Ethiopia oo sheegtay in Wabiga Nile aysan u dhibaateyneynin dariskeeda.

Date:

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Qaramada Midoobe u sheegay in dhismaha biyo xireenka weyn ee Wabiga Nile uusan u jeedku aheyn in lagu dhibaateeyo dalalka Sudaan iyo Masar xilli muranka arrintaas ka dhashay uu sababay khilaaf xooggan oo saddexdaas dal u dhexeeya.

Hadalkan ayuu Ra’iisul wasaaraha jimcihii u sheegay xubnaha Qaramada Midoobe ee 193 dal xilli uu khubad muuqaal ah oo la soo duubay ka jeediyay kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe oo sanadkan cudurka COVID-19 dartiis loo baajiyay imaanshaha xarunta ururka.

Ethiopia, Masar iyo Suudaan ayaa ku guul dareystay in ay heshiis ka gaaraan muranka ka dhashay biyo xireenka oo Adis Ababa ay bilowday buuxintiisa bishii Luulyo ee sanadkan.
“Waxaan rabnaa in aan si cad u sheegno in aanan rabin waxyeeleynta dalalkan,” ayuu yiri Abiy.

Waxaa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu xaliyo walaaca dalalkan ay ka qabaan buuxinta biyo xireenka isagoo rajo ka muujiyay wada xaajoodka ay garweynka ka yihiin Midowga Afrika.

Masar ayaa in ka badan 90% waxay ku tiirsan tahay biyaha Wabiga Nile, waxayna cabsi ka qabaan in biyo xireenka Ethiopia uu wax u dhimi doono qul qulka biyaha isla markaana taasi saameyso dhaqaalaha wadanka.“Waxaa aan sameyno waa koronto aas aasi ah oo ka imaanayso mid kamid ah ilaha u nadiifsan tamarta. In ka badan 65 milyan oo qof koronto la’aan kuma fiirsan karno in ay mugdi ku jiraan,” ayuu yiri.

Tallaadadii, Madaxweynaha Masar Cabdifitaax al-Sisi oo khudbad u jeediyay Qaramada Midoobe ayaa walaac ka muujiyay mashruuca Ethiopia ka waddo wabiga Nile.
“Wabiga Nile ma ahan in dal keligiis sida uu doono ka yeelo. Masar biyaha wabiga Nile waxay u yihiin arrin soo jireen u ah. Tani micinaheedu ma ahan in aan waxyeeleyo xaqqa ay u leeyihiin dalalka walaalaha aan nahay ee laga wadaaga wabiga,” sidaa waxaa sheegay Madaxweynaha Masar.

Waxaa uu sidoo kale, sheegay in uusan aqbalaynin in wada xaajoodka uu waligii iska socda oo uusan tarjumin xaqiiqada dhulka taalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Bardaale oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Xamarweyne oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer oo caawa u gudbay sideed dhamaadka tartanka “SAWIRRO”

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo...