Home Blog Page 870

Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee Gaalkacyo oo soo bandhigay shaqaale iyo gaari kuwa gurmadka deg dega ah

0

Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa dadaallo xooggan ku bixiyay sidii Gaalkacyo ay u heli lahayd Gaadiidka dab damiska oo ay baahi weyn u qabeen dadka magaaladaasi.

Maanta ayay soo bandhigeen Gaari Dab damis ah iyo shaqaale loo carbiyay Gurmadka Deg Dega ah, kuwaas oo maamulku uu diyaariyay.

Marar badan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka kacay dab khasaare hantiyadeed gaarsiiyay Muwaadiniinta Soomaaliyed ee ganacsiga ku leh magaalada.

    

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo bogaadiyay waxqabadka Taliska ciidanka Asluubta

0

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa ka qeyab galay xaflad lagu soo bandhigayay waxqabadka 100-la malmood ee Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno kirsan Labada Gole ee Dowladda, Wasiiro, Taliyeyaasha Maxkamadaha ciidamada qalabka sida, Maamulka Gobolka Banaadir, ururada bulshada rayidka iyo xubno kale oo munaasabadda lagu casuumay, iyadoo fanaaniinta Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay madasha ku soo bandhigeen sugaan ka turjumeysa waxqabadka taliyaha.

Munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay waxqabadka taliyaha oo ay ka midtahay dib u dhis iyo qalabeyn lagu sameeyay xafiisayda saraakiisha, kaasi oo lagu hirgeliyay barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta Guud ee dalka, horumarinta maxaabiista iyo daryeelkooda.

Xildhibaan Ibraahim Isxaaq Yarrow iyo Xildhibaan Cabdicasiis dhagaqool oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa si wada jir u bogaadiyay waxqabadka muuqda ee Taliyaha ciidanka Asluubta, loona baahanyahay in mas’uul kasta uu kaalintiisa ka qaato dib u dhiska dalka.

Taliyaha ciidanka Asluubta Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in howshan maanta la soo bandhigay ay gacan ku siiyeen saraakiisha ciidanka Asluubta oo farsamooyin badan yaqaano, ayna sii xoojin doonaan dadaallada lagu horumarinayo ciidanka Asluubta.

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in xarumo kale oo ay leeyihiin ciidanka Asluubta lagu dhisi doono barnaamijka Isxilqaan, isagoo Taliyaha Asluubta ku booriyay in uu sii labo jibaaro dadaalka uu ugu jiro dib u dhiska xarumihii ay lahaayeen ciidanka Asluubta.

            

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madax ka socotay Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay arrimo badan

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, gaar ahaan isuduwaha dhinaca arrimaha beni’aadanimada Mr.Adam Abdelmoula.

Kulankani oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenada maamulka iyo arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir ayaa looga hadlay sidii hey’adaha Qaramada Midoobay ay dowladda hoose Xamar uga caawin laheyd horumarinta arrimaha barakacayaasha, shaqa abuurka, waxbarashada, xoojinta taageerada dhinaca Amniga iyo dib u dhiska Caasimadda.

Kulanka kaddib ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay ku xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan isuduwaha dhinaca arrimaha beni’aadanimada Mr.Adam Abdelmoula oo sheegay in maamulka ay ka caawin doono wax u qabashada barakacayaasha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sheegay madaxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ay isla meel dhigeen waxyaabo badan oo dhanka iskaashiga ah.

               

Shirka Mac-hadka Qorsheynta Dowladaha Carbeed oo lagu qabtay Masar.

0

Shirka ay yeesheen maamulada Mac-hadka Qorsheynta Dowladaha Carbeed ,loogana hadlaayey Waxqabadka Mac-hadka ee sanadkii Tagay iyo qorshaha kutalagal ee 2020-2025-ka ayaa lagu qabtay Magaalada Sharm Al-Sheikh ee dalka Masar.

Shirkaasi oo sidoo kale looga hadlay miisaaniyadda,waxaa ka qeybgalay  Wafdi ka socday Soomaaliya oo ay Hoggaamineysay Wasiir ku  Xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Hon. Fahma Ahmed Nuur.

Wasiir ku xigeenka ayaa qudbad ka jeedisay Shirka waxa ay uga hadashay horumarka Soomaaliya iyo Diyaarinta Qorshaha Horumarinta Qaranka oo hirgalintiisa sanadka bilaawday, Sidoo kale waxa ay sheegtay in Shaqaalaha Dowladda ay si wanaagsan ay uga faa”iideysteen Tababbarada.

Fahma Axmed Nuur waxay shirar gaar gaar ah la yeelatay Madaxa Mac-hadka iyo Madaxda ka kala socotay Dowladaha Carabta oo ay ka wada hadleen sidii Loo joogteyn lahaa loona kordhin lahaa Tababarada ay Soomaaliya u baahan tahay maadaama ay kasoo kabaneyso watigii adkaa ee ay soo martay.

Mac-hadka Qorsheynta Dowladaha Carbeed  wuxuu Soomaaliya ka taageeraa tababarro dhinaca Tayeynta Shaqaalaha Dowladda.

horjooge ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Shabeellada hoose.

Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ee Danab ayaa howlgal qorsheeysan oo ay kasameeyeen Degmada Walanweeyn ee Gobolka Shabeelaha hoose waxeey kudileen Horjoogihii Maleeshiyaadka Argagixisada AL-Shabaab uqaabilsanaa waxyaabaha qarxa ee Gobolka Shabeelaha hoose kaasi oo lagu magacaabo Maxmed Cismaan Xuseen Buluush.

horjoogahani ayaa markii uu arkay Ciidamadda lasoobaxay qori AK47  islamarkaasna dagaalamay kadib Ciidamadda kumaandooska ee howlgalka sameeynayay ayaa toogtay.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa qabashadaa horjoogahaani , balse dagaalamay sidaasina ay kutoogteen Ciidamadda kumaandooska Xoogga Dalka.

horgahaani ayaa wuxuu badalay Maxamed Siidoow oo 28-ka December 2019 lagu dilay duqeeyn ka dhacday Tuulada Caliyoow Baroow sida uu inoo xaqiijiyay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik.

horjoogahaani howlgalka lagu dilay ayaa horay ulaayay Shacab iyo Ciidan oo uu qaraxyo umaleegay.

Baarlamaanka Carabta oo sheegay in ay taageerayaan Soomaaliya.

Kulanka Baarlamaanka Waddamada ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo shalay lagu soo gaba-gabeeyay Magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar ayaa laga soo saaray bayaan lagu taageerayo Dowladaha Soomaaliya iyo Suuriya.

Bayaanka lagu taageeraya Soomaaliya oo gundhig u ah horumarka dhinacyada badan leh ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sameysay ayaa mar kale lagu caddeeyay in ay Jaamacadda Carabtu difaaceyso Qaranimada iyo midnimada Soomaaliya, waxaana lagu cambaareeyay faragalinta shisheeye.

Ururka Jaamacadda Carabta ayaa horay u taageeray horumarrada ay sameysay Dowladda Soomaaliya, iyadoo ka hor timid faragelinta banaanka kaga imanaya, taas oo dhaawac ku ah Qarannimada Soomaaliya.

Keynya oo digniin culus u dirtay Shabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Kenya, Fred Matiang’I, ayaa digniin culus u diray Maanta Kooxda Argagixisada Al-Shabaab iyo Dadka gabbaadka siiya, si adagna ay ula dhaqmi doonaan haddii ay Gacanta ku dhigaan cadowga.

Wuxuu intaa ku daray Wasiirku in iyaga oo dhowraya xuquuqul Insaanka sharcigana ixtiraamaya, aysan sinnaba u kala sooci doonin cadowga iyo kuwa iyaga difaaca, isagoo sheegay in ay tahay mas’uuliyad ballaaran oo ka saran ilaalinta Dalkiisa.

Wasiirka oo ka hadlayay shir lagu gorfeynayay ammaanka oo ka dhacay Mombasa ayaa waxa uu faray saraakiisha Boliiska iyo Gudddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Xeebta in ay soo xaqiijiyaan Dadka ku nool degaannada ay ka arrimiyaan iyo aqoonsiyadooda, si loo garto waxa ay yihiin iyo halka ay ka yimaaddeen.

Khudbadaha musharaxiinta Guddoonka Baarlamanka Galmudug oo ka socota Dhuusamareeb.

Mudanayaasha Baarlamanka Galmudug ayaa Saaka oo Khamiis ah u diyaargaroobaya dhageysiga khudbadaha musharaxiinta u tartameysa Guddoonka Baarlamanka Labaad ee maamulka Galmudug.

Arbacadii shalay ayaa la xiray qabashada Araajida musharaxiinta , waxanay Guddiga doorshooyinku shaaciyeen Toddobo musharax oo Saddex ka mid ah ay u taaganyihiin Afhayeenka Baarlamanka, halka Afrta kale ay u tartamayaan ku xigeennada Guddoomiyaha.

Berrito ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Guddoonka Baarlamanka Labaad ee Galmudug, waxaana intaasi kadib loo gudbidoonaa doorashada Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Saldhig Melatary ugu weyn wadamada kulaala Badda cas oo xariga laga jaray

0

Madaxweynaha Masar oo maanta xariga ka Jaray Saldhig Melatary oo noqonaya Midka ugu weyn Wadamada Kulaala Badda Cas.

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa maanta oo arbaca ah waxa uu magaalada Barniis si rasmi ah uga furay saldhig millatari oo noqonaya saldhiga ugu weyn waddamada ku yaalla Badda Cas.

Sida laga soo xigtay Bassam Raadi oo ah afhayeenka rasmiga ah ee Madaxtooyada Masar oo sheegay in tallaabadni ay guul cusub u tahay dawladda iyo shacabka Masar gaar ahaan ciidamada ciidamada qalabka sida ee Masar.

Saldhiggan melitari ee magaalada Barniis ujeedada loo asaasay ayaa lagu sheegay horumarinta qaab dhismeedka iyo istiraatiijiyadda ciidamada qalabka sida si loo adkeeyo u diyaarsanaanta dhammaan howlaha loo xilsaaray ciidamada qalabka sida oo ay ugu muhiimsan tahay difaaidda iyo ilaalinta xuduudaha dalka Masar.

Soomaalida ka ganacsata dalka Uganda oo sanadihii ugu dambeeyay soo batay “Warbixin”

0

Sida aad la socotaan Soomaalida ayaa inta badan ku wanaagsan dhanka ganacsiga iyagoo kasoo muuqda meelaha ay tagaan sida dalalka ay ganacsiga ka bilaabeen ee kala ah Koofur Afrika, Musambiig, Koofurta Suudaan, Kenya iyo Uganda oo warbixintan uga hadli doono.

Dhamaan dalalkaas waxa ay Soomaalida ka sameeyeeyn ganacsi muuqda oo heer fiican ka gaareen ganacsatada, iyagoo inta badana dhibaato kala kulma soo muuqashada deg dega ah ee Soomaalida ganacsiga ka gaartay.

Dalka Uganda waxaa ku nool Soomaali lagu qiyaasay 20 kun oo qaxoonti iyo dad deegaan ah isugu jira kuwaas oo xuriyad u helay in ay ka ganacsadaan gudaha Uganda iyagoo wata sharciga dalkooda Soomaaliya.

Maxay Ugandeska ka aaminsan yihiin Soomaalida?

Muwaadiniin Ugandees ah oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in ganacsatada Soomaalida ay yihiin ganacsato daacad ah oo aan iibin wax dhibaato u keenaya dalka iyo dadka Uganda, waxa ayna tusaale iigu soo qaateen dalal kale oo usoo iib keenay Uganda waxyaabaha dadka dhiba ee mukhaadaraadka ah  sida Khamriga iyo waxii la mid ah, halka Soomaalida ay keenaan cunooyin iyo wax dalka anfac u leh.

Ugandeeskaas ayaa sidoo kale ii sheegay in Soomaalida marnaba lagu arkee in ay sameeyaan khiyaano sida in dalka ay keenaan wax dhacay oo waqtigooda dhamaaday, ama ay keenaan qalab aan tayo lahayn halka Uganda ganacsatadeeda ay ku dhaliileen in wax tayo xun keenaan hadana qiimo badana ku iibiyaan.

Dadkaas ayaa sidoo kale ku tilmaamay Soomaalida in faa’ido badan ka raadin ganacsigooda balse ay kasbadaan quluubta macaamiishooda iyagoo qiimaha dulsaarka ah aad u yareeya halka ganacsatada kale ay sameeyaan in dulsaar aad u badan saaraan qiimaha waxa ay iibinayaan.

Soomaalida maxay ka ganacsataa?

Soomaalida Uganda ka ganacsata oo dhowr qayb ah ayaa inta badan ka ganacsada qaybaha kala duwan ee kala ah sida Maqaayadaha, Shidaalka, Qalabka dhismaha, Sarifka lacagaha, xawaaladaha, Gaadiidka dalalka afrika isaga goosha iyo waxii la mid ah.

Maqaayadaha ugu waa wayn ee Uganda waxaa gacanta ku haaya Soomaali in muddo ah ku noolaa Uganda waliba yimid xiligii dagaalkii labaad ee aduunka kadibna galay ganacsigan oo aad looga dareemo gudaha Uganda, waxaana magac ahaan ganacsatadaas loogu yeeraa gudaha Uganda Mandeelayaasha oo ah magac ay caan ku yihiin.

Maqaaxiyadaha ugu waa wayn ee Soomaalida hayso waxaa ka mid ah oo marka aad Uganda timaado meel walba ka heli karto CAVE’S JAVAS, kuwaaas oo cunooyin aad umacaan oo heer caalami ah sameeya.

Sidoo kale Soomaalida ayaa inta badan Ajibyada ama kaalimaha shidaalka haaya oo ah kuwa inta badan xukumo ama jaan gooya qiimaha shidaalka dalka Uganda, iyagoo ah haysta shirkada ugu magaca dheer dhanka shidaalka

Shirkada shidaalka ee Soomaalida hayso ayaa waxaa ka mid ah, Hass Petroleum, City Oil, Luqman Petroleum, iyo kuwa kale oo dhamaan ku kala baahsan daafaha dalka Uganda magaalo ilaa iyo miyi.

Gaadiidka waa wayn ee isaga goosha dalalka dariska la ah Uganda iyo dalalka kale, sidoo kalena ka shaqeeya gudaha Uganda ayaa waxaa gacanta ku haaya shirkado Soomaali ah oo basas waa wayn leh.

Gateway Bus iyo kuwa kale oo ah shirkadaha ugu waa wayn dhanka gaadiidka ayaa waxaa leh Soomaali iyagoo taga ama dad u daad gureeya dalka dariska ah sida Kenya, Ruwanda, iyo Koofurta Suudaan oo maalin walba basaskaas u kala goosaan.

Soomaalida kuma eka oo kaliya shirkadaha aan kor kusoo xusnay ee waxa oo kale ay gacanta ku haayaan shirkado soo saara cunooyinka qaybihisa kala duwan sida Burka iyo Sonkorta oo ah shirkada ugu wayn ee labadaas nuuc sameeya.

Sonkorta iyo Burka laga isticmaalo shirkadaha soo saara  waxaa leh Soomaali iyagoo xitaa u dhoofiya wadamada dariska ah, waana burka ugu tayada iyo qiimaha fiican gudaha Uganda.

Xawaaladaha iyo shirkadaha sarifka marka aad u baahato oo aa tagto suuqa wayn ee Kampala waxaa arkaysaa Soomaali badan oo shirkadahaas ka shaqeeya, marka aad u sii kuurgashidna waxaa ogaanaysaa in dhamaan Soomaali leedahay oo qaarkood wataan magacyadii xawaalaha Soomaaliya halka kuwa kalena ay leeyihiin magacyo  gudaha Uganda kaliya laga isticmaalo sida SUNDUS, AL-HUDA, iyo magacyo la mid ah.

Isku soo wada duuboo Soomaalida Uganda ku nool ayaa kasoo muuqatay dhamaan dhinacyada ganacsiga ee ka shaqeeyaan iyagoo aad loogu amaanay inta badana shaqo abuur u sameeya dhalinyaro Soomaali ah oo Uganda ku dayaci malahaa hadii aysan fursadan helin.

W/Q/ Fiidow Maxamuud Fiidow

Kampala Uganda