Home Blog Page 836

Xudur Oo Ka Cabanaya Saameynta Covid-19 Ee Nolosha Danyarta Ah “Sawiro”

0

Dadka danyarta ah iyo ganacsatada magaalada Xudur ayaa si wadajir ah uga cabanaya saameynta cudurka safmarka ah ee COVID 19 uu ku yeeshay nolosha. .

Suuqyada lagu iibiyo raashiinka quutul daruuriga ee magaalada Xudur ayaa ka jirin dhaq dhaqaaq ganacsi sababtuna waxa ay tahay cuddurka Fayriska Karoona oo saameyn weyn ku yeeshey ganacsigii iyo isu socodkii magaalooyinka.

Magaalada Xudur oo aan waxba soo gelin iyo raashiinadii keydka ahaa oo qaali garoobey ayaa keentay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah lasoo deristay dadkii murugmaalka ahaa oo aan wax shaqo ah heysan iyo dadkii ganacsiga yar yar lahaa oo tafaariiqdaa gadayey.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in cudurka COVID 19 uu saameyay noloshada bulshada, iyadoo wax kiis ahna aan weli laga helin magaalada Xudur.

Dowladda Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Toddobaadka La Dagaalanka Covid-19+Sawirro

0

Guddoomiyaha Guddiga Wacyigalinta Covid-19 ahna Wasiirka Wafaafin dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaaciyay in guud ahaan degmooyinka Gobolka Banaadir laga bilaabi doono ololaha wacyigalinta todobaadka ee ciribtirka Cudurka Karoona si dalka oo dhan loo gala dagaalamo .

“Ololahaan ayaa laga sameyn doonaan dhammaan Degmooyinka Gobolka Banaadir si aan ula dagaalano cudurkaan safmarka ah ee aafeeyay caalamka aynu ka mid nahay si aan u ilaalino bad-qabka shacabka Soomaaliyeed”Ayuu yiri wasiir Maareeye

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ahna xubin ka tirsan Guddiga wacyigalinta Basmo Caamir Shakeeti ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday inay ka qeyb-qaatan la dagaalanka cudurkaan covid-19.

“Shacabka Soomaaliyeed eek u nool Caasimada waxaan ka codsaneynaa inay nagala shaqeeyaan dagaalka aan kula jirno cudurkaan halista ah ee karoona Feyrus, waana loo baahanyahay in aan iska kaashano”sidaas waxaa yiri Basmo Caamir Shakeeti.

Dhinaca kale masuuliyiinta ayaa kormeer wacyigalin ah ku tagay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir iyagoo bulshada kaga wacyigalinayay qatarta uu leeyahay Cudurkaan islamarkaana uqeybiyeen maaska afka lagu xerto si looga taxa diro faafitaanka cudurkan safmarka ah ee covid-19.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ahna guddoomiyaha guddiga wacyigalinta ee Covid-19 ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay ciribtirka cudurkaan .

“Dowladda Soomaaliya waa ka go’antahay inay ciribtirka cudurka covid-19 ee saameynta uu ku hayo dalka dowladdu ay dadaal ku bixinayso sidii ay uga hortagi lahayd “Ayuu ku yiri Maareeye.

Ololaha wacyigalinta iyo ka hortaga cudurka safmarka ah ee Karoona ayaa waxa uu si xowli ah uga socdaa dhammaan degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Gobollada dalka.

Taliyaha Xoogga Oo Kormeeray Dugsiga Tababarka Ee Har-Qaboobe ‘Sawirro’

0

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa komeeray ciidamo tababar uu uga socday dugsiga tababarka ee Har-qaboobe ee degmada Guriceel tababarkani oo qeyb ka ah la dagaalanka  dhanka ah kooxaha argagixisa Al-shabaab .

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa warbixin ku saabsan xaaladahooda ka dhageysay saraakiisha dugsiga, sida taliyaha qeybta 21-aad Generaalka Qooje ,Taliye ku xigeenka qeybta iyo taliyaha dugsiga Har-qaboobe iyagoo tilmaamay in lagu guuleystay ka soo gudbida marxalado adag oo ciidankan lagu diyaarinayay isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin qabshada waajibkaadka la saaray.

Taliyaha ciidanka  xoogga Generaal  Odawaa Yuusuf Raage ayaa ciidamada Dugsiga ku jira iyo saraakiishoodaba Ku ammaaney dhabar adayga ay muujiyeen xiliga dheer ee tababarka isagoo ballanqaaday in loo dhameystirayo agabkooda si looga faa’iideesto Aqoontooda Ciidan iyo waalibaadka ka saaran ilaalinta shacabkooda .

“Dhammaan hogaanada, saraakiisha iyo guud ahaan ciidanka ku jiraan xeradaan Har-qaboobe waxaan leeyahay waxaad muujisay karti iyo awood sidaa daraadeed waxaan balan qaadeynaa inaan idin qalabeyn doono si aan cadawga ummadda aan uga dulqaadno”Ayuu yiri taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

 

Guddoomiye Cumar Filish Iyo Wasiir Warfaa Oo Saxiixay Mashruuca Caawinta Danyarta

0

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada Sadiiq Xirsi warfaa ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday mashruuc lagu caawinayo dadka danta yar ee ku nool caasimadda.

Ka dib kulan ay ku yeesheen Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayay kula kala saxiixdeen labada mas’uul.

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Sadiiq Warfaa oo duqa Muqdisho ku soo dhoweeyay xafiiskiisa ayaa sheegay in Mashruucan la soo marsiiyay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, uu maanta ku wareejiyay maamulka Gobalka Banaadir si loogu taakuleeyo dadka nugul ee ku nool gobalka Banaadir.

Fatahaadda Shabeelle Oo Saameysay Qiimaha Khudaarta Jowhar+Sawirro

0

Qiimaha lagu kala iibsado khudaarta  nuucyadeeda kala duwan ee suuqyada  magaalada Jowhar  ee xarunta Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa  sare u kac ku yimid ka dib markii  uu saameeyay daadadkii ka dhashay fatahaadda webiga shabeelle  uu ka geystay deegaanno hoostaga degmooyinka Mahadaay iyo Jowhar.

Xilligan oo kale waxa Beeraha jowhar kasoo go’i jiray dalagyo kala duwan oo ay kamid yihiin khudaarta balse roobkii gu’ga iyo fatahaadda webiga oo is biirsaday ayaa sababay in ay baaba’aan dalagyadii u beernaa beeraleydu.

Gobalka Shabeellaha dhexe ayaa ka mid ah goballada leh beeraha oo ah waxsoosaarka labaad ee dalkeena waana kheyraadka uu alle ku manaystay dalka, haseyeeshee waxaa caqabado kal duwan ay soo wajaheen wax soosaarka beeraha sida fatahaadda iyo amniga darada oo inta badan ka hor istaagtay beeralayda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ka joogaan dalka.

Webiyada Shabeelle iyo Jubba oo mara Soomaaliya ayaa xilli isku mid ah fatahaadda uga geysta goballada uu maro iyadoo ay saameyntu waxyeeladeedu inta badan ay soo gaarto dadka beeralayda ah oo dalagyadii ay beerteen ay baabi’iyaan fatahaadda.

 

 

Ciidanka Xoogga Oo Howl-gal Ka Sameeyay Deegaano Ka tirsan Gobolka Mudug.

0

Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa  Danab ayaa xalay Howlgal qorshaysan  waxa ay ka sameeyeen deegaanka Wargalo oo hoostaga Degmo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug.

Howl-galkaan ayaa ahaa mid qorsheysan waxa ayna Ciidamada Xoogga ee Danab ay ku qaadeen gooba loo shakisnaa inay ku dhamaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-shabaab .

Ciidamada Xoogga dalka ayaana gacanyta ku dhigay hal nin oo looga shakinsanaa inuu ka tirsanyahay argagixisada ka dib markii loo galay guri uu ka degenaa deegaanka .

Inta la xaqiijiyay hal askari oo ka tiran Ciidamada Danab ayaa ku dhaawacmay howl-galka waxaana ganacta lagu dhigay mid ka mid ah kooxihii bartilmaameedka u ahaa Ciidamada.

Howl-galkaan aya ka dhacay deegaanka wargalo oo qiyaastii 70 kiilo mitir dhinaca koofur Barri kaga beegan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab ayaa hore howl-gallo uga sameeyay deegaano badan oo hoostaga Degmada Hobyo kuwaasi oo ay ku dhuumaaleysanyeen kooxaha Argagixisada Al-Shabaab.

QM: Bartamaha Soomaaliya Waxaa Ku Barakacay Hal Milyan Oo Qof.

0

Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa ay wajahaysaa daadadkii ugu ba’anaa oo saameeyay in ku dhow hal milyan oo qof iyadoo ay 400,000 oo qof ay ku barakaceen sida ay sheegtay Qaramada Midoobay oo ka digtay suurtagalnimada in cudurro ay ka dhalankaraan goobaha ay dadku ku badan yihiin marka doonayaan in ay guryo KMG ka dhistaan meelaha lagu barakacay.

Xafiiska Isku xirka Howlaha Beni’aadannimada ayaa sheegay in 24 qof ay ku dhinteen daadadkii ku dhuftay deegaanno ka tirsan degmooyinka Jowhar Iyo Beledweyne halkaasoo ay ku yaalaan dhulal beereedyada ugu badan ee Bartamaha Soomaaliya.

Beledweyne oo kutaala Gobalka Hiiraan waa gobalka uu sida xun u saameeyay kadib markii uu webiga Shabeelle oo qararka jabsaday oo buux dhaafiyay 85% magaalada iyo 25 tuulo oo uu maro webiga, sida ay sheegtay  Qaramada Midoobay.

Waxaa jirta khatar sare oo muujinaysa in cudurro ka dhalankara gudaha magaalada Beledweyne xilli ay roobab mahiigaan ay weli ka da’ayaan dhulalka sare ee dalka Itoobiya oo deris la ah Gobalkaasi.

In ka badan 400,000 oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku dhex socda biyaha fatahaadda oo buuxiyay waddooyinka si ay uga baxsadaan biyaha webiga Shabeelle, dadka ayaa

ka walaacsan in daadadka kale oo dheeraad ahi ay ku dhuftaan magaalada, iyadoo taariikhda daadadkii horey ugu dhuftay sanadkii la soo dhaafay ay yihiin kuwii ugu xumaa ee soomara taariikhda.

“Daadadka halkan ayaa saameeyay guud ahaan magaalada. Dadku waxa ay ka walaacsan yihiin Badbaadadooda,” sidaasi waxaa yiri Xasan Cilmi, oo deggan Beledweyne. “Ciidamada Dowladda ayaa caawinaya dadka, balse dadka itaalka daran iyo kuwa waayeelka ah waxa ay u baahan yihiin in la caawiyo si ay uga gudbaan biyaha waddooyinka buuxiyay oo si xoog leh ku socda.”

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in fatahaadda ay halis ku tahay in ay goyso wadada weyn ee isku xirta magaalada Beledweyne iyo garoonka diyaaradaha oo kuyaala meel ka baxsan degmada taasi oo carqaldeyn ku ah sahayda gargaarka beni’aadannimada ee la gaarsiin lahaa magaaladaasi.

Kudhowaad 40% dadka magaalada Jowhar, oo ah magaalo ay daganyihiin 20,000 oo qof ay ka barakaceen guryahooda, sida ay sheegtay Wasaaradda Gargaarka Beni’aadannimada iyo Maareeynta Masiibooyinka ee Hirshabeele State.

Bukaannada Karoona Ka Bogsoonaya Oo Kordhay “SAWIRRO”

0

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay ay xanuunka Karoona ka bogsooseen 11 qofood.

Bukaannada jirkooda laga waayay Feyruska ayaa tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigaya 163 oo ka dhigan inay xanuunka ka reysteen in ka badan 11% dadkii uu xanuunku haleelay.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 34 xaaladood oo kala jooga Somaliland 18 gobalka Banaadir 14, iyo dowlad gobaleedka Hishabeelle 2. Xaaladaha cusub 21 kamid ah waa rag, 13 kalana waa haween. 1,455 xaaladood oo COVID-19 ah ayaa guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay.

Hal ruux ayaa u geeriyooday COVID19, waxaana tidara guud ee geeridu noqotay 57.

Wasiirka Caafimaadka, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in midnimo looga qayb qaato xakameynta faafitaanka Feyruska Karoona si guul ay ugu dhamaadaan qorshayaasha dowladdu ay ku dooneyso in cudurka looga guuleysto.

Warta Nabadda Oo Xalay U gudubay Wareegga Afar Dhammaadka Tartan Cilmiyeedka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee xalay ayaa waxaa kulankiisa 27-aad, wareeggiisa 3-aad kulankiisa 4-aad ku tartamay Degmooyinka Warta Nabadda Vs Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah la qabanayo ayaa waxaa taaba gelineya maamulka Gobolka Banaadir.

Labada degmo ee Warta Nabadda Vs Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Warta Nabadda:- Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareertay dhigooda Kaxda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Kaxda:- Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal oo kaliya, iyagoo iska qalday Shan su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay Afar (4) dhibcood.

Degmada Warta Nabadda ee Gobalka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afar dhammaadka ee tartanka.

Ilaa iyo afar degmo ayaa u soo gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka, waxaana tartamayaasha ay isku arki doonaan sidan.

Dharkeynley vs Garbahaareey, halka Buurhakaba ay foodda is dari doonaan dhigooda Warta Nabadda.

Caawa haddii uu Alle idmo tartanka, waxaa tartami doona degmooyinka Dharkeynley Vs Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gedo.

Madaxweyne Waare Oo Golahiisa Wasiiradda Kala Hadlay Xaalada Baladweyne+Sawirro

0

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle  Maxamed Cabdi Waare ayaa xalay  magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kula kulmay, xubno ka tirsan golaha wasiiradda Hirshabelle iyagoo ka wada hadlay xaaladda Fatahaada Beledweyne, iyo howlaha socda ee Dadka looga samatabixinayo Dhibaatada Biya baxada,

Sidoo kale  Waxaa Kulanka aad looga hadlay sida muhiimka ay u tahay hirgalinta barnaamijka Xalka Waara ee Beledweyne looga leexinayo Biyaha mar walbo ku fataha.

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo golahiisa wasiirada ayaa sidoo kale isla soo qaaday dib u dhiska garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Baladweyne iyo sidii biyaha kusoo fatahay xaafada looga saari lahaa maaadaama isku socodka uu go’ay .

“Waxaan qorsheynay in mashaariic hormarineed aan ka fulino magaalada Baladweyne oo ay ka mid tahay inaan biyaha ka leexino magaalada si aan wax uga bedelmno fatahaadaha soo laa’laabtay iyo sidoo kale dhismaha garoonka diyaarahada Magaalada “ayaa logu yiri kulanka .

In kabadan 60 kun oo qoys ayaa ku barakacay magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan kadib fatahaaddii uu webiga Shabeelle ka geystay halkaasi.

waxaana haatan ay ku sugan yihiin deegaanka Ceel-jaale iyo deegaano kale oo hoostada magalaada si aan uga badbaadaan biyaha baxa webiga Shabeelle uu ka wada.