Home Blog Page 860

Horjooge ka tirsanaa Argagixisada Al-Shabaab oo isa soo dhiibay

0

Xudur(SNTV)-Ciidamada  Xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Bakool ayaa Horjooge Sare oo ka tirsanaa maleeshiyayada Argagixisada ah ee Al-Shabaab ku soo bandhigay degmada Xudur ee xarunta Gobolkaasi.

Horjoogahaan oo lagu magcaabo Colaad Cabdiraxmaan Maxamed Xerow,ayaa Kooxda Nabadiidka ah ee Al-shabaab ka tirsanaa 11 sano, Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee magaalada Xudur Ibraahim Isaaq Ibarahim ayaa sheegay in ninkaan uu markii hore xiriir la soo sameeyay kadibna uu isu soo dhiibay  ciidamada Xoogga dalka.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa uga mahadceliyay ciidamada Xoogga dalka dadaalada ay ugu jiraan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayeen haradiga kooxda Al–shabab ee dhumaaleysiga ku jira.

Colaad Cabdiraxmaan Maxamed xerow ayaa tilmaamay inuu kooxda arxanka daran ee Al-Shabaab ugu  shaqeyn jiray Darawalnimo, islamarkaana uu isaga soo baxay fikirkooda, kadib markii uu adkeysan waayay waxyaabaha ay sameynayaan oo aan raadka ku laheen shareecada Islaamka.

Howlgalada iyo wacyigelinta ay Ciidamada Xoogga Dalka ka sameeyen gobalada dalka ayaa waxaa ay keentay in ay isi soo dhiibaan maleeshiyaadka horay uga tirsanaa Al-shabaab gaar ahaan Horjoogayaasha, kuwaasi oo ka soo laabanaya Fikirka Xagjirka ah ee kooxda ku dhibaateyso shacabka.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlagaladii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen gobalada Bay iyo Bakool waxaa ay kula wareegeen deegaanno dhowr ah oo ay maleeshiyadku ku sugnaayeen.

Ciidamada Dawladda Suuriya oo si Buuxda ula Wareegen Magaalada Xalab ee Dalkaas.

0

Ciidamada Dawlada Suuriya ayaa si buuxda ula wareegay magaalada Xalab oo kamid deegaanadii ay iska hor imaadyada xoogani ku dhex mareen kooxaha mucaaradka dalkaasi Suuriya.

Wararku waxay intaa ku darayaan in ciidamada xukuumadda Suuriya ee ka amar qaata Madaxweyne Bishaar Al-sasad ay si buuxda ugu suurta gashay inay hantiyaan gacan ku haynta magaalada Xalab oo kamid ah deegaanada ugu muhiimsan ee dhinacyada Suuriya isku haya ay doorbidayeen gacan ku haynteeda.

Dhanka wararka ka imaanaya  dalka Suuriya ayaa sheegaya in 4 ruux  oo rayid ay ku  dhinteen qarax ka dhacay magaalada Tal-abyad ee waqooyiga dalka Suuriya,qaraxa ayaa waxaa  sababay gaari lagu soo raray walaxa  qarxa oo la dhigay waddo  dhinaceeda oo ah meel ay dadku ku badan yihiin,gaariga qarxay ayaa la sheegay in laga hagayay rimuudka gacanta.
Laamaha amniga ayaa rumeysan in qaraxaasi ay fuliyeen kooxaha argagixisada ee dalka Suuriya mudooyinkii danbe weerarada ka geysanayay ,waxayna  caadaystay dhibaataynta shacabka aan waxaba galabsan,waxaa la sheegayaa in qaraxan wadada la dhigay ee magaalada Tal-abyad ay si joogto ah u isticmaalaan ciidamada Suuriya ee dagaalka kula jira kooxaha mucaaradka iyo argagixisada dalkaasi .

 

Daawo la’aan ka jirta isbitaalka degmada Mahadaay

0

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, mudane Saalax Fuleel Xaaji oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in isbitaalka degmada ay ka jirto daawo la’aan,isagoo tilmaamay in xilligaan aysan degmada ka jirin goobo caafimaad oo lagula tacaalo bukaanada.

Guddoomiyaha ayaa walaac ka muujiyay cudurro soo rita dadka deegaanka maadaama lagu jiro xilliga kuleelaha waxa uuna sheegay in illaa iyo hadda hal qof uu ugu dhintay cudurka shuban biyoodka tuulada Mareereey halka laba kalane xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.

Guddoomiye arrimaha bulshada Saalax Fuleel ayaa Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka Soomaaliya iyo tan Hirshabeelle ugu baaqay in daawo lasoo gaarsiiyo isbitaalka degmada Mahadaay oo dadka dantayar ay ku tiirsanaayeen, isagoo intaa ku daray in hadda dadka xanuunadu ay soo ritaan loola cararo magaalada Jowhar.

Degmada Mahadaay ayaa waxaa hoostaga in ka badan 40-tuulo oo dhammaantood aan lahayn goobo caafimaad oo ka jawaabi kara adeegyada kala duwan ee caafimaadka.

Wasaaradaha Howlaha Guud ee DFS & Kuwa D/Goballeedyada Oo Shir Uga Soconaya Muqdisho

0

Shirkan oo maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban-qaabisay wasaaradda Howlaha guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galaya Madax ka socota Wasaaradda Howlaha Guud DFS iyo Wasaaradaha Maamul Gobolleedyada Dalka iyo Wakiilo ka socda hay’adda Qaramada Midoobay ee Xagga Mashaariicda UNOPS, waxaana looga doodayaa Tayeynta mashaariicda Shaqaalaha ee Wasaaradaha Howlaha Guud SSIWPP.

Mudane Jamaal Xasan Cismaan Wasiir Ku xigeenka Howlaha guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeedinayay furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in wasaaradaha Howlaha guud ee heer Federaal iyo heer dowlada goballeed ay wadashaqeyn buuxda ka dhexeyso, wuxuuna intaasi ku daray in shaqooyin badan ay si wadajir ah u soo qabteen iyagoona ku guuleystay sida uu sheegay wasiirku.

Axmed Nur Sheekh Maxamed oo ah Wasiirka Howlaha Guud Ee Koonfur Galbeed oo ku hadlay magaca Maamul Goballeedyada ayaa ku ammaanay Madaxda Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Dib U Dhiska Xukuumadda Soomaaliya wadashaqeynta ay la leedahay wasaaradaha kale ee heer maamul Goballeedyada.

Dadka ka qeyb galaya Shirkan ayaa ka faa’iideysan doona sidii ay uga shaqeyn lahaayeen teyeynta shaqaalaha si u qabtaan adeegyada uu qaranku uga baahan yahay iyagoo kaashanaya aqoonta iyo khibradda ay ka helaan inta uu socda shirkani.

They can choose to get essays for various functions like academic quotation writing, creative writing, and business writing.

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada XFS Oo La Kulmay Ardayda Soomaaliyeed Ee Ku Sugan Dalka Uganda

0

Munaasabadaan ay soo qaban qaabiyeen rugta qorayaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa marti waxaa ku ahaa wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada, mudane Sadiiq Xirsi Warfaa, Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka, Guddoomiyaha degmada Marko, Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur), aqoonyahannada Soomaaliyeed, guddoomiyaasha Jaamacadaha iyo marti sharaf kale.

Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Khudbad qiimo badan ka jeediyay Munaasabadda ayaa ardayda uga sheekeeyay xaalada dalka si guud, fursadaha Aqoonyahanka u banaan xilligaan iyo Hormarka aay Dowladda Soomaaliya ku tilaabsatay.

Wasiirka oo la hadlayay ardayda wax ka barata dalka Uganda ayaa sheegay in deyn cafinta ay meel wanaagsan mareyso, isagoo carrabka ku adkeeyay in waqti badan Xukuumaddu gelisay arrintaasi iyada ah si dalku u gaaro horumar dhanka Maaliyadda ah.

Dhankooda Rugta qorayaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa siihayaha safaaradda Soomaaliya ee Uganda uga mahad-celiyay gacansiinta ardayda Soomaaliyeed iyo sida ay uga shaqeeyaan in ardaydu ay kulamo la qaadato madaxda dalka Uganda u timaada howlaha shaqo, iyagoo Wasiir Warfaa iyo masuuliyiinta kale ku amaanay shaqada wanaagsan ee ay Qaranka u hayaan.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmahan magaalada Kampala uga qeyb galaya shir looga hadlayay arrimaha Xuquuqda Shaqaalaha isagoona sidoo kale kulamo la qaatay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee Qurba joogta Soomaaliyeed eek u sugan gudaha magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Hogaamiyaal ka tirsan Daalibaan oo lagu dilay gudaha Dalka Afghanistan.

0

Shahraa-yar Mascuud oo ka mid ah hoggaamiyaasha ugu waaweyn kooxda Daalibaan oo ka hawli gali jiray dalalka Pakistan iyo Afghanistan ayaa lagu dilay Afghanistan, wuxuuna si gaar ah hoggaanka ugu hayay kooxda mintidiinta ah ee Xakiim Al-mascuud oo ka tirsan xoogagga Daalibaan.

Bayaan ay soo saartay xarakada Daalibaan ayay ku sheegtay in Shahraa-yar Mascuud uu dhintay kadib markii loo dhigay miinada dhulka lagu aaso meel waddada dhinaceeda ah, xilli uu ku siijeeday gobolka Kunaar oo ku yaalla waqooyiga Afghanistan.

 

Deegaanka Ooda-gooye ee gobolka Sool oo dab ka kacay.

0

Wararka aan ka heleyno dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaalada Laas-caanood gobolka Sool ayaa sheegay in halka uu ka kacay Dab xoog leh,dabka ayaa lagu soo waramayaa in uu ku sii fiday deegaano horleh waxana socoto dadaalo lagu doonayo in lagu damiyo Dabka.
Qoysas farabadan oo daganaa baadiyaha laas –caanood aya lagu soo waramayaa in ay bilaabayn in ay ka barakacaan guryahood iyagoo ka cabsi qaba in Dabka uu ku sii fido deegaanada ay ku nool yihiin.
Ilaa hada lama oga sababta keentay dabka,  dabylah todobadkan ayaa waxaa laga dareemay qaar kamid ah gobolada dalka dabeylo kuwaas oo sahalay in dabku si deg-deg ah ugu  sii fido dadka dagan dooxada Ooda-gooye ee duleedka magaalada laas-caanood ee gobolka Sool.

Adeegsiga baraha bulshada oo ah mel ay ku kulman dadyoowga caalamka ku kala nool

0

Dadka ku nool dunidan ayaa waxay adeegsadan aaladaha kala duwaan ee lagu isticamaalo baraaha intarnetka
Waxaa ka midah aaladaha ay dadka sidaa aadka ay uu isticmaalan aalada tiktoka instagramka, facebook, you tubka, snapchatka, whatsapp, imo, twitterka, we chat iyo kuwa kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin, qaybaha kala duwaan ee dadyowga caalamka ku nool ayaa siyaabo kale duwaan u adeegsada baraaha bulshada ay ku dhex leeyihiin internetka.
Aalada Youtubka ayaa la sheega in dadka isticmaala dunida ay ka sameyaan gacansi ay ka soo saaran muqaaladda ay soo dhigaan barta ay ku leeyihiin Youtubka .
Aaladda loogu istimaalka badan yahay ayaa ah adduunka aaladda Facebooke, waxaana isticmaasha ku dhawaada dad lagu qiyaasay 2.4 bilyan oo qof halka labada kale ee Youtube iyo Whatsapp las heegayo in ay isticmaalaan in ka badan hal bilyan midkiiba.
Inkastoo aan la ogaan karin inta dad ku nool dunidan hadana waxaa la sheega in ay ku dhawaad 7.7 bilyan qof in ay duljoogan dunidan, 3.5 bilyan ku dhawaad ayaa isticmaala baraaha bulsha ee ku xiran Internetka, taasoo ka dhigan in saddex meelood labo meel ay adeegsaddaan Internetka.
Tiknolojiyadda casirga ayaa isbedal ku sameysay dunida, iyadoo la isku dhafsanyo dhacdooyinka caalamka ka dhaca, waxaana si deg deg ah ay isku gaarsiiyaan aaladahan casriga ee ku soo biray.
Aaladaha loo adeegsado intertenka ayaa la sheegay in ay soo bilowdeen 2000 ilaa 2004 oo ay ku soo biireen badankoodu caalamka, sidoo kale waxaa jiray labo aaladood oo aan si weyn u caan bixin kuwaasoo tartan kula jiray aalada Facebooke waxayna kala ahayeen MySpace iyo Friendster oo soo baxay sanadkii 2008 waxaana loo isticmaali jiray hi5 waxayna si toos ah uga baxeen guud ahan isticmaalka dunida sanadkii 2012-kii.
Aalada Twiterka ayaa 2011kii aysan suuragal ahayn in ay soo galiyaan dadka isticmaala muqaaladda, iyadoo hataan ay aad u soo galiyan muqaalada dadka caalamka daafihiisa ku kala sugan ee adeegsada.
Aalada loogu isticmaalka badan yahay ayaa ah Facebooke oo haysta isticmaalka ugu badan dunida waxaa soo raac YouTube, Instagram iyo WeChat saddexda kale ayaa midkiiba waxaa adeegsada ku dhawaad hal bilyan oo qof.
Aaladda Tiktok ayaa ah aaladah dib ka soo biirtay waxaa ay soo bilaabtay 2016kii ilaa 2018kii, waana aalad ay aad u adeegsadan dadka u badan dhallinyarada dadka isticmaala ayaa si dhaqsi ah waxaa ay caan uga noqdan baraha bulshada .
Aalada Tiktok ayaa ah aaladah dib kasoo biray waxaa ay soo bilaabtay 2016kii ilaa 2018kii waana aalad ay aad u adeegsadan dadka u badan dhalinyarada dadka isticmaala ayaa si dhaqsi ah waxaa ay caan uga noqdan baraha bulshada.
Dadka adeegsada ayaa hab muqaal ah isugu gudbiyaa fariimaha maweelada ee ay ugu talgaleen saaxiibadood kale ee ku taxan aalada TiKtok ee ay ku isticmaalan barta Internet-ka,maraarka qaar ay dadka isticmaalad waxay jilliin ku sameyaan sugaanta,haba uu bad nadeene dadka ajinbiga oo aad ujila sugaanta Soomaalida,isku soo wadda duubo tiknolojiyadda casriga ayaa ah ee caalamka ku soo biirtay ayaa u fuduudeysay dadyoowga caalamka ku kala nool in ay heel mel ay ku wada caweeya.

W.Qoray Naciimo Cabdi Saciid (Shiino)

Dood ku saabsan arrimaha maqaamka Muqdisho iyo dib u eegista Dastuurka oo Muqdisho lagu qabtay

0

Kulan wadatashi ah oo ay soo agaasintay wasaarada Dastuurka ee XFS ayaa aheyd mid looga doodayay dardargalinta dhismaha maqaabka Caasimadda iyo kaalinta kaga xusan dib-u-eegista Dastuurka qaranka.

Kulankan dooda ah ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano katirsan DFS, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho , guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir, qaar kamid ah Agaasimayaasha Dowlada hoose Xamar iyo xubna ka socday beesha caalamka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo madasha ay dooda ka socotay ka hadlay ayaa faah-faahiyay aragtida dadweynaha Caadimadda.

“ Magaalada Muqdisho waxaa kunool dad lagu qiyaasay in kabadan 3-Milaan oo qof kuwaas oo aan laheyn matalaad siyaasi ah iyo maqaamka Caasimadeed waxaana aragtida dadweynaha Muqdisho kamid ah in ay helaan xaquuq lamid ah kuwa dowlad goboleedyada taas oo qeyb ka qaadan doonta dib u dhiska Caasimadda iyo in magaalada ay soo ceshato heybadii ay barisamaadkii laheyd”.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee XFS mudane Cabdi Maxamed Sabriye waxa uu ka hadlay muhiimada ay lee dahay maqaamka Muqdisho.

“Waa arin muhiim ah in doodan la qabto islamarkaana la xaliyo baahiyaha ay tabanayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho waxaan uga mahadcelinaaya wasaarada Dastuurka sida ay isaga xilsaareyso howlaha kusaabsan maqaamka Muqdisho”.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac oo furay kulankani ayaa ka hadlay dib-u-eegista Dastuurka iyo kaalinta maqaamka Muqdisho.

“ujeedka Dib-u-eegista Dastuurka qaranka waa in ay noqotaa mid ay kuwada qanacsan yihiin umada Soomaaliyeed iyo in dood Cilmiyeeysan oo dhaxalgal ah laga sameeyo maqaamka Caadimadda iyo helida mataalada siyaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ee reer Muqdisho.

Shir looga hadlayo arrimaha garsoorka dalka oo Muqdisho ka furmay

0

Shir sanadeedka garsoorka dalka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, kaaso looga hadlayo arrimaha xaaladda ah garsoorka iyo cadaalada dalka halka uu marayo

Sidoo kale sanadkii labaad  ayaa shirka lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana ka qabgalay hay’addaha Garsoorka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha heysta garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa  hay’aadddah garsoorka dalka, iyadoo  wasaaradda cadaaladda ee dowladda federaalka ay ka warbixinayso xaalada garsoorka dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  horay ubalanqaaday in hay’aaddah garsoorka laga dhigi doonno kuwo lagu kalsoon karo waxaana dib u habeynta lagu sameyay hey’aaddah garsoorka dalka .