Wasiir Wasaarada Qorsheynta oo maanta Xafiiskiisa kula kulmay Madaxa Hay’adda WFP ee Soomaaliya+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maal-gashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan XFS ayaa Kulan muhiim ah maanta layeeshay Madaxda Hay’adda Cunada aduunka (WFP).

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta wasaarada iyo Hay’adda WFP, iyo sidii loo degdeg galin lahaa shaqooyinka Hay’adda ay ka wado dalka.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan Wasiirka wasaaradda Qosheynta Maal- gashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Dowladda Soomaaliya oo ugu horeyn ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay muhiimtahay howlaha dalka ay ka wado WFP waxuna ugu baaqay in la dar-dar-galiso si adeegga ay u hayso dalka u noqdaan kuwa manaafaad u leh Umadda Soomaaliyeed.

“Waxaan saakay kulan mira-dhal ah la qaatay agaasimaha guud ee hay’adaha baraanijyada cunada Aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WFP, waxaana isla eeganay shaqooyinka ay wadaan kuwaasi oo ku salaysan Qorshaha horumarinta qaranka ee NDP9, ugu dambeyn waxaa isla gorfeynay sidii howlahaasi loo xoojin lahaa ayna u noqan lahayd kuwa natiijo wanaagsan leh”ayuu yari Wasiirka Jamaal.

Agaasimaha Hay’adda Cunada Aduunka ee Soomaaliya, Mr Cesar Arroyo ayaa ka mahadceliyay wadashaqeynta Wasaarada Qorsheynta iyo xariirka dhaw ee ka dhaxeeyo.

Kulankan ayaa ku soo idlaaday waji wanaagsan iyada oo laysla gartay sidii wada shaqeynta iyo howlaha muhiimada leh xooga loo saari lahaa labada dhinac.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...