Home Blog Page 836

kulanka Wadajirka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka FS oo goor dhaw furmaya.

Labada aqal ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta oo sabti ah  wadaa in magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan fadhi wada-jir ah oo ay uga doodayaan heshiiska siyaasadeed ee doorashada oo ay 17-dii bishan gaareen dowladda Federaalka, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo la doonayo inay ansixiyaan Baarlamaanka.

Mudanayaasha golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa la gaarsiiyey farriin ogeysiis ah oo ah inay 9:00am-ka subaxnimo ee maanta ka soo wada qayb galaan fadhi wada-jir ah oo Baarlamaanku yeelanayo, si ay uga doodaan heshiiskan siyaadsadeed, kadibna ay cod ugu qaadaan.

Heshiiska siyaasadeed ee doorashada ayaa qeexaya hab-raaca doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana qodob ka mid ah uu sheegayey in la hor geeyo Baarlamaanka si ay ugu badalaan go’aan sharci ah oo tixraac rasmi ah u noqon kara geedi socodka doorashada.

 

Ra’iisul wasaare oo helay Kalsooidii Golaha shacabka.

0

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhaweyn cod caqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

215 ayaa u codeeyay ayaa codka siiyay mana jirin wax ka aamusay sidoo kale diiday.

Ra’iisul wasaare Rooblel ayaa ansixinta ka hor khudbad kooban uu jeediyay golaha shacabka waxa uu sheegay inuu soo dhisi doono xukumadda tayo oo ka shaqeysay arrimaha soo socdo oo gaaraya ilaa 8 qodob.

ugu dambeyn waxaa dhaariyay guddoomiyaha maxkamada sare  ee dalka Mudane Baashi Yuusuf Axmed.

  1. Amniga
  2. Doorashooyinka
  3. Horumarinta Dhaqalaha
  4. Cadaalada iyo garsoorka
  5. La dagaalka musuq maasuq
  6. Dib u eegista dartuurka dalka
  7. Xiriirka caalamiga
  8. Ugu dambeyn waxaa

Madaxweyne Farmaajo oo Golaha shacabka ka codsaday kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha.

0

Waxaa gordhow si rasmi ah u bilowday fadhiga guud ee golaha shacabka oo manata madaxweynaha dalka uu horgeyay Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee dalka kasoo oo mudanayaashu maanta codka kalsoonida u qaadi doonaan.

Fadhiga maanta waxaa jooga madaxweynaha dalka,gudoonka golaha shacabka iyo Ra’iisul wasaaraha magacaaban inta badan xildhibaanada golaha shacabka.

Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa golaha la dagay ajandaha kulankaan gaarka ah oo ah kiisa 3-aad kalfadhigii 10,waxaana soo xadiray 210 oo golaha shacabka.

‘’mudane madaxweyne golaha waxaa uu maanta u fadhiya in uu dhagaysto soo jeedintaada in xildhibanada golaha shacabka la wadagto.

Madaxweynaha dalka mudane maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa golaha shacabka ka codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul wasaaraha magacaab si uu soo dhiso xukumad tayo leh oo dalka ka saarta wakhtiga kala guurka ah.

“mudanayaal Maxamed Xuseen Rooble waa mudaadin Soomaaliyeed oo aqoon iyo karti u leh xilkaan waxaan idinka codsan in aad codka kalsoonida siisaan’’

Intaas kadib gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in loo gudbay ajandaha kale ee fadhiga maanta.

Safaaradda Soomaaliya ee Zambia oo dib loo dhisayo+sawirro.

0

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambiya oo ay Hor kaceyso Danjiraha Soomaaliya ee  dalkaasi Marwo Xaawa Xasan Maxamed ayaa dhagax dhigtey Xarunta safaaradda oo dib udhis ballaaran lagu sameynayo mashruucaasi oo ay iska kaashanayaan dhammaan jaaliyadda .

Mashruucan ayaa ah mid  is xilqaan ah oo jaaliyadda Soomaliyeed ee Zambia ay go’aansadeen in safaaradooda dib u dayac tir ugu sameeyaan si ay bilicda safaaradaha dalalka shisheeye ay ku leeyihiin dalkaasi ay ula mid noqoto.

Hirgalinta mashruucan waxaa kaalin weyn ka qaatey guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Zambia ee uu hormuud u yahey goddoomiyaha Jaaliyadda, Mudane Maxamuud Hiiraan iyo dhammaan Jaaliyada qeybaheeda kala duwan.

Maxamuud Maxamed Hiiraan oo ah Guddoomiya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Zambia ayaa sheegey in Jaaliyadda ay go,aansatey in sharafta iyo karaamada dowladnimo iyo shacabkeeda dartiisa ay si isxilqaan ah uga dhisaan safaaradooda.

Dhinaca kale waxaa lagu soo bandhigay naqshada safaaradda laga dhigayo oo ah mid casri ah waxaana  Marwo Xaawa Xasan  Maxamed safiirka dowladda Soomaaliyeed ee dalka Zambiya  ugu mahadcelisey go,aanka Jaaliyadda ay sida is xilqaanka ah ay ugu dayactiraya Safaaradooda.

Madaweyne Farmaajo oo Ra’iisul wasaaraha magacaaban horgeynaya Golaha Shacabka.

0

Mudanayaasha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in kulan ay ku yeeshaan xaruntooda KMG ah ee Villa Hargeysa.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ah hadal Jeedinta Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & u codeynta kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha magacaaban mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Ka hor cod u qaadista kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa waxaa la filayaa in Madaxweyne Farmaajo uu kulanka ka jeediyo khudbad dheer, isaga oo sidoo kale Golaha Shacabka ka codsan doona inay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul Wasaaraha.

Haddii maanta codka kalsoonida la siiyo Ra’iisul wasaaraha magacaaban ayaa la filayaa in si deg deg ah uu usoo dhiso Golihiisa wasiirrada si loo fuliyo hannaanka doorasho oo ay ku heshiiyeen madaxda dalka.

Taliyaha AMISOM oo socdaal shaqo ku tagay Magaalada Jowhar.

0

Taliyaha Ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Diomede Ndegeya, ayaa kormeer howleed ku tagey ciidamada AMISOM  qeybta 5-aad, ee ku sugan magaalada Jowhar, taas oo qeyb ka ah booqashadiisa isbarasho ee uu ku marayo dhammaan lixda qeybood ee AMISOM.

Ciidamada  Burundi  oo ka hoos shaqeeya AMISOM ayaa gacanta ku haya qaybta 5-aad oo xaruntoodu tahay magaalada Jowhar, halkaas oo xarun u ah  dowlad goboleedka Hirshabelle, oo qiyaastii 90-km u jirta Muqdisho.

Taliyaha ayaa madaxda ciidamada AMISOM kala hadlay dardargalinta waxqabadka ciidamadaasi iyo ka qeybqaadashada dadaalka loogu jiro soo celinta nabadda iyo ka hortagga kooxaha hubeysan ee argagixisada.

Turkiga oo cadaalad xumo ku tilmaamay shirkad Turkish ah oo Midowga Yurub cunaabateeyeen.

0

Turkiga ayaa talaadada maanta ah sheegay in cunaqabateynta Midowga Yurub saareen shirkad Turki ah oo lagu eedeeyay in ay ku xadgudubtay xayiraadda hubka ee dalka Libya ay tahay mid labo u jeeddo leh isla markaana cadaalad aheyn.

Shalay ayaa midowga Yurub waxaa ay xayireen dhaqaalaha shirkadda maraakiibta ee Avrasya, taas oo lagu eedeeyay in markab Cirkin ee shirakadaas uu ku lug lahaa isku dhacii dhex maray labada dal ee NATO ka wada tirsan Turkiga iyo France bishii June ee sanadkan.

Midowga Yurub waxaa uu ku eedeeyay shirkaddan in ay si dhuulaameysi ah hub ku gelisay Libya. Ankara ayaa dafirtay eedahaas waxayna ku doodaysaa in Markabka uusan sidin hub ee shixnadda saaran ah aheyd mid bani’aadanimo.

“Howlgalka Irini ee midowga Yurub wuxuu abaal mariyay Xaftar waxaana uu ciqaabayaa dowladda QM aqoonsan tahay ee Libya,” sidaa waxaa sheegay wasaaradda arrimaha dibadda.

Xukuumadda Ankara ayaa taageerta dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhida Tripoli. Iyadoo kooxda janaraalka fallaagada ah ee Khaliifa Xaftar ee la baxay ciidanka qaranka Libya ay taageeraan dalalka Imaaraadka, Masar iyo Russia.

Xayiraadda la saaray shirakaddan Turkiga ah ka sokow waxaa sidoo kale la cunaqabateeyay labo nin oo Libiyaan ah iyo shirkadood oo kala ah, Sigma Airlines oo laga leeyahay dalka Kazakhstan iyo Med Wave Shipping oo laga Jordan laga leeyahay.

Turkiga sidoo kale waxaa laga yaabaa in uu wajaho cunaqabateyn kale oo midowga Yurub uga timaada taas oo ku saleysan xiisadda ka taagan bariga badda Mediterranean oo lahaanshaheeda isku hayaan Giriiga iyo Qubrusta Turkiga raacsan.

Soomaaliya oo guddoomisay 41 sano ka dib Golaha loo dhan yahay ee QM.

0

Guddoomiye ku xigeenka golaha guud ee kal-fadhiga 75-aad ee Qaramada Midoobay, ahna danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay danjire Abuukar Cusmaan (Abuukar Balle) ayaa la wareegay shir guddoonka qayb ka mid ah fadhiga 75-aad ee golaha loo dhanyahay, kaas oo sanadkan madaxda caalamku badankood ay kaga qaybgalayaan Online-ka.

Shirka oo sanad kasta la qabto bisha September ayaa waxaa sanadkan xoogga lagu saaray saamaynta uu cudurka Corona ku yeeshay bini’aadamka oo dhan, tallaabooyinka ay dawladuhu u qaadeen la dagaalankiisa iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay.

Sii hayaha Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo jeediyey khudbadda rasmiga ah ee uu Soomaaliya ku matalayo isagoo Muqdisho ku sugan ayaa waxa uu kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka soo socda oo laga gaaray heshiis siyaasadeed, saamaynta dhaqaale ee Somaaliya ka soo gaartay COVID-19 iyo sida dawladdu ay xoogga u saartay xakamaynta cudurkan.

Soomaaliya ayey guul diblomaasiyadeed oo caalami ah u tahay inay shir gudoomiso fadhiga loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay 41-sano ka dib, taas oo ah calaamad muujinaysa soo kabashada Soomaaliya iyo inay ku soo laabatay meeqaamkeedii sare ee ay ku lahayd hay’adaha waawayn ee dunidu ku kulanto.

Dhammaadka bishii June ee sanadkan ayaa Abuukar Balle uu ka mid noqday 21-da madaxweyne ku xigeen ee fadhiga 75-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay, jagadaas oo ay Soomaaliya ugu dambaysay 1979-kii.

    

Dowladda Iran oo sheegtay in ay diyaar u tahay in Mareykanka Maxaabiis is dhaafsadaan.

0

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Maxamed Jawaad Zarif ayaa sheegay in Iran diyaar u tahay in ay maxaabiis is dhaafsadaan Mareykanka, xilli xiisadda labada dal u dhexeysa ay wali aad u sarreyso.

Hadalkan ayuu wasiirka ka sheegay kulan aaladda fogaan arag ah ku yeesheen golaha xiriiradda dibadda kaas oo ka dhacay isniintii magaalada New York.
Washington ayaa muddo dheer dalbanaysay in muwaadiniinta Mareykanka ee Iran u xiran la sii daayo kuwaas oo ay kamid yihiin Aabe iyo wiilkiisa oo heysta dhalashada Mareykanka oo lagu kala magacaabo Baquer iyo Siamak Namazi oo loo heysto arrimo siyaasadeed.

Tehran ayaa beenisay in dadka ku jira xabsiyadeed ay yihiin maxaabiis siyaasadeed waxay sheegtay in dadkan yihiin basaasiin u shaqeeya laamaha mukhaabaraadka Mareykanka.“Waxaa jira Iraniyiin ku jira jeelashada Mareykanka waxa lagu heystana maxaa wadankiina u khiyaami weyseen. Hadda waxaan diyaar u nahay in aan maxaabiis is dhaafsano, ayuu yiri Zarif.

Labada dal ayaa horey isku dhaafsaday maxaabiis iyadoo xiriirka labada dhinac uu sii xumaanayo tan iyo 2018 markaas oo Trump uu ka baxay heshiiskii nugliyeerka oo quwadaha reer galbeedka iyo Iran wada saxiixdeen sanaddii 2015.

Todobaadyadii u dambeeyay Washington waxay isku dayaysaa galaan gal ku aaddan sidii loo cusbooneysiin lahaa cunaqabateynta hubka ee Iran saaran taas oo wakhtigeeda ku eg tahay 18 bisha soo socota ee October.

Michael White oo ka tirsanaa ciidanka badda Mareykanka ayaa sanaddii 2018 laga soo daayay xabsi Iran ku yaalla taa bedelkeedna Mareykanku waxay sii daayeen seynisyahanka heysta dhalashada Mareykanka ee Majid Taheri.

December sanaddii 2018, Washington iyo Tehran ayaa ka wada shaqeeyay is dhaafsiga maxaabiis, Iran waxay sii deysay Xiyue Wang oo muddo saddex sano ah ku jirey xabsi ku yaalla dalka Iran isagoo lagu eedeeyay basaasnimo Mareykanku dhankooda waxay sii daayeen Massoud Soleimani oo Mareykanku ku eedeeyeen in uu ku xadgudbay cunaqabateynta saaran Iran.

Hoggaamiyeyaashada Dunida oo xusaya Sanad-guurada 75-aad ee Qaramada Midoobay.

0

Hoggaamiyeyaasha dunida ayaa aallada fogaan aragga kaga qeybgalay isniintii xuska 75- aad ee aas-aaska Qaramada Midoobe, iyadoo safmarka COVID-19, iyo dhaqaalaha liita ee caalamka ay kamid yihiin caqabadaha dunida hor yaalla iyo waxtarka isku duubnimada Ururka oo la unkay dagaalkii labaad ee dunida.

Malaayiin dad ah ayaa lagu qasbay in ay guriyahooda joogaan dhaqaaluhu wuu baaba’ay markii safmarka COVID-19 uu ku baahay caalamka horraantii sanadkan. Hadda dalalka qaar waxay dareemayaan hirkii labaad ee cudurka 193 dal uu xubnaha ka ah Ururkan waxay dareemayaan is aaminaad daro gaar ahaan Mareykanka iyo Shiinaha oo xafiltankooda sii ballaaranayo.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in munaasabadda ay ku soo aaday xilli uu dunida aafeeyay safmarka Corona gaar ahaan arrimaha dhaqan dhaqaale ee bulshooyinka caalamka.

Madaxweynaha Shiinaha oo kulanka ka qeybgalay ayaa isniintii sheegay in dalna uusan awood u laheyn in danaha kuwa kale ku amar ku taagleeyo. “Dalna xaq uma lahan in arrimaha dunida uu shiikhiyo ama isaga uu maamul, ama isaga ka faa’ideysto horumarka dhammaan, kuwa xataa in qof wax yar wixii uu doonayay loo ogolaado ama hoggaamiyaha dunida. Keligii talisnimo waa ay dhammaatay.”ayuu yiri madaxweyne Xi.

Shiinaha ayaa hadda isku arka hoggaamiyaha duni go’aannada la wada leeyahay ka dib markii Madaxweyne Trump uu ka baxay iskaashiga caalamka sida heshiiska cimilada, heshiiskii Iran sidoo kale uu joojiyay xubinimada Mareykanka guddiga sare ee xuquuqul insaanka Qaramada Midoobay iyo hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Madaxweyne Trump ayaa ku jirey liiska madaxda khubadaha ugu horreeya jeedin doona laakiin bedelkiisa waxaa hoolka shirka ee Qaramada Midoobay ka hadashay sii hayaha xilka danjiraha Mareykanka ee Qaramada Midoobe  Cherith Norman Chalet.

Waxay sheegtay in hey’addan ay waxyaabo badan oo la soo maray ay tijaabo ugu filan tahay sidaa darteedna ay jiraan arrimo laga walaacsan yahay. “Qaramada Midoobay muddo dheer ayay ka caga jiidaysay is bedel micno leh lagu sameeyo ka dib markii ay lumisay daah furnaanta ayna u nuglaatay agendiyaasha keligii taliyaha iyo digtaatooriyadda. ayay tiri Cherith Norman Chale.

Maqanaanshaha Madaxweyne Trump ayaa shaki badan abuurtay, dadka waxay is weydiinayaan tani ma arrin si ula kac loo sameeyay baa mise, Qaramada Midoobay ayaan kamid aheyn wax-yaabaha mudnaanta u leh Mareykanka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres ayaa sheegay in safmarka COVID-19 uu caalamka kala daadiyay. Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Qaramada Midoobay u baahan tahay in isbedel lagu sameeyo.”Gole masiirka ummad ka badan todobo bilyan uu gacanta ugu jira in ay ka koobnaadaan shan dal ma caddaalad baa?,” ayuu yiri madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.