Home Blog Page 869

Ciidamada Xoogga dalka oo deegaano hor leh kala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa ku sii qul qulaya nawaaxiga degmada Jamaame,iyagoo goobo hor leh kala wareegay maleeshiyaadka Ururka Al-Shabaab .

Ciidamada Xoogga ayaa la wareegay fariisimo argagixisadu ay ku dhibaateyn jirtay shacabka,waxayna dileen horjoogeyaal iyo maleeshiyaad badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Korneyl Idiris Kuusow Sheikh Cabdi oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay jab xooggan gaarsiiyeen maleeshiyada Al-Shabaab,islamarkaana ay ka dul qaadeen shacabkii ay dhibaatada ku hayeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay ka carraraan deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbada hoose ka dib markii ay culeys Militari ay kala kulmeen ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland.

Hirshabeelle oo Hay’adaha samafalka ku amartay iney is diiwaan-geliyaan.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa fartay Hey’adaha Samafalka ee ka howlgala Deegaanada Hirshabelle in ay iska soo diiwaan galiyaan Xafiiska Wasaaradda Qorsheynta ugu Dambeyn 31-da bishani janaayo ee 2020.

Wasaaradda ayaa sheegtay iney arrintaan uga gol leedahay dardar gelinta howlaha horyaala sanadka 2020,islamarkaana ay muhiim tahay in la helo tira-koobka saxda ah ee Hay’adaha samafalka ee ka howla deegaanada Hirshabeelle.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii ayaa deegaanada Hirshabeelle waxaa saameyn ku yeeshay Fatahadda uu sameeyay Wabiga Shabeelle,taas oo Dowladda Federaalka Jawaab deg deg ah ay ka bixisay.

Halkani hoose ka akhriso warqadda ka soo baxday Wasaaradda Qorsheynta Dowlad goboleedka Hirshabeelle:-

Maxkamadaa ciidamada qeybta 60-aad oo dhageysatay dacwad loo heysto eedeysane al-Shabaab ah.

Maxakamadda darajada 1-aad ee    CQS    ee ciidamada qeybteeda 60-aad ayaa Maanta u fariisatay dacwad ciqaabeed loo heysto eedaysane Siid Cali Suurad Macalin Cabdi kaas oo Xafiiska Heer ilaalinta ay Ku soo oogtay in uu mas’uul ka  ahaa qaraxyadii Mataanaha ahaa ee 13/10/2018-kii  ka kala Dhacey gudaha Magaalada beydhabo.

Xeer ilaalinta Maxakamada darajada 1-aad  ayaa kulankii maanta  ku soo bandhigay  qiraalka eedaysanaha iyo markaatiyaal caddeeyay in uu kamid yahay Kooxaha wax dhakra, waxeyna maxakamadda ka codsadeen in ninkaasi  la mariyo ciqaabta ku habboon.

Eedeysanahaasi ayaa qirtay in uu wax badan ka ogaa Labada Qarax ee ka kala dhacay maqaayadda Badar,    halkaas oo ay ku nafwaayeen inka badan 26 Ruux, isla markaana ay ku dhaawacmeen 55 ruux kale.

Madaxda Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qeybta 60-aad ayaa sheegtay in dhowaan la soo bandhigi doono natijada xukunka eedeysanahaasi.

Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Maaliyadda XFS oo saxiixay mashruuc lagu dhisayo waddooyinka magaalooyinka.

Wasiirka Maaliyadda XFS, wasiirka howlaha guud     iyo     Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisidoono magaalooyinka dalka.

Heshiiska ay mas’uuliyiinta wada saxiixdeen ayaa magaalooyinka lagu dhisidoono waxa kamid ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe iyadoo qeybta magaalada Muqdisho uga soo aaday ay tahay ku dhawaad 28-Milyan.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in mashruucaan  uu qeyb ka yahay deyn cafinta oo dowladdu ku bixisay dadaal sidii dalka looga cafin lahaa  miradhalkeedana uu heshiiskaan lagu hormarinayo Magaalooyinka uu qeyb ka yahay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay ahmiyada mashruucani,waxaa uuna sheegay in ay tahay tilaabo xaga hormarka looqaaday islamarkaana ay soo dhaweynayaan.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud ee XFS mudane Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu tilmaamay in dowlada federaalka Soomaaliya ay gudaha dalka kawado mashaariic kala duwan oo lagu horumarinaayo dib udhiska dalka.

Dad ku sumoobay caano oo lagu daaweynaayo cisbitaalka Qardho.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa sheegaya in 8 ruux oo ka kooban laba qoys la dhigay isbitaalka magaalada kuwaas oo ku sumoobay caano ay cabeen sida ay sheegeen dhakhaatiirta isbtaalka.

Dadka sumoobay waxa ku jira Carruur yar-yar  kuwaas oo midkood uu markii dambe geeriyooday sida ay xaqiijiyeen maamulka isbitaalka  gacanta ku hayo xaaladda caafimaad  ee bukaannada.

Mas’uuliyiinta isbitaalka wax faah-faahin ah kama  bixin sababta rasmiga ah ee keentay in dadkaas ay ku sumoobaan caanaha balse waxa ay warbaahinta u shegeen in dib ay ka faah-faahin donaan.

Bulshada Galmudug oo taageeray doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Shacabka Magaalada Galkacyo ayaa taageeray doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo maalintii shalay ka dhacday magaalada dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah Bulshada oo Maanta isku soo bax ay ku tageerayaan doorashada Gudoonka Baarlamaanka Galmudug    ka sameeyey Magaalada   Galkacyo ayaa tilmaanay in ay tageerayaan dadaalada Dowladda Soomaaliya      iyo hannaanka loo maray dhismaha Dowlad Goboleedkaasi.

Maalintii shalayna waxaa   magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug iyo ku xigeennadiisa.

Dhinaca kale qaybaha     Bulshada deegaannada Galmudug ayaa soo dhoweeyay doorashadii ka dhacday Magaalada Dhusamareb ee lagu doortay Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Bulshada ayaa Xildhibaannada  Galmudug ugu baaqay inay Doortaan Madaxwayne Samatabixin kara Galmudug  maadaama dhowaan la filaayo  doorashada Madaxwaynaha Galmudug iyo ku-xigeenka.

Dr; Gacal oo ku guuleystay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

0

Waxaa goordhow lasoo gaba-gabeeyay tartanka doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka maamul Goboleedka Galmudug oo uu ku guuleystay Dr; Maxamed Nuur Gacal

Dr; Maxamed Nuur Gacal ayaa murashixii kula loollamayay xilka Guddoomiyaha Baarlamanka kaga adkaaday 54 cod, halka Cabdinaasir Aadan Cusmaan uu isna helay 34-cod.

Dhowaan ayaa la filayaa in la doorto xilalka Guddoomiye ku xigeennada Afhayeenka golaha wakiillada Galmudug.

Ciidamada Xoogga Dalka oo muujiyay kaalinta kaga aadan baajinta dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday Galgaduud

0

Ciidamo ka tirsan qeybta 21-aad ee XDS kuna hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa ku guuleystay baajinta dagaallo kale oo ka dhaca galbeedka gobolka Galgaduud, halkaasoo ay ku dagaallameen maleeshiyo beeleedyo walaalo ah oo isku deegaan ah.

Ciidamadaasi oo dhowaan gaaray halkaas ayaa haatan ku kala dhexjira maleeshiyo beeleedyadaasi oo maalmo ka hor ku dagaallamay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Galgaduud.

C/kariin Axmed Bulxan oo warbaahinta Qaranka uga soo warama degmada Cabuudwaaq ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay ku guuleeysteen baajinta dagaal kale oo dhexmara malleeshiyaadkaasi, wuxuuna intaasi raaciyay in ciidamadu ay kala dhexgaleen islamarkaana kala durjiyeen labadii dhinac ee colaaddu dhexmartay.

Bulshada ku dhaqan deegaannada ay colaaddu ka dhacday ayaa ciidamada XDS ka dalbaday in ay xaqiijiyaan dhameynta colaaddaasi, iyagoo ammaanay kala dhexgalka labadaasi dhinac.

Ciidamada XDS ayaa hore u kala dhexgalay una baajiyay colaad hore u dhexmartay beelo walaalo ah oo wada dega bariga magaalada Gaalkacyo, taasoo ay aad u soo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Dagaallada noocan ah ayaa dhibaatada ugu badani waxey inta badan ka soo gaartaa dadka rayidka ah ee aan iyagu qeybta ka aheyn colaaddaasi.

Danjiraha Soomaaliya ee K/Afrika oo gaaray Johannseburg

0

Safiirka ay Dowladda Soomaaliya dhawaan u magacaabday Dalka South Africa Maxamed Cali Mire ( Nabadoon ) ayaa galabta waxaa uu gaaray Magaaladda Johannseburg.

Danjire Maxamed Cali Mire Nabadoon waxa uu badalay Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Koofur Afrika Jamal Maxamed Barrow oo loo magacaabay wadanka Nagaria .

Garoonka magaalada Johannesburg waxaa safiirka ku soo dhaweeyay madax ka socotay safaaradda qaar ka mid ah waxgaradka iyo culimada Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan Jaaliyadda Johanesburg.

     

Duqa Muqdisho oo dhagax dhigay xarun caafimaad oo laga hirgelinayo Kaxda

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay mashruuc Degmada Kaxda oo lagu dhisayo xarun Caafimaad oo bulshada si bilaash loogu adeego.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah mid lagu hirgalinaayo goob waxbarasho oo carruurta si lacag la’aan ah wax ugu bartaan iyo sidoo kale Masjid lagu cibaadeesto.

Guddoomiyaha Degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa sheegay in mashaariicda uu maamulka Gobolka Banaadir ka hirgelinayo Degmada ay soo dhaweynayaan, maadaama ay yihiin baahiyaha gaarka ah ee ka jirta degmada Kaxda.

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siin doonaan hirgalinta adeegyada aas aasiga u ah bulshada ku nool caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo dhagay xarunta caafimaadka ayaa balan qaaday in maamulkiisa uu xoojin doono mashaariicda kor loogu qaadayo dib u dhiska Caasimadda.