Home Blog Page 871

Bulshada deegaanadda Galmudug oo soo dhaweeyay dhismaha maamulka

0

Dardargalita maamul usamaynata Galmudug ayaa si wayn looga dareemaya deegaanadda  Galmudug,waxaa Meel Fiican marayaan dadaalada dowlada fadraalka Soomaaliya ee Ku aadan Dhismaha Dowlad Gobaledka Galmudug.

Qeybaha Kala duwan Ee bulshada Galkacyo Oo La Hadlay Warbaahinta Qaranka ay Soo
Dhaweeyeen Doorka Dowlada Soomaaliya  ee Ku aadan dhismaha Iyo dhameystirka dowlad gobaleedka Galmudug.Dhinaca Kalana golaha deegaanka dagmada Galkacyo ayaa Soo dhaweeyay
kaalinta ay dowladu ay Ka qaadatay talaabooyinka horumarka Leh Ee Ku
aadan dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug.
Ku xigeenka duqa dagmada Galkacyo ee Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed
Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in loo baahanyahay in Laga
wada shaqeeyo Amniga nabad galyada iyo horumarka dowladnimo.

Howlgal lagu soo qabtay Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab

0

Laamaha Amniga ee maamul  Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay faahfaahin guud ka bixiyeen howlgallo ka dhacay gobolada Gedo iyo Jubada hoose, kaas oo ay fuliyeen Ciidamada.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in howlgalladaas ay Ciidamada Jubbaland ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab sidoo kalena qaarkood ay nolosha ku qabteen.

Afhayeenka ayaa Warbaahinta kula hadlayay magaalada Kismaayo waxaana uu sheegay in howlgalka laga sameeyey deegaannada Cabdala Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Jamaame.

Howlgaladaas guulo waaweyn ayey ka gaareen ciidanka fuliyey, sidoo kalena ciidamada ayaa dilay Afar Xubnood oio ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab kana qabsadeen saanad Milateri sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee Jubbaland.

Ciidan Xoogga dalka oo kala dhex-dhigalay maleshiyaad ku dagaalamay Galgaduud

0

Ciidamo katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay kala dhex-galeen maleeshiyaad dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ku dhex-marey deegaanada Mirxeyley & Bangeelle oo ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalooyinka Cadaado & Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada la kala dhex-dhigey labada maleeshiyo Beeleed oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Guutada 13-Aad Ee Ciidanka Dawladda Qaybta 21-Aad Col Cabdiraxman Macalin Maxamuud (Timadheere),waxaana ay ku guuleysteen inay dagaalka joojiyaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya deegaannadii lagu dagaalamey ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka meelihii lagu dalaamay.

Odayaasha iyo Waxgaradka deegaanka ayaa wada inay dagaalka xal ka gaaraan.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo U Tacsiyeeyey Suldaan Haytham Oo Dhowaan Loo Doortay Xilka Cumaan ”Sawirro”.

0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo  ku sugan Dalka Cuman ayaa waxaa uu kulan la qaatay Suldaanka Cusub ee dalkaas Suldaan Haitham bin Taymur.

Madaxweyne Farmaajo oo  halkaasi u tegay ka qeyb-galka tacsida Suldaankii dalkaasi xukumayey mudada dheer Suldaan Qaboos bin Saciid  oo ahaa boqorkii dalka Cumaan kuna geeriyooday da’da 79 jir.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa Suldaanka Cusub ee dalka Cumaan iyo Shacabka dalkaas waxaa uu uga tacsiyadeeyey geerida Suldaan Qaboos bin Saciid isagoo Marxuumkana Alle uga baryey in uu  Naxariista Jano in uu siiyo.

Dalka Cumaan ayaa weli waxaa uu ku jiraa maalmo barooq-diiq ah oo looga dhawaaqay dalkaas kadib geeridii Suldaan Qaboos bin Saciid Al Saciid.

Maamulka Gobalka Banaadir Oo Soo Bandhigay Gaadiidka Dhismaha Wadooyinka.

0

 

Xarunta Gaadiidka iyo Dhulbixinta dowlada hoose ee Xamar ayaa maanta lagu soo bandhigay gaadiid kala duwan oo loogu talagalay in ay qeyb ka noqdaan dib udhiska wadooyinka Caasimadda iyo dhismaha xarumaha danta guud.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray gaadiidkan lasoo bandhigay isagoo sheegay in maamulka gobolka ay ka go’an tahay dardargalinta bilic soo celinta Caasimada JFS.

Maamulka Gobolka Banaadar ayaa dadaal xoogan ugu jiro sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen bilicda iyo nadaafada Gobolka Banaadir.

Ururka Dhalinyarada Hirshabeelle Oo Ku Howllan Dayactirka  Biya Xireenada Webiga

0

Ururka dhalinyarada hirshabeele ayaa Sheegay in ay ku howlanyan yihiin dayactirka biyo xereenada looga hortagaayo fataahadaha wabiga Shabeele  ee ku soo laabtey magalada Beldweyne ee xarunta gobalka hiiraan

Maxamed C/laahi Buraale oo La Hadley Radio muqdisho ayaa sheegay in dhismaha biya xiraan ay aheyd mid dadaalkeeda ugu  weyn ay sameeyeen dhalinyarada Hirshabeele isagoo intaa ku darey in mahadcelin ay usoo jeedinayaan dhammaan qeybaha kala duwan ee deeqaha lacageed soo gaarsiyey taasi oo kaalin ka qaadan doonto biyo xireenka ay ku howlanyihiin

Guddoomiyaha dhalinyarada ayaa sheegay in maanta ay ku howlanyihiin goobaha laga sahmin karo biyo xireenka  oo sida uu sheegay ah meel laga xiri karo biyaha webiga waxaana uu sheegay in hadda enjineero  arrimahan aqoon u leh iney kala shaqeynayaan

 

Hirshabeelle Oo Sheegtay In Dhismaha Golaha Deegaanka Ay Meel Wanaagsan Marayaan

0

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Axmed Bariise Xeydar ayaa sheegay in lagu guuleystay xal u helidda caqabadihii hortaagnaa dhismaha Golaha deegaanka ee Degmada Buulo-Burde.

Wasiir ku xigeeka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr.Maxamed Cabdi Waare  iyo wafdi uu hogaaminaayey o maalmahaan ku sugnaa Degmada  Buulo Burde,  ay kulammo gaar gaar ah la yeesheen hogaamiyaasha qeybaha bulshada,isla markaana la isku afgartay sidii loo sii ambaqaadi lahaa dhismaha golaha deegaanka ee degmadaasi.

Axmed Bariise Xeydar, Wasiir ku xigeenka waxa uu hoosta ka xariiqay in la xalliyay tabashooyin ku aadaanaa dhismaha golaha deegaanka,isagoo ka codsaday qeybaha bulshada in ay garab ku siiyaan maamul u sameynta degmadaasi si ay helaan adeegyada lagama maarmaanka u ah horumarkoda.

Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Axmed Bariise Xeydar ayaa sheegay in dhismaha degmada Buulo Burde oo maraya meel wanaagsan ka dib loo gudbi doono maamul u sameynta degmooyinka Baladweyne iyo Jowhar.

Shirweyne Kusaabsan Saameynta Fatahaadda Oo Baydhabo Goordhow Ka Furmay

0

Shirweyne looga hadlayo fatahaadaha iyo saameynta ay reebaan ayaa goordhow ka furmay magaalada Baydhabo, Waxaana ka qayb galay shirkaas Wasiir Dowlaha Xafiiska R/wasaaraha, Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle, Wasaaradda Qorsheynta DFS iyo Midowga Yurub.

Shirkaan ayaa looga tashan doona sidii xal waara loogu heli lahaa fatahaadaha ay webiyada dalka iyo dadkii ay sameyeen fatahadihii ugu dambeeyay.

Taliyaha Mucaaradka Liibiya Ka Baxay Wadahadaladii Ruushka

0

Taliyaha ciidamada mucaaradka dalka Liibiya Khalifa Haftar ayaa ka tagay magaalada Moosko isagoo aan saxiixin heshiis isku day xabad joojinta dagaalada ka socda Liibiya, sida uu sheegay Wasiirka Arimaha Dibadda ee Ruushka.

Kadib saacado wadaxaajood ay soo qaban qaabiyeen Ruushka iyo Turkiga, Haftar ayaa fiidnimadii shalay laga codsaday inuu fiiriyo heshiiskii ay horay u wada saxiixeen Fayez al-Sarraj, Madaxa dowladda ay aqoonsaday QM.

Ilo wareeedyo laga helay Liibiya ayaa xaqiijiyey bixitaanka Haftar, iyadoo qabyo-qoraalka heshiiskaasi uu diiday ay ka maqan yihiin dalabyo badan oo ciidanka Liibiya ah,” ayuu yiro “Haftar oo u waramay  telefishanka Al Arabiya.

Ma jiro wax horumar ah oo ka soo baxay wadahadallada aan tooska ahayn ee u dhexeeya kooxaha ku dagaallamaya gudaha dalka Liibiya.

Championing a New Chapter of China-Somalia Friendship

0

The new year 2020 has come,on behalf of the Chinese Embassy, I would like to extend the my cordial greetings and good wishes to the brotherly Somali people. I wish the Somali political progress, social development, people’s happiness and greater achievements in the New Year!

Over the past year, the Somali government and people have made positive progress on the path of peace, reconstruction and development. In the beautiful country, I deeply feel the Somali people’s pursuit and yearning for peace and happiness.

In my contacts with Somali political leaders, government officials, experts and scholars, business friends, women and youth, I deeply feel the profound and pure friendship of the Somali people to the Chinese people.

Somalia is a beautiful and rich country with a coastline of more than 3300 kilometers. In the long history, the people are full of diligence and wisdom, creating brilliant culture, national music and dance, and forming their own language and characters in long-term production and life practice.

Its unique geographical location is admired by the world, people yearn for the beautiful beach in Somalia, and are eager to roam in the seaside coconut forest, take a breath of the seaside air, and blow the delightful sea breeze.

I am deeply honored to be Ambassador to Somalia and make a bond with Somalia. In the past years, I have often felt the charm of this country and the pure and friendly feelings of the two peoples. “Good friends feel close to each other even when they are separated by vast distance”.

Although China and Somalia are far away by mounts and rivers, people to people exchanges between the two countries can be traced back to 600 years ago, when Zheng He, a famous Chinese navigator and treasure Voyages, visited Mogadishu twice along the Maritime Silk Road, which greatly boosted the economic and cultural exchanges between China and Somalia. At that time, China called Mogadishu city with full of merchants as”. Since then, the two peoples has been closely linked by the Maritime Silk Road.

In 1960, China and Somalia established diplomatic relations, and Somalia is the first country in East Africa to establish diplomatic relations with China.

From 1960 to 1991, the Chinese government helped Somalia build a large number of infrastructure, such as National Stadium, Benadir Hospital and National Grand Theatre, etc., which are still celebrated by the Somali people, China sent 13 groups of medical teams to Somalia, with a total of nearly 400 doctors, and cured thousands of Somali people.

The flower of China and Somalia friendship is deeply rooted in the hearts of the two peoples. Since Somalia unfortunately fell into civil war in 1991, China has made unremitting efforts for the peaceful development of Somalia through bilateral and multilateral channels, including politics, economy, education, human resources development and development assistance.

Somalia is known as the “camel kingdom” in the world. Mogadishu is known as “the white pearl in the Indian Ocean”. This hot land has radiated with brilliant light from ancient times to now.

It is firm and tenacious to peace, persistent to development and yearning for happiness, just like the sea faced by Somalia to be convinced by people. Today, it is facing “Phoenix Nirvana” after years of pain.

As a sincere and friendly partner of Somalia, China with Somalis has always been helping each other, since many years, the Chinese government and people have provided humanitarian assistance to the people of Somalia, many Somali students go studying in the first-class universities of China under the Chinese government scholarships, inheriting the friendship and developing the future.

They will surely become the talents of Somalia’s national development and construction and friendly bridges and ties of generations between the two countries. Both Chinese and Somali people love peace deeply, without peace, there will be no development, without peace, there will be no people’s happy life.

The Chinese people sincerely hope that Somalia will be revitalized and developed, and the Somali people will be happy and peaceful!

“When the sun rises, the flowers of the river are more red than fire. When spring comes, the water of the river is as green as blue”. The New Year marks an important election year in the history of Somalia, and also the 60th anniversary of the establishment of diplomatic relations between China and Somalia.

China and Somalia friendship will continue to march forward. We have extended sympathy to and helped each other throughout all the years. In the new year, we with the Somali side will work in unity and forged ahead, promote the cooperation and common development in the triumph of the Forum of China and Africa Cooperation, Forum of China and Arab Cooperation and the building of the Belt and Road Initiative, we should strive to develop friendly cooperation between the two countries in various fields such as economy and trade, infrastructure construction, agriculture, health care, education, culture, capacity-building, people to people exchanges, etc., we sincerely hope that Somalia will achieve new achievements in its development.

The Chinese side will follow the principle of sincerity, real results, amity and good faith and the principle of pursuing the greater good and shared interests put forward by President Xi Jinping, and work together with the Somali people to jointly champion a new chapter in the friendly cooperation between the two countries.

 

(Qin jian, Chinese Ambassador to Somalia)