Wasiirka gargaarka XFS oo maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe+(SAWIRRO).

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gar gaarka iyo maareynta musiibooyinka Xukumadda Federalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Deeriye ayaa maanta lagu soo dhawey garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar ee Gobolka shabelada dhexe waxaana so dhaweyn aad ubalaaran usameey xubno katirsan golaha Baarlamaanka Cusub Ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Maamulka Gobalka Sh/dhexe iyo qaar ka mid ah Bulshada Degmada Jowhar.

Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Shabellada dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa wasiiradda kaga warbixiyay xaaladaha fatahaadaha Gobolka iyo saameynta ay ku yeesheen Bulshada Beeraleyda ah waxaana uu ka codsaday wasaarada in garab is taag ay usameyso danyarta ku barakacday fatahaadaha.

Gudoomiye ku xigeenka 2aad Ee Baarlamaanka Hirshabeelle Mudane Mahad Xasan Cusmaan ayaa wasiirada kaga mahaceliyay imaatenkeeda Jowhar waxaana uu sheegay inay muhiim tahay goob joog inay unoqoto Arimaha doorashooyinka Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda gargaarka XFS Marwo Khadiijo Maxamed Deeriye ayaa dhankeeda sheegtay in Jowhar ay utimid ka qeyb galka doorashooyinka Hirshabeelle oo hadda meel gaba gabo ah marayo maadaama ay harsantahay doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxayna sidookale sheegtay in si, dhaw ulasocoto xaaladaha fatahaadaha Hirshabeelle ayna wax ka qabandoonto Wasaaradeeda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...