Tababar aqoon kordhin ah ayaa maanta magaalada Galkacyo uga furmay xubnaha golaha cusub ee deegaanka Degmada Galkacyo+(SAWIRRO).

Date:

Tababarkan oo ahaa mid sare loogu qaadayo aqoonta maamulka, sidoo kalana lagu barayo howlaha shaqo ee horyaala iyo sida ugu fudud oo ay u gudan karaan ayaa maanta magaalada galkacyo uga furmay xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada galkacyo ee Maamulka Galmudug.

Siminaarkan oo ay fulineyso hay’adda doorashooyinka iyo dumuquraadiyada geeska afrika ayaa waxaa ugu horeyn ka warbixiyay ujeedk laga leeyahay injineer Cabdulqaadir cabdi cali oo ku hadlayay magaca hay’adda tababarka bixineysa ee Eisa.

Gudoomiye ku xigeenka dooran ee dagmada Galkacyo injineer Maxamed Cabdi Cilmi iyo qaar ka mida xubnaha golaha deegaanka Degmada galkacyo oo warbaahinta qaranku wax ka weydiisay Tababarkan ayaa ka hadlay ahmiyada uu u leeyahay tababarkaan iyo waxyaabihii maalinta u horeysay ay ka faa’iideen waxayn sheegeen in muhiimad gaar ah ay u leedahay maamulka Degmada iyagoona sidoo kale cadeeyay in waxban ay ka faa’ideen waxii ay barteena ay ugu shaqeyn doonaan Dadka iyo deegaanka.

   

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...