kulanka Wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo goor dhaw furmaya.

Date:

Labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta oo sabti ah  wadaa in magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan fadhi wada-jir ah oo ay uga doodayaan heshiiska siyaasadeed ee doorashada oo ay 17-dii bishan gaareen dowladda Federaalka, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo la doonayo inay ansixiyaan Baarlamaanka.

Mudanayaasha golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa la gaarsiiyey farriin ogeysiis ah oo ah inay 9:00am-ka subaxnimo ee maanta ka soo wada qayb galaan fadhi wada-jir ah oo Baarlamaanku yeelanayo, si ay uga doodaan heshiiskan siyaadsadeed, kadibna ay cod ugu qaadaan.

Heshiiska siyaasadeed ee doorashada ayaa qeexaya hab-raaca doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana qodob ka mid ah uu sheegayey in la hor geeyo Baarlamaanka si ay ugu badalaan go’aan sharci ah oo tixraac rasmi ah u noqon kara geedi socodka doorashada.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...