Mas’uulinta Safaarada Soomaaliya ee K/Afrika oo Socdaal wacyi galin ah oo ay kula hadlayso Jaaliyada Soomaaliyeed ka bilowday Gobolada Dalkaasi+(SAWIRRO).

Date:

Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee K/Afrika oo bilaabay Socdaal ay ku marayaan Gobolada dalkaasi gaar ahaa gobolada Soomaalidu u badantahay iyadoo Socdaalkoodii ugu horeeyay ay ku tageen magaalada Rustenburg ee Gobolka North West, waxaana ay kulan la qaateen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolkaasi.

Danjire Maxamed Cali mire ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Xogyaha kowaad, Uqeybsanayaasha Waxbarashada, Ganacsiga, Arimaha Diinta iyo Awqaafta iyo Uqeybsanaha Socdaalka iyo Jansidiyaha.

Kulan Xog is weedaarsi oo ay Madaxda Safaaradda la qaadatay Jaaliyadda magaalada Rustenburg ayay Safaaraddu sheegtay in uu safarkooda ku qotomo wacyigalin iyo u kuurgalid xaaladda ganacsatada Gobolkaasi.

Qaar ka mid ah Jaaliyadda ka hadashay madasha kulanka ayaa soo dhaweeyay Wafdigan waxa ayna sheegeen in ay tahay muhiim aad u weyn wadashaqeynta Jaaliyadda iyo Safaaradda.

Ciidamada Booliiska K/Afrika oo kulankan ka qeybgalay waxey Soomaalida ku amaaneyn inay yihiin dad dalka dhaqaalo soo galiya mar walbana caawiya dadka u dhashay dalkaasi, iyagoo tusaale u soo qaatay in xilligii gumeysiga ay K/Afrika ku jirtay Dowladda Soomaaliya garab taagnayd.

Uqeybsanayaasha Safaarada Dhinacyada Waxbarashada, Ganacsiga, iyo Socdaalka iyo Jansidiyaha oo la hadlay Jaaliyadda ayaa waxay sheegeen in ay ka caawin doonaan Jaaliyadda Waaxaha ay u qaabilsanyihiin Safaaradda.

Ugu dambeyn Danjire Maxamed Cali Mire Nabadoon ayaa ka hadlay madasha waxa uuna sheegay in muhimadda safarkooda yahay wacyagalin guud iyo sida ay Jaaliyadda feejignaan oga muujin lahayd tuugada qowleystada ee bartilmaameedsada ganacsiga Soomaalida gaar ahaan xilliyada sanad dhamaadka.

Danjire Nabadoon ayaa intaa ku daray in ganacsatada mar walba xiriiro dhaw la sameeyaan Saldhigyada u dhow iyo Safaaradda si loogu hortagga dhibaatooyinka.

Si kastaba Kulankan ayaa imaanayo xilli dhawaanahanba ay soo badanayeen Dilalka Burcada Hubeysan ay ugu geystaan gudaha dalkaasi Muwaadaniinta Soomaaliyeed iyadoo ay ugu dambeysay dilkii November 7, 2020 Muwaadin soomaaliyeed kaasi oo ka dhacay deegaanka Elsis oo Ka Tirsan Magaalada Cape Town.

WD: C/qaadir Axad Dhaqane Rustenburg.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...