Safaaradda Soomaaliya ee South Africa oo dalka kusoo celisay muwaadiniin ku xanibnaa dalkaasi.[Sawirro]

Date:

Safaaradda Soomaaliye ee Koonfur Afrika ayaa dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin ay tiradooda gaarayso 49 qof oo isugu jira dhallinyaro, Hooyooyin iyo carruur, kuwaas oo ku xanibnaa dalkaasi kaddib markii Dowladda Koonfur Afrika saartay bandow, ayadoo wali ay xiranyihiin xuduudaha dalkaasi.

Muwaadiniintan oo doonayay inay dalkooda dib ugu laabtaan ayaa ku xayirnaa dalkaas tan iyo intii uu billowday cudurka COVID-19, waxayna Dowladda Koonfur Afrika gebi ahaanba joojisay bisha March ee sanadkan safarrada lagu aadi jiray Adduunka,marka laga reebo muwaadiniinta dalkooda dib ugu laabanaya.

Dadkan ayaa ka mahadceliyay gurmadka ay Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ay sameysay, waxaana ay sheegeen in Safaaradda  qeyb weyn ka qaadatay dib ugu celinta dalkooda.

Dalka Koonfur Afrika waxa uu ka mid yahay dalalka sida ba’an u saameeyay cudurka COVID-19, waxaana wali saarran xiyaarad inkastoo todobaadkii hore la qafiifiyay iyadoo ay xiranyihiin xuduudaha dalkaasi.

 

 

            

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...