Madaxweyne Trump oo garsooraha Maxkamadda sare u soo xulay Amy Coney Barret.

Date:

Madaxwaynaha Mareykankanka Donald Trump ayaa u soo xulay Amy Coney Barrett, in ay noqoto garsooraha Maxkamadda ugu sareysa Mareykanka.

Madaxwayna Trump oo hadal jeedinayey iyada oo ay garab taagantahay Amy Coney Barrett ayaa waxaa uu ku tilmaamay haweeney guulo waawayn gaartay
Amy Coney Barrett oo hadal kooban jeedisay ayaa Madaxwaynaha uga mahadcelisay soo xulidda inay noqoto garsooraha Maxkamda ugu sarreysa Mareykanka.

Dhinaca kale xubnaha Xisbiga dimuqraadiga ayaa waxay si wayn uga soo horjeedsadeen soo xulidda garsooraha Maxkamada ugu sarreysa Mareykanka loo soo xulay Mrs Barrett.
Musharaxa Madaxwaynanimada ee xisbiag dimuqraadiga Joe Biden ayaa ugu baaqay aqalka Sanet-ka in aysan u codeyn soo xulidda Mrs Barrett ilaa ay ka dhaceyso doorashada Madaxwaynanimadaa ee bisha November.

“Haddii ay aqalka sanet-ka ay ansixiyaan ayaa waxay garsoore Barrett badali doontaa Ruth Bader oo dhawaan geeriyootay iyada oo ay da’deeda ahayd 87 sano jir.
Soo xulidda uu Maadaxwayne Trump u soo xulay haweeneydan ayaa waxay aqalka Sanet-ka ka dhex dhalin doontaa dood xooggan xilli doorashada Madaxwaynanimada Mareykanka ay dhacayso bisha November ay foodda inagu soo hayso.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

:-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed...

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

-Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan...