Home Blog Page 874

ciidanka Jubbaland oo khasaarooyin kala duwan u geystay nabad-diidka al-shabaab

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Dowlad-goboleedka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa si guud faah faahin uga bixiyey howlgaladii ay saacadahii lasoo dhaafay sameeyeen ciidanka Jubbaland iyo guusha ay gaareen ciidanka Jubbaland,isagoo xusay in howlgalku kusoo dhamaaday sidii loo qorsheeyey.

Dhinaca kale,abaanduulaha guutada 1-aad ee ciidanka daraawiishta Jubbaland Aadan Cabdulqaadir ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal ay ka fuliyeen deeganno dhaca duleedka magaalada Kismaayo iyo guulihii uu ku soo dhamaaday howlgalkaasi oo uu tilmaamay in ay khasaarooyin dhimasho,dhaawac iyo hub furasho ay ku sameeyeen kooxda al-Shabaab ah

Howlgalkaan oo kuwii u dambeeyay ay ka dhaceen Yaaq Bishaaro,Cabdalla Biroole iyo deegaanno kale,ayaa warku intaa ku daray in uu qeyb ka yahay dadaallo la doonayo in lagu xaqiijiyo sugidda nabadgelyada,isla markaana cagta lagu marinaayo haraaga koooxda al-Shabaab eek u dhuumaaleysanay deegaanada Jubbaland

Madaxweynaha Puntland oo ka Tacsiyadeeyey Geeridii ku timid AUN Marxuum Danjire Axmed Keyse

0

Madaxwayanaha Maamulka Puntland Dr Siciid C.lahi Dani Ayaa Tacsi ka diray
Geeridii ku timid Alle Ha u naxariistee Marxuum Danjire Axmed Cabdalle
Ducaale Kayse oo maalin ka hor ku Geeriyooday wadanka Maraykanka
isagoona Madaxwayne Dani xusay in uu ahaa Danjire Axmed Kayse shaqsi
Bulshada Soomaaliyeed Qiimo Gaar ah u leh .

Siciid C.laahi Dani Madaxwaynaha Pumtland ayaa dhanka kale marki ugu
horaysay ka hadlay halka ay ku danbeeyeen ragii kufsiga iyo dilka
isugu daray Marxuumad Caisha ilyaas oo sanad iyo dheeraad ka soo
wareegtay dilkeedi halka Maxkamadaha kala duwan ee Puntland ay si islu
mid ah xukuno dil ah ugu rideen eedaysanayaashii dilkii iyo kufsigi u geeystay
Caishaa ilyaas.

Madaxwayne Dani ayaa xusay in Maxkamadayntii Eedaysanayaasha kiiskii
caaisha ahayd Mid daah furan oo aan horay uga dhicin Gudaha Soomaaliya
ayna u xukumeen Garsoorka Puntland hab cadaali ah fulinta xukunkaasina
uusan ku xirnayn Madaxwaynaha Balse ay u madax Banaan tahay Hay’ada
Garsoorka Puntland .

Hadalka Madaxwayne dani ayaa ku soo aadaya iyadoo Bulshada Puntland ay
shaki badan ka muujinayeen bilihii ugu danbeeyay fulinta sharciyadeed
ee kiiskii Marxuumad Caaisha ilyaas.

Kulan ku saabsanaa is-dhaxgalka ardayda Soomaaliyeed oo ka dhacay Hindiya

0

Qaar ka mid ah ardayda Soomaalioyeed ee wax ku barta dalka |Hindiya ayaa ka qeybgalay kulan la xiriiray sidii loo heli lahaa xaalad ay ku wada shaqeeyan ardayda dalkaasi ku yeeshay magaalada Heydarabaad ee koonfurta dalkaasi.

Kulankan oo ay so qabanqaabiyeen maamulka midowga ardayda Qaranka ,waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah ardayda kala duwan ee wax ka barata halkaasi.

Kulankan oo  la xiriiray kala warqaadasho  iyo is dhexgalka bulshada waxaa ka hadlay Guddoomiyaha midowga ardayda qaranka soomaaliyeed ee dalka india yaxye sheikh khaliif.

Guddoomiyaha ayaa ardayda u sharaxay waxyaabaha ay xaqa u leyihiin islamarkana ay tahay in ay helan madama ay waxa ku baranayaan dal aan ahayn dalkooda hooyo.

Cabduqadir oo ka mid ah waxgaradka ku nool magalada haydrabad ayaa aradayda ku dhiiragliyay in ay ka dhabeyaan waxbarashadooda madama waqti ku bixiyeen dhinaca waxbarashada.

Ugu dambeeyn waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah ardayda kuwaasi oo u mahadceliyay midowga ardayda qaranka soomaaliyeed ,iyagoo ka warbixiyeen qaabka ay ardayda wax u bartaan.

Odayaasha dhaqanka oo bilaabay soo xulidda Xildhibaanada Galmudug

0

Odayaasha dhaqanka  Galmudug ayaa  bilaabaya soo xulista  Xildhibaanadda ka mid noqonaya Baarlamanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib markii tababar  ku saabsan qaabka soo xulista Xildhibaanadda gelinkii dambe ee shalay loogu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

Maxamed-deeq Cabdi Maxamed oo ah Wariyaha nooga soo warama Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in odayaashan la xareeyay islamarkaana laga sugayo in ay soo gudbiyaan liiska Xildhibaanadda cusub ee ka mid noqonaya Baarlamanka labaad ee Galmudug.

Gudoomiyaha guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa  ku booriyay odayaasha in ay ku soo xulaan Xildhibaanadda aqoontooda, isagoo intaasi ku daray in la abaalmarindoono sadexda beelood ee ugu horeysa soo xulista Xildhibaano Aqoonyahano ah.

Marka laga reebo Ahlusunna oo soo gudbisay Xildhibaannadeeda waxaa odayaashan looga fadhiyaa in ay soo xulaan Xildhibaanadda kale, iyagoo ku jaangooynaya habka awoodqeybsiga beelaha dega Galmudug.

Qaar Kamid ah Nabad diidka Argagaxisada Al-shabaab Oo Lagu Dilay Kismaayo

0

Howlgal qorsheeysan oo ay qaadeen  ciidanka daraawiishta jubbaland  ayaa lagu dilay maleehsiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab oo si dhuumaaleysi ah ku jooga halkaasi.

Howlgalku waxa ay ciidanka ka sameeyeen deegaanka Yaaq Bishaaro oo dhaca duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo

Afhayeenka Hey’adaha Amniga Jubbaland  Cabdinuur Mooge ayaa Warbaahinta Qaranka un xaqiijiayya in howlgalkaan afar ka mid ah maleeshiyada Al-shabaab sidoo kale waxaa gacanta lagusoo dhigay afar qori oo ay wateen.

Howlgalkaan ayaa ujeedkiisu ahaa la dagaalanka Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab iyo hortaga dhagarta ay bulshada u maleegayaan.

QM Oo Sheegtay In Duqeyntii Shirkadda Aramco Ee Sacuudiga Aysan Ka Dambeyn Xuutiyiinta Yemen

0

Warbixin  ka timid guddiga kormeerka cunaqabateynta  Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yemen aysan wax lug ah ku laheyn ama aysan fulin weeraradii gantaalada ee bishii Setembar lagu qaaday goobaha shiidaalka ee dalka Sacuudi Carabiya.

Khuburada madaxa bannaan ee golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay u xilsaareen kormeeridda cunaqabateynta saaran dalka Yemen ayaa sheegay in inkasta oo Xuutiyiintu ay sheegteen weerarada dhinaca gantaalada ee lagu qaadat goobaha saliidda dalka Sacuudiga,haddana Kooxdaasi aysan fulin gantaaladii 14-kii September ee sanadkii  2019 ku dhacay Abqaiq iyo Khurais .

Natiijooyinka ka soo baxay kormeerayaasha UN-ka ayaa  ku soo beegmeen xilli ay xiisado ka jiraan gobolka, ka dib kolkii Mareykanku uu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Iiraan ,laguna magacaabo Qassem Soleimani oo ku sugnaa Ciraaq.

Baarayaasha Qaramada Midoobey ayaa sheegay in gantaalada lagu weeraray goobaha saliida Sacuudiga aysan ka imaan dhulalka ay gacanta ku hayaan Xuutiyiihnta Yemen balse ay fulliyeen diyaaradaha Darooniska.

Odayaasha Dhaqanka Oo Bilaabay Soo Xulidda Xildhibaanada Galmudug

0

Odayaasha dhaqanka  Galmudug ayaa  bilaabaya soo xulista  Xildhibaanadda ka mid noqonaya Baarlamanka Labaad ee Dowlad Goboleedka Galmudug, kaddib markii tababar  ku saabsan qaabka soo xulista Xildhibaanadda gelinkii dambe ee shalay loogu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb.

Maxamed-deeq Cabdi Maxamed oo ah Wariyaha nooga soo warama Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in odayaashan la xareeyay islamarkaana laga sugayo in ay soo gudbiyaan liiska Xildhibaanadda cusub ee ka mid noqonaya Baarlamanka labaad ee Galmudug.

Gudoomiyaha guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Galmudug ayaa  ku booriyay odayaasha in ay ku soo xulaan Xildhibaanadda aqoontooda, isagoo intaasi ku daray in la abaalmarindoono sadexda beelood ee ugu horeysa soo xulista Xildhibaano Aqoonyahano ah.

Marka laga reebo Ahlusunna oo soo gudbisay Xildhibaannadeeda waxaa odayaashan looga fadhiyaa in ay soo xulaan Xildhibaanadda kale, iyagoo ku jaangooynaya habka awoodqeybsiga beelaha dega Galmudug.

 

 

 

 

Ciidamada Amniga Oo Howlgalo Ka Sameeyay Muqdisho

0

Ciidamada Amniga oo xalay Howlgallo Ka Wada Magaalada Muqdisho Ayaa Qarxiyay Miinooyin Dhulka Lagu Aasay.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo xalay howlgal qorsheysan ka sameeyay xaafado ka tirsan dagmooyinka Warta Nabadda  iyo Howl wadaag ee Gobalka Banaadir ayaa qarxiyay laba Miino oo kuwa dhulka la galiya ah.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa Xaqiijiyay in Miinooyinka ay qarxiyeen ciidamada Gaashaan ayna ku aasnaayeen dhulka, waxayna kooxaha argagixisadu doonayeen in ay ku laayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xaafadda Baar Ubax oo ah halka ay ciidamadu ku qarxiyeen miinooyinka ayaa ciidamadu ka fuliyeen howlgal lagu bartilmaameedsanayay rag la tuhunsayahay oo ka tirsan kooxda Al Shabaab.

ciidamada Amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa had iyo jeer u taagan ka hortagga dhagarta ay cadawga umadda Soomaaliyeed maalin kasta u soo maleegaan kooxda Xagjirka Al Shabaab oo baneystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Cutubyo ka tirsan ciidanka xooga dalka oo tababar loogu soo xiray Baydhabo

0

Taliyaha Qeybta 60aad ciidanka xooga dalka Soomaaliya Generaal Maxamed Shekh Abdulaahi Xiirow ayaa tababar u soo xiray Cutubyo katirsan ciidanka xooga dalka oo mudo 2bil ah tababar uga socday Dugsiga Tawabarka Ciidanka Dowlada Ingiriiska ay kuleedahay Baydhabo ,

waxaana tababarkan Mudada uu Socday bixinayay Sarakiil katirsan dowlada Ingiriiska.Waxaana lagu wadaa Ciidankan inay Qeyb ka noqdaan Howlgalada lagu Xaqiijinayo Amniga Dalka Gaar ahaan Gobolada Koonfur galbeed oo Haatan Wadooyinkooda ay go.doomiyeen Maleshiyada Alshabaab

xiritaanka tababarkan ayaa waxaa sidoo kale  ka qeyb galay Wasiirka Amniga, Warfaafinta, Tamarta,iyo Biyaha Sarakiisha Ciidanka Booliska Mileteriga iyo Marti Sharaf kale

Cutubyadan Maanta Tawabarka loso Xirayey ayaa soo Bandhigay Habka loo Fuliyo Howlgalada iyo Sida laisaga Difaaco Weerarada Gaadmada ah ee ay so Qadayaan Cadowga 

Duqa Muqdisho iyo Xaliimo Yarey oo kawada hadlay arrimaha doorashooyinka

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo guddoomiyaha gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yareey) oo kawada hadlay u diyaar garowga arrimaha doorashooyinka soo socda.

Kulankooda ayaa ka dhacay xarunta gudiga doorashooyinka madaxa banaan ku leeyihiin taas oo ku taal Madaxtooyada qaranka.

 wixii Faahfaahin oo dhameystiran goordhow insha allah