Boqol Salmaan “Sacuudi-carabiya waxey doonaysaa xal joogta ah oo caadil ah oo laga gaaro arrinta falastiin.

Date:

Boqorka Sacuudi-carabiya Salmaan bin Cabdilcasiis ayaa Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump u sheegay in waddamada Khaliijka ay doonayaan xal caadil ah oo kama danbays ah oo laga gaaro qadiyadda Falastiin,taasi oo ka soo billaabanaysa iyadoo  la tixraacayo hindisihii carabta ee 2002-dii.

Labadan mas’uul ayaa ku wada hadlay qadka taleefanka, kadib qorshihii Maraykanka uu gar-hayeenka ka ahaa ee Imaaraadka Carabtu ku noqotay dalkii 3-aad ee carbeed ee caadiyeeya xiriirla Israa’iil.

Boqor Salmaan wuxuu ku yiri Trump “Sacuudi-carabiya waxay doonaysaa xal joogta ah oo caadil ah oo laga gaaro arrinta falastiin, waxaana loo baahan yahay in Maraykanku taageero.

Hindisahii nabadda ee 2002 ayaa caadiyaynta xiriirka Israa’iil ku xirayay shuruudaha kala ah, in la helo dal madaxbannaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin iyo in Israa’iil ka  baxdo dhulkii carbeed oo ay ku qabsatay dagaalkii 1967.

Sacuudi- Arabiya waa Ubucda Islaamka, waxaana ku yaalla goobaha ugu xurmada badan Muslimiinta, walina ma aqoonsan jiritaanka dalnimo ee israa’iil.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...