Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubada hoose

Date:

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ay ka sameeyeen nawaaxiga Baar Sanguuni oo u dhaw magaalada Kismaayo ku dilay 4-ruux oo ka tirsanaa maleeshiyada xagjirka ah ee Al-Shabaab, sida ay baahisay SONNA.

Hawlgalkaas oo ciidamadu qaadeen, ka dib markii ay ka war heleen duullaan gaadmo ah oo ay Argagixisadu qorsheynayeen in ay la beegsadaan fariisimada Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu dhaawacay sadex ka tirsan Al-shabaab.

Shirwac Cumar Baaruush oo ka tirsan Saraakiisha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay ay cadowga gaarsiiyeen jab xooggan kana furteen Saanad Ciidan.

Ciidanka xoogga dalka ayuu sheegay in ay dhulka miyiga ah ku sii baacsanayaan firxadka Malleeshiyada, isagoo intaa ku daray in ay Ciidanku ku dhow yihiin Degmada Jamaame ee Gobolka Jubada hoose.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shiinaha oo canshuurta kastamka ka dhaafay badeecooyinka uga yimaada Afrika

Siyaasadda China ee lagu baabi’inayo canshuuraha kastamka ee badeecadaha...

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...