayuu ku dhameysan doonaa.

Dadkii uu Masaajidka ku laayay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka XFS oo ka qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Cimilada (COP30)

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...