Home Blog Page 837

Wasiir Beyle Oo Kormeeray Dhismaha Cusub Ee Wasaaradda Maaliyadda +Sawirro

0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta komeer ku tagay dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo wejigiisa labaad uu soo gaba-gaboobay.

“Waxa aan kormeer ku tagay dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda oo wajigiisii 2-aad uu soo gabo-gaboobay,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Dhisman cusub ayaa ka qeyb qaadan doona daboolidda baahida loo qabo xafiisyo iyo goob ay ku wada shaqeyn karaan dhammaan shaqaalaha Wasaaradda maaliyadda sidii loo laba laabi lahaa shaqada ay Wasaaraddu u hayso Bulshada.

Howlgal lagu khaarijiyay xubno ka tirsan argagixisada oo ka dhacay Jubbada Dhexe

0

Muqdisho:-(SNTV)-Ciidaanka Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidamada Africom ee Mareykanka ayaa howlgal lagu dilay xubno ka tirsan maleeshiyada AL-shabaab ku dilay gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalkaasi oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lala beegsaday nawaaxiga magaalada Kuunyo Barrow, Duqeyntaas oo lagu dilay 2 (labo) ka tirsan argagaxisada Alshabaab.

howlgalkan ayaa ka qeyb ka ah qorshe Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo isbahaysiga caalamiga ee sii wadidda dagaalka looga takhalusayo argagaxisada quudata dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed..

Dowladda Federaalka iyo bahwadaageeda Mareynkanka ayaa si aad uga taxadara ilaalinta waxyeello soo gaadha dadka rayidka ah inta lagu gudajiro duqeymaha habeysan,Hubintii la sammeeyey ayaa lagu ogaaday in duqeynta imanka dhacday aysan jirin cid shacab ah oo ku dhimatay ama ku ku dhaawacantay.

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa sii daciifaysay awoodii maleeshiyada Alshabaab ay u adeegsan jireen dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed,taasi oo ay ka dhiidhiyeen ciidamada Qaranka.

Degmada Garbahaareey Oo Xalay U Gudbay Wareegga Afar Dhammaadka Ee Tartanka “sawirro”

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo caawa kulankiisa 25-aad wareegiisa 3-aad kulankiisa 2-aad ku tartamay Degmooyinka Kismaayo Vs Garbahaareey oo ku kala yaala Goballada Jubbada Hoose iyo Gedo, barnaamijkan oo sanadkii 10-aad oo xiriir ah uu taabagelinayo maamulka Gobalka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Kismaayo Vs Garbahaareey ayaa muujiyay tartan aad u adag, islamarkaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Kismaayo:- Tartameyaasha Degmada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal oo kaliya, waxaana ay iska qaldeen Shan su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen tartamayaasha Kismaayo, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Kismaayo ay heleen waxay noqotay afar (4) dhibcood.

Garbaareey:- Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Kismaayo, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garbaareey waxay noqotay toban (10) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa caawa u soo gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka.

Caawa haddii uu Alle idmo waxaa tartamaya ilaa iyo afar degmo, waxaana qeybta hore waxaa isku arki doona degmooyinka Dhuusamareeb Vs Buurhakaba oo ka kala tirsan Goballada Galgaduud iyo Baay, halka qeybta labaad waxaa tartamaya caawa Kaxda iyo Warta Nabadda oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir.

Boosaaso Oo Laga Furay Xarun Lagula Tacaalo Dadka Uu Soo Rito Covid-19 +Sawirro

0

Waxaa maanta axad ah  magaalada Bosaaso ee Gobolka Barri laga furay Xarunta maaraynta iyo daryeelka covid-19 oo loogu talagalay in lagu daryeelo dadka uu haleelo caabuqa dilaaga coroonafayris.

Xaruntan oo ah tii ugu horeysay oo laga helayo adeegyo dhammeystiran ayaa waxaa xariga wadajir uga jaray isuduwaha wasaarada caafimaadka Gobalka Bari, Duqa degmada Boosaaso, taliyaha qaybta Gobalka iyo wasiiru dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland .

Waxaana dhammaan masuuliyiinka dowladda iyo saraakiisha ciidamada ay bulshada deegaanka  ugu baaqeen inay xarunta la soo xiriiraan si ummadda loo badbaadiyo cudurkaan halista ah ee  covid-19.

Wasaaradda Caafimaadka dowlad-goboleedka Puntland ayaa diwaangelisay guud ahaan tirada dadka uu soo ritay cudurkaan covid-19 deegaanada Maamulka Puntland 136 qof halka geeridu ay gaartay 5 ruux iyo sidoo kale 3 qof oo ka bogsootay.

Puntland Oo Cambaareeysay Weerarkii Argagixiso Ee Uu Ku Geeriyooday Guddoomiyihii Gobalka Mudug

0

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlayay magaca Dowlad-goballeedka  iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii gobolka Mudug Marxuum Axmed Muuse Nuur oo arxan laawayaasha cadawga ummadda Soomaliyeed si gaadmo ismiidaamin ah ugu dileen maanta Gaalkacayo, isagoo Guddoomiyuhu ku guda jiray gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu u hayo shacabkiisa.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa shacabka Puntland, gaar ahaan eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay Guddoomiye Axmed Muuse Nuur, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni waxa uu si kulal u cambaaraynayaa falkaasi argagixiso ee lala beegsaday Xarunta Guddoomiyaha Gobolka Mudug, waxa uu Madaxweynuhu Alle “SWC” uga baryayaa Askartii ku shahiiday weerarkaasi argagixiso in alle Janadii geeyo intii ku dhaawacantay inuu u boogadhayo, waxaana uu Madaxweynuhu bogaadiyey ka hortagga deg degga ah ee ay ciidamada Puntland kaga hortageen cadawga gabood falkaasi la damacsanaa shacabka iyo masuuliyiinka waajibaadkooda shaqo gudanaayey.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Xaalado Cusub Oo Karoona Ah Oo La Diiwaan Geliyay “SAWIRRO”

0

Wasiirka C/fimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xuk.Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 64 xaaladood oo COVID-19 ah, 4 qofood oo xanuunka ka bogsootay iyo 1 bukaan oo u geeriyooday.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 33, Waqooyi Galbeed 16, Galmudug 8, iyo Koonfur Galbeed 7. Bukaannada cusub 45 kamid ah waa rag ah 19 kalana waa haween.

1,421 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay, 152 ayaa guud ahaan ka bogsootay, Geeridu waxay mareysaa 56.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona.

Dowladda oo dadaal xooggan ugu jirta in hannaanka ugu habboon loo xakameeyo safmarka COVID19 ayaa sameysay qorshayaal muhiim u ah sare u qaadidda bed-qabka bulshada iyo yareynta saameynta aan wanaagsaneyn ee cudurku ku yeelanayo bulshada.

 

Qarax Lagu Dilay Guddoomiyihii Gobalka Mudug Ee Puntland Oo Gaalkacyo Ka Dhacay 

0

Qarax ismiidaamin ah ayaa goor dhaw lagu dilay Guddoomiyihii gobolka Mudug ee maamulka Puntland,  Alleha u naxariistee, Axmed Muuse Nuur (Daba-kariix), xilli uu ka soo baxay shir looga hadlayay ammaanka magaalada Gaalkacyo oo ka dhacay xarunta gobalka.

Warka ayaa intaasi ku daraya in qaar ka mid ah illaalada guddoomiyaha iyo dad shacab ah ay wax ku noqdeen qaraxa oo ahaa  mid ismiidaamin ah.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Dowladda Federal-ka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa cambaareeyey weerarkan argagixiso maanta.

Dowladda Soomaaliya Oo Cambaareysay Qaraxii Lagu Dilay Gud/Gobalka Mudug, Puntland

0

Muqdisho 17 May 2020, Dowladda Soomaaliya waxay cambaareynaysaa qarixii bahalnimada ahaa ee ka dhacay Gaalkacyo kaasi oo lagu dilay dad shacab ah iyo

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlayay magaca dowladda ayaa sheegay in ay Murugada iyo tiiraanyada la qeybsanayaan shacabka Magaalada Gaalkacyo ee maanta weerarka argagixisada ah lala beegsaday.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka bahalnimada ee lagu dilay gudoomiyihiii gobolka Mudug Allaha u naxariisto Axmed Muuse Nuur yare iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dowladda Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa Qoysaska iyo Ehaladii ay

waxyeeladu kasoo gaadhay weerarkaasi.Waxayna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaysaa in meel looga soo wada jeesto ladagaalanka iyo cidhibtirka Argagixisada oo aan cidna utudheynin.

Golaha Wakiilada Galmudug Oo Maanta Ansixiyay Golaha Wasiiradda Cusub ‘Sawirro’

0

Barlamaanka dowlad-goboleedka Galmudug ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb cod aqlabiyad leh ku ansixiyay golaha Wasiiradda cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoor-Qoor’ .

Kulanka golaha maanta waxaa soo xaadiray 78 mudane ee ka tirsan Barlamaanka dhammaan waa ay ansixiyeen.

Sidoo kale munaasabada waxaa ka qeyb-galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (qoor-Qoor) Madaxweyne ku xigeenka Cali Daahir Ciid, Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Gacal iyo ku xigeenadiisa .

Dhammaan tirada golaha wasiirada ay maanta meel mariyeen Barlamaanka ayaa ka koobnaa 61 waxaana isla munaasabada lagu dhaariyay 25 Wasiir, 11 Wasiiru Dowle iyo 25 Wasiir ku-xigeeno.

Waxaana sidoo kale ay madaxda sare ee Galmudug kula la dardaarmay wasiirada in ay sidii loogu talo galay ugu adeegaan shacabka waxaana ay u rajeeyeen in ay ka soo baxaan waajibaadka loo igmaday.

Madaxweyne Deni  Oo Mamnuucay Agabyada La Soo Isticmaalay Ee Ka soo Dega Dekeda Boosaaso

0

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo agab ka soo dega Dekeda Boosaaso, gaar ahaan caagadaha mustacmalka ah ee horay loo isticmaalay.

Amarkan ayaa lagu faray Wasaaradaha Maaliyadda, ganacsatada, laamaha Amniga, maamulka Dekeda iyo Taliska Booliska in ay fuliyaan kuna dhaqaaqaan dhaqan gelintiisa,waxa uuna u qoraa sidatan.