Home Blog Page 839

200 oo Maxbuus oo ka baxsatay Xabsi ku Yaalla Uganda.

0

In ka badan 200 oo maxbuus ayaa ka baxsatay Xabsi ku yaalla waqooyiga bari ee Uganda, sida ay saraakiishu sheegeen, waxay intaas ku dareen in ciidanka amniga ay baadi goobayaan maxaabiista baxsatay.

Maxaabiista ayaa dilay mid kamid ah ilaalada, ka hor inta aysan jabin jeelka Moroto, waxayna u jahaysteen dhanka buuraha oo magaalada  xabsiga ku yaalo ku hareereysan.

Ciidanka iyo saraakiisha Xabsiga ayaa ku howlan baadi-goobka maxaabiista fakatay, kuwaas oo horey u qaatay 15 qori iyo rasaas badan.

Afhayeen u hadlay ciidanka ayaa sheegay in labo kamid ah maxaabiista la soo qabtay ka dibna la dilay. Wakaaladda wararka AP waxay sheegtay in maxaabiista iska bixiyeen dharkii hurdiga ahaa ee maxaabiista, ka dibna ayagoo qaa qaawan ay buuraha ku carareen si aan loo soo qab qabanin.

Xabsiga Moroto waxaa uu ku yaala oogada sare ee buurta oo u dhow magaalada. Waana xabsiga ugu weyn magaalada Karamoja oo ku taala gobo taariikh ahaan dadkiisa Lo’da dhaqatada ahi isku dagaalaan, waxaana ku badan rabshada hubeysan.

Olole hub- ka dhigis ayay dowladdu ka bilowday gobolka horaantii 2000, hub fara badan ayaana soo galay gacanta dowladda laakiin waxaa wali ka dhacaya gobolka isku dhacyo goos goos ah oo u dhexeeya bulshooyinka degaanka.

Duqa Muqdisho oo kormeeray Darjiinka dowladda hoose ee Xamar “Sawirro”

0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeeray dhismaha ka socda Darjiinka dowladda hoose ee ku dhegan daarta Saciid Barqash ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda hoose ee Xamar ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska iyo bilic soo celinta xaruumaha muhimka u ah shacabka ku nool caasimadda dalka,isagoo beeniyay wararka sheegaya in la boobayo Darjiinkaasi, waxa  uuna bulshada Soomaaliyeed u sheegay in maamulka gobalku gacanta ku haayo dhismaha iyo dayac tirka ka socdo darjiinkaasi.

Darjiinkani ayaa waxa uu ku burburay dagaalladii sokeeye waxaana hadda dhismo ku wado dowladda hoose ee Xamar.

          

 

Shaqo la’aanta UK oo korortay.

0

Xafiiska diiwaan galinta qaran ee UK ayaa sheegay in laga soo billaabo bishii maarso ee sanadkaan kolkaas oo UK uu ka dilaacay cudurka Covid-19 ay shaqo waayeen 695,000(lix boqol sagaashan iyo shan kun) oo qof.

Heerka shaqo la’aantu wuxuu kordhay 4.1% taas oo aad u sameysay dhallinyarada gaar ahaan inta u dhaxeysa da’da 16 ilaa 24 jirka, wuxuuna gaaray heerkii ugu sarreeyay marka loo eego saddexdii sano ee ugu danbeysay.

Waxaa muuqda in aanu dhaqaalaha soo kabaneyn walina ay jirto saameynta Covid-19.

Shaqooyinka ugu badan ee xirmay ayaa ah hoteelada,maqaayadaha iyo goobaha dalxiiska, taas oo ay sabab u tahay saameynta dhanka socdaalka ee karoonaha.

Shirkado badan ayaa dhimay shaqaalahooda halka kuwa kalana ay gabi ahaanba suuqa ka baxeen.

Mashruuca dowladu ku taageereysay ganacsiga iyo shirkadaha kaas oo 80% ay mushaarka bixineysay ayaa ku eg 31 bisha soo socota ee October.

Arrintan ayaa sababi doonta sida ay sheegayaan dadka dhaqaalahanka ah in shaqo la,aantu ay sii kordhi doonto.

Waxaa  iminka Aad u kordhay dadka dalbanaya lacagaha ceyrta ee lagu kabo dadka aan shaqo heysan si ay ugu noolaadaan.

Baarlamaanka Japan oo Ra’iisul wasaare doortay.

0

Aqalka hoose ee Baarlamaanka dalka Japan ayaa maanta oo arbaco ah u doortay Yoshihide Suga in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas. Ninkan ayaa kamid ah wasiiradii la soo shaqeeyay siddeedii sano ee dalka uu xukumayay Ra’iisul wasaaraha xilka ka degay ee Shinzo Abe.

Mr. Suga, oo 71 sano jir ah, ayaa Abe u ahaa gacantiisa midig, waxaana uu hormuud u ahaa fulinta barnaamijka xukuumadda oo ay kamid tahay istiraatiijiyada dhaqaalaha dalka.

Ra’iisul wasaarihii ugu muddada dheeraa Japan Shinzo Abe, ayaa isku casilay sababo la xiriira caafimaadkiisa. Mr. Suga waxaa uu ahaa xoghayaha golaha wasiirrada Japan.

Mr. Suga wuxuu heley 314(Saddex boqol afar iyo toban) cod tirada guud ee aqalka hoose baarlamaanka dalkaas oo ka kooban 462 (Afar boqol labo iyo lixdan) mudane. Go’aanka kama dambeysta ah ee doorashada Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa iska leh aqalka sare ee dalkaas, waxaana la filayaa in Mr. Suga ay u xulan doonaan hoggaanka dalka, maadaama awood ay ku leeyihiin xisbiga talada haya ee LDP.

Suga, ayaa ku guuleystay hoggaanka xisbul xaakimka dalka Japan ee Liberal Democratic Party oo (LDP) loo soo gaabiyo doorashadii isniintii qabsoontay, waxaase uu wajahayaa caqabado ay kamid yihiin dhibaatada safmarka COVID-19 iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha dalka.

Inkastoo uu leeyahay xeelad diplomaasiyadeed oo kooban, haddana Suga waxaa maareyn doonaa xiriirka sii xumaanayo ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinah, waxaana uu xiriir wanaagsan la yeena doonaa madaxweynaha ku guuleysta doorashada Mareykanka ka dhici doonta 3 bisha November isagoo sidoo kale sii wadi doona xiriirka Japan la leedahay  Beijing.

Warbaahinta gudaha dalka Japan ayaa sheegaysa in xubnaha xukuumadda cusub ku dhowaad kala bar ah noqon doonaan kuwii ku jiray xukuumaddii ra’iisul wasaare Abe. Labo haween ah ayaa ku jiri doona xukuumadda waxayna isku cel celiska da’dooda noqon doontaa 60 sano.

Wasiirrada ku soo laaban doona xukuumadda cusub waxaa kamid ah; wasiirka maaliyadda Taro Aso, wasiirka arrimaha dibadda Toshimitsu Mategi, wasiirka Olombikada Seiko Hashimoto iyo wasiirka degaanka Shinjiro Kaizumo oo ah ninka ugu da’da yar xukuumadda oo 39 sano jir.

Guddoomye Mursal oo la kulmay Madaxda Hirshabeelle iyo Koonfur-galbeed.

0

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hoygiisa ku qaabilay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Kulanka Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur galbeed Mudane, Maxamed Cabdi Waare iyo Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ay la qaateen Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa looga hadlay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka.

Hase yeeshee mudda xilleedka Madaxweyne Waare ayaa maanta ku eg mana jirto dhaqdhaqaaq muujinaya doorashooynkii Hirshabeelle, Madaxweyne Waare ayaa la doortay 16 September 2017. kadib xilka qaadis uu Baarlamaanka Hirshabeelle ay ku sameeyay Madaxweynihii hore Cali Cabdullaahi Cosoble.

  

 

Haweenka Gobolka Bnaadir oo kullan duco ah u sameeyay Xamdi Maxamed Faarax [sawirro]

0

Kulan baroor diiq ah oo loogu duceynayay allaha u naxariistee marxuumad, Xamdi Maxamed Faarax oo dhawaan kufsi iyo dil ay u geysteen kooxo arxan laawayaal ah ayna soo qaban qaabiyeen ururka haweenka gobolka Banaadir ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Haweenka kasoo qeyb galay kulanka oo ay kamid ahaayeen,xildhibaanno,guddoomiyaha degmada Warta nabadda, aqoonyahano qeybaha kale ee bulshada ayaa watay halku dhigyo ka turjumayo qaabka ay uga xunyihiin kufsiga soo laalaabtay.

Guddoomiyaha ururka Haweenka gobolka Banaadir Jawaahir Maxamuud Jaamac (Jawaahir Baarqab) oo ka hadashay madasha ayaa ka codsatay madaxda dalka in la horkeeno caddaaladda dadkii ka dambeeyay falka wuxuushnimada lahaa ee lagula kacay Marxuumad, Xamdi Maxamed Faarax oo ahayd gabar da’yar oo sannadkaan dhameysay dugsiga sare.

Boliiska Soomaaliya ayaa shalay sheegay in 11 eedeysane loo hayo kiiska Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, iyagoo tilmaamay in baaritaanku uu meel wanaagsan marayo ciddii ka dambeysay falkaasna caddaaladda la marsiin doono.

                    

 

Booliiska oo Cadaado ku qabtay nin qey ka ahaa kiiskii marxuumad Xamdi Maxamed Faarax.

0

Taliye ku xigeenka ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Janaraal Sakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidanka Boliiska Galmudug howlgal ay xalay xilli dambe ka sameeyeen magaalada Cadaado ay ku soo qabteen, eedeysane Maxamed Ibraahim Cismaan oo lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa kiiskii marxuumad Xamdi Maxamed Faarax, isla markaana uu falka kaddib ka baxsaday magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Boliiska Galmudug ayaa xalay xili dambe howlgal ay ka fuliyeen magaalada Cadaado ku  soo qabtay eedeeysane Maxamed Ibrahim Cismaan, 24 jir ah, ku dhashay Muqdisho laguna tuhmaayo inuu ku lug lahaa kiiska marxuumad Xamdi Maxamed Faarax kana baxsaday magaalada Xamar falka ka dib”

Janaraal Sakiya ayaa shacabka Galmudug uga mahadcelisay gacanta ay ka siiyeen ciidanka Boliiska sidii loo soo qaban lahaa eedeysane Maxamed Ibrahim Cismaan oo baxsad ahaa sida ay sheegtay.

Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax ayaa dhawaan kooxo arxan daran waxey kufsi iyo dil ugu geysteen degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

 

Akhriso: Isku-aadka tartanka degmooyinka 2020-ka.

0

Tartanka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir oo sannad kasta mar la qabto ayaa isku aad-kiisa la shaaciyay waxaana degmooyinka tartankaasi ciyaari doono lagu soo daray degmada Afgooye oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhaxe.

Waa markii ugu horreysay oo tartarka degmooyinka gobolka Banaadir lagu soo daro degmooyin ka baxsan Muqdisho, waxaana sababaha loogu soo daray degmooyinka Afgooye iyo Balcad warbaahinta qaranka ugu warbixiyay Guddoomiyaha Sportska gobolka Banaadir Xasan Aadan Yabarow (Wiish), isagoo tilmaamay in sababta ay tahay is-dhaxgalka bulsho ee ka dhaxeeya degmooyinka gobolka Banaadir iyo degmooyinka dariska la’ah.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO

Madaxweynaha Glamudug oo hortagay Guddiga joogtada ah ee Aqalka sare.

0

Madaxweynaha Galmudud mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta hortagay Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare BFS, kadib kulan gaar ah oo lagu casuumay Madaxweyne Qoorqoor.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xaruunta kusoo dhaweeyay isla markaana hadal kooban jeediyay ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay wada shaqeyta Golaha Aqalka sare iyo dowlad Goboleedyada.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Madaxweyne Qoorqoor uga warbixiyay qorsha howleedka golaha iyo sharciyada ay gudbiyeen iyo kuwa horyaalla, isagoo tilmaamay in ay sharciyada horyaalla ay gudbin doonaan.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa isagua la hadlay Guddiga joogtada ah ayaa ka warbixiyay guud ahaan xaaladaha Galmudug iyo horumaradii ay sameeyeen tan iyo markii uu xafiiska tagay, wuxuu si gaar ah diradda u saaray shirirakii Dhuusamareb ay marti galisay iyo guulaha laga gaaray.

Ugu dambeyn Madaxweyne Qoorqoor ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirka Muqdisho ka socda inuu kusoo dhammaan doono wanaag iyo isu tanaasul, laguna saxiixo hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay, wuxuu sheegay in ay muhiimad gaar ah u leedahay Bulshada sooomaaliyeed qadiyadaha arrimaha doorashooyinka.

Germany oo qorsheynaya in uu magan galiyo qaxooti ku sugan Greece.

0

Dalka jarmalka ayaa qorsheenaya in uu 1,500 oo qaxooti ah ka soo qaado dalka Greece islamarkaana uu siiyo daganaasho.

Hoggaamiyaha Germany Angela Merkel iyo wasiirka arrimaha gudaha Horst Seehofer ayaa isku raacay tallaabadan waxaana xoogga la saari doonaan dadka qaxootiga ah ee caruurta wata.

Jarmalka waxaa uu horay go’aamiyay in uu qaato 150 caruur aan cidna la socon kuwaas oo qeyb ka ahaa qorshaha midowga Yurub ee lagu taageerayo Caruurta aaney cidna wehelin ee qaxootiga ku ah Gariiga.

Cadaadiska Yurub lagu saarayo in ay aqbasho qaxootiga ayaa yimid kadib markii dab qabsaday xeryo qaxooti oo lagu magacaabo Moria waxaana ku guryo beelay oo iminka dibadda jiifa 12,000 oo qof .