Home Blog Page 839

a couple of Ways To Meet up with European Woman

0

In this article we will talk about how to meet Western woman. You will discover two ways you can approach this but if you’re only thinking of assembly single females then it might be recommended that you try one first. If you are trying to get a date with an individual then a few tips will assist. If you’re opting for a night out it should be the same thing. So discussing take a look at how you should approach the two unique approaches.

The first method to way the idea of the right way to meet Euro woman is to find a local girl and strategy her first. Don’t travel straight up with her in the street, they have probably not going to work in your favour. You really should approach her on a community street that may allow you to communicate with more persons but then you might not be able to give her all the info she wants to know immediately. When you do methodology her be sure to have all the details you really want before you start talking to her. Which means that you should have images and advice about the person occur to be trying to contact. This should all be in a file where you can save for later and also show her exactly what you want saying to her. Additionally important make sure you have some information about yourself.

Right now, if you’re interested in finding a Eu woman then second procedure you have is to get her amount. If you’re nearing the woman in https://blushingbrides.net/eastern-europe/ a public lane, it would be far better to ask her first. You can use a good friend as a buffer between you and her. Then you can approach her and give her the data you prefer. However , it will be easier to receive her amount from her friends to ensure that you may have more those that can help you out when you need these people.

Wasaaradda Beeraha XFS oo dib u billowday dhoofinta Muuska Soomaaliya

0

-Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo ay wehliyeyn Wasiir ku xigeenka Dekedaha, Guddoomiye ku xigeenka rugta ganacsiga, Xubno ka socday mashruuca GEEL , ayaa Maanta Daah-furay mashruuca dhoofinta Muuska/Mooska.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, Mudane, Saciid Xuseen Ciid oo ka hadlay munaasabadda Daah-furka dhoofinta Muuska/ Mooska oo ka dhacday  Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shaqadan ay qeyb ka tahay qorshaha ay Dowladdu ku dhiiri-gelineyso wax soo saarka Dalka.

Mudane; Ciid, ayaa Beeraleyda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay kordhiyaan wax soo saarkooda si uu  Dalku u gaaro isku filnaasho dhanka cuntada ah oo dhameystiran.

Intii lagu gudo jiray munaasabaddan ayaa Dekedda Muqdisho waxaa laga dhoofiyay Labo Konteenar oo horudhac ah oo ay hubinta tayadoodu iska kaashadeen Wasaaradda Beeraha, Shirkadda GEEL Project iyo ganacsato Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Beeraha, kaas oo si tijaabo ah loogu diray Dalka Sacuudi Carabiya.

Muuska oo ka mida dalagyada ugu badan ee Dalkeena laga dhoofin jiray 30 Sano ka hor ayay soo celinta iib-geyntiisu waxay faa’iida weyn u tahay dhaqaalaha Dalkeenna oo hadda ku jira soo kabasho wanaagsan.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo gaaray Dhuusamareeb

0

Wasiirka arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane, Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida,maamulka magaalada Dhuusamareeb iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Dhuusamareeb u tegay sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhanyahay,iyadoo ay xusid mudantahay in dhawaan gudigga farsamada maamul u sameynta dowlad goboleedka Galmudug ay soo saareen habraaca doorashada maamulka Galmudug.

Webiga Shabeelle oo fatahaad ka sameeyay Tuulooyin hoos taga Afgooye

0

Webiga Shabeelle ayaa fatahaad ka sameeyay Tuulooyin hoostaga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose, taas oo saameyn ku yeelatay Bulshada halkaasi ku nool.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeellada hoose ayaa goobaha uu Webigu kasoo fatahay waxay geeyeen Jawaanno si loo xiro meelaha ay Biyuhu jabsadeen, si loo yareeyo halista ka dhalan karta fatahaadda.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose, mudane, Ibraahim Aadan Cali li (Najax), ayaa sheegay in ay ku guuleeysteen xirista Afar meel oo uu Webigu ka jabsaday, wuxuuna ku baaqay in loo gurmado Dadka ay saameysay fatahaaddu.

Webiga Shabeelle ayaa waxa uu horay fatahaad xooggan uga geystay Gobollada Shabeellada dhexe iyo Hiiraan,iyadoo ay xusid mudantahay in hadda xaaladu ay tahay mid soo hagaageyso, waloow saameyntii uu geystay ay weli ka jirto meelaha qaar.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ku kulmaya Muqdisho

0

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta lagu wadaa in ay yeeshaan kulan wadajir ah.

Kulankaan oo ah mid muhiim ah ayaa Ajandihiisu yahay meel-marinta habraaca ansaxinta dib u eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ah mid KMG ah oo u baahan in dib u eegis lagu sameeyo kadibna afti Dadweyne loo qaado, si uu u noqdo mid rasmi ah.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Warfaa oo khudbad ka jeediyay shir-weynaha Daryeelka Bulshada ee Geneva

0
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee looga hadlayo arrimaha daryeelka bulshada oo ay soo qaban qaabisay hay’adda shaqaalaha adduunka ee ILO, kaa oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiir Warfaa ayaa khudbadiisa diiradda ku saaray dadaallada ay dowladda Federaalka ah ku dooneyso in si isku mid ah loo gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed barnaamijka Daryeelka bulshada oo waara.

“Iyadoo aanu taageero ka helayo bah-wadagteenna horumarinta, waxaan bilownay qaar ka mid ah mashaariicda horumarinta ee aad muhiimka u ah si aan u hirgalinno Nidaam daryeelka Bulshada – oo waafaqsan Xeerka Daryeelka Bulshada ee Qaranka…Marka laga hadlayo awoodda maaliyadeed, waxaan ku faraxsanahay in bishii Luulyo 2019-ka -Guddiga fulinta ee hay’adda lacagta adduunku (IMF)  ay kulmeen si ay u soo gabagabeeyaan la tashiga qodobka 4aad ee ku saabsan Soomaaliya. Waxay ku heshiiyeen in siyaasadaha dhaqaalaha iyo qaabdhismeedkeeda ee hoosta looga qeexay SMP- afaraad – ay buuxiyeen heerarka siyaasadaha ee la xiriira qorsheynta deynta sare. ”

” Xafiiska Ra’iisul wasaaraha (tubtiisa Horumarinta Bulshada iyo Horumarinta Dhaqaalaha) ayaa horey u muujiyay in maalgashiga waaxaha bulshada, gaar ahaan daryeelka bulshada iyo biyuhu ay heli doonaan qoondeyn miisaaniyadeed oo ballaaran ka dib deyn cafinta.” ayuu yiri wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wuxuu rajo wanagsan ka muujiyay dadaallada socda ee deyn cafinta ee guulaha laga gaaray inay dhammeystirmaan , taas oo uu sheegay inay horseedeyso horumar dhaqaale iyo isku filnaasho uu dalku gaaro.

“Iyadoo la tixraacayo Siyaasaddeena Daryeelka Bulshada ee Qaranka, Dowladda Soomaaliya waxaa si buuxda uga go’an inay horumariso hannaan Daryeelka bulsho ee waara – waxaanuna  ka faa’iideysan doonaa dhammaan kheyraadkayaga oo aanu  u adeegsan doono sidii loo hubin lahaa in la gaaro Mabda’a ‘Cidna inaan laga tagin’ iyadoo looga faa’iideynayo inta nugul marka hore.” ayuu ku daray.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya wasiirro, wakiillo iyo hoggaamiyaasha ururro caalami ah,iyadoo Soomaaliya ay ku matalayaan wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka “Waa in Dalka Laga Helaa Biyo Nadiif Ah Guud ahaantiis”

0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Soomaaliya ayaa wada qorshayaal kala duwan kuwaas oo loogu talo galay in guud ahaan dalka laga helo biyo nadiif ah si-ay dadku uga badbaadaan Caafimaad daro ka dhalan karta biyo aanan soo marin hanaankii sifeynta ee loo qorsheeyey.

Wasaaradda Tamarka iyo Kheyraadka ayaa dhawaan magaalooyinka Baladweyne, Baydhabo iyo kuwo kale ka sameysay biyo dhaamin kadib markii dadka saameyn ku yeesheen roobab sababay in lawaayo biyo nadiif ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka  Mudane Cabdiwaaxid Ibraahim Axmed ayaa sheegay qeybo badan oo kamid ah dalka dadka biyo harqiyeen arrintaasna keentay in lawaayo biyihii nadiifka ahaa ee Ceelasha, Baraagaha iyo meelaha kale ee biyaha laga cabi jiray.

Waxa ugu muhiimsan ee Wasaaraddu qabatay ayaa ah in dadka lasiiyo biyo aanan caafimaadkooda wax saameyn ah ku leelan maadaama dhibtaao kale heysto oo kamid tahay inay guryahoodii isaga barakaceen.

“Meelo badan oo dalka kamid ah waxaa ku fatahay biyo badan dadkuna waxaa ay kacabanayaan biyo la’aan marka waxaa qasab nagu noqotay in dadka biyo dhaamin loo sameeyo arrintaasna waan ku guuleysanay inaga oo gaashaneyna dowlad Goboleedyadda dalka” ayuu yiri  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka.

 

Xoghayihii Joogtada Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Oo Xilka Wareejiyay

0

Xoghayihii joogtada ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta xilkii Xoghayanimo wareejiyay, kadib markii golaha Wasiiradu ay baabi’iyeen booska Xoyghayaha joogtada ee Wasaaradaha Xukuumadda laguna qaatay nidaamka Agaasimayaasha guud.

Xoghayihii joogtada ee Wasaaradda arrimaha gudaha, mudane Cabdullaahi Maxamuud Xasan (Azhari) oo ka hadlay munaasabadda xil wareejinta ayaa u mahadceliyay Shaqaalaha Wasaaradda,isagoo sheegay in ay kaalin weyn kaga jiraan howlaha ay bulshada u heyso Wasaaradu.

Xoghayaha ayaa sidoo kale sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu xilkaan wareejiyo,isagoo tilmaamay mudadii labada sanno eheed oo uu xilka hayay inuu wax badan soo qabtay, waline ay shaqa badan dhimantahay.

Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa goobjoog ka ahaa shaqaalaha Wasaaradda, Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud.

Safiirka DFS U Fadhiya Washington DC Oo Socdaalo Ku Maraya Goballada Mareykanka Ee Ay Degaan Soomalida

0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameysay Safiirka Dowlada Soomaaliya u fadhiya  dalka Mareykanka Ali Sharif Ahmed iyo safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abukar Osman.

Kulankaasi dhexmaray dhinacyadaasi ayaa ujeedkiisu ahaa sidii la isugu xiri lahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka iyo Safaaradd Soomaalida ee Washington DC oo ahmiyad gaar ah u leh jaaliyaddaasi,waxaana Safiirka uu  kulamo gooni gooni ah la qaatay qeybaha bulshada ee ku dhaqan halkaasi.

Safiirku waxa uu ballan qaaday in safaaradu qaban doonto howlaha loo idmaday iyo in ay ka soo dhallaali doonto rajada Jaaliyadaha Maraykanku ka qabaan isbaddal lagu sameeyo maamulka ,gaar ahaan sidii safaaraddu irdaha ugu furi lahayd dadka Soomaaliyeed.

Safiir Ali Shariif Ahmed ayaa looga fadhiyaa mudada uu socdaalka ku marayo gobolada Mareykanka in uu wax ka qabto xalinta dhibaatooyinka gudaha Mareykanka ku qabsaday Jaaliyadda, sii deynta caruurta xabsiyadda ka buuxda, xal u helida dadka sharci la’aantu ah ee dowladda mareykanku musaafuriso, mushkiladda xawilaadaha ee Bangiyada iyo arimo kale oo aad u badan.

Akhriso: Macluumaad Ku saabsan Taariikhda Xeer-ilaaliyaha Guud ee Cusub Ee Qaranka

0

Xeer ilaaliyuhu waxa uu Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare ku qaatay magaalada Burtinle ee Gobolka Nugaal, waxa uuna Dugsiga Sare ku dhameeyay isla Burtinle, 2003.

Heerka koowaad Jaamacadda waxa uu ku soo qaatay magaalada Islamabad ee dalka Baakistaan halkaasi oo ku dhameeyay heerka koowaad ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka isagoo bartay Aqoonta Kulliyadda Shareecadda iyo Qanuunka sidoo kale waxa uu Shahaadada B.A ka qaatay isla Jaaamacaddaasi isagoo qaatay shahaadada 2-aad ee LLM gaar ahaan Xeerarka Ganacsiga (Commercial Law).

Xeer Ilaaliyuhu waxa uu ka soo shaqeeyey gudaha dalka iyo dibadiisa waxaana si kooban loo soo qaadan karaa:-

– Waxaa uu ka soo shaqeeyey dalka Bakistan isagoo noqday Garyaqaan Xeerarka Rayidka ah iyo Dembiyada.

– Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Islaamabaad-Bakistan 2013.

– Waxa uu ka soo shaqeeyay wasaaraddaha Dowlad Gobolleedka Puntland isagoo noqday La-taliye dhinaca Sharciga ah.

– Hormuudkii Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, ahna macalin ka kamid ah macalimiinta Jaamacadda Puntland ‘Puntland State University’ oo kutaala magaalada Garowe.

– Agaasimaha Xarunta Gargaarka Sharciga ah ee Jaamacadda PSU 2017

-Madaxa Waaxda Toosinta iyo Sharciyada ee hay’adda: AMAL EXPRESS iyo AMAL BANK. 2015-2016.

– Lataliye Sharci iyo Dastuur ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u eegista Dastuurka, 2018.

– Aas-aase, ahna Guddoomiye Ku xigeenkii Xarunta Gargaar ee ka shaqeysa Adeegyada dhanka sharciga iyo xuquuqda garsoor ee dadka danyarta ah.

– Garsoore Maxkamadda Sare ee Dalka 2018-2019.

Madaxweynaha JFS ayaa u magacaabay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamadda Sare taariikhdu markii ay ahayd 2018.

Maanta ayaana ugu dambeyn loo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.