Pakistan oo India ku eedeysay faafinta Islam naceybka.

Date:

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Cimran Khan ayaa ku tilmaamay India in ay tahay dal maalgelinaya Islaam naceybka, taas oo abuuraysa kala fogaansho, waxaa uu si weyn u cambaareeyey sida India ula dhaqanto gobolka Muslimiintu ku badan yihiin ee Kashmir qaybta ay India maamusho.

Waxa uu hadalkan ka sheegay kulanka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobe oo sanadkan lagu qabtay Online-ka, isu imaatinkiina loo baajiyey COVID-19 awgiis, isagoo xusay in India maanta khatar ku heyso nolasha ku dhowaad 200 oo milyan oo Muslim ah.

“Maanta waxaa jira waddan oo aan ka xumahay in aan ku iraahdo wuxuu maalgeliyaa Islaam naceybka waana India. Sababtana waxaa ay tahay dalkaas waxaa maamula koox aamisan fekrad khaldan, waana nasiib darro in maanta India u taliyaan kuwaas, Waxay aaminsan yihiin in India Hinduugu leeyihiin inta ka soo hartayna yihiin muwaadiniin ayaga aan la mid aheyn ayuu yiri Khan.

Ra’iisul wasaare Khan ayaa had iyo jeer waxaa uu dhaleeceeyaa go’aanka Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi August sanadkii hore ka qaatay gobollada Jammu iyo Kashmir oo la hoos geeyay dowladda dhexe ee India isla markaana dastuurka dalka laga saaray qodobka sheegaya is maamul hoosaadka gobolladaas.

Labadan dal ee dariska ah isla markaana ku hubeysan Nuclear ayaa midba kan kale ku eedeeyaa in uu mas’uul ka yahay dhibaatada ka taagan gobolka Kashmir. India waxay Pakistan ku eedeysaa in ay tababarto isla markaana hubeyso kooxaha ka soo horjeeda xukunka New Dehli, halka Pakistan ku eedeyso India in ay mas’uul ka tahay xuquuq la’aanta malaayiinta ku nool gobolkaas.

Guddi gaar ah oo Qaramada Midoobe u saartay arrinta Kashmir ayaa dowladda India ugu baaqay in ay qaado talaabo deg deg ah.
Ra’iisul wasaare Khaan ayaa sidoo kale, khudbadiisa sanadkii hore uu u jeediyay QM waxaa uu ku soo qaatay dhibaatada lagu hayo muslimiinta dunida, isagoo sheegay in dalal badan xadgudub kula kacaan Muslimiinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...