Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay South Africa.

Date:

Koox hubeysan oo ka soo jeeda dalka Koonfur Africa ayaa xalay  gudaha dalkaas ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka  goobaha Ganacsiga ku leh dalkaasi.

Dilkaasi oo ka dhacay Tuulada Motherwell ee Koonfur Afrika, ayaa waxaa ku u dhintay Allaha u naxariistee Axmed Xasan Jeceeloow oo xilligaasi  ku sugnaa dukaankiisa.

Koxihii burcadda ahaa ee dilka geysatay ayaa goobta isaga tegay, waxaana daqiiqado kadib goobta gaaray Muwaadiniin Soomaaliyeed  oo soo qaaday Meydka Marxuumkaasi.

Dalka Koonfur Afrika ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal loo geysto soomaalida ganacsiga ku leh dalka Koonfur Afrika mana jirto cid loo soo qabto dilalka halkaa  logu geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...