Home Blog Page 873

Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Puntland Oo Shaaciyay Xilligga La Tooganaayo Raggii Dilay Caa’isho Ilyaas.

0

Xeer-ilaaliyaha Guud ee dawladda Puntland Maxamuud Xassan Aw-Cismaan ayaa  shaaciyay waqtiga la fullin doono xukunkii dilka ahaa ee maxkamaddaha maamulkaasi ay ku rideen saddexdii nin ee ku eedaysnaa kufsigii  iyo dilka loo geystay Caasho Ilyaas Aadan oo aheyd gabar yar oo 12-sano jir ah.

Xeer-ilaaliyaha guud oo u waramayay warbaahinta ayaa sheegay in xukunka la fulin doono 11-ka bisha labaad ee sanadkaan, gaar ahaan saacadda  marka ay tahay 8:00 subaxnimo, iyadoo  goobta lagu fulin doono ay noqon doonto magaalada Boosaaso.

Saddexda nin ayaa lagu kala Magacaabaa C/fataax C/raxmaan Warsame, C/salaan C/raxmaan Warsame iyo C/shakuur Maxamed Dige ayaa 12-kii Bishii May ee sanadkii tegay ee 2019-kii  Maxkamadda Gobolka Nugaal ay ku riddey xukun dil ah, iyada oo Maxkamadda Racfaanka ay ku raacday xukunkaas, kadib markii ay racfaan ka qaateen.

Madaxweynaha Ruushka & Hogaamiyaha Jarmalka Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka Liibiya.

0

Madaxweynaha dalka ruushka Vladimir Putin ayaa si cad u tilmaamay in xaaladda ka taagan dalka Liibiya ay si weyn u saamayn doonto xasiloonida wadamada gobalka isla markaana ay liddi ku tahay dalalka Yurub.

wuxuuna hadalkaan sheegay xilli uu socday shirjiraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen hogaamiyaha dalka jarmalka Angella Merkal iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Kulankan oo qaatay mudo ka badan saddex saacadood oo ka dhacay caasimadda Moscow ayay sidoo kale kaga hadleen xaaladaha ka jira dalalka ku yaalla bariga dhexe iyo dalka Liibiya, iyagoo isku raacay inay yihiin xaalado aan la dhayalsan karin.

Putin wuxuu tilmaamay in la joogo xilligii wadahadal iyo is-fahan nabadeed lagu dhammeyn lahaa arrimaha liibiya, si taas loo meelmariyo ayay tahay in caasimadda Jarmalka ee Berliin la isugu keeno dhinacyada isku haya dalka Liibiya.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel ayaa si cad u tilmaantay in dawladdeedu aysan ku tala gelin inay fara gelin ku samayso xaaladda Liibiya balse ay doonayso in wadahadal lagu xalliyo dhibaatada ka taagan dalka Liibiya.

Angela Merkel iyo Vladimir Putin ayaa sidoo kale isku raacay in haddii ay sii socdaan xaaladaha cakiran ee ka jira dalalka bariga dhexe ay saameyn xooggan ku yeelan karaan dalalka gobolka iyo dhammaan caalamka intiisa kale, iyagoo Maraykanka iyo Iiraan ugu baaqay inay joojiyaan weerarada iyo colaadaha ka dhex aloosmay.

Amiirka Qadar Sheikh Tamim  Oo Booqanaya Iiraan

0

Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta oo Axad ah booqanayaa dalka Iran si uu wadahadal ula yeesho masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Hassan Rouhani.

Amiirka ayaa subaxnimadii maanta  ka ambabaxay magaalada Doha ee caasimadda, Isagoo socdaalkiisa ka billaabay dhanka caasimada Cumaan ee Muscat, si uu uga tacsiyadeeyo geerida Sultan Qaboos bin Saciid, isagoo ka dib u socdaali doona Iiraan, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Qadar.

Booqashada Amiirka ee Tehraan ayaa timid xilli ay jiraan xiisado kacsan oo ka taagan Khaliijka kadib dilkii Mareykanku ku dilay Qassem Soleimani  oo ahaa taliyihii ugu sareeyay Iran ee Baqdaad iyo sidoo kale gantaal aargoosi ah oo Iran ay ku beegsatay bartilmaameedyada Mareykanka ee Ciraaq.

Ciidamada Amniga Oo Howlgallo Ka Fuliyay Degmada Boondheere

0

Ciidamo ka Tirsan Booliska Soomaaliya ayaa  xalay howlgal dad badan lagu qab qabtay ka sameeyay Xaafado ka tirsan degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir.

Ciidamada oo watay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa ay howlgalka ka sameeyeen Xaafadaha ay ka koobantahy Degmada Boondheere

Waxana ciidamada ayaa howlgaladaasi  ku soo qab qabteen Dhallinyaro aad u fara badan òo lagu Tuhunsanyahay in Fallal amni daro ay ka wadeen Dagmadaas,waxaana ciidamadu ay sii dayeen qaar kamid ah dhallinyarada markii waxa Danbi ah lagu waayay iyagoona ciidamada ay  ka xeysteen Tiro kamid ah dhilinyaradii ay Howlgalka ku soo qabteen.

Laamaha amniga Soomaaliya weli wax faah faahin ah kama bixin  waxyaabaha ay howlgalkaas kusoo qabteen, hayeeshee todobaadkii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Dowladda waxaa ay howlgallo ka fulliyeen degmooyinka, Warta-Nabadda, Waaberi, Xamar Jajab, Xamarweyne, iyada oo xalay laga fuliyey degmada Boondheere ee Gobolkan Banaadir

Duqa Muqdisho oo magacaabay Agaasimaha Waaxda Waxbarashada ee dowladda hoose.

Guddooomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta soo saaray wareegto uu ku magacaabayo Agaasimaha waaxda Waxbarashada dowlada hoose ee Xamar.

Wareegtadaasi kasoo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa xilkaas loogu magacaabay Cabdiraxmaan Cumar Sheikh Nuur, iyada oo uu xilka kala wareegi doono Agaasimihii hore ee waaxdaasi Cabdinaasir Rooble Abuukar.

Madaxweyne Farmaajo oo u tacsiyeeyay qoyskii marxuum Axmed-Kayse Xaaji Ducaale.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagay Allaha u naxariistee Axmed-Kayse Xaaji Ducaale .

Madaxweynaha oo khadka taleefanka kula hadlay Marwo Qamar Cabdulqaadir Faarax oo ah xaaskii marxuumkaasi iyo  Wasiirkii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Khadra Axmed Xaaji Ducaale ayaa dhammaan xubnaha qoyska, wuxuu Alle  uga baryey in uu samir iyo iimaan ka siiyo

Mudane Farmaajo waxa uu xusay doorkii weynaa ee uu ka soo qaatay xornimada Gobollada Waqooyiga iyo sidii uu waqtigiisa ugu huray midnimada dalkiisa iyo shacabkiisa Soomaaliyeed,isagoo halgamaa Axmed-Kayse Illaah uga baryey inuu ku abaalmariyo Jannatul Firdawsa.

Alle ha u naxariistee halgamaa Axmed-Kayse waxaa uu ka mid ahaa xubnihii saxiixay xornimadii Gobollada Waqooyiga sannadkii 1960-kii isaga oo sidoo kalena xubin ka noqday Barlamaankii ugu horreeyay ee maxmiyaddii Ingiriiska ee Waqooyiga.

Marxuumku waxaa uu midowgii labada gobol kadib ka mid noqday Golihii Wasiirrada ugu horreeyay ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa halgankii dheeraa ee uu’ u galay xornimada ummadda Soomaaliyeed iyo ka qaybqaadashada dowlad-dhiska Soomaaliya.

Baarlamaanka 2-aad ee Galmudug oo u diyaargaroobaya Doorashada Guddoonkooda.

Xildhibaanada Cusub ee Galmudug ayaa billaabay diyaargarowga Doorashada Guddoonka Barlamaanka Galmudug ayadoo lagu wado in ay  yeeshaan kulankoodii kowaad oo ay uga arrinsanayaan Doorashada Guddoonkooda.

Xildhibaannada Galmudug ayaa la dhaariyay shalay galinkii dambe ayagoo dhaarinta kadib yeeshay kulan ay ku dooranayeen Guddoomiye kumeel gaar ah oo ay u doorteen Ninka ugu da’da weyn xildhibaannada Galmudug.

Xildhibaannada Galmudug ayaa sidoo kale ka arrinsanaya shuruudaha iyo waxyaabaha looga baahanyahay Musharixiinta u taagan qabashada Guddoonka Barlamaanka Galmudug waxa ay iska soo dhax xuli doonaan Guddiga doorashada Gdudoonka Barlamaanka Galmudug.

Xildhibaannada Galmudug ayaa waxaa horyaalla shaqooyin adag iyo soo doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo waliba doorashada  Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug..

What is Casual Dating?

0

A casual going out with or a even more casual romance is simply a romance between two individuals who may have casual sexual or just a detailed physical and emotional connection without actually expecting or perhaps demanding additional commitments of an regular partnership. Main inspirations for this kind of relationship cover anything from the casual aspect of the communication to the fact that it is not essential by any legal requirement. The same applies with individuals dating online. The relationship between a person and his/her partner can be everyday because it is carried out through the method of the net. Although this can be a new phenomenon in the recent years, the relationship among an individual and his/her spouse can also be everyday as it is completed through text messaging.

Seeing has been described many times over the years and it is made into movies and books too. People usually think that all types of human relationships are severe and need the dedication of each. It is interesting to https://golden-brides.com/ukrainian-brides note that interactions are defined based on the definitions used in a range of fields and they are very similar and never always precisely the same. It has been said time and again that the relationship must be defined as a relationship between a man and a woman who share an in depth personal and romantic this. However , this is not always the truth. There are many couples who have created casual connections and have turn into permanent types through common understanding and trust.

Some of the other forms of typical relationships incorporate those produced between individuals who a a friendly relationship or interpersonal acquaintance. A similar holds true for those parents and kid who will not wish to get married to. These romantic relationships are called friendships. There are several elements that perform a vital role in forming these kinds of relationships. These include physical fascination, respect and consideration of just one another and mutual trust and passion. It would be best if you think about these elements while determining casual dating connections.

Guddigga farsamada maamul dhisidda oo soo gudbiyay xildhibanada Galmudug

0

Guddiga farsamada  maamul dhisidda Galmudug ayaa maanta soo saaray liiska xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya baarlamaanka maamulkaasi,

 

Madaxweynaha DFS oo u ambabaxay dalka Eriteriya

0

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde,iyagoo u socdaalay magaalada Asmara ee dalka Eriteriya.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminaayo ayaa lagu wadaa in mudada uu jooga magaalada Asmara uu  wada hadallo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal iyo sii ambaqaadidda howlaha dibolomaasi ee u dhexeeya dhinacyadasi uu la yeesho  Madaxweynaha Eriteriya Mudane Isaias Afwerki iyo ms’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda dalkaasi.