Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay heshiiska dhexmaray qeybaha Suudaan.

Date:

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres  ayaa soo dhoweeyayheshiiska nabadeed ee Dowladda Suudaan iyo hoggaamiyasha dhaqdhaqaaqyada hubeysan ay ku gaareen Koonfurta Suudaan, gaar ahaan magaalada Jubba.

Xoghayaha Guud ayaa hadal uu soo saaray uga  mahadceliyay dadka reer Suudaan heshiiska taariikhiga ah ee ay wada saxiixeen Dowladda Suudaan, Jabhadda Kacaanka Suudaan  iyo mucaaradka Ciidamada Xorreynta Suudaan ee uu hoggaamiyo Mona Minawi.

António Guterres,ayaa ku booriyay dhinacyada wadahadalada inay soo bandhigaan rabitaankooda siyaasadeed iyo sida ay uga go’an tahay inay ka shaqeeyaan gaaritaanka hadafka guud ee nabada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...