Caruur Soomaaliyeed oo wacdaro ka dhigay ciyaaraha Golfka ee lagu qabtay Mareykanka.

Date:

Maxamed Cabdirashiid Ibraahim, Salma C/rashiid  iyo Sihaam oo Walaalo ah ayaa wacdaro ka dhigay  Ciyaaraha  Golfka ee lagu qabtay Magaalada Portland Gobolka Oregon ee Dalka Maraykanka.

Ciyaartaan oo ay soo qaban-qaabisay Ururka  da’yarta Golfta Qaaradda  America ee  American Junior Golf Association ayaa  waxaa sannadkaan ka soo qayb-galay 78 ciyaartooy  oo ka kala socday daafaha Adduunka isla markaana ay da’adooduna u dhaxaysay 12-15, iyadoo Saddex ka mid ah ay ahaayeen Somali Americaan.

Sihaam Abdirashid oo aheyd Gabdha ugu da’da yareyd Ciyaartaan, horana guula uga soo hoyeysay Aasiya  iyo Africa, iyadoo xilligaas matalaysay Dalkeeda Soomaaliya ayaa  hadda gashay kaalinta 10-aad waxeyna keentay 14 dhibcood, salma ayaa iyana gashay kaalinta 29-aad, halka Maxamed uu isna galay kaalinta 46-aad.

Cabdirashiid Ibraahim oo ah Aabbaha Caruurtan ayaa warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed u sharraxay taariikhdiisa isboortiga iyo  guulaha ay Caruurtiisu  ka gaareen Ciyaaraha Golfka iyo waliba wakhtiga ay billaabeen, isagoo u mahad-celiyey cid kasta oo garab istaagtay, gaar ahaan Wasiir khadiijo Maxamed Diiriye.

Siham, Salma iyo Maxamed ayaa u mahadceliyay dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee  Maraykanka, Wasiir Khadiijo Diiriye iyo intii kusoo garab istaagtay guushooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...