Natiijada Imtixaankii Dugsiyada sare oo dhawaan la shaacin doono.

Date:

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare oo ka hadlayay kulanka sanadlaha ee Wasiirka iyo ardyada Soomaaliyeed ayaa sheegay in bilaawga todobaadka soo socdo ay shaacin doonaan natiijada rasmiga ah ee imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare ee dalka ,waxuuna uu sidoo kale sheegay inuu imtixaanka ka duwanaa kuwii hore ee u soo qabteen maadaama dalka uu ka jiray saameynta cudurka Covid-19.

Qaar ka mid ah ardayda ku sugnaa kulanka ayaa su,aalo weydiiyay, kuwaasi oo ku aadan tayaynta waxbarashada dalka.

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda waxbarshada mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa sidoo kale ka hadlay Manhajka waxbarashada oo dowladda Juhdi farabadan galisay waxaana uu sheegay in ardayda danyarta la siindoono buugaagta manhajka si ay u helaan fursadooda

In ka badan 34-kun oo ardyad ayaa u fariisaneysa imtixaankii shahaadiga ah ee dowladda, kaasi oo ay qaaday wasaaradda waxbarashada dalka 18-kii bishii julay ee sanadkaan waxaana lagu qabtay 112 xarumood oo ku kala yaalla Muqdisho iyo magaalooyinka waa-wayn ee gobollada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Madaxweyne Xasan Sheekh’’ Xalka colaadda DRC waa in uu ku saleysnaadaa is-afgarad iyo nabad’’

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya iyo Turkiye oo bilaabaya hannaan iskaashi ee dhanka Macdanta (WARBIXIN

Munaasabadda lagu soo dhaweyayay Markabla shidaalka sahminaya Oruc Reis,...

Hamas iyo Israel oo maanta mar kale isweydaarsanaya maxaabiis

Hamas iyo Israel ayaa maanta isweydaarsanaya sadex maxaabiis oo...