Hay’addaha Gargaar ee Caalamiga oo walaac ka muujiyay Xaaladda Bini’aadanimo ee Dalka Itoobiyo ka dib dagaalka halkaasi ka bilowday.

Date:

Hay’adaha samafalka ayaa ka walaacsan xaalada dalka itoobiya waxayna ka digeen halis bani’aadanimo oo ka dhalan karta Dagaalka halkaasi ka bilowday ee u dhaxeeyo dawlada dhexe ee Itoobiya iyo maamulka Tigreega.

Iyadoo maalinkii shanaad uu galay dagaalka ka soconaya waqooyiga itoobiya kaas oo u dhaxeeya ciidanka dowlada iyo kuwa gobalka tigreega ee TPLF ayaa waxaa soo baxaya welwelka ay qabaan hayadaha gargaarka kaas oo ku saleysan badqabka dadka rayidka ah.

Ururka laan qeybta cas ee caalamiga ICRC ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya waqooyiga itoobiya in ay tix galiyaan nolosha dadka rayidka iyo hantida ay leeyihiin.

ICRC waxaa kaloo ay tilmaantay in dadka aan laga hor istaagin in ay helaan adeeg caafimaad iyo daawo.

Hay’adda ICRC waxaa kaloo ay farta ku fiiqday in ay cabsi ka qabto in xaalada malatari ee ka jirta waqooyiga itoobiya ay sababto dhibaato baniโ€™aadanimo oo balaaran islamarkaana ay ku barakacaan dad badan.

Hay’adda Norwegian Refugee Council ee dalka Norway laga leeyahay taas oo ka shaqeysa arimaha qaxootiga ayaa iyana sheegtay in xaalada itoobiya ka jirto ay sababi karto barakac lixaad leh oo horseeda dhibaato cusub.

NRC waxay tilmaantay in itoobiya ay hada la ciirciireyso barakac xaalada waqooyigana ay arinta sii murjin karto.

Dadka barakaca ku ah iminka gudaha itoobiya ayaa NRC ku sheegtay 1.8 malyuun oo qof kuwaas oo aan haysan hooy iyo cunto ku filan.

Sidoo kale waxaa itoobiya ku nool 790,000 oo ah dad qaxooti ah oo ka yimid wadamada kale ee gobolka geeska afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...