Home Blog Page 869

Wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka hadashay xaalada xnuuka Covid19.

0

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay dad cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, iyada oo cudurka u muuqdo mid kasii yaraanaya deegaanada maamulkaas.
Qoraal ay soo saartay wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in 24-saac ee lasoo dhaafay cudurka laga baaray 24 qof, isla markaana laga helay 7 kamid ah dadkaas, kadib markii baaritaano kala duwan lagu sameeyay.
Dadka Cusub ee laga helay Cudurka ayaa waxa ay ku sugan yihiin magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland, waxaana da’dooda ay u dhaxaysaa 13 sano jir ilaa 43 sano, iyadoona Cudurka uu ka bogsaday 1 qof.

 

Pudland iyo Hirshabeelle oo Magacaabay xubnaha ku metelaya Guddiga farsamada ee shirkii Dhuusamareeb

0

Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle ayaa Magacaabay xubnaha ku metelaya Guddiga farsamada ee dhawaan madaxda Dowlada dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay ku heshiiyeen inay ka soo shaqeeyaan hannaanka Doorashada la filayo inay ka dhacda dalka 2020/2021.

Xubnaha Puntland ku metelaya ayaa waxaa ay kala yihiin, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda iyo Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime ku-xigeenka guud ee Madaxtooyada Puntland.

Jubbaland ayaa Magacaawday , Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada iyo Xamze Cabdi Barre oo ah Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, halka Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu isagana Magacaabay laba xubnood oo kala ah Wasiirka arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose, Maxamed Cali Caadle iyo Madaxa Xafiiska Amniga Dowlad Goboleed Hirshabelle, Cabdi Maxamed Faarax Makaraan.

Golaha shacabka oo Maanta yeelanaya dood xasaasi ah

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Taariikhdu ku beegan tahay 25/7/2020 waxaa ay kulankoodii caadiga ah ku yeelanayaan Xarunta KMG Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Agendaha kulanka ayaa ah,  ka doodista doorashooyinka lagu wado in ay dalka ka dhacaan dabayaaqada sannadkan iyo billawga 2021-ka.

Xildhibaanannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay soo xaadiraan.

Amisom oo deeq caafimaad gaarsiisay Magaalada Baladweyne

0

Ciidamada Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo qaybta ka ah howl-galka midowga Afrika ee AMISOM ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Baladweyne.

Dawadan oo noocyo badan isugu jira noocyo kala duwan ayaa ah qaybtii Labaad ee ay Midowga Afrika gaarsiiyaan Baladweyne Bishan gudaheeda, waxaana loogu tala galay in loo qeybiyo xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan ayaa ka guddoomay deeqda ay midowga Afrika ku yabooheen Isbitaalka Baladweyne, wuxuuna ugu mahad celiyay caawinaadda ay lasoo gaareen SHacabka tabaalaysan.

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukunno Ku Ridday 2-Ka Tirsan Al-Shabaab

0

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukunno Ku Ridday 2-Ka Tirsan Al-Shabaab
Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xukuno xabsi daa’in ah ku ridday laba Nin oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana lagu eedeeyay in ay qaraxyo ka fuliyeen Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyha Mxakamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Mustaf Maxamed Xuseen iyo Maxamed Axmed Muumin lagu helay eedeynta loo soo jeediyay sidaas darteedna lagu Xakumay Xabsi daa’in.

Xeer ilaalinta Maxkamedda Ciidamada ayaa shegtay in Mustaf loo hetsto 8-qarax oo lagu xiray gawaari, ,halka ninkaasi horay Maxkamada ay ugu riday Xukun Shan Sano ah oo uu soo dhameeystay dibna ugu laabtay howlihii uu u haayay AL-shabaab.

Mid ka mid ah labadaasi nin oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Muumin,ayaa la xukumay isagoo maqan,kaas oo lagu eedeeyay in uu ahaa hagaha iyo mareeynta Lacagaha ee uu wax ku Fulin Jiray Mustaf Maxamed Xuseen.

 

Safiirka Suudaan Ee Soomaaliya Oo La Kulmay Wasiirka Beeraha Suudaan +Sawirro

0

Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan iyo Wasiirka Beeraha iyo Khyeraadka Dabiiciga ah ayaa isku afgartay adkeynta xiriirka dhinacyada kala duwan sida horumarinka iyo iskaashiga Beeraha iyo wax soo saarka, ka dib markii ay ku kulmeen caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Kulanka danjire Maxamed Sheekh Isxaaq iyo Wasiirka Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Suudaan Eng. Cabdiqaadir Turkaawi waxaa ku wehliyay uqeybsanahay arrimaha ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Suudan.

Mas’uuliyiintan ayaa intii Kulankoodi uu socday waxaa ay ka wada hadleen xiriirka sooyaal ee u dhaxeeya labada dowladood, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka soo jireeynka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudan.

Waxyaabaha ay isla garteen waxaa kamid ah adkeynta xiriirada dhinacyada kaladuwan leh,horumarinta iskaashatadda beeraleeyda iyo Wax soo saarka dalagga beeraha iyo kuwo kale oo badan.

Dalalka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah,kaasi oo ku qotoma iskaashiga dhinacyo badan sida Siyaasadda,Dhaqaalaha diplomaasiyadda beeraha iyo wax soo saarkooda.

Madaxweyne Farmaajo “Shacabka Soomaaliyeed Waxaa Looga Baahan Yahay In Ay Ku Kalsoodaan Hor U Socodka” Sawirro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shirweynaha Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ayaa ka warbixiyey Geeddi socodka dheer ee loo soo maray sidii shacabka Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan hoggaan ay ku aaminayaan talada dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaxaajoodka ku saabsan dhammeystirka hannaanka doorashooyinka iyo khayraad wadaagga la furtay Dowlad Goboleedyada bilowgii muddo xileedkiisa, taas oo tilmaamay sida ay uga go’an tahay in wadatashi iyo midnimo loogu guuro hannaanka doorshaada loo dhanyahay.
“Danta guud in aan ka shaqeyno waa masuuliyad ina wada hortaalla. Rajadu maanta aad ayey u wacan tahay. Shacabka Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay in ay ku kalsoodaan hor u socodka siyaasadeed ee dalkeenna.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada ka qeyb galka shirkan iyo dadaalka ay ku bixiyeen sidii looga mira dhalin lahaa, iyada oo mudnaanta la siinayo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo horumarka dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Dowlad Goboleedka Galmudug, bulashada iyo waxgaradka deegaanadan soo dhaweynta diirran iyo martigelinta qiimaha badan ee ay u sameeyeen Madaxda heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Orad-yahanno Tartan Uga Qeyb-Galay Koonfur Galbeed, Daawo “Sawirro”

0

Tartankaan oradka ah wuxuu qeyb yahay, tartamo isdaba joog ah oo jaaliyadda Koofur-galbeed Soomaaliya ee Waqooyiga Ameerika ay u qabanayaan dhalinyarada degmada Xudur, kaas oo loogu gol leeyahay dhiirigelinta da’yarta jecel sportiga, waxaana fududeeyey orad yahan Cabdi Warsame Isaak oo gobolka bakool ku matali jirey tartanka marathonka.

Waxa ka qeybgalay tartanka oradka lagu qabtay duleedka magaalada xuddur 20 cayaar yahan oo lasoo xuley waxayna ordeen 1,500M, waxana goob joog ka ahaa wasiiro Koofur-galbeed ka tirsan, xildhibaano, maamulka gobolka, maamulada degmooyinka Xuddur, TIyeeglow, Rabdhuure, guddiga isboortiga iyo boqolaal dadweyne dhalinyaro ubadan oo u soo daawasho tagay.

Garsoorayaasha ayaa firimbiga u yeeriyay cayaartooyda, kadibna waxaa bilowday oradkii oo ay daba socdeen garsoorayaal iyo dhakhaatiir loo diyaariyey in ay caawiyaan qofkii xaalad caafimaadaro lasoo derista.

Cayaartoyda uma dhameystirneyn agabka lagu ordo, waxay isugu jireen qaar kabo la’aan orday kuwo dacaswatay iyo kuwo buud caadi ah xirnaa, waxaa la sugaaba 3 cayaartoy ayaa ku guuleystay waxana kaalinta koowaad galay Mowliid Xasan Cabdulaahi, kaalinta 2 aad Mursal Xasan, iyo Maxamed Macalin Cali oo galay kaalinta 3 aad, iyadoo suxid mudan tahay in sedexda cayaartoy ee guusha raacday ay xirnaayeen Dacas iyo kabo caadi ah waxana lagu doonsiiyey bilLado iyo hadiyadihii loogu talagalay.

Waa marathonkii ugu horeeyay oo lagu qabtay Xuddur, muddo shan sano ka badan.

Alshabaab Oo Biyaha Webiga Ku Soo Fasaxay Beero Ku Yaal Aw-Dheegle “Sawirro”

0

Maleeshiyaadka argagaxisada Alshabaab, ayaa biyaha ku fatahay beeraha ku yaala degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka.

Ibraahim Aadan Cali Najax, oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in maleeshiyaadka Alshabaab biyaha webiga Shabeele ku fasaxeen beeraha degaanada Aw-dheegle.

“Maleeshiyadda Al shabaab ayaa biyaha wabiga ku fasaxay Beeraha Awdheegle si ay u dhibaateyan dadka shacabka ah Maamulka Degmada Awdheegle oo ku baxay Biyaha ayaa ku howlan xakameyntooda ,iyadoo Jawaano carro ah oo aan horay u geenay Awdheegle ay kula tacalaaayan,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Degaano badan oo ku teedsan webiga Shabeelaha gaar ahaan tuulooyinka ka tirsan degmada Afgooye, waxaa fara ba’an ku haya fatahaadda uu webiga ku sameeyay halkaas oo dad aad u badan hoy la’aan yihiin.

Ciidamada Puntland Oo Howlgal Ku Dilay Xubno Ka tirsan Daacish.

0

Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland PSF ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay dhulka buuraleyda ah ee Gobolka bari , halkaas oo ay ku weerareen xubno ka tirsan Daacish.

War ka soo baxay Taliska Ciidamada PSF-ta Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka sigaar ah looga fuliyay deegaannada Tuurmasaale iyo Camayra ee Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari, isla markaana dagaal deegaannadaasi ka dhacay ay ku dileen 20 ka tirsan dagaalamayaasha Daacish.

Waxaa sidoo kale Qoraalka lagu sheegay in dad kale lagu dilay uu ku jiray sarkaal sare oo ajanabi ah oo kooxda Daacish u qaabilsanaa tabbarada, xiriirka caalamka, iskuna xiri jiray sida la sheegay Daacishka Soomaaliya iyo kuwa ka dagaalama caalamka ee Soomaaliya jooga ilaa 2014-kii sida warkaasi ka soo baxay saraakiisha howlgalkaasi hogaamineysay lagu sheegay, howlgalka oo lagu bur buriyay xarun keyd u ahayd kooxda Daacish.