Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay South Africa.

Date:

Koox hubeysan oo ka soo jeeda dalka Koonfur Africa ayaa xalay  gudaha dalkaas ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka  goobaha Ganacsiga ku leh dalkaasi.

Dilkaasi oo ka dhacay Tuulada Motherwell ee Koonfur Afrika, ayaa waxaa ku u dhintay Allaha u naxariistee Axmed Xasan Jeceeloow oo xilligaasi  ku sugnaa dukaankiisa.

Koxihii burcadda ahaa ee dilka geysatay ayaa goobta isaga tegay, waxaana daqiiqado kadib goobta gaaray Muwaadiniin Soomaaliyeed  oo soo qaaday Meydka Marxuumkaasi.

Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal loo geysto soomaalida ganacsiga ku leh dalka Koonfur Afrika mana jirto cid loo soo qabto dilalka halkaa  logu geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare oo guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Aqalka Sare ee BJFS,Mudane Cali Shacbaan...

Wasiiru Dowlaha Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo guddoomiyay shirka billaha ah ee Agaasimayaasha Waaxyaha

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka...

Wasaaradda Qoyska oo daahfurtay tababar ku saabsan doorka haweenka ee geeddi-socodka nabad-dhiska Soomaaliya

Wasaaradda Qoyska, Horumarinta iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya oo kaashanaysa...

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska oo shahahaadada Master Degree ka qaatay dalka Ruushka

Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa...