Home Blog Page 838

Mama Xaawo Aden oo ah oo ku guuleysatay abaal-marin caalami ah.

Madaxa xarunta Waxbarashada, Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo ee (GECPD), Mama Xaawo Aden Maxamed ayaa ku guuleysatay biladda caalamiga ah ee Baraha sannadka 2019ka oo uu bixiyo telefishinka afka Ingiriiska ku baxa ee laga leeyahay dalka Turkiga ee TRT World Citizen.
Waxay ay ku mutaysatay 20 sanno in ka badan oo ay ka shaqeynaysay waxbarista Gabadha Soomaaliyeed, Dadka laga tirada badanyahay, iyo Barakacayaasha.Mama Xaawo , ayaa markii lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay biladda caalamiga ah waxay sheegtay inay aad ugu faraxsantahay isla markaana ay la qeyb sanayso dadka la shaqeeya.

Waxaa ay horey ugu guuleysatay bilada Nansen, ee ay bixiso hayadda Qaramada Midoobay ee qaxootiga UNHCR iyo biladdo kale oo ay ku heshay shaqooyinka badan ee ay u qabatay bulshada. Biladda Nansen Refugee Award ayaa ah biladaha ugu muhiimsan ee ay bixiso  Qaramada Midoobay.

Mama Xaawo Aden oo aasaastay xarunta Waxbarashada, Nabadda iyo Horumarinta Gaalkacyo ee (GECPD) ayaa ilaa sannadkii 1995 waxay ka shaqaynaysay waxbarashada gabdhaha, daryeelka gabdhaha loo geystay gacan hadalka iyo gudniinka fircooniga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo dhaweysay dib u habeynta qaab-dhismeedka IGAD

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay Shir-Madaxeedka joogtada ah ee 13-aad ee IGAD ayaa soo dhaweeyey qorshaha dib u habaynta Urur Goboleedka IGAD oo ay isku raaceen Madaxda ka soo qeyb gashay meertadan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garowsanayd fursadaha horumarineed, iskaashi iyo ganacsi ee muhiimka ka dhigay dib u eegid lagu sameeyey qaab-dhismeedka Ururkan, waxa ay mar kasta u olaleynaysay in IGAD ay noqoto madal ka soo dhalaasha himillada ay ku qabaan shucuubta Gobolka, kana tarjunta dhammaan danaha dhaqaale iyo siyaasadeed ee dowladaha ku mideysan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka IGAD Mudane Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa waxa uu xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya kahor intii aan loo magacaabin Xilka Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Suudaan.

Sidoo kale, Madaxweynhuhu waxa uu soo dhaweeyey magacaabista Xoghaya Guud ee IGAD Mudane Workneh Gebeyehu, waxa uuna adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhaw ula shaqaynayso hoggaankan cusub, si loo gaaro hiigsiga muhiimka ah ee ururkeenna iyo arrimaha hortabinta u leh awood-siinta Gobolka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay kaalin mug leh ka qaadatay aas-aaskii Urur Goboleedka IGAD, haatanna shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waxa ay u taagan yihiin gudashada doorkooda iyo wax la qabsiga dalalka kale ee qeybta ka ah IGAD.

             

Wasaaradda Boostada oo faah-faahisay nuxurka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda

0

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tecnolojiyadda ayaa soo dhoweysay ansixinta Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta, taas oo ah middii ugu horreysay ee uu Dalku yeesho.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Md; Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in siyaasaddan ay ku timid wada-tashiyo muddo dheer qaadatay oo lala yeeshay dhammaan daneeyayaasha kala duwan ee siyaasaddan.

Mudane; Canshuur ayaa xusay in Dalkeennu uu leeyahay mid ka mid ah Isgaarsiinta ugu casrisan Qaaraddan Afrika, hase yeeshee ay ku shaqeyn jireen Suuq uusan ka jirin sharci iyo siyaasad, balse Saddexdii Sano ee la soo dhaafay ay Wasaaraddu waqti badan galisay sidii loo sameyn lahaa nidaamkii iyo sharcigii lagu dhaqi lahaa shirkadaha.

“Hadda waxaan leenahay sharci, hay’ad Isgaarsiineed, iyo siyaasad Qaran, taas waxay micnaheedu tahay inaan leennahay nidaamkii sharci iyo siyaasadeed ee lagu sii horumarin lahaa, isla markaana ay ku soo jiidan karaan maalgashi dheeri ah,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Siyaasaddan, wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowlad Goboleedyada, daneeyeyaasha kale ee fikirkooda ka soo dhiibtay muddadii wada-tashiyada iyo Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo taageero farsamo ku caawisay sidii loo heli lahaa siyaasad casri ah.

Siyaasaddan ayaa looga gol leeyahay in lagu taageero sidii loo xaqiijin lahaa yoolasha ugu waaweyn ee qorshaha horumarinta Qaranka, tubaha Qaranka iyo hiigsiga fog ee Xukuumadda ee ah sidii Teknoolojiyadda loogu adeegsan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo Bulshada, iyadoo sidoo kale istiraatiijiyaddan ay xoojineyso sidii wada-shaqeyn iyo isku-xirnaan ay u yeelan lahaayeen dhinacyada kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Dalka.

Qeybaha ugu waaweyn ee ay siyaasaddu xoogga saareyso Shanta Sano ee soo socota waxaa ka mid ah kordhinta helitaan Internet tayo leh oo qiima jaban, dhismaha kaabayaasha Isgaarsiinta, ilaalinta xogta macaamiisha, bixinta adeegyada Dadweynaha ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, Beeraha (e-government, e-health, e-business, e-agriculture and e-education), dhismaha hannaanka dhaqaalaha ku saleysan internetka, iyo sidii loo abuuri lahaa xog badan oo afkeena ku qoran oo laga heli karo Internet-ka.

Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo shirka Guddoominayay ayaa ugu baaqay Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda, shirkadaha ganacsiga, iyo hay’adaha ka shaqeeya horumarinta in ay Gacan ka geystaan fulinta siyaasaddan, iyadoo hawlahooda dhinaca Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ku saleynaya siyaasaddan.

Siyaasadda-Qaran-ee-Isgaarsiinta-Teknolojiyadda

Ku-simaha Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay.

0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa xafiiskiisa qaabilay ku xigeenka Madaxa Xafiiska Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ahna Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Raisedon Zenenga iyo mas’uuliyiin kale oo isla xafiiskaas ka tirsan.

Kulanka inta uu socday waxaa looga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin Doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo 2020/2021 iyo siDdii loo Fududeyn lahaa dhamaan shuruucda muhiimka u ah howlaha doorashooyinka oo uu hadda golaha gacanta ku hayo.

Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyay Siyaasadda Iyo Istaraatiijiyadda Qaran Ee Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda

0

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kulan maanta ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ku meel mariyeen Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda, oo ay golaha u soo gudbisay wasaaradda Post-da, isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda.

Istaraatiijiyadda iyo siyaasadda Qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo loo dejiyay shanta sano ee soo socota (2020-2024), ayaa loo qorsheeyay in lagu jiheeyo dadaallada kala duwan ee isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka oo ay wadaan dhammaan daneeyeyaasha kala duwan oo isugu jira dawladda, shirkadaha, hay’adaha ka shaqeeya horumarinta iyo cid kasta oo ay khuseyso.

Shirka golaha guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale lagu ansixiyay dib ugu biiritaanka Soomaaliya ee ururka la dagaallanka Ayaxa ee waddamada Bariga Afrika.

Siyaasadda iyo Istaraatiijiyadda qaran ee isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda oo taabaneysa dhinacyada kala duwan ee lagu horumarin karo teknolojiyada, sida waxbarashada, caafimaadka, beeraha, ganacsiga iyo adeegyada kale ee dawladda, ayaa fulinteeda waxaa ka qeyb gelaya wasaaradaha ay khuseyso ee heer federaal iyo heer dawlad-goboleed.

Duqa Muqdisho iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay Amniga iyo Doorashooyinka

0

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Medara.

Guddoomiyaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, Doorashooyinka la qorshaynayo inay dalka ka dhacaan iyo xoojinta wada shaqaynta ka dhaxeysa Midowga Afrika iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Cumar Filish ayaa tilmamay muhiimadda ay leedahay in Saraakiisha howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay diiradda wada saaraan sidii iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen amniga iyo sidii doorashooyin uga qabsoomi lahaayeen Caasimadda dalka, si talada dib loogu celiyo shacabka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay sameynayaan Xafiis amni oo labada dhinac xiriiriya, isla markaana mideeya qorsheyaasha uga dagsan amniga Caasimadda, isagoo xusay maamulkiisu inuu xoogga saarayo amniga in loo wajaho qorshe mida.

“Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu ka shaqeynayaa sidii qorshe mideysan loogu wajihi lahaa amniga, anagoo kaashanayna dhinacyada bahwadaaga ku ah ammaanka, lana diyaariyo sidii shacabka Caasimadda talada loogu celin lahaa, maadaama dalka looga diyaar garoobayo doorashooyin”.

Dhankiisa, Danjire Francisco Medara ayaa bogaadiyey qorsheyaasha Maamulka Gobolka Banaadir ee ku aaddan horumarinta Caasimadda, isagoona ballaan qaaday in ay kaalintooda ka qaadanayaan barnaamijyada uu wado Maamulka Gobolka ee ku aaddan amniga iyo doorashooyinka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar M.M. Filish iyo Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Mudane Francisco Medara ayaa xaqiijiyey dardargelinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dhinac.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya shir Madaxeedka Urur Goboleedka IGAD

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shir Madaxeedka Caadiga ahaa ee Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda dalalka IGAD ayaa ka arrinsanaya qorshe cusub oo dib u habeyn loogu sameeynayo Urur Goboleedka IGAD, kaas oo ku saleysan in Ururku uu si siman uga turjumo dhammaan danaha dalalka ku bahoobay.

Sidoo kale, Madaxdu waxa ay ka wada hadli doonaan xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya dalalka Gobolka ee dhinacyada dhaqaalaha iyo nabad galyada.

Sidoo kale, hoggaamiyeyaasha IGAD waxa ay iska xog-wareysanayaan qorsheyaasha lagu guuleystay ee ku aaddan dadaallada lagu xasilinayo waddamada Gobolka, iyagoo warbixinno ka dhageysanaya Guddi Madaxeedyada u xilsaaran fulinta heshiisyadii hore iyo caqabadaha haatan jira.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagaya Madaxda dalalka IGAD, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan dib u habaynta Ururka Goboleedkan, si uu u noqdo madal ay ka muuqdaan danaha wadajirka ah ee dalalka Gobolka.

Inta shirkan lagu guda jiro, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda dalalka Gobolka ee kasoo qeyb galaya shirkan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xaqiijineysa siyaasaddeeda ku aaddan Gobolka ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa dadaallada ku qotama nabadaynta iyo kor u qaadidda iskaashiga dhaqaale ee Gobolka.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ku guuleysatay abaal marin qaali ah

0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fowziya Abiikar Nuur, ayaa abaal marinta Minerva Prize lagu guddoonsiiyay Magaalada Rooma ee Caasimadda Dalka Talyaaniga.

Abaal marintan ayaa Labadii Sanaba mar waxaa la guddoonsiiyaa Haweenka ugu  fir-fircoon Dunida, kuwaasi oo muujiya waxqabad saamayn wanaagsan ku yeesha Dalkooda ama Adduunka, isla markaana tusaale u noqda Dumarka kale ee Caalamka.

Wasiir Fawziyo Abiikar, ayaa Abaal marintan ku muteysatay waxqabad la taaban karo oo ay muujisay intii ay haysay xilka Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.

  

Hay’adda FAO oo doomo casri ah ku wareejisay maamulka Puntland+Sawirro.

0

Hay’adda cunnada iyo Beeraha ee Qaramada midoobay (FAO), ayaa 12 Doomo kalluumeysi ah oo ay saaran yihiin Matoorro casri ku wareejisay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Dowlad Gobaleedka Puntland, si loo soo nooleeyo shaqada iskaashatooyinka kalluumeysiga ee ka howl gala Xeebaha Puntiland

Maamulaha mashruuca CCAP ee Xafiiska FAO  Soomaaliya, John Purvis, ayaa munaasabaddii ay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland kula wareegtay Doomaha ka hadlay ayaa sheegay in Gaadiidkani uu fursad shaqo oo muhiim ah siinayo Dhallinyaradaha Soomaaliyeed.

“Doomahaan waa caawimaad kale oo ka timid mashruuca CCAP ee ay maal geliso midawga Yurub kaas oo ka shaqeeya horumarinta qeybta Kalluumeysiga  ee isku xirta fursadaha dahabiga ah ee ka jira Xeebaha Soomaaliya,sidoo kalana dhallinyarada Xeebaha fursado shaqo oo muhiim ah ka siiya xeyndaabka kalluumeysiga qiimaha leh,” ayuu yiri, John Purvis.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyaadka Badda ee Puntland Cabdiqani Geelle Maxamed, ayaa sheegay in uu maamulkiisu ka go’an yahay in uu xaqiijiyo in Doomaha la guddoonsiiyay ay ka qeyb qaataan soo saaridda dakhliga iyo fursad siinta Dhallinyarada, isagoo hay’adda FAO iyo midowga Yurub ugu mahad celiyay taageeradooda joogtada ah ee lagu horumarinayo Kalluumeysiga Puntland.

Mashruucan ayaa waxaa ka faa’iideysanaya 1,000 Qofood, iyada oo hay’adda FAO sare u qaadayso, dhismaha awoodda hannaaka kalluumeysi, isla markaana bixinaysa tababarro lagu xoojinayo xirfadaha ballaaran ee looga baahanyahay Kalluumeysiga Dalka.

Soomaaliya oo qorsheynaysa in ay dib u dhisto Safaaraddeeda Dalka Turkiga+Sawirro.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire; Axmed Ciise Cawed iyo  wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku tagay Dalka Turkiga ayaa kulamo la qaatay dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane; Melvut  Cavusoglu oo uu welinayay Danjira Safaaradda Sooaaliya ee Dalka Tukiga, Jamac Cabdullaahi Maxmed Caydiid.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay ka wada hadleen, dhismaha Dhulka Safaaradda Soomaaliya ee Ankara in ay Dowladda Turkiga Gacan weyn ka geysato, cusboonaysiinta  heshiiska qoondada taageerada caafimaadka ee shaqaalaha Dowladda iyo waxyaabo kale oo ku saabsan xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS  Danjire; Axmed Ciise Cawed  iyo dhiggiisa Dalka Turkiga, Melvut  Cavusoglu  ayaa  kala saxiixday heshiiskaasi.

Wuxuuna heshiiskaasi ahaa mid si gaar ah ugu dhexeeya Machadka Dibloomaasiyadda ee Soomaaliya iyo Akademiyada Dibloomaasiga ee Dalka Turkiga oo dhammaantood hoos taga Wasaaradaha arrimaha dibedda ee Labada Dal.

Wasiir Cawad ayaa u mahad celiyay dhiggiisa  Dalka Turkiga  iyo Shacabkooda, isagoo u waday Salaan ka timid Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaliya.

Wuxuuna bogaadiyay sida fudud ee muwaadiniinta Soomaaliyeed ay VISA uga helaan Turkiga, taageerada kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ku jiraan Garoonka Diyaaradaha, Dekedda iyo qaar ka mid ah Isbitaallada Dalka soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale ka mahad celiyay Wasiirku deeqaha waxbarasho ee uu Sanad walba siiyo Ardayda Soomaaliyeed , taageeridda tooska ah ee miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya iyo xiriirka diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.