Sii hayaha Ra’iisul wasaaraha oo kulan la yeeshay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha.[Sawirro]

Date:

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxuu kulan kula qaatay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo salka ku hayay dardar gelin shaqooyinka dowladda iyo is-xog wareysi guud ayaa intii uu socday waxuu mudane Mahdi Guuleed ammaanay dowrka agaasimayaasha guud ay ku leeyihiin socodsiinta shaqooyinka qaranka.

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha oo caddeeyay in guul laga gaaray Amniga, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda loo dhanyahay, isla markaan ay horumuud u ahaayeen agaasimayaasha guud iyo shaqaalaha dowladda, waxuuna kula dardaarmay inaysan halkaa ku ekeysan oo ay sii dardar geliyaan shaqooyinka si loo gaaro horumarka la hiigsanayo.

 

        

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DFS oo soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...

Wadamada G7 oo walaac ka muujiyay damaca gurracan ee Ethiopia ee dhulka Soomaaliyeed

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka...

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...