Home Blog Page 860

Xuska 29-ka September ee ka hortagga khasaaraha ama dayaca ku yimaada cuntada.

0

Qaar ka mid ah hey’adha Qaramada Midoobay iyo Dalalka Dunida ayaa manta u dabbaaldegay xuska 29-ka Setembar ee maalinta Caalamiga  ah ee ka hortaggga lumidda ama khasaaraha ku yimaada cuntada aan la isticmaalin ee isu bedesha qashinka.

Sababaha ugu waawayn ee lumiya  cuntada ee Afrika waa la’aanta qalab qaboojiya miraha dalagyada iyo kuwa loo isticmaalo qallajinta iyo xirfadaha wax-soo-saarka beeraha oo aan ku filnayn bulshooyinka beeralayda yaryar.

Hey’adda FAO waxay fududeysaa xuska maalinta adduunka ee wacyigelinta khasaaraha iyo wasakhda cuntada, iyadoo la kaashaneysa Barnaamijka Deegaanka ee UN (UNEP),WFP iyo kuwo kale,waxaana sanad kasta dalalka ka gooseeya Sab Saxaraga ku luma 4-bilyan oo doolar oo ah cuntada khasaarta.

Xuskaan aawadeed,waxaa baaq loo diray madaxda dalalka Afrika si ay u xoojiyaan dadaalladooda, una dhiirrigeliyaan maalgashiyada shirkadaha gaarka loo leeyahay si loo yareeyo khasaaraha cuntada iyo qashinka.

Golaha loo dhan yahay ee qaramada midoobay ayaa sanadka 2019 soo saaray bayaan loogu magac daray Maalinta Caalamiga ah ee Ogaanshaha Cunnada khasaarta ee aysan isticmaalin dadka iyo warshadaha.

Safiirka Soomaaliya ee Sudan iyo dhiggiisa Norway oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

0

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalka Sudan mudane Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa xafiiskiisa magaalada Khaartuum kula kulmay safiirka cusub ee dalka Norway u fadhiya Sudan Therese Loken Gheil.

Intii uu socday kulankoodi waxay Danjireyaasha labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Norway oo dhinacyo badan leh.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu kaga hadlay waxyaabihii ay ka wada hadleen isaga iyo safiirka Norway ee Sudan  haweeneyda lagu magacaabo Therese Loken Gheil.
“Waxaan xafiiskayga ku qaabilay danjiraha cusub ee Norway ee Suudaan, Therese Loken Gheil,waxaana ku faraxsanahay in ay soo booqato safaaradda Soomaaliya ee Suudaan,waxaana is dhaafsanay aragtiyo ku aadan sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Norway”. Ayuu yiri danjire Maxamed Isxaaq.
Dowladda Norway ayaa kamid ah wadamada taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada hay’adaha dowladda iyo daryeelka bulshada.

Degmooyinka gobolka Banaadir oo ka wadahadlay tacadiyada loo gaysto Haweenka.

0

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa caasimada Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) ayaa gudoomiyay shirka totobaadlaha ah ee  degmooyinka gobalka Banaadir oo looga hadlay todobaadkaan arrimaha tacaddiyada loo gaysto haweenka Soomaaliyeed waxaa uuna ka dhacay xarunta ururka dhalinyarada gobolka Banaadir.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan gudoomiye Ku xigeenada Maamulka gobolka banaadir sida maamulka iyo maaliyada,arrimaha bulshada,amniga iyo siyaasada iyo howlaha guud iyo agaasime waaxeedyada gobolka.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa saraakiisha ciidanka gobolka ee uu hogaaminayay taliyaha qaybta guud ee gobolka iyo gudoomiyayaasha17ka degmo ee gobolka Banaadir.

Qodobada shirka  diiradda Lagu saaray waxaa sidoo kale ka mid ahaa arrimaha  Amniga, Nadaafadda iyo ka hortagga maandooriya siiba goobaha lagu iibiyo ee ku yaalla caasimada, waxaana guddoomiye cumar filish uu sheegay in guud ahaan maamulka gobolka banaadir looga baahanyahay inuu si adag ula dagaalmo.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Gaalkacyo+sawirro.

0

Madaxweynaha dawladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhulka ah ku soo gaaray Magaalada Gaalkacyo Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Galkacyo waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey maamulka iyo shacabweynaha Degmadda iyo xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda Galmudug, waxaana safarkiisa Gaalkacyo uu la xiriiraa kormeerka hawlaha maamulka iyo wadatashi uu la yeelanayo qaybaha bulshada.

Sidoo kale Madaxweyne Qoorqoor ayaa tababar u soo xiri doona qayb ka mid ah daraawiishta Galmudug oo bilihii la soo dhaafay loo carbinayey inay ku biiraan qaybtii ugu horraysay ee ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Madaxweynaha waxaa socdaalkan ku wehlinayay wasiirka arrimaha Gudaha, dib u heshiisiinta iyo Fedaraalka Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel, wasiirka Dekadaha iyo Kalluumeysiga, xildhibano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee Galmudug Cabdicasiis Nuur.

    

Dagaal maalintii 2-aad dhexmaraya dalalka Azerbaijan iyo Armenia

0

Maalintii Labaad dagaal culus oo u dhexeeya dalalka Azerbaijani iyo Armenia ayaa ka socda gobolka lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh .

Labada dhinac ayaa laga soo wariyay in ay soo kala gaareen dhimasho iyo dhaawacyo , iyadoo dagaaladaan cusub ay yihiin kuwii ugu xumaa rabshado dagaal oo bilowday sanadkii 2016.

Bulshada caalamka,sida  Maraykanka, Ruushka, Iiraan iyo dalaka reer Yurub ayaa ku baaqayay in la joojiyo colaadda oo la bilaabo wada hadal.

Labada dal ayaa ku muransan gobolka Nagorno-Karabakh islamarkana waxaa halkaas horey ugu dhaexmaray isku dhacyo kooban.

Nagorno-Karabakh ayaa caalamku wuxuu u aqoonsan yahay in uu ka tirsan tahay dalka Azerbaijan, balse waxaa gacanta ku haya dad asalkoodu yahay Armenia.

Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxaa ay labaduba ka tirsanayeen dalkii burburay horay loo oran jiray midowgii Soofiyeeti.

Xoogga dalka oo deegaanka Leego ku dilay xubno ka mid ahaa argagaxisda.

0

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degaanka Leego ee gobolka Shabellada Hoose ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo halkaasi ku dhuumaaleysanayay.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage oo la hadlay Idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ciidamada Danab ay xalay Saqdii dhaxe howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Leego ee Gobolka Shabellada Hoose.

Sarreeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa tilmaamay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 7 ka tirsan nabadiidka Al-Shabaab, kuwaasi oo dadka ku dhaqan Leego ka qaadi jiray lacago baad ah.

Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay danjirayaasha dunida u jooga Soomaaliya+sawirro.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd Xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay. Iyadoo kulanka ay qeyb ka ahaayeen siihayaha Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo siihayaha Wasiirka Arrimaha dibedda Amb Axmed Ciise Cawad.

Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Ra’iisul Wasaaraha cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla Xukuumaddiisa, waxayna ammaaneen arrimaha mudnaanta u leh Ra’iisul Wasaaraha Rooble ee Amniga, Doorashooyinka iyo Dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda.

       

Dowladda hoose ee Xamar iyo Midowga Yurub oo heshiis gaaray+sawirro.

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez.

Mas’uuliyiintan ayaa kawada hadlay xoojinta sidii loo dhaqaajin lahaa taageerida mashaariicda kala duwan ee ka socda Caasimadda, gaar ahaan dhaqaalaha, dib-udhiska iyo horumarinta nolasha dadka Barakacyaasha ah.

    

Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala saxiixday Heshiis deyn cafin ah+sawirro.

0

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyo sii hayaha wasiiirka maaliyada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa kala saxiixday heshiis labo geesood kaas oo lagu dhimayo dibna loogu qaabeynayo deyn Soomaaliya ay ku leeyihiin sadax hey’adood oo Dowladda mareykanka ah,waxaana heshiiskan goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ka cafisay qeybtii uga soo aadday deyn cafintii dalalka Naadiga Paris.

“Sharaf ayay ii tahay in aan maanta la saxiixanay Dowladda Mareykanka Heshiis uu nooga cafiyay qaar ka mid ah deymihii uu Soomaaliya ku lahaa, iyadoo la fulanayo natiijada heshiiskii ay gaareen wadamada Paris Club oo Soomaaliya ka saamaxay lacag dhan 1.4 Bilyan,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ahaa heshisika ayaa Dowladda Mareynkanka  ugu mahadceliyey deyn cafinta, wuxuuna  sidoo kale ku bogaadayay safiirka Mareynkanka sida ay markasta u garab yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

“Saxiixa heshiiskan waxaa suurto gal ka dhigay Soomaaliya oo hirgalisay dib u habeyn dhaqaale oo muhiim ah islamarkaana gaartay bishii Maarso ee sanadkan 2020 marxaladii ugu horeysay ee deyn cafinta,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay safaaradda Mareynkanka ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble “waxaan soo dhisi doonaa Xukuumad Tayo leh.

0

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu soo dhisi doono xukumadda tayo leh  oo awood uleh dar dar gelinta howlaha hortabinta leh ee horyaala dowladda .

“Waxaan soo dhisi doonaan xukumadda tayo leh oo ka shaqeyn doonto howlaha hortabinta leh ee hortaayala xukumadda si aan ugaarno howlaha waa weyn oo ayn inanga sugayaan shacabka Soomaaliyeed .

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka Mudane Maxamed Xuseen rooble ayaa xusay in uu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameeya tacadiyada jinsiga (kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, isagoo kaashanaya hay’adaha caddaaladda dalka.

“Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah.

Hadalkaan ayuu Ra’isul wasaare Roobke ka sheegay munaasabad uu maanta xilka kula wareegay.