Wasiir Wasaarada Qorsheynta oo maanta Xafiiskiisa kula kulmay Madaxa Hay’adda WFP ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan XFS ayaa Kulan muhiim ah maanta layeeshay Madaxda Hay’adda Cunada aduunka (WFP).

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta wasaarada iyo Hay’adda WFP, iyo sidii loo degdeg galin lahaa shaqooyinka Hay’adda ay ka wado dalka.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka wasaaradda Qosheynta Maal- gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay muhiimtahay howlaha dalka ay ka wado WFP waxuna ugu baaqay in la dar-dar-galiso si adeegga ay u hayso dalka u noqdaan kuwa manaafaad u leh Umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan saakay kulan mira-dhal ah la qaatay agaasimaha guud ee hay’adaha baraanijyada cunada Aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WFP, waxaana isla eeganay shaqooyinka ay wadaan kuwaasi oo ku salaysan Qorshaha horumarinta qaranka ee NDP9, ugu dambeyn waxaa isla gorfeynay sidii howlahaasi loo xoojin lahaa ayna u noqan lahayd kuwa natiijo wanaagsan leh”ayuu yari Wasiirka Jamaal.

Agaasimaha Hay’adda Cunada Aduunka ee Soomaaliya, Mr Cesar Arroyo ayaa ka mahadceliyay wadashaqeynta Wasaarada Qorsheynta iyo xariirka dhaw ee ka dhaxeeyo.

Kulankan ayaa ku soo idlaaday waji wanaagsan iyada oo laysla gartay sidii wada shaqeynta iyo howlaha muhiimada leh xooga loo saari lahaa labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...